Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 20 - Ta-Ha
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Ta-Ha 20:1
Verse 2 — Surah Ta-Ha 20:2
Kuuguma aanu soo waxyoon Qur’aanka inaad ku hungowdo
Verse 3 — Surah Ta-Ha 20:3
Mayee, waa u waano ciddii ka cabsata (Ilaahay)
Verse 4 — Surah Ta-Ha 20:4
Waa waxyi ka yimid (xagga Allaah ee ah) Kan abuuray arlada iyo samooyinka sare
Verse 5 — Surah Ta-Ha 20:5
Raxmaanku (Allaah)wuxuu kor ahaaday) Carshigiisa dushiisha (si u qalanta)
Verse 6 — Surah Ta-Ha 20:6
Isaga baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa arlada ah iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska
Verse 7 — Surah Ta-Ha 20:7
Oo haddii aad kor codka ugu qaaddo hadalka, haddaba hubaal, Wuu ogsoon yahay sirta iyo waxa weliba ka sii qarsoonaan badan
Verse 8 — Surah Ta-Ha 20:8
Allaah! Ma jiro ilaah (xaq ah) aan Isaga aheyn, Wuxuu leeyahay Magacyada aad u Wanaagga iyo Quruxda Badan
Verse 9 — Surah Ta-Ha 20:9
Oo qisadii Muuse ma ku soo gaadhay
Verse 10 — Surah Ta-Ha 20:10
Markii uu arkay dab, markaasuu wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Jooga halkan! Waxaan hubaal arkaa dab. Waa intaasoo aan idiinka keeno dhimbil aad kulaalsataan, ama aan ka helo dabka wax i tilmaama
Verse 11 — Surah Ta-Ha 20:11
Ee markii uu yimid meeshii uu ka ifiyey dabku, waa loo yeedhay: Muusow
Verse 12 — Surah Ta-Ha 20:12
Anigu waxaan hubaal ahay Rabbigaa! Ee iska bixi kabahaaga, waxaad hubaal joogtaa togga daahirka ah, ee Duwaa
Verse 13 — Surah Ta-Ha 20:13
Oo Aniga baa ku doortay ee dhegayso waxaa laguu waxyoodo
Verse 14 — Surah Ta-Ha 20:14
Hubaal Anigu waxaan ahay Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Aniga, ee Aniga ( oo Keliya) i caabud, oo u oog salaadda Xuskayga
Verse 15 — Surah Ta-Ha 20:15
Hubaal, Saacaddu waa imaanaysaa _ waxaan ku sigtaa inaan ka yeelo caddaan3_si naf walba loogu abaal mariyo waxa ay u dadaasho
Verse 16 — Surah Ta-Ha 20:16
“Ee yaanu mid aan Rumaysnayn oo raaca waxa ay naftii jeceshay kaa weecin xaggeeda4, markaas waad halaagsami
Verse 17 — Surah Ta-Ha 20:17
Oo waa maxay waxakani ku jiraa midigtaada Muusow ?”
Verse 18 — Surah Ta-Ha 20:18
Wuxuu yidhi: “ Waa ushayda, waan cuskadaa, oo waxaan ku garaacaa caleemaha si ay ugu soo daataan arigayga dushiisa, oo waxaa iigu jira dano kale.”
Verse 19 — Surah Ta-Ha 20:19
(Allaah) wuxuu yidhi: “Bal hoos u tuur Muusow!”
Verse 20 — Surah Ta-Ha 20:20
Markaasuu tuuray, mise! Waa mas ordaya
Verse 21 — Surah Ta-Ha 20:21
(Allaah) wuxuu yidhi: “Qaado, oo ha cabsan, Waxaanu ku celin doonnaa sideedii hore
Verse 22 — Surah Ta-Ha 20:22
Oo ku qabo gacantaada dhinacaagaga, waxay soo bixi doontaa iyadoo caddaan ah (ifeysa) iin la’aan, waa calaamad kale
Verse 23 — Surah Ta-Ha 20:23
“Si aanu kuu tusinno wax ka mid ah Aayadahayaga waaweyn
Verse 24 — Surah Ta-Ha 20:24
“U tag Fircoon! Waa uu xad gudbaye.”
