Haddaba hubaal waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan3 (cadaawadooda) Xaggiisa. Haddaba hubaal marka ay isku dedaan maryahooda, Wuxuu Ogsoon yahay waxa ay qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba. Hubaal, wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
Oo haddaan dib uga dhigno cadaabta ilaa muddo tirsan, waxay hubaal odhan doonaan: Maxaa haysta oo celinaya? Haddaba hubaal maalinta ay u iman doonto (cadaabtu), ma aha wax laga weecin doono, oo waxaa ku dhici doona waxay ku jees jeesayeen
Ee waa intaasoo aad ka tagi doonto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo6, oo ay ku cidhiidhi noqon doonto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Oo Allaah baa wax walba taladoodah haya
Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay. Dheh: Haddaba Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Allaah ka sokow, haddii aad tihiin run sheegayaal
Kuwan weeye kuwa aan ku laheyn Aakhirada waxaan ahayn Naar; oo waxaa buri doona waxa ay ku faleen dunida oo camallo san ah, oo waxba kama jiraan waxa ay falaan
Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah. Kuwan waxaa la hor keeni doonaa Rabbigood, oo markhaatiyadu9 waxay odhan doonaan: Kuwan weeye kuwii ka been sheegay Rabbigood. Haddaba hubaal Lacnadda Ilaahay baa dushooda ah gar ma qaatayaasha
Kuwani ma ku baxsan doonaan arlada, oo uma sugnanan doonaan wax gargaarayaal ah Allaah sokadi. Waxaa loo labalaabi doonaa Cadaabta. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan
Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ii sheega, haddii aan ka haysto Xujo Cad xagga Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis Xaggiisa ah, la idinkase indha tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan) idinkoo naceyb u qaba
Oo idinkuma odhanayo waxaan hayaa Khasnadaha Ilaahay, oo ma ogi waxa aan muuqan ee qarsoon; oo ma odhanayo waxaan ahay Malag, oo kama odhanayo kuwa ay quursadaan indhihiinnu (inuusan) Allaah marnaba siin doonin wax khayr ah. Allaah baa dhab u ogsoon waxa ku sugan nafahooda, haddii kale hubaal waxaan anigu ka mid noqon gar ma qaatayaasha
Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Dheh: Haddii aan been abuurtay, aniga buu i saaran yahay dambigayga, oo anigu waan ka eed tirnahay waxaas aad ku dambaabtaan
Oo ku samee Doonida Indhahayaga hortooda iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, oo ha igala hadlin arrinka kuwaa ah gar ma qaatayaasha; hubaal waa la qarqin doonaa
Oo wuxuu billaabay inuu sameeyaa Doonida, oo mar kasta ay soo ag maraan xildhibaannada ka mid ah qolodiisa, way ku qoslaan digasho ahaan. Wuxuu yidhi: Haddii aad nagu qososhaan, hubaal innaguna sidoo kale waa idinku qosolnaa sida aad noogu qososhaanba
Jeer markuu Amarkayaga yimid 10 oo biyo ka soo burqadeen tanuurka,Waxaanu nidhi: Ku qaad labo nooc kasta lammaane iyo ehelkaaga, marka laga reebo kuwa uu qowlka horey ugu maray, iyo kuwa rumeysan. Oo ma ay la rumeyn (Xaqa) wax yar ma’ahee
Oo way la socotay hirar dhexood buuro oo kale ah, oo wuxuu Nuux u dhawaaqay wiilkiisii11, oo wuxuu joogay meel ka baxsan: Wiilkaygow! Nala soo fuul oo ha noqon la jirka gaalada
Wuxuu yidhi: Waxaan isu dumi doonaa magan gal darteed buur iga badbaadin doonta biyaha. (Nuux) wuxuu yidhi: Ma jiro wax ka badbaadi karaa maanta Amarka Ilaahay cid uu u Naxariisto maahee. Oo Waxaa kala dhex galay hirkii, marka wuxuu ka mid ahaa kuwii la qarqiyey
Wuxuu yidhi: Nuuxow! Hubaal ka mid ma aha ehelkaaga; hubaal waa (mid fala) wax kaloo aan ahayn camal wanaagsan, ee ha i weydiisan wax aad u lahayn cilmi. Hubaal Waan ku waaniyaa si aad uga mid noqon jaahiliinta
Waxaa la yidhi Nuuxow! Ku deg Nabad galyo xaggayaga ah iyo barakooyin korkaaga iyo korkooda dadkaa ka mid ah kuwa kula jira, (oo waxaa jiri doona) ummado aan u raaxeyn doonno (in xoogaa muddo ah), kaddib waxaa ka taaban doona Xaggayaga cadaab aad u xanuun badan
Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno, aad ogeyn adiga iyo dadkaaguba kani ka hor. Ee samir yeelo. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha)
