Back to Languages

Somali - Chapter 12 - Yusuf

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Yusuf 12:1

Alif Laam Raa1. Kuwakani waa Aayaadka Kitaabka ka yeela arrimaha (caddaan) iska muuqda

Verse 2 — Surah Yusuf 12:2

Hubaal Annaga baa soo dejinnay Qur’aan Carabi ah si aad u fahantaan

Verse 3 — Surah Yusuf 12:3

Annaga ayaa kaaga sheekeeneyna sheekooyinka tan u wanaagsan, ee aanu kuugu waxyoonno Qur'aankan, inkastoo kan ka hor, aad aheyd hubaal mid ka mid ah kuwa aan waxba ogeyn

Verse 4 — Surah Yusuf 12:4

Waa tii uu Yuusuf ku yidhi aabbihii: Aabbow! Hubaal waxaan arkay kow iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa, waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan

Verse 5 — Surah Yusuf 12:5

Wuxuu yidhi: Wiilkaygiiyow! Ha uga sheekeyn riyadaada walaalahaa, si aanay kuugu dhigin shir qool iyo dabin kaa dhan ah: hubaal Shaydaanku wuxuu u yahay aadmiga cadow iska cad

Verse 6 — Surah Yusuf 12:6

Oo sidaas buu kuu dooran doonaa Rabbigaa oo uu ku bari doonaa fasirka riyooyinka oo uu kuu dhammeystiri doonaa Nicmaddiisa adiga iyo reer Yacquub, sidii uu ugu dhammeystirayba horey aabbayaashaa Ibraahiim iyo Isxaaq. Hubaal Rabbigaa waa wax kasta Oge, Xakiim ah

Verse 7 — Surah Yusuf 12:7

Run ahaan Yuusuf iyo walaalihii, waxaa ugu sugan calaamooyin warsadayaasha

Verse 8 — Surah Yusuf 12:8

Waa tii ay yidhaahdeen: Xaqiiq Yuusuf iyo walaalki3 baa ku weyn uuna naga jecel yahay aabbaheen, innagoo ah kulan ka xoog badan. hubaal aabbaheen xaqiiq wuxuu ku sugan yahay baadi caddaan ah

Verse 9 — Surah Yusuf 12:9

Dila Yuusuf ama ku tuura alro (uun), si uu idiinku gaar noqdo Wejiga Aabbahiin, oo taasi ka dambow aad noqotaan dad wanaagsan

Verse 10 — Surah Yusuf 12:10

Hadlaa ka mid ah (Judah) baa wuxuu yidhi: Ha dilina Yusuuf ee ku tuura ceel salkiis, haddii ay tahay inaad fashaan, si ay qaar ka mid ah socotoda safar dheer ku jirta u soo qaataan

Verse 11 — Surah Yusuf 12:11

Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaa kuugu wacan oo aad noogu aamini weydey Yusuuf? Oo hubaal waxaanu innagu u nahay run ahaan daacad wanaag la doona

Verse 12 — Surah Yusuf 12:12

Nala dir isaga berri si uu u soo miro mireysto oo dheelo, oo hubaal innagu xaqiiq waan ilaalin doonnaa

Verse 13 — Surah Yusuf 12:13

Wuxuu yidhi: Hubaal Waa i murugo gelisaa inaad la tagtaan. Oo waxaan ka cabsi qabaa inay yey cunto idinkoo mooggan

Verse 14 — Surah Yusuf 12:14

Waxay yidhaahdeen: Hubaal haddii ay yey cunto innagoo waliba ah kulan (xoog leh), markaa hubaal, waa inaanu ahaanno xaqiiq khasaaro qabayaal

Verse 15 — Surah Yusuf 12:15

Markii ay la tageen oo ay ku heeshii-yeen iyagoo dhammi inay dhigaan gunta ceel salki. Oo Waxaan u waxyoonnay: Waxaad hubaal(maalin uun) u sheegi doon- taa arrinkani iyagoo aan dareensaneyn

Verse 16 — Surah Yusuf 12:16

Oo waxay u yimaadeen aabbahood habeen goor fiid ah iyagoo ooyaya

Verse 17 — Surah Yusuf 12:17

Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Hubaal Waanu baxnay innagoo tartamayna, oo kaga tagnay Yuusuf Alaabtayada agteed, markaas bay yey cuntay oo adigu nama ru- maysan doontid walow aan run sheegayno

Verse 18 — Surah Yusuf 12:18

Oo waxay keeneen shaarkiisii oo leh dhiig been ah4. Wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiinka yeeshay arrinkan wax sahlan oo yar. Sabarkaase wanaagsan. Oo Allaah waa Kan laga kaalmeysto waxa aad tilmaameysaan

Verse 19 — Surah Yusuf 12:19

Oo halkaa waxaa yimid socoto, oo waxay direen biyo dhaamiyahoodii, oo wuxuu hoos ugu sii daayey wadaantiisii. Wuxuu yidhi: Waa war san oo farxad leh! kani waa kuray yar; oo way qarsadeen badeeco ahaan Oo Allaah waa u Ogaa waxa ay faleen

Verse 20 — Surah Yusuf 12:20

Oo waxay siisteen qiimo yar,_ dhowr qadaadiic oo fiddo ah, oo waxay muujiyeen inaysan rabitaan u heyn isaga

Verse 21 — Surah Yusuf 12:21

Oo kii reer Masar ahaa5 ee gatay isaga wuxuu ku yidhi marwadiisii: Sii hoy sharaf leh, waa intaasoo uu na anfaco ama ka dhiganno wiil. Oo sidaas baan ugu awood siinnay Yuusuf arlada, iyo inaan barno fasirka dhacdooyinka. Oo Allaah waa ku guuleystaa arrinkiisa, laakiinse dadku badankiisu ma oga

Verse 22 — Surah Yusuf 12:22

Oo marka uu tabar galay oo gaaray xoogsigiisa, waxaan siinnay Xikmad iyo aqoon, oo sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha

Verse 23 — Surah Yusuf 12:23

Oo tii uu gurigeedii joogay baa doontay inay u soo jiiddo xumaan, oo waxay aad u xidhay albaabbadii oo tidhi: Ii kaalay, Wuxuu yidhi: Allaah baan magan galay. Hubaal Rabbigay wuxuu wanaajiyey hoygeyga. hubaal geflowyada ma guuleystaan

Verse 24 — Surah Yusuf 12:24

Oo runtii way isu diyaarisay oo goosatay (inay u soo jiiddo falka xunee zinada), isaguna wuu u liici lahaa6, haddii uusan arki lahayn Xujada cad ee Rabbigi. Sidaas (waxay ahayd) si aan uga duwno xumaanta iyo falxumada. Hubaal wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga daacadda ah

Verse 25 — Surah Yusuf 12:25

Oo waxay labaduba u degdegeen albaabka, oo waxay ka jeexday shaarkiisa xagga dambe, oo waxay kula kulmeen ninkeedii albaabka. Waxay tidhi: Muxuu yahay ciqaabka kan la doona xumaan xaaskaaga, aan aheyn in la xabbiso ama la marsiiyo cadaab xanuun badan

Verse 26 — Surah Yusuf 12:26

Wuxuu yidhi: Iyada baa doontay inay ii soo jiiddo xumaan (zino); oo markhaati ka mid ah ehelkeeda baa ka marag kacay: Haddii shaarkiisa laga jeexay dhinaca hore, run bay sheegeysaa, oo isagu wuxuu ka mid yahay beenalayaasha

Verse 27 — Surah Yusuf 12:27

Haddiise shaarkiisa laga jeexay dhinaca dambe, been bay sheegeysaa, oo isagu wuxuu ka mid yahay runlowyada

Verse 28 — Surah Yusuf 12:28

Markaasuu markuu arkay shaarkiisa oo ka jeexan gadaal, wuxuu yidhi: Hubaal, waa tabtiinna idinka haweenka ah, hubaal tabtiinnu waa ay weyn tahay

Verse 29 — Surah Yusuf 12:29

Yuusufow! Iskaga jeedso waxakan7 oo (xaaskaygaay) u weydiiso cafis danbigaaga. Hubaal waxaad ka mid tahay kuwa gafaye

Verse 30 — Surah Yusuf 12:30

Oo haween ku sugan magaalada waxay yidhaahdeen: Marwadii wasiirka waxay dooneysaa inay u soo jiiddo xumaan wiilka yar ee addoonkeeda ah, hubaal wuxuu ku saameeyey si qoto dheer jaceylkiisa, hubaal waxaan xaqiiq u aragnaa inay ku sugan tahay gef muuqda

Verse 31 — Surah Yusuf 12:31

Haddaba markay maqashay hadalkooda xanta ah bay u cid dirtay oo u diyaarisay marti qaad wanaagsan; oo siisay mid walba oo ka mid ah middi, oo (ku) tidhi (Yuusuf): U soo bax. Markaasay markay arkeen aad u weyneysteen, oo iska gooyeen gacmahoodii (iyagoo la cajabsan). oo yidhaahdeen; Allaah baa ka hufan (nuqsaan)8 Kani maba aha qof caadi ah! Kani ma aha waxaan aheyn malag sharaf leh

Verse 32 — Surah Yusuf 12:32

Waxay tidhi: Kani waa kii aad igu eedayseen, oo xaqiiq aniga baa doonay inaan soo jiito, wuuse is dhowray, oo haddii uusan falin waxa aan amrayo, waxaa hubaal la dhigi doonaa xabsiga, oo wuxuu hubaal ka mid noqon doonaa kuwa la liido

Verse 33 — Surah Yusuf 12:33

Wuxuu yidhi: Rabbiyow! xabbiska baan ka jeclahay waxa ay iigu yeeraan. Oo haddii aadan Adigu iga weecin tabtooda, waan u janjeersan doonaa oo ka mid noqon doonaa jaahiliinta

Verse 34 — Surah Yusuf 12:34

Markaas buu Rabbigi ka aqbalay baryadiisa oo ka weeciyey khiyaanadooda, hubaal waa Isaga Wax kasta Maqlaha, Wax kasta Ogsoon

Verse 35 — Surah Yusuf 12:35

Markaas baa waxaa u muuqday kaddib markay arkeen9 caddeymaha inay xidhaan ilaa muddo

Verse 36 — Surah Yusuf 12:36

Oo waxaa la galay xabsiga labo nin oo dhallinyaro ah, midkood baa wuxuu yidhi: Waxaan is arkay anigoo miiraya khamro. Oo kii kale wuxuu yidhi: Aniguna waxaan is arkay anigoo ku sida madaxeyaga korkiisa kibis ay shimbiruhu wax ka cuneen. Noo sheeg fasirkeeda. Hubaal waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha

Verse 37 — Surah Yusuf 12:37

Wuxuu yidhi: Ma jirto halkaa cunto idiinku imaan doonta oo la idinku irsaaqo, oo aanan idiin sheegi doonin labadiinna fasirkeeda ka hor inta aysan idiin imaan. kani waa wax ka mid ah waxa Rabbigay i baray. Hubaal waxaan anigu iskaga tagay diinta qolo aan rumaysnayn Allaah oo iyagu ah kuwa beeniya Aakhirada

Verse 38 — Surah Yusuf 12:38

Oo waxaan raacaa diinta Aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub; naguma habboona inaan waxna u shariig yeelno Allaah waxay ahaadaanba. Arrinkani waa Fadliga Ilaahay noo galay innaga iyo dadkaba, laakiinse dadka badankiisu ma mahad naqaan

Verse 39 — Surah Yusuf 12:39

Labadayda saaxiib ee xabsigow! Ma rabbiyo kala duwan baa fiican mise Allaah Waaxidka , Awoodda sare leh

Verse 40 — Surah Yusuf 12:40

Ma aad caabuddaan Sokadi waxaan aheyn magacyo aad bixiseen idinka iyo aabbayaashiin oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah11. Xukunka ma leh waxaan aheyn Allaah. Wuxuu amray inaydaan caabudin waxaan aheyn Isaga Keligii. Arrinkani baa ah diinta toosan, laakiinse dadka badankiisu ma oga

Verse 41 — Surah Yusuf 12:41

Labadayda Saaxiib ee xabsigow12! Ma midkiin, wuxuu u shubi doonaa mudanahiisa khamri uu cabbo, ma midka kalese, waa la deldeli doonaa, markaas shimbiruhu waxay wax ka cuni doonaan madaxiisa. Arrinka waa loo xukumay la xidhiidha waxa aad iga wareysateen

Verse 42 — Surah Yusuf 12:42

Oo wuxuu ku yidhi midkoodii uu ogaaday inuu badbaadayo: Igu xus rabbigaa agtiisa; ha yeeshee Shaydaan baa halmaansiiyey inuu u xuso rabbigiis, markaas buu ku sii jiray xabsiga dhowr sannadood

Verse 43 — Surah Yusuf 12:43

Oo Boqorkii wuxuu yidhi: Hubaal waxaan arkaa toddoba sac oo buur-buuran, oo ay toddobo caato ah cuneen, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan, iyo (toddobo) kale oo qallalan. ee mudanayaalow! Ii caddeeya fasirka riyadayda, haddii aad fasiri kartaan riyooyinka

Verse 44 — Surah Yusuf 12:44

Waxay yidhaahdeen: Waa riyooyin qarow isku qasan ah, oo innagu ma naqaanno fasirka riyooyinka

Verse 45 — Surah Yusuf 12:45

Oo mid ka mid ah labadii (maxbuus) kii isagu badbaaday oo xusuustay muddo dheer kaddib baa yidhi: Aniga baa idiin sheegi doona fasarkiisa ee i dira

Verse 46 — Surah Yusuf 12:46

Yuusuf, run badanow! Noo caddee fasirka toddoba sac oo buur-buuran oo ay toddobo caato ahi cuneen, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan iyo (toddobo) kale oo qallalan si aan ugu laabto dadka si ay u ogaadaan

Verse 47 — Surah Yusuf 12:47

Wuxuu yidhi: Waxaad wax beeran doontaan toddobo sano oo xiriir ah ee waxaad goosataan u daaya sabuulkiisa wax yar maahee oo ka mid ah kaad cuni doontaan

Verse 48 — Surah Yusuf 12:48

Markaas waxaa imaan doona intaas kaddib toddobo (sannadood) oo dar-daran, oo aad cuni doontaan waxa aad horay u dhigateen wax yar maahee oo ka mid ah wixii aad dhowrateen

Verse 49 — Surah Yusuf 12:49

Markaas waxaa imaan doona intaas kaddib sano ay dadku heli doonaan roob oo ay dhexdi miiran doonaan (cinabyo)

Verse 50 — Surah Yusuf 12:50

Oo boqorkii wuxuu yidhi: Ii keena isaga. Markaasuu markuu farriin sidihii u yimid, wuxuu yidhi: U noqo rabbigaa oo weydii isaga waa maxay xaalka haweenkii iska gooyey gacmahooda? Hubaal, Rabbigay waa ogsoon yahay khiyaanadooda

Verse 51 — Surah Yusuf 12:51

Wuxuu yidhi: Muxuu ahaa arrinkiinnu markaad doonteen inaad u soo jiiddaan xumaan Yuusuf? Waxay yidhaahdeen: Allaah baa ka hufan (nuqsaan)! Kuma aanu ogin wax xumaan ah xaggiisa13. Oo marwadii wasiirka waxay tidhi: Hataan xaqu waa cad yahay, aniga baa doonay inaan u soo jiido xumaan, oo hubaal isagu wuxuu xaqiiq ka mid yahay run sheegayaasha

Verse 52 — Surah Yusuf 12:52

Sidani waa inuu ogaado inaanan ku khiyaanin maqnaashihii iyo inuusan Allaah toosinin tabta khaa’iniinta

Verse 53 — Surah Yusuf 12:53

Oo ma eed tirayo nafteyda14, hubaal naftu xaqiiq waa xume amarto, mid uu Rabbigay u naxariisto maahee. hubaal Rabbigay waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 54 — Surah Yusuf 12:54

Oo boqorkii wuxuu yidhi: Ii keena isaga, waxaan u dooran doonaa nafteyda. Markaasuu markuu la hadlay, wuxuu yidhi: hubaal waxaad ku tahay agtayada maanta sharafle, la aamino

Verse 55 — Surah Yusuf 12:55

Wuxuu yidhi: Iiga dhig (mas’uul) khasnadaha arlada. Hubaal waxaan anigu ahay xafide aamin ah, aqoon leh