Verse 25 — Surah Ta-Ha 20:25
(Muuse) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii waasici (deji) laabtayda
Verse 26 — Surah Ta-Ha 20:26
“Oo ii fududee arrinkayga
Verse 27 — Surah Ta-Ha 20:27
Oo ka fur guntinta carrabkayga
Verse 28 — Surah Ta-Ha 20:28
“Si ay u fahmaan hadalkayga
Verse 29 — Surah Ta-Ha 20:29
“Oo ii yeel wasiir (caawiye) ka mid ah ehelkayga
Verse 30 — Surah Ta-Ha 20:30
Haaruun, walaalkay
Verse 31 — Surah Ta-Ha 20:31
“Ku adkee (xooji) tabarteyda (dhabarkeyga)
Verse 32 — Surah Ta-Ha 20:32
“Oo igala qayb geli (wadaaji) arrinkayga ( Nabinnimada)
Verse 33 — Surah Ta-Ha 20:33
“Si aan kuu xurmo weyneenno oo nazahno in badan
Verse 34 — Surah Ta-Ha 20:34
“Oo aan kuu xusno in badan
Verse 35 — Surah Ta-Ha 20:35
Hubaal Adigu Waxaad tahay Mid mar walba na Arka
Verse 36 — Surah Ta-Ha 20:36
(Allaah) wuxuu yidhi” “Waa lagu siiyey codsigaaga Muusow
Verse 37 — Surah Ta-Ha 20:37
“Oo waxaan kuu nicmeennay waqti kale (oo hore)
Verse 38 — Surah Ta-Ha 20:38
“Markii aan u waxyoonnay hooyadaa wixii aan u waxyoonnay
Verse 39 — Surah Ta-Ha 20:39
Waxaan ku nidhi: ‘Dhex geli isaga sanduuq oo ku tuur webiga (Niil), kolkaasna webigu wuxuu ku tuuri doonaa xeebta, halkaas waxaa qaadan doona mid cadow ii ah, oo isagana cadow u ah! Oo Waxaan ku tuuray dushaada jaceyl lagu jeclaado Xaggeyga ah5, iyo in lagugu barbaariyo Ishayda horteed (waa ilaalinteyda iyo ogaanshaheyga)
Verse 40 — Surah Ta-Ha 20:40
“(Oo waxaan kuu galnay wanaag) markii ay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korineysa (nuujineysa) isaga? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Oo waxaad dishay nin6, waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, oo waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Markaas waxaad halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow
Verse 41 — Surah Ta-Ha 20:41
Oo Waxaan kuu soo saaray Nafteyda
Verse 42 — Surah Ta-Ha 20:42
“La taga adiga iyo walaalkaa Aayadahayga, oo ha ka daalina Xuskayga
Verse 43 — Surah Ta-Ha 20:43
Aada labadiinnuba xagga Fircoon, Xaqiiq, waa uu xadgudabaye
Verse 44 — Surah Ta-Ha 20:44
“Oo kula hadla hadal nugul, waa intaasoo uu waansamo ama uu ka baqaa (Ilaahay)
Verse 45 — Surah Ta-Ha 20:45
Waxay yidhaahdeen: “Rabbiyow! Waxaanu ka cabsan inuu nagu soo degdego si uu noogu gabood falo ama u dhaqmaa si xadgudub badan
Verse 46 — Surah Ta-Ha 20:46
(Allaah) Wuxuu yidhi: Ha cabsannina, hubaal Anigaa idin la jira labadiinnaba, waan maqlayaa oo arkayaa
Verse 47 — Surah Ta-Ha 20:47
Ee u taga labadiinnuba isaga (Fircoon) oo dhahaya: hubaal waxaanu nahay Rususha Rabbigaa, ee nagu dar ilmaha Israa'iil oo ha dhibin, waxaan kuu keennay calaamad xagga Rabbigaa ah. Oo Nabad korkiisa ha ahaato8 kan raaca hunuunka
Verse 48 — Surah Ta-Ha 20:48
Hubaal Waxaa naloo waxyooday in cadaab ku dhici doono mid kastoo (Xaqa) beeniya oo ka jeesta.”
Verse 49 — Surah Ta-Ha 20:49
(Fircoon) wuxuu yidhi: “Oo waa Kuma Rabbigiin, Muusow?”
Verse 50 — Surah Ta-Ha 20:50
(Muuse) wuxuu yidhi: Rabbigayo waa kan siiyey wax walba qaabka uu leeyahay oo markaa u tilmaamay (yoolkeed).”
Verse 51 — Surah Ta-Ha 20:51
(Fircoon) wuxuu yidhi: “Ee ka warran xaalka facyadii hore?.”
Verse 52 — Surah Ta-Ha 20:52
(Muuse) wuxuu yidhi: Cilmigoodu wuxuu la jiraa Rabbigay, Kitaab buu ku yaal. Rabbigay ma gefo, oo wax ma halmaamo_”
Verse 53 — Surah Ta-Ha 20:53
Waa (Isaga) Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan); oo idiinka furay waddooyin dhexdeeda, oo ka soo shubay biyo xagga daruurta, markaas baan ku soo saarnay dhir noocyo kala duwan ah
Verse 54 — Surah Ta-Ha 20:54
Ee (wax ka) cuna (halkaa) oo daaqsada xoolihiinna, hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin (lagu cibrad qaato) kuwa garashada leh
Verse 55 — Surah Ta-Ha 20:55
Xaggeeda (arlada) ayaan idinka abuurnay, oo gudaheeda baan idinku celin doonnaa, oo xaggeeda baan idinka soo dhex saari doonnaa mar kale
Verse 56 — Surah Ta-Ha 20:56
Oo xaqiiq waxaan tusnay isaga (Fircoon) calaamooyinkayaga dhammaantood, waase uu dafiray oo diiday
Verse 57 — Surah Ta-Ha 20:57
Wuxuu yidhi: “Ma waxaad noogu timid inaad nooga saarto dhulkayaga sixirkaaga Muusow
Verse 58 — Surah Ta-Ha 20:58
Haddaba Waxaan innaguna hubaal kuula iman doonnaa sixir la mid ah; ee noo qabo ballan aan ku kulanno annaga iyo adiguba, oo aanaan ka dib dhici doonin annagu iyo adiguba midna oo meel fagaare ah
Verse 59 — Surah Ta-Ha 20:59
(Muuse) wuxuu yidhi: “Ballankiinnu waa maalinta Ciidda, marka dadku isu soo ururaan barqadii.”
