Back to Languages

Somali - Chapter 11 - Hud

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Hud 11:1

Alif Laam Raa1. (Kani waa) Kitaab, Aayadihiisa la sugay, misna laga soo caddeeyey2, Xagga Xakiimka, Xog Ogaalka ah

Verse 2 — Surah Hud 11:2

Inaydaan caabudin axad aan ahayn Allaah; huubaal anigu waxaan idiin ahay dige ka socda Xaggiisa iyo bishaareeye sida warsan aad ku faraxdaan

Verse 3 — Surah Hud 11:3

Iyo inaad idinku weydiisataan dambi dhaaf Rabbigiin, oo u soo laabataan, wuxuu idin siin sahay aad u wanaagsan oo ku eg muddo la gooyey, oo ku galladeysan Fadligiisa mid kasta oo wanaagsan oo khayr qabe ah. Haddiise aad jeesataan, markaa hubaal waxaan anigu idiinka cab- san cadaab Maalin aad u murugo Weyn

Verse 4 — Surah Hud 11:4

Waa xagga Allaah meel noqodkiinna, oo Isagu waa Kan wax walba Kara

Verse 5 — Surah Hud 11:5

Haddaba hubaal waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan3 (cadaawadooda) Xaggiisa. Haddaba hubaal marka ay isku dedaan maryahooda, Wuxuu Ogsoon yahay waxa ay qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba. Hubaal, wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

Verse 6 — Surah Hud 11:6

Oo ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Allaah irsaaqaddiisu saarnayn. Oo Wuxuu Ogsoon yahay4 rugtiisa degaanka u ah iyo halka uu ku kaydsan yahay. (Waxaasoo) dhammi waxay ku yaalliin Kitaab Caddaan ah

Verse 7 — Surah Hud 11:7

Oo waa Isaga Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix Maalmood, oo Wuxuu ahaa Carshigiisu biyo korkood5, si uu idiin imtixaamo xagga midkiinna idiinku camal wanaagsan. Haddiise aad tidhaahdo:hubaal waa la idin soo bixin doo- naa dhimasho kaddib. Waxay hubaal kuwa rumeysan waaya odhan doonaan: kani ma aha waxaan aheyn sixir caddaan ah

Verse 8 — Surah Hud 11:8

Oo haddaan dib uga dhigno cadaabta ilaa muddo tirsan, waxay hubaal odhan doonaan: Maxaa haysta oo celinaya? Haddaba hubaal maalinta ay u iman doonto (cadaabtu), ma aha wax laga weecin doono, oo waxaa ku dhici doona waxay ku jees jeesayeen

Verse 9 — Surah Hud 11:9

Oo haddaan ka dhadhansiinno aadmiga Xaggayaga Naxariis, markaas aan ka qaadno, hubaal wuxuu noqdaa mid quusta, dafiraad badan

Verse 10 — Surah Hud 11:10

Oo haddaan dhadhansiinno khayr, kaddib waxyeello soo gaaray, wuxuu hubaal odhan doonaa: Waxyeellooyinkii way iga tageen, hubaal wuxuu noqdaa mid farxa faan badan

Verse 11 — Surah Hud 11:11

Marka laga reebo kuwa samir yeesha oo samaha fala, kuwaas waxay mudan dambi dhaaf iyo abaalgud aad u weyn

Verse 12 — Surah Hud 11:12

Ee waa intaasoo aad ka tagi doonto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo6, oo ay ku cidhiidhi noqon doonto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Oo Allaah baa wax walba taladoodah haya

Verse 13 — Surah Hud 11:13

Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay. Dheh: Haddaba Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Allaah ka sokow, haddii aad tihiin run sheegayaal

Verse 14 — Surah Hud 11:14

Haddiise aysan idin ajiibin, haddaba ogaada in lagu soo waxyooday (Qur’aanka) Cilmiga Ilaahay7 iyo inuusan jirin ilaah (Xaq lagu caabudo) Isaga maahee. Ee haddaba idinku ma(u)hoggaansameysaan Muslimiin ahaan

Verse 15 — Surah Hud 11:15

Mid kastoo raba noloshan adduunka iyo quruxdeeda, waxaan ugu oofin doonaa si dhan abaal gudka camalkooda gudaheeda, iyagoon waxba laga dhimi doonin