Oo xagga Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolow! Caabuda Allaah! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal
Ma odhan karno waxna aan ahayn in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen waxyeello (waalli). Wuxuu yidhi: Waxaan hubaal marag gashanayaa Allaah, oo idinkuna ka ahaada marag sidoo kale inaan Anigu bannaanka aan ka ahay waxa aad wax la wadaajisaan
Haddiise aad dhabarka jeedisaan run ahaan waxaan idin soo gaarsiiyey Risaaladii la iigu soo kiin dhiibay. Oo Wuxuu Rabbigay keeni doonaa qolo kale halkiinna, oo waxna kama dhimi kartaan. Hubaal, Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa
Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ii sheega haddii aan ka heysto Xujo Cad Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis Xaggiisa ah, Bal yaa haddaba iiga gargaari Allaah, Haddii aan ku caasiyo? Ee iima kordhisaan waxaan aheyn khasaaro
Oo tolkayow! Tani waa Hashii Ilaahay, oo idiin ah calaamad (mucjiso), ee iska daayoo ha daaqdo arlada Ilaahay, oo ha u gaysannina wax waxyeello ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab aad u dhow
Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda17. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, hubaal waxaa naloo soo diray reer Luud
Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabeysaa Amarka Ilaahay? Naxariista Ilaahay iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadaan reer (Ibraahiimow). Hubaal, Waa Ammaanle, aad u Sharaf Badan
Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Ma waxay salaadahaadu ku amraan inaan ka tagno waxay caabudeen aabbayaashayo, ama inaanu ku falin maalkayaga waxaan doonno? Hubaal adigu waxaad tahay dul badanaha wax garadka ah
Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma u fiirsateen, haddii aan ka heysto Xujo Cad xagga Rabbigay, oo I siiyey risiq wanaagsan oo Xaggiisa ah. Oo anigu ma rabo inaan idiin daba maro falidda waxa aan idinka reebo. Ma rabo waxna aan ahayn wax wanaajin intaan karo oo awooddeyda ah. Oo ma jiro axad aan ahayn Allaah oo I waafajin kara talada toosan. Isaga baan isku halleeyaa oo Xaggiisa ayaan goor waliba u soo laabtaa
Oo Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan dambi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, oo qolodii Luud ma aha wax idinka fog
Oo tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, Anigu sidoo kale waan camal falanayaa. Waad ogaan doontaan dhaqso waa kee kan ay ku iman doonto cadaab dulleysa, oo waa kee kaasi ah beenale, oo dhugta, aniguna sidoo kale waan idinla dhugane (sugayaa natiijada)
Oo ma aanu ku gardarroon, laakiinse iyaga baa waxay ku gardarroodeen nafahooda. Markaa waxna uma tarin ilaahyadoodii Allaah sokadi ay baryi jireen, markuu Amarka Rabbigaa u yimid inuu fulo, oo uma ay kordhin waxaan aheyn baabbba’a
Hubaal waxaa arrinkani ugu jira xaqiiq calaamad ciddii ka cabsata Cadaabka Aakhirada, tani waa Maalin dadka la soo kulmin doono iyagoo dhan, oo tani waa Maalin goob joog la ahaan
Ee ha ka Shaki qabin waxa ay kuwaanu caabudaan, ma caabudaan waxaan aheyn waxay caabudeen aabbayaashood mar hore, oo hubaal waxaanu dib ugu oofin doonnaa si dhan saamigooda oo waxba laga dhimeyn
Ee weligaa hay dhabbaha toosan sida lagu amrayba, (adiga) iyo sidoo kale kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Allaah), oo ha xadgudbina. hubaal, Waa uu arkaa Waxa aad camal fashaan
Oo ha u liicina kuwa ah gardarroolayaasha, si ayan Naari idin taaban, oo ma lihidin Allaah sokadi wax ilaaliyayaal ah, markaas la idiinma gargaari doono
Oo oog salaadda, labada dacal ee maalinta iyo saacadaha hore ee habeenka. hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun27, tani waxay u tahay waano kuwa waana qaata
Oo dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Oo waxaa kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq, iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta