Ma waxaa la yaab dadka ku noqday inaan u waxyoonno nin ka mid ah (Annagoo leh): U dig dadka oo u bishaaree kuwa rumeysan inay ku leeyihiin cag dhigasho sugnaansho leh Rabbigood agtiisa. Waxay gaaladu yidhaahdaan: hubaal kanu waa saaxir iska cad
Isaga Weeye Kan ka dhigay qorraxda ileys ifaya, dayaxana Nuur, oo u qaddaray rugo uu maro si aad u garataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Allaah uma uusan abuurin waxaan ahayn Xaq; Wuxuu u cad- deeyaa calaamooyinka dad garasho leh
Hubaal kuwa (Xaqa) rumeysan ee fala samaha, Rabbigood wuxuu ku hanuunin doonaa iimaankooda darti; waxaa qulquli doona hoostooda webiyo ku yaal Beeraha Barwaaqada ah
Oo hadduu Allaah u soo dedejin lahaa dadka sharka (ay ka baryaan) sida uu ugu soo dedejiyo Khayrka, muddadooda hubaal waa loo oofin lahaa (oo la hallagi lahaa)4. Waxaanse ku daynaa kuwaa aan rajayn la kulankankayaga xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan indha la’aan
Oo marka waxyeello gaadho aadmiga, wuxuu na baryaa isagoo dhinac u jiifa, ama fadhiya ama sare jooga, kolkiise aan ka feydno waxyeellada, wuxuu ku sii socdaa (caasiyoobiddiisa) sidiiyoo aanu marnaba noogu gargaarsan waxyeello gaadhay (inaan ka qaadno). Sidaas baa loogu qurxiyey xadgudbayaasha waxay falayeen
Oo marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, kuwa aan rajeyn la kulankayaga, waxay yidhaahdaan: Noo keen Qur’aan aan aheyn kan, ama beddel. Dheh (Nabi Muxammadow): Igama suurowdo inaan iskay u beddelo; Waxaan uun anigu raacaa waxa la ii waxyoodo. Hubaal waxaan ka cabsan haddii aan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin aad u Weyn
Oo dadku ma ahayn waxaan ahayn ummad keliya (wada heysata diin keliya: Islaamka7), markaas bay iskhilaafeen (waa' dambe), oo haddii aysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa8 (in loo oofiyo muddadooda ama inaaan la ciqaabin cidna iyadoo aan xujo cad u iman), hubaal waa lagu kala xukumi lahaa dhexdooda waxa ay isku khilaafsan yihiin
Isaga Weeye Kan idinka yeela inaad martaan barriga iyo baddaba, jeer marka aad ku jirtaan doonyaha oo ay ku mushaaxaan kuwa saaran (gaalada) dabayl wanaagsan oo ay markaas ku farxaan, ay u timaaddo dabayl kacsan, oo uga yimaadaan mawjaduhu dhinac kasta, oo ay yaqiinsadaan in la hareereeyay, waxay baryaan Allaah iyagoo u keli yeelaya cibaadada, oo leh: Haddii aad naga badbaadiso tani, waxaan hubaal ka mid ahaan doonnaa kuwa mahad naqa
Mataalka noloshan adduunku9 waa uun sida biyo aan ka soo dejinno daruurta, markaas dhirta dhulka oo ay dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ka soo baxaan si riyaaq leh iyagoo isku dheehan halkaa, ilaa marka uu dhulku qaato bilicdiisa kaamilka10 ah oo isqurxiyo oo ay dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas u yimaado Amarkayaga habeen ama maalin, markaas aan ka dhigno gabaahirig (wax la shafay) sidii isagoo aan jirinba shalay! Sidaas baan ugu faah-faahinnaa Aayadaha dad fekera
Waxay leeyihiin kuwa fala wanaagga (abaalgud) kan u wanaagsan (Janno) iyo wax ka zaa’id ah 11(eegista Rabbi). Boor iyo dulli midna ma dabooli doono wejiyadooda. Waa kuwaa ehlu Jannada, oo way ku dhex waari doonaan
Oo Maalinta aan soo wada kulmin doonno iyaga oo dhan, markaas waxaan ku odhan doonnaa kuwii la wadaajiyey cid kale (Allaah cibaadada): Halkiinna jooga, idinka iyo kuwa aad la wadaajiseenba; markaas waan ka sooci doonnaa (iyaga mu’miniinta), oo kuwii ay wax ka wadaajiyeen (cibaadadooda: sannamadii) waxay odhan doonaan: Ma nihin innaga kuwa aad caabudi jirteen
Dheh: Waa kuma kan idinka siiya risiq samada iyo arlada? ama waa kuma kan haya maqalka iyo aragyada? Oo waa kuma kan noole ka soo saara mayd, oo ka soo saara mayd noolaha? Oo waa kuma kan qorsheeya oo iskudubarida arrimaha (uunka)? Markaas waxay odhan doonaan: Allaah. Dheh: Miyeydaan haddaba ka joogeyn (xumaha)
Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo ifka keeni kara uunka billowga horeba haddana dib u soo celin mar kale? Dheh: Allaah baa ifka keena uunka haddana soo celin mar kale. Ee sidee baa marka Xaqa la idiinka iilay
Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo wax ku hanuuniya Xaqa? Dheh: Allaah baa wax ku hanuuniya Xaqa. Ee haddaba ma Kan wax ku hanuuniya Xaqa baa mudan in la raaco, mise mid aan isaguba hanuunsanayn in la hanuuniyo ma’ahee? Ee muxuu haddaba arrinkiinu yahay? Sidee baad wax u xukuntaan
Mise waxay odhanayaan: Wuu been abuurtay? Dheh: haddaba keena Suurad la mid ah, oo u yeedha waxaad awooddaan Allaah sokadi, haddaad tihiin run sheegayaal
Mayee, waxay beeniyaan wax aysan koobinba cilmigiisa, iyo wax uusan weli u imaan fasirkiisu. Sidaas oo kale bay waliba u beeniyeen kuwii ka horreeyay. Ee eeg haddaba sida ay aheyd cidhibta gar ma qaatayaasha
Oo Maalinta uu soo kulmin doono iyagoo dhan, (waxay ahaan doontaa) sida inaysan ku nagaanba (adduunka) waxaan aheyn saacad maalin ka mid ah. oo qaarba qaarkood bay garan doonaan. Waxaa run ahaan khasaari doona kuwa ku sheegay la kunlanka Allaah inuu yahay been, oo ma ay aha kuwo hanuunsan
Oo haddaan ku tusinno (intaad nooshahay) qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsannoba, waa uun Xaggayaga meel noqodkooda, oo Allaah baa u jeeda waxa ay falaan
Ummad walbaa waxay leedahay Rasuul; ee marka uu yimaado Rasuulkoodu, waxaa lagu kala xukumi doonaa dhexdooda si caddaalad ah iyagoo aan lagu gardarroon doonin
Oo hadday naf walba oo gef gashay ay lahaan lahayd waxaa dhulka yaalla oo idil, way isku furan lahayd, oo waxay dareemi doonaan qoomammo marka ay arkaan cadaabta, oo arrinka waa la kala xukumi doonaa dhexdooda si caddaalad ah iyagoo aan lagu gardarroon doonin
Dheh: Bal ii sheega waxa Allaah idiin soo dejiyey oo rizaq ah oo aad ka yeeshaan qaar ka mid ah xaaraan (qaarna) xalaal. Dheh: Ma Allaah baa idin amray, mise Allaah ayaad ka been sheegaysaan
Oo ma jirto wax aad ku sugan tahay oo arrin ah, iyo qayb kasta aad ka akhridaan Qur’aanka, _ iyo camal kasta oo aad fashaan, bal waan idin la joognaa marka aad dhex galeysaan. Oo kagama Qarsoona Rabbigaa (haba ahaadaane) wax saxar le’eg dhulka korkiisa ama cirka gudahiisa, ama wax ka yar ama wax ka weyn bal waxay ku qoran yihiin Kitaab Cad
Wayse beeniyeen, markaas baan badbaadinnay isaga iyo intii ku wehlisay Doonida, oo Waxaan ka dhignay kuwa u hara dhulka oo ka taliya, oo aanu qarqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Ee bal fiiri sida uu ahaa aayaha kuwii loo digay
Markaas baan u soo bixinnay isaga kaddib Rusul dadkoodii, markaas bay ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase rumeyn lahayn waxay horayba u beeniyeen19. Sidaas baan u yeelnaa shaabbad daahda quluubta xadgudbayaasha
Oo Muuse wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaad adigu ku siisey Fircoon iyo xildhibaannadi qurux iyo maal nolosha adduunkan, Rabbiyow! Si ay (dadka) uga lumiyaan Jidkaaga. Rabbiyow! Baabbi'i maalkooda, oo adkee quluubtooda, si ayan u rumeyn jeer ay arkaan Cadaabta Xanuunka Badan
Haddiise aad ka shakisan tahay waxa aan kuu soo waxyoonnay23, weydii kuwa akhriya Kitaabka adiga hortaa. Waxaa xaqiiq kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka
Oo ha baryin Allaah la jirki waxaan wax ku tari karin, waxna aan ku yeeli karin, waayo haddaad sidaa yeesho, haddaba hubaal waxaad ka mid noqoneysaa gar ma qaatayaasha