Verse 56 — Surah Yusuf 12:56

Sidaas baan ugu siinnay Yuusuf awood dhan arlada, wuxuu ku hantay maamul dhan dhexdeeda meesha uu doonoba. Waxaan ku galladeysannaa Naxariistayada cidda aan doonno, oo ma dayacno abaalka sama falayaasha

Verse 57 — Surah Yusuf 12:57

Oo xaqiiq abaalka Aakhirada baa aad ugu sii khayr badan kuwa (Xaqa) rumeysan ee ka dhowrsasda (xumaha)

Verse 58 — Surah Yusuf 12:58

Oo Yuusuf walaalihiis baa yimid15, oo u soo galeen isaga, markaasuu aqoonsaday iyagoon garanayn

Verse 59 — Surah Yusuf 12:59

Oo markuu qalabeeyey oo siiyey sahaydoodii, wuxuu yidhi: Ii keena walaal aad leedihiin oo xagga aabbihiin ah. Miyeydaan arkayn inaan bixiyo beeg dhan, iyo inaan Anigu u wanaagsnahay inta wax marti gelisa

Verse 60 — Surah Yusuf 12:60

Haddiise aydaan ii keenin, ma lahaan doontaan beeg (galley ah) xaggeyga, mana ii soo dhowaan doontaan

Verse 61 — Surah Yusuf 12:61

Waxay yidhaahdeen: Waxaan ku dadaaleynaa inaan ka yeelno aabbihi inuu oggolaado, oo waa hubnaa inaan faleyno

Verse 62 — Surah Yusuf 12:62

Oo wuxuu ku yidhi shaqaalahiisii: U dhex geliya badeecaddoodii rarkooda17, si ay u gartaan markay u noqdaan reerkooda, si ay u soo laabtaan

Verse 63 — Surah Yusuf 12:63

Markaasay markay u laabteen aabbahood, waxay yidhaahdeen: aabbow! Waa naloo diiday wax beeg ah (hadda kaddib). Ee nagu dar walaalkayo18, waxaan soo heli doonnaa beeg dhan, hubaal innagu xaqiiq waanu ilaalin

Verse 64 — Surah Yusuf 12:64

Wuxuu yidhi: Ma idinku aamini karaayo waxaan ahayn sidii aan idiinku aaminay walaalki awal hore. Allaah baase ah Kan u Wanaagsan ilaaliye, oo Isaga baa u Naxariis Badan inta naxariisata

Verse 65 — Surah Yusuf 12:65

Oo markay fureen alaabtoodii waxay heleen badeecaddoodii oo loo soo ceshay19. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaan (kaloo) rabi karnaa? Tani waa badeecaddayadii oo naloo soo ceshay, marka waxaan ugu keenni doonnaa galley (hor leh) reerkayaga oo waan ilaalin doonnaa walaalkayo oo soo kororsan doonnaa rati muggiis oo beeg siyaado ah. Kanu waa beeg sahlan

Verse 66 — Surah Yusuf 12:66

Wuxuu yidhi: Idinkuma dari doono sinnaba jeer aad i siisaan ballan adag oo aad ku dhaarataan Magaca Ilaahay, inaad hubaal dib xaqiiq iigu keeni doontaan, iyadoo la idin hareereeyo si dhan maahee, oo markay siiyeen ballankooda, wuxuu yidhi: Allaah baa waxa aanu leennahay u tala saarannay oo la isku halleeyaa

Verse 67 — Surah Yusuf 12:67

Oo wuxuu yidhi: Wiilashaydow! Ha ka wada gelina (idinkoo dhan) albaab keliya ee ka gala albaabbo kala duwan, waxnana idiinkama tari karo xagga Allaah. Xukunka waxaa iska leh Allaah Keliya. Isaga baan isku halleeyaa ee dhammaan kuwa wax isku halleeya, Allaah ha isku halleeyaan

Verse 68 — Surah Yusuf 12:68

Oo marka ay uga galeen sidii uu amray aabbahood, waxba ugama tarin innaba ha ahaatee (Qaddarka) Ilaahay, waxayse aheyd oo keliya rabitaan ku jirtay nafta Yacquub oo uu gutay. Oo hubaal wuxuu lahaa cilmi, ee waxa aanu barnay ah, laakiinse dadka badankiisu ma oga

Verse 69 — Surah Yusuf 12:69

Oo markay u galeen Yuusuf, wuxuu la soo galay qol walaalki oo ku yidhi: Waxaan anigu ahay walaalkaa, ee ha ka murugoon waxa ay falayeen

Verse 70 — Surah Yusuf 12:70

Oo markuu qalabeeyey oo siiyey raashinkoodii, (qof) baa dhex galiyey koobkii wax lagu beegayey boorsadii walaalki. markaas waxaa dhawaaqay dhawaaqe (leh): Safaryahow! Waxaad hubaal tihiin xaqiiq tuugo

Verse 71 — Surah Yusuf 12:71

Intay ku soo jeesadeen, bay waxay yidhaahdeen waa maxay waxaa aad weydeen

Verse 72 — Surah Yusuf 12:72

Waxay yidhaahdeen: Waxaanu weynay koobkii21 wax lagu beegayey ee boqorka, kii isagu keenaana wuxuu leeyahay (abaal gud ah) awr muggiis (oo raashin ah); oo Aniga baa ka damiin ah

Verse 73 — Surah Yusuf 12:73

Waxay yidhaahdeen: Wallaahi! Waad og tihiin run ahaan inaannu innagu u imaan inaan ku falno fasahaad arlada, oo ma ahin tuugo

Verse 74 — Surah Yusuf 12:74

Waxay yidhaahdeen: Waa maxay haddaba jazaha arrinkani22, haddii aad tihiin beenlowyo

Verse 75 — Surah Yusuf 12:75

Waxay yidhaahdeen: Jazaha arrinkani23 waa in kii boorsadiisa laga dhex helo, loo heysto isaga naf ahaantiisa (addoon ahaan). Sidaas baan ku jaazaynaa dambiilayaasha

Verse 76 — Surah Yusuf 12:76

Markaasuu wuxuu ka billaabay weelashoodii ka hor weelkii walaalki, markaasuu ka soo bixiyey weelkii walaalki. Sidaas baan wax ugu qorshaynay Yuusuf. Ma ahayn mid bannaan inuu ku qaado walaalki xeerkii boqorka, inuu Allaah doono maahee: Waxaan u qaadnaa kor derejooyin cidda aan doonno, oo waxaa ka sarreeya mid kasta oo cilmi leh, Wax kasta Ogsoonaha (Allaah)

Verse 77 — Surah Yusuf 12:77

Waxay yidhaahdeen: Haddii uu xado, mid la walaal ah baa sameeyey runtii xatooyo waa’ hore: Wuxuuse Yuusuf ku qarsaday naftiisa waxyaalaha uu og yahay24, oo uma uu muujin. Wuxuu yidhi: Idinkaa galay shar kan ka daran, oo Allaah baa dhab u ogsoon waxa aad sheegtaan

Verse 78 — Surah Yusuf 12:78

Waxay yidhaahdeen: Mudanayahow25! Wuxuu leeyahay aabbe, oday aad u weyn, ee midkayo u qaado meeshiisa. Hubaal waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha

Verse 79 — Surah Yusuf 12:79

Wuxuu yiri: Allaah baan ka magan galay, inaan qaadanno qof aan aheyn midkaan alaabtayada ka hellay agtiisa. (haddii aan sidaas yeello), waxaan markaas innagu nahay kuwo aan caadil ahayn

Verse 80 — Surah Yusuf 12:80

Markaasay markay ka quusteen isula baxeen faq gaar ah. Koodii u weynaa (Rubiin) baa wuxuu yidhi: Ma waydaan ogeyn in Aabbihiin ballan adag idiinka qaaday Magaca Ilaahay, iyo sida aad horeyba uga gabood fasheen arrinkii Yuusuf? Sidaa awgeed anigu sinnaba kama tegi doona arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Allaah xukumo arrinkayga26, oo Isaga baa u wanaagsan inta wax Xukunta