Verse 16 — Surah Hud 11:16

Kuwan weeye kuwa aan ku laheyn Aakhirada waxaan ahayn Naar; oo waxaa buri doona waxa ay ku faleen dunida oo camallo san ah, oo waxba kama jiraan waxa ay falaan

Verse 17 — Surah Hud 11:17

Ee haddaba ma qof Xujo Cad ka heysta Rabbigi, oo markhaati xaggiisa8 ah uu akhriyo (baa la mid ah mid adduunyo uun dooni); hortina isaga waxaa ahaa Kitaabkii Muuse ee ahaa Hanuun iyo Naxariis? Kuwan baa rumeysan waxa ku soo arooray, Qofkiise rumeysan waaya oo ka mid ah axzaabta (kala duwan), waa Naarta madashiisu: Ee shaki yuu kaa galin. hubaal waa xaq ka yimid Rabbigaa, laakiinse intooda badan dadku ma rumeysna

Verse 18 — Surah Hud 11:18

Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah. Kuwan waxaa la hor keeni doonaa Rabbigood, oo markhaatiyadu9 waxay odhan doonaan: Kuwan weeye kuwii ka been sheegay Rabbigood. Haddaba hubaal Lacnadda Ilaahay baa dushooda ah gar ma qaatayaasha

Verse 19 — Surah Hud 11:19

Kuwa ka jeedsada Jidka Ilaahay oo doona inay ka dhigaan mid qalloocan, oo waa kuwo aan rumeysneyn Aakhirada

Verse 20 — Surah Hud 11:20

Kuwani ma ku baxsan doonaan arlada, oo uma sugnanan doonaan wax gargaarayaal ah Allaah sokadi. Waxaa loo labalaabi doonaa Cadaabta. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan

Verse 21 — Surah Hud 11:21

Kuwan weeye kuwa ay khasaaraha ku dhici doonto nafahaooda, oo waxay waayi dooneen waxay been abuurteen

Verse 22 — Surah Hud 11:22

Hubaal Aakhirada waa iyaga kuwa ugu khasaaraha badan

Verse 23 — Surah Hud 11:23

Hubaal,kuwa rumaysan oo samaha fala oo u khushuuca Rabbigood, _waa kuwaa ehlu Jannadu iyagoo ku dhex waari doona

Verse 24 — Surah Hud 11:24

Mataalka labada kooxood waa sida indhoolaha iyo dhegoolaha, iyo wax arkaha iyo wax maqlaha, Miyey siman yihiin mataal ahaan? Miyeydaan haddaba xusuusaneyn

Verse 25 — Surah Hud 11:25

Oo xaqiiq Waxaan u dirnay Nuux qolodiisii (isagoo leh): hubaal waxaan anigu idiin ahay dige iska cad

Verse 26 — Surah Hud 11:26

In aydaan caabudin waxaan ahayn Allaah, hubaal waxaan anigu idiinka cabsi qabaa cadaab Maalin aad u xanuun badan

Verse 27 — Surah Hud 11:27

Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwa rumeysan waayey (Xaqa) ee ka mid ahaa qolodiisii yidhaahdeen: Kuuma aragno waxaan aheyn qof nala mid ah aan waadheyn, oo ma aragno wax ku raacay aan aheyn kuwa noogu liita (oo iska kaa raacay durbaba markaad u bandhigtay) ka fiirsi la’aan. Oo idinkuma aragno wax aad na dheer tihiin oo fadli ah, mayee, waxaan idiin aragnaa beenalayaal

Verse 28 — Surah Hud 11:28

Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ii sheega, haddii aan ka haysto Xujo Cad xagga Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis Xaggiisa ah, la idinkase indha tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan) idinkoo naceyb u qaba

Verse 29 — Surah Hud 11:29

Oo tolkayow! Idinku weydiisan maayo inaad igu siisaan maal, abaalgudkeyga waxaa ii haya oo keliya Allaah. Oo anigu ma ahi mid debedda u saaraya kuwa (Xaqa) rumeysan. Hubaal waxay la kulmi doonaan Rabbigood, laakiinse Waxaan arkaa inaad tihiin qolo jaahiliin ah

Verse 30 — Surah Hud 11:30

Oo tolkayow! Yaa iiga gargaari doona Allaah, haddi aan iyaga debedda u saaro? Ee miyeydaan haddaba waansameyn

Verse 31 — Surah Hud 11:31

Oo idinkuma odhanayo waxaan hayaa Khasnadaha Ilaahay, oo ma ogi waxa aan muuqan ee qarsoon; oo ma odhanayo waxaan ahay Malag, oo kama odhanayo kuwa ay quursadaan indhihiinnu (inuusan) Allaah marnaba siin doonin wax khayr ah. Allaah baa dhab u ogsoon waxa ku sugan nafahooda, haddii kale hubaal waxaan anigu ka mid noqon gar ma qaatayaasha

Verse 32 — Surah Hud 11:32

Waxay yidhaahdeen: Nuuxow! Dhab ahaan Waad nala doodday oo aad dheerseysay la doodistayada, ee haddaba noo keen waxa aad noogu gooddiso, haddii aad ka mid tahay runlowyada

Verse 33 — Surah Hud 11:33

Wuxuu yidhi: Waxaa uun idiin keeni Allaah, haddii uu doono, oo ma baxsan doontaan

Verse 34 — Surah Hud 11:34

Oo waxna idiinma tari doonto waanadeyda, haddii aan doono inaan idin waaniyo, haddii uu Allaah rabo inuu idin lumiyo. Waa Isaga Rabbiigiin! Oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa

Verse 35 — Surah Hud 11:35

Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Dheh: Haddii aan been abuurtay, aniga buu i saaran yahay dambigayga, oo anigu waan ka eed tirnahay waxaas aad ku dambaabtaan

Verse 36 — Surah Hud 11:36

Oo waxaa loo waxyooday Nuux inaysan cidna ka mid ah dadkaaga rumeyn doonin wixii horay u rumeeyay maahee. Ee ha ka xumaan waxa ay falaan

Verse 37 — Surah Hud 11:37

Oo ku samee Doonida Indhahayaga hortooda iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, oo ha igala hadlin arrinka kuwaa ah gar ma qaatayaasha; hubaal waa la qarqin doonaa

Verse 38 — Surah Hud 11:38

Oo wuxuu billaabay inuu sameeyaa Doonida, oo mar kasta ay soo ag maraan xildhibaannada ka mid ah qolodiisa, way ku qoslaan digasho ahaan. Wuxuu yidhi: Haddii aad nagu qososhaan, hubaal innaguna sidoo kale waa idinku qosolnaa sida aad noogu qososhaanba

Verse 39 — Surah Hud 11:39

Ee waad ogaan doontaan waa kee kan ay ku dhici doonto cadaab dulleysa oo ay ku degi doonto cadaab ma guuraan ah

Verse 40 — Surah Hud 11:40

Jeer markuu Amarkayaga yimid 10 oo biyo ka soo burqadeen tanuurka,Waxaanu nidhi: Ku qaad labo nooc kasta lammaane iyo ehelkaaga, marka laga reebo kuwa uu qowlka horey ugu maray, iyo kuwa rumeysan. Oo ma ay la rumeyn (Xaqa) wax yar ma’ahee

Verse 41 — Surah Hud 11:41

Oo wuxuu yidhi: Ku fuula Magaca Ilaahay, ay ku soconeyso kuna joogsaneyso. Hubaal, Rabbigay xaqiiq waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 42 — Surah Hud 11:42

Oo way la socotay hirar dhexood buuro oo kale ah, oo wuxuu Nuux u dhawaaqay wiilkiisii11, oo wuxuu joogay meel ka baxsan: Wiilkaygow! Nala soo fuul oo ha noqon la jirka gaalada

Verse 43 — Surah Hud 11:43

Wuxuu yidhi: Waxaan isu dumi doonaa magan gal darteed buur iga badbaadin doonta biyaha. (Nuux) wuxuu yidhi: Ma jiro wax ka badbaadi karaa maanta Amarka Ilaahay cid uu u Naxariisto maahee. Oo Waxaa kala dhex galay hirkii, marka wuxuu ka mid ahaa kuwii la qarqiyey

