Oo waxay ku weydiistaan inaad u soo dedejiso xumaanta5 ka hor samaanta, oo runtii waxaa tagay tusaalooyin (ciqaabeed) hortood. Oo hubaal Rabbigaa xaqiiq waa u dambi dhaaf badan yahay dadka iyagoo gardarro ku sugan. Oo hubaal Rabbigaa xaqiiq ciqaabtiisu aad bay u Daran tahay
Isagaa darti waxaa jira malaa’ig midkoodba uu ku xigsado kan kale8, hortiisa iyo gadaashiisa ah , kuwaasoo ku ilaaaliya Amarka Ilaahay9; hubaal Allaah ma beddelo xaaladda qolo, jeer ay iyagu naf ahaantoodu beddelaan xaaladdooda. Oo marka Allaah la doono qolo xumaan, cidna ma baajin karto, oo ma leh Isaga sokadiis wax u soo gargaari kara
Oo onkodku wuxuu ku tasbiixsadaa xamdigiisa, iyo malaa’igta sidoo kale ka Heybeysigi darteed, oo Wuxuu soo diraa danabyada oo ku dhuftaa cidda uu doono10, weliba waxay ka doodaan arrinka Ilaahay Isagoo Awood Badan oo Ciqaabtiisu aad u Daran Tahay
Isagaa mudan Baryada (cibaadada) Xaqa ah. Oo kuwaa ay baryaan Sokadiisa waxba uma ajiibaan, waxayse11 ka dhigan yihiin mid hore u soo fidsha gacmahiisa xagga biyo ku jira (ceel salki) si ay u soo gaaraan afkiisa, mase soo gaari doonaan, oo ma aha baryada gaaladu waxaan aheyn habaab
Oo wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada waxay u sujuudaan Allaah keliya iyagoo oggol ama qasban, iyo hoosaskooda sidoo kale gelin hore iyo gelin dambeba
Wuxuu ka soo dejiyaa biyo daruurta, markaas bay togaggu qiyaastood (biyo la) durduraan, oo daadku qaadaa xumbada kor sabbaysa, iyo (sidoo kale macdanta) ay dadku dabka gashaan si ay uga sameystaan waxyaalo ay isku qurxiyaan, ama alaabo (qashin ahoo) xumbada la mid ah, sidaas buu Allaah tusaale ugu kala dhigaa Xaqa iyo Baadilka. Marka ma xumbada iyadu way tagtaa sida waxa aan qiimaha lahayn, waxase u leh nafaca dadku wuxuu ku haraa dhulka. Sidaas buu Allaah u dhigaa tusaalayooyinka
Ma mid haddaba og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la'? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansami doona
Beeraha negaadiga oo ay gali doonaan la jirka kuwa samaha fala ee ka mid ah aabbayaashood iyo afooyinkood iyo ubadkoodaba: oo Malaa’igtu waxay uga soo geli doonaan albaab walba (iyagoo leh)
Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo looga soo dejin waayey xagga Rabbigii ka timid? Dheh: hubaal Allaah wuxuu habaabiyaa midka uu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta (Isaga)
Tilmaanta Jannada kuwa toosan loo ballan qaaday, hoosteeda webiyaa qulqula, cunnadeedu waa joogto aan kala go'ayn iyo harkeeduba, tani waa cidhibta kuwa iska jira (xumaha), oo ciribta gaaladu waa Naar
Oo kuwa aan siinnay Kitaabka18 waa ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, oo waxaa ka mid ah xisbiyada (Yuhuudda iyo mushrikiintaba) kuwa diida qaarki. Dheh, Waxaa sideedaba la i amray inaan caabudo Allaah oo aan waxba la wadaajin. Isaga baan (idiin) ku baaqaa, oo waa Xaggiisa noqodkeyku
Oo sidaas baan u soo dejinnay Xukun lagu kala baxo oo af Carabi ah. Oo haddii aad raacdo rabitaannadooda liita kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kama heli doontid xagga Allaah xigaalo kuu gargaarta iyo ilaaliye ku dhowra midna
Oo haddii aan ku tusno qaar ka mid ah waxa aan ugu goodinno ama aan ku oofsanno, waxaa uun adiga korkaaga ah Gaarsiinta (Risaalada), halka ay Annaga na saaran tahay xisaabintoodu
Ma waysan arkayn inaan ku keenno21 baabba’a arlada innagoo ka dhimeyna darfaheeda? Oo Allaah baa xukun gooya ma jiro wax burin kara Xukunkiisa, oo wuu ku Dhaqso badan yahay Xisaabinta