Verse 81 — Surah Yusuf 12:81

U laabta Aabbihiin oo dhaha, Aabbow! Hubaal wiilkaagii wax buu xaday, oo ma marag fureyno waxaan aheyn waxa aan ogaannay oo kuma dhowri kareyn ogaal waxa qarsoon ee aan muuqan

Verse 82 — Surah Yusuf 12:82

Oo ka wareyso (dadka) magaaladii aan joognay iyo safarradii aan la soo noqonnay, oo hubaal xaqiiqdii run baan sheegeynaa

Verse 83 — Surah Yusuf 12:83

Wuxuu (Yacquub) yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiin fududeysay arrin. Ee samir fiican (baa ila gudboon). Waa intaasoo Allaah (dib) iigu keeni doono iyagoo dhan. Oo Waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha, Falka sanoo Xakiimka ah

Verse 84 — Surah Yusuf 12:84

Oo wuu ka jeesaday xaggoodii oo yidhi: u walbahaarkaygow Yuusuf! Oo indhahiisu waxay la caddaadeen murugo darteed28 oo ahaa mid aad u tiiraanyeysan

Verse 85 — Surah Yusuf 12:85

Waxay yidhaahdeen: Wallaahi! ma dayn doontid weligaa hadal haynta Yuusuf jeer aad bukaan jiif noqoto ama (jeer) aad ka mid ahaato kuwa halaagsama

Verse 86 — Surah Yusuf 12:86

Wuxuu yidhi: Waxaan oo keliya u sheeganayaa murugadayda iyo walbahaarkeyga Allaah, oo waxaan ka ogahay xagga Allaah29 wax aydaan ogayn

Verse 87 — Surah Yusuf 12:87

Wiilashaydow! Taga oo soo wareysta arrinka Yuusuf iyo walaalki, oo ha ka quusannina Naxariista Ilaahay. Hubaal cidina kama quusato Naxariista Ilaahay aan aheyn qoloda aan rumeysnayn

Verse 88 — Surah Yusuf 12:88

Markaasay markay u soo galeen, waxay yidhaahdeen: Mudanayahow! Dhib baa na taabtay innaga iyo ehelkayagaba, oo waxaanu la nimid badeecad liidata, ee na sii beeg dhan oo noo axsaan fal. Hubaal, Allaah baa u abaal guda axsaan falayaasha

Verse 89 — Surah Yusuf 12:89

Wuxuu yidhi: Ma ogtihiin sidii aad u gasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo markaas ahaa jaahiliin

Verse 90 — Surah Yusuf 12:90

Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad adigu tahay dhab ahaan Yuusuf? Wuxuu yidhi: Waa aniga Yuusuf, oo kani waa walaalkay. Allaah baa runtii noo nicmeeyey. hubaal, kii isagu iska dhowra (xume), oo samir yeesha (waa loo abaal gudaa), waayo hubaal Allaah ma dayaco abaalka sama falayaasha

Verse 91 — Surah Yusuf 12:91

Waxay yidhaahdeen: Wallaahi! Haddaba waxaa runtii naga kaa doortay Allaah, oo waxaanu innagu hubaal aheyn kuwo gefsan

Verse 92 — Surah Yusuf 12:92

Wuxuu yidhi: Ma ahaan doonto korkiinna canaan maanta, Allaah ha idiin dembi dhaafo, oo Isaga baa u Naxariis Badan inta naxariisata

Verse 93 — Surah Yusuf 12:93

Qaata shaarkaygaan, oo ku tuura wajiga aabbahay, waxaa u soo noqon doona aragga, oo ii i imaada idinkoo ay idin wehliyaan ehelediinna oo dhan

Verse 94 — Surah Yusuf 12:94

Oo markii safarkii soo ambabaxay, aabbahood wuxuu yidhi: Hubaal waxaan anigu helayaa caraftii Yuusuf, haddii aydaan igu dhaliileyn inaan isku darsamay

Verse 95 — Surah Yusuf 12:95

Waxay yidhaahdeen: Wallaaahi! Waxaad Hubaal ku sugan tahay gefkaagii hore

Verse 96 — Surah Yusuf 12:96

Markaasuu markuu yimid war san sidihii, wuxuu uga tuuray (shaarkii) 31 wajigiisa, markaasuu u soo noqday araggii; Wuxuu yidhi: Sow idinkuma aan odhan: Waxaan anigu hubaal ka ogahay xagga Allaah wax aydaan idinku ogayn