Verse 44 — Surah Hud 11:44

Oo waxaa la yidhi: Dhulkoow, liq biyahaaga, oo daruurtay qaad, biyihiina waxaa laga yeelay inay guraan, amarkii (Ilaahayna) wuu hirgalay12. (Doonidiina) waxay dul degtay Al-Juudi13, oo waxaa la yidhi: Ha fogaadaan qoloda gar ma qaatayaasha ah

Verse 45 — Surah Hud 11:45

Oo wuxuu Nuux u dhawaaqay Rabbigiis oo yidhi: Rabbiyow! Hubaal wiilkaygu wuxuu ka mid yahay ehelkayga, oo ballan qaadkaagu hubaal waa Xaq, oo Waxaad Adigu tahay Kan ugu caadilsan inta wax xukunta

Verse 46 — Surah Hud 11:46

Wuxuu yidhi: Nuuxow! Hubaal ka mid ma aha ehelkaaga; hubaal waa (mid fala) wax kaloo aan ahayn camal wanaagsan, ee ha i weydiisan wax aad u lahayn cilmi. Hubaal Waan ku waaniyaa si aad uga mid noqon jaahiliinta

Verse 47 — Surah Hud 11:47

Wuxuu yidhi: Rabbigayow! waxaan kaa magan galayaa inaan ku weydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Oo haddii aad ii dambi dhaafin oo i naxariisan, waxaan ka mid noqonayaa khasaarayaasha

Verse 48 — Surah Hud 11:48

Waxaa la yidhi Nuuxow! Ku deg Nabad galyo xaggayaga ah iyo barakooyin korkaaga iyo korkooda dadkaa ka mid ah kuwa kula jira, (oo waxaa jiri doona) ummado aan u raaxeyn doonno (in xoogaa muddo ah), kaddib waxaa ka taaban doona Xaggayaga cadaab aad u xanuun badan

Verse 49 — Surah Hud 11:49

Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno, aad ogeyn adiga iyo dadkaaguba kani ka hor. Ee samir yeelo. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha)

Verse 50 — Surah Hud 11:50

Oo xagga Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolow! Caabuda Allaah! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal

Verse 51 — Surah Hud 11:51

Tolkayow! idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah, abaal gudkeyga wuxuu saaran yahay oo keliya Kan i abuuray. Ee ma waydaan haddaba garowsaneyn

Verse 52 — Surah Hud 11:52

Oo tolkayow! Weydiista dembi dhaaf Rabbigiin markaasna u laabta Isaga, Wuxuu idiin soo dirayaa daruuro shubaya roob badan oo darar ah, oo idiinku darayaa xoog xooggiinna, oo ha jeesannina idinkoo dambiilayaal ah

Verse 53 — Surah Hud 11:53

Waxay yidhaahdeen: Huuudow! Noolama aad imaan wax Xujo Cad ah, oo kagama tagayno ilaahyadayada hadalkaaga (darti), oo mana nihin kuwo adiga ku rumaysan

Verse 54 — Surah Hud 11:54

Ma odhan karno waxna aan ahayn in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen waxyeello (waalli). Wuxuu yidhi: Waxaan hubaal marag gashanayaa Allaah, oo idinkuna ka ahaada marag sidoo kale inaan Anigu bannaanka aan ka ahay waxa aad wax la wadaajisaan

Verse 55 — Surah Hud 11:55

Isaga ka soo haray. Ee ii tab dhigta idinkoo isu dhan, oo ha i siinninaba wax nafis ah

Verse 56 — Surah Hud 11:56

Hubaal anigu waxaan isku halleeyaa oo ku Kalsoonahay Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiin, ma jiro (noole) jooga (dhulka) oo uusan heyn foodda. Hubaal, Rabbigay wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan

Verse 57 — Surah Hud 11:57

Haddiise aad dhabarka jeedisaan run ahaan waxaan idin soo gaarsiiyey Risaaladii la iigu soo kiin dhiibay. Oo Wuxuu Rabbigay keeni doonaa qolo kale halkiinna, oo waxna kama dhimi kartaan. Hubaal, Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa

Verse 58 — Surah Hud 11:58

Oo markuu Amarkayaga u yimid inuu fulaa, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumeysey (Xaqa) Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, oo waxaan ka badbaadinnay Cadaab Adag

Verse 59 — Surah Hud 11:59

Oo tani bay ahayd Caad. Waxay dafireen Aayadihii Rabbigood, oo caasiyeen Rusushiisa, oo raaceen amarka macangag kasta oo madax adag

Verse 60 — Surah Hud 11:60

Oo waxaa la raaciyey Nacalad adduunyadan iyo Maalinta Qiyaamahaba. Haddaba hubaal Caad waxay beeniyeen Rabbigood. Haddaba hubaal ha fogaadaan Caad, qolodii Huud

Verse 61 — Surah Hud 11:61

Oo xagga Thammud (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda 14 Allaah, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista dambi dhaaf Isaga, markaas u laabta Xaggiisa. Hubaal Rabbigay wuu dhow yahay ajiibaa (baryada)

Verse 62 — Surah Hud 11:62

Waxay yidhaahdeen: Saalixoow! Runtii waxaad aheyd mid dhexdayada lagu rajo weyn yahay intaan ka hor. Ee ma waxaad (haatan) naga reebaysaa inaan caabudno waxa ay aabbayaashayo caabudayeen? Xaggase waxaa aad noogu yeedho, hubaal waxaan innagu xaqiiq ka qabnaa shaki yaab leh

Verse 63 — Surah Hud 11:63

Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ii sheega haddii aan ka heysto Xujo Cad Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis Xaggiisa ah, Bal yaa haddaba iiga gargaari Allaah, Haddii aan ku caasiyo? Ee iima kordhisaan waxaan aheyn khasaaro

Verse 64 — Surah Hud 11:64

Oo tolkayow! Tani waa Hashii Ilaahay, oo idiin ah calaamad (mucjiso), ee iska daayoo ha daaqdo arlada Ilaahay, oo ha u gaysannina wax waxyeello ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab aad u dhow

Verse 65 — Surah Hud 11:65

Wayse dileen Hashii. Markaasuu wuxuu yidhi: Ku raaxeysta guryihiinna saddex maalmood. Kaasi waa wacad run ah aan la beeninayn

Verse 66 — Surah Hud 11:66

Markaasaa markuu Amarkayaga u yimid inuu fulaa, waxaan ku badbaadinnay Saalix iyo intii rumeysey naxariis ka ahaatay Xaggayaga oo (Waxaanu ka badbaadinnay) dulligii Maalintaas. Hubaal, Rabbigaa, waa Awood Badanaha, Adkaadaha sare ah

Verse 67 — Surah Hud 11:67

Oo Qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay16 kuwii ahaa gar ma qaatayaasha, markaasay noqdeen baqti af gambi u yaal guryahooda

Verse 68 — Surah Hud 11:68

Sidii inaysan weligoodba ku dhex negaan daarahooda. Haddaba hubaal, Thamuud waxay rumeysan waayeen Rabbigood. Haddaba hubaal ha fogaadaan Thamuud

Verse 69 — Surah Hud 11:69

Oo xaqiiq Rusushayadii waxay ula yimaadeen Ibraahiim war san oo farxad leh. Waxay yidhaadeen: Salaam (nabad ahow). Wuxuu ku jawaabay, Salaam ( nabad ahaada) oo wuxuu si degdeg ah sooryo ugu keenay weyl shiilan

Verse 70 — Surah Hud 11:70

Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda17. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, hubaal waxaa naloo soo diray reer Luud

Verse 71 — Surah Hud 11:71

Marwadiisuna waxay taagnayd (halkaa), markaasay qososhay18, markaas waxaan ugu bushaareynay Isxaaq, gadaashina (wiil wiilki) Yacquub

Verse 72 — Surah Hud 11:72

Waxay tidhi: Ma waxaan wiil dhali anigoo habar duqowday ah, oo kani ninkay- gu yahay oday aad u gaboobay? Hubaal Arrinkani xaqiiq waa wax la yaab leh

Verse 73 — Surah Hud 11:73

Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabeysaa Amarka Ilaahay? Naxariista Ilaahay iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadaan reer (Ibraahiimow). Hubaal, Waa Ammaanle, aad u Sharaf Badan

Verse 74 — Surah Hud 11:74

Ee Markay baqdintii ka tagtay Ibraahiim, oo war san oo farxad leh u yimid, wuxuu billaabay inoo nagala doodo arrinta qolodii Luud