Verse 60 — Surah Ta-Ha 20:60
Markaasuu Fircoon tagey, oo isu keenay tabihiisii, markaas yimid
Verse 61 — Surah Ta-Ha 20:61
Muuse wuxuu ku yidhi (sixiroolayaashii uu keenay Fircoon): Magaciin bi'i waaye! Ha ka been sheegina Ilaahay si uusan idiinku dabar goyn cadaab. Oo kii la yimaadaa (been) xaqiiq waa mid hoogay oo halaagsamay.”
Verse 62 — Surah Ta-Ha 20:62
Markaas bay ka doodeen arrinkooda dhexdooda oo qarsadeen faqooda
Verse 63 — Surah Ta-Ha 20:63
“Waxay yidhaahdeen: Kuwani hubaal waa labo saaxir oo doonaya inay idiinkaga saaraan dhulkiinna sixirkooda, oo ay bi'iyaan dariiqadiinna fiican (diintiinna ama dhaqanka iyo caadadiinna)
Verse 64 — Surah Ta-Ha 20:64
“Ee isu geeya Tabtiinna oo imaada idinkoo saf saf ah; waxaa dhabtii liibaani doona maanta kii adkaada ”
Verse 65 — Surah Ta-Ha 20:65
Waxay yidhaahdeen: “Muusow! Ma adigaa hor tuuri ama annaga baa ahaanna kuwa hor tuuri?”
Verse 66 — Surah Ta-Ha 20:66
Wuxuu yidhi: “Mayee, tuura idinka (marka hore)! Mise, xargahoodii iyo ulahoodii, waxaa loogu ekaysiiyey sixirkoodii dartiis sida inay ordayaan
Verse 67 — Surah Ta-Ha 20:67
Markaasuu Muuse ka dareemay naftiisii cabsi
Verse 68 — Surah Ta-Ha 20:68
Waxaanu nidhi: Ha cabsan, hubaal, waa adiga kan sarreyn doona
Verse 69 — Surah Ta-Ha 20:69
Oo tuur waxa ku jira gacantaaada midig! Waxay liqliqi waxa ay sameeyeen, waxa ay sameeyeen wax kale ma aha ee waa oo keliya xeelad saaxir,saaxirna mar- naba ma liibaano, meel uu ka yimaadaba
Verse 70 — Surah Ta-Ha 20:70
Oo sixiroolayaashii waxaa loo riday hoos iyagoo sujuudaya10. Waxay yidhaadeen: Waxaan rumeysannahay Rabbiga Haaruun iyo Muuse.”
Verse 71 — Surah Ta-Ha 20:71
(Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad rumeyneysaan ka hor inta aanan idiin idmin? hubaal, Waa ka idiinku weyn ee idin baray sixirka. Waxaan xaqiiq u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf, oo waxaan xaqiiq idinku daldali doonaa jirridaha geedaha timrta, oo xaqiiq waad ogaan doontaan midkaayagii (aniga ama Rabbiga Muuse) cadaab daran oo daa’ insan
Verse 72 — Surah Ta-Ha 20:72
Waxay yidhaahdeen: “Marnaba kaa dooran mayno waxa noo yimid oo Xujooyin cad ah iyo Kan (Allaah) ee na abuuray11. Ee go'aami wixii aad rabto inaad go'aamiso, waxaad oo keliya wax ka go'aamin kartaa (wixii la xidhiidha) noloshan Adduunka
Verse 73 — Surah Ta-Ha 20:73
Hubaal annagu waxaan rumeynay Rabbigayo si uu noogu dhaafo gefefkayaga iyo waxa aad nagu khasabtay ee sixir ah. oo Allaah baa khayr badan (abaal marin ahaan), oo daa’in sanaan badan12 (cadaab ahaan)
Verse 74 — Surah Ta-Ha 20:74
Hubaal, mid kastoo u yimaada Rabbigiis isagoo dambiile ah, hubaal, abaalkiisu waa Naar, uusan ku dhiman doonin, kuna noolaan doonin