Verse 97 — Surah Yusuf 12:97

Waxay yidhaahdeen: Aabbahayow! Noo dambi dhaaf dalab, hubaal waxaanu innagu aheyn kuwo gefsan

Verse 98 — Surah Yusuf 12:98

Wuxuu yidhi: Waxaan idiin weydiin doonaa Rabbigay dambi dhaaf, hubaal, waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

Verse 99 — Surah Yusuf 12:99

Markaasay markay u soo galeen Yuusuf, wuxuu soo kaxeeyey waalidki si ay ula degaan oo yidhi: Ku soo gala Masar, haddii Allaah idmo, nabdoonaan

Verse 100 — Surah Yusuf 12:100

Oo wuxuu kor ugu qaaday labadiisa waalid Carshiga oo waxay hortiisa kula dhaceen sujuud (salaan ahaan32), oo wuxuu yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu xaqiiq ka yeelay xaq (run ah). Oo runtii waa i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, oo idinka keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Falka sanoo Xakiimka ah

Verse 101 — Surah Yusuf 12:101

Rabbiyow! Run ahaan Waxaad i siisay wax ka mid ah boqortooyada, oo i bartay fasirka xadiisyada; Kan (Keliya) ee Abuurayow samooyinka iyo arlada! Adigaa ah Gargaaraheyga adduunkan gudahi iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, oo i haleeshii kuwa wanaagsan

Verse 102 — Surah Yusuf 12:102

Kani waa wax ka mid ah wararka la xiriira waxa qarsoon aan muuqan oo aan kuu waxyoonno. Oo ma aadan aheyn mid la jooga iyaga markay go’aansadeen arrinkoodii,iyagoo abaabulayey shirqoollo

Verse 103 — Surah Yusuf 12:103

Oo dadka badankiisu ma rumeyn doonaan si kastoo aad ugu dadaasho

Verse 104 — Surah Yusuf 12:104

Oo kuma weydiisatid iyaga wax abaalgud ah arrinkani darti; wax kale ma aha aan aheyn waanada Caalamka

Verse 105 — Surah Yusuf 12:105

Oo badanaa waxa calaamo ku sugan samooyinka iyo arlada ay soo maraan ee haddana ay ka jeedsadaan

Verse 106 — Surah Yusuf 12:106

Oo badankoodu ma rumeysna Allaah iyagoo wax la wadaajinaya maahee

Verse 107 — Surah Yusuf 12:107

Haddaba ma waxay ka yihiin aamin inay u timaaddo Cadaab daran oo xagga Ilaahay ah, mise inay ugu timaaddo Saacaddu kedis iyagoo aan dareensaneyn

Verse 108 — Surah Yusuf 12:108

Dheh: Kani waa jidkayga; Waxaan ugu baaqaa dadka xagga Allaah, Aniga iyo cid kastoo i raacdaba innagoo yaqiinsan oo ku sugan xujo cad. Oo Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo Nazahan Allaah, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta

Verse 109 — Surah Yusuf 12:109

Oo ma aanu soo dirin hortaa waxaan ahayn rag ka tirsan dadka magaalooyinka kuwaasoo aan u waxyoonnay33. Ma waysan haddaba soconin dhulka oo fiirinin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Oo xaqiiq Daarta Aakhiro baa u khayr roon kuwa ka dhowrsada (xumaha). Ee ma waydaan haddaba garowsaneyn

Verse 110 — Surah Yusuf 12:110

Jeer markay Rusushu quustaan oo yaqiinsadaan in dhab ahaan la beeniyey, markaas ayaa waxaa u yimaada gargaarkayaga, oo aan badbaadinnaa cidda aan doonno, oo lagama celiyo Ciqaabtayada qoloda Dambiilayaasha ah

Verse 111 — Surah Yusuf 12:111

Waxaa xaqiiq ugu sugan qisooyinkooda cashar ay ku cibrad qaataan wax garadka. Ma aha xadiis la been abuuran karo, laakiinse waa xaqiijin wixii ka horreeyey, iyo caddeynta wax kasta iyo hanuun iyo naxariis qolodii rumaysan