Verse 75 — Surah Hud 11:75

Hubaal Ibraahiim xaqiiq waa dulbadane, qalbi jilicsan19, u noqosho badan (Allaah)

Verse 76 — Surah Hud 11:76

Ibraahiimow! Iska daa warkani. Waxaa runtii yimid Amarka Rabbigaa inuu fulo. Oo hubaal iyaga waa inuu u yimaado cadaab aan dib loo celin kareyn

Verse 77 — Surah Hud 11:77

Oo markay Rusushayadii u yimaadeen Luud. Wuu ka walbahaaray20 oo wuxuu waayey xoog uu ku difaaco oo yidhi: Tani waa Maalin daran

Verse 78 — Surah Hud 11:78

Oo tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun21. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii22, iyagaa idiinka daahirsan ee ka dhowrsada (Ciqaabka) Ilaahay oo ha igu dulleynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan

Verse 79 — Surah Hud 11:79

Waxay yidhaahdeen: Xaqiiq waad ogtahay inaanaan ku laheyn wax xaq ah gabdhahaaga, oo hubaal adigu xaqiiq waad ogsoon tahay waxa aanu rabno

Verse 80 — Surah Hud 11:80

Wuxuu yidhi: Hahe! Ma aan lahaado xoog aan idinku caabbiyo, ama meel aan u ciirsadoo tiir adag leh

Verse 81 — Surah Hud 11:81

Waxay yidhaahdeen: Luudoow! Waxaanu innagu nahay Rusushii Rabbigaa! Sinnaba kuuma soo gaari doonaan, ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo yuusan midkiinna dib u soo jeesan marwadaada maahee, hubaal wax kastoo ku dhaca iyaga, baa iyadana ku dhici doona, hubaal ballankoodu waa subaxa hore, miyuusan subaxu dhoweyn

Verse 82 — Surah Hud 11:82

Haddaba markii uu Amarkayagii yimid, Waxaan u rognay af gambi oo korkoodii hoos marinnay, oo Waxaanu roob kaga dhignay dhagxayo dhoobo shidan ah oo is daba jooga

Verse 83 — Surah Hud 11:83

La soo calaamadiyey (ciqaab darteed) Rabbigaa agti, oo ma aha wax ka fog xuma falayaasha

Verse 84 — Surah Hud 11:84

Oo xagga Madyan (Waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Allaah, ma lihidin Ilaah kale ( oo xaq ah) aan aheyn Isaga, oo ha dhimina beegga iyo miisaanka, hubaal waxaan anigu idinku arkaa barwaqo; oo hubaal waxaan idiinka cabsi qabaa Cadaab Maalin wax koobeysa

Verse 85 — Surah Hud 11:85

Oo tolkayow! Oofiya beegga iyo miisaanka si caddaalad ah, oo ha ka duudsinnina dadka waxyaalahooda, oo ha ku bi'innina dhulka fasaadkaad faleysaan

Verse 86 — Surah Hud 11:86

Waxa ku baaqiga ah Allaah agtiisa ayaa idiin roon haddii aad tihiin mu’miniin, oo anigu idiin ma ahi kormeere

Verse 87 — Surah Hud 11:87

Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Ma waxay salaadahaadu ku amraan inaan ka tagno waxay caabudeen aabbayaashayo, ama inaanu ku falin maalkayaga waxaan doonno? Hubaal adigu waxaad tahay dul badanaha wax garadka ah

Verse 88 — Surah Hud 11:88

Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma u fiirsateen, haddii aan ka heysto Xujo Cad xagga Rabbigay, oo I siiyey risiq wanaagsan oo Xaggiisa ah. Oo anigu ma rabo inaan idiin daba maro falidda waxa aan idinka reebo. Ma rabo waxna aan ahayn wax wanaajin intaan karo oo awooddeyda ah. Oo ma jiro axad aan ahayn Allaah oo I waafajin kara talada toosan. Isaga baan isku halleeyaa oo Xaggiisa ayaan goor waliba u soo laabtaa

Verse 89 — Surah Hud 11:89

Oo Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan dambi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, oo qolodii Luud ma aha wax idinka fog

Verse 90 — Surah Hud 11:90

Oo weydiista dambi dhaaf Rabbigiin markaas u soo laabta Isaga. hubaal, Rabbigay waa Naxariis Badane, Gacal ah

Verse 91 — Surah Hud 11:91

Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Fahmi mayno in badan oo waxa aad leedahay ah, oo hubaal waxaaan kuu aragnaana mid daciif ah dhexdayada. Oo haddii aannu kugu xaq dhowreyn tolkaa dhagax tuur baan kugu dili lahayn, oo ma tihid mid naga guuleysan kara

Verse 92 — Surah Hud 11:92

Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma reerka aan ka dhashay baa idin kala darajo roonaaday Allaah? Oo aad halmaamtaan sida waxa aad tuurtaan dhabarrkiinna gadaashiis; hubaal Rabbigay waa koobaa waxa aad fashaan

Verse 93 — Surah Hud 11:93

Oo tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, Anigu sidoo kale waan camal falanayaa. Waad ogaan doontaan dhaqso waa kee kan ay ku iman doonto cadaab dulleysa, oo waa kee kaasi ah beenale, oo dhugta, aniguna sidoo kale waan idinla dhugane (sugayaa natiijada)

Verse 94 — Surah Hud 11:94

Oo markuu Amarkayagii yimid inuu fulo, Waxaan ku badbaadinnay Shucayb iyo intii la rumeysey Naxariis ka ahaatay Xaggayaga. oo qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay kuwii ahaa gar ma qaatayaasha, markaasay noqdeen baqti af gambi u dhex yaal daarahooda

Verse 95 — Surah Hud 11:95

Sidii inayan weligoodba ku noolaan halkaa. Haddaba hubaal ha fogaadaan Madyan sidii ay u fogaadeenba Thamuud

Verse 96 — Surah Hud 11:96

Oo xaqiiq Waxaan ula soo dirnay Muusaa Aayadahayagii iyo Xujo Cad

Verse 97 — Surah Hud 11:97

Xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, waxayse raaceen amarkii Fircoon, oo amarka Fircoon ma aheyn mid toosan

Verse 98 — Surah Hud 11:98

Wuxuu hor kici doonaa tolkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo keeni doonaa hoos xagga Naarta, oo xumaa halka iyaga la keenayo

Verse 99 — Surah Hud 11:99

Oo waxaa lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda24, oo Maalinta Qiyaamaha, xumaa deeqda la siin doono

Verse 100 — Surah Hud 11:100

Arrinkani waa xaalka (aayihii) magaalooyinka aan kaaga sheekeyno; waxaa ka mid ah kuwo taagan iyo kuwo (kale) oo la halaagay

Verse 101 — Surah Hud 11:101

Oo ma aanu ku gardarroon, laakiinse iyaga baa waxay ku gardarroodeen nafahooda. Markaa waxna uma tarin ilaahyadoodii Allaah sokadi ay baryi jireen, markuu Amarka Rabbigaa u yimid inuu fulo, oo uma ay kordhin waxaan aheyn baabbba’a

Verse 102 — Surah Hud 11:102

Oo waa sidaas oo kale qabashada Rabbigaa marka uu qabto magaalooyinka iyagoo gar ma qaatayaal ah, hubaal, Qaba-shadiisu waa mid xanuun badan oo daran

Verse 103 — Surah Hud 11:103

Hubaal waxaa arrinkani ugu jira xaqiiq calaamad ciddii ka cabsata Cadaabka Aakhirada, tani waa Maalin dadka la soo kulmin doono iyagoo dhan, oo tani waa Maalin goob joog la ahaan

Verse 104 — Surah Hud 11:104

Oo uma dib dhigno waxaan ahayn muddo tirsan oo hore loo gooyey

Verse 105 — Surah Hud 11:105

Maalinta ay iman doonto nafina ma hadli doonto Idankiisa la’aanti, markaasi (qaarkood) waxay ahaan doonaan kuwo fajacsan, iyo (kuwo kale) oo aad u faraxsan

Verse 106 — Surah Hud 11:106

Ma kuwaa iyagu fajacsan waxay ku sugnaan doonaan Naarta; waxay ku mutey- san dhexdeeda cartan iyo hiinraag

Verse 107 — Surah Hud 11:107

Iyagoo ku waari doona dhexdeeda inta ay jiraan samooyinka iyo arladu, waxa uu Rabbigaa doono maahee26. hubaal, Rabbigaa waa falaha waxa uu doono

Verse 108 — Surah Hud 11:108

Ma kuwase laga yeelay kuwo faraxsan, waxay ku sugnaan doonaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku dhex waaraya inta ay jiraan samooyinka iyo arlada, waxa uu Rabbigaa doono ma’ahee, deeq aan go’i doonin oo daa'in ah

Verse 109 — Surah Hud 11:109

Ee ha ka Shaki qabin waxa ay kuwaanu caabudaan, ma caabudaan waxaan aheyn waxay caabudeen aabbayaashood mar hore, oo hubaal waxaanu dib ugu oofin doonnaa si dhan saamigooda oo waxba laga dhimeyn

Verse 110 — Surah Hud 11:110

Oo xaqiiq Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka, waase la isku khilaafay, oo haddii aysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa, arrinku hubaal wuxuu ahaan lahaa mid la gooyay dhexdooda; oo hubaal iyagu waxaaba kaga jira shaki aad u weyn

Verse 111 — Surah Hud 11:111

Oo hubaal Rabbigaa wuxuu dhammaan ugu oofin doonaa camalladooda si dhan. Hubaal, waxay camal falaan Waa u Xog Ogaal

Verse 112 — Surah Hud 11:112

Ee weligaa hay dhabbaha toosan sida lagu amrayba, (adiga) iyo sidoo kale kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Allaah), oo ha xadgudbina. hubaal, Waa uu arkaa Waxa aad camal fashaan

Verse 113 — Surah Hud 11:113

Oo ha u liicina kuwa ah gardarroolayaasha, si ayan Naari idin taaban, oo ma lihidin Allaah sokadi wax ilaaliyayaal ah, markaas la idiinma gargaari doono

Verse 114 — Surah Hud 11:114

Oo oog salaadda, labada dacal ee maalinta iyo saacadaha hore ee habeenka. hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun27, tani waxay u tahay waano kuwa waana qaata

Verse 115 — Surah Hud 11:115

Oo samir yeelo; hubaal, Allaah ma dayaco ajarka sama falayaasha

Verse 116 — Surah Hud 11:116

Maxaase looga dhex waayey qaaruumihii idinka horreeyay, dad leh garasho, oo ka reeba Fasahaadka dhulka dhexdiisa,_ wax yar mooyee oo ka mid ahaa kuwii aan ka badbaaddinnay dhexdooda? Oo kuwii ahaa gar ma qaatayaasha waxay daba galeen wixii loogu raaxeeyey, oo waxay ahaayeen dambiilayaal

Verse 117 — Surah Hud 11:117

Oo kama suurowdo Rabbigaa inuu u halaago magaalooyinka gardarro iyagoo ay dadkoodu u dhaqmaan si wanaagsan

Verse 118 — Surah Hud 11:118

Oo haddii uu doono Rabbigaa, wuxuu hubaal ka dhigi lahaa dadka ummad keliya,mase dayn doonan inay iskhilaafaan

Verse 119 — Surah Hud 11:119

Mid uu Rabbigaa u Naxariisto maahee, oo arrinkani (towxiidka) awgi buu U abuuray iyaga. Oo Kelmedda Rabbigaa waa mid la oofiyo: Hubaal, Waxaan ka wada buuxin doonaa Naar jinka iyo dadka iyagoo dhammi (kuwooda i caasiya)

Verse 120 — Surah Hud 11:120

Oo dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Oo waxaa kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq, iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta

Verse 121 — Surah Hud 11:121

Oo ku dheh kuwa aan rumaysnayn: U camal fasha sidiinnaas ee dowga idinla ah, hubaal innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaa

Verse 122 — Surah Hud 11:122

oo suga, innaguna (sidoo kale) waanu sugaynaa

Verse 123 — Surah Hud 11:123

Oo Allaah baa iska leh waxa aan Muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, oo Xaggiisa baa loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isaga oo Keliya oo isku hallee. Oo Rabbigaa ma aha mid moog waxa aad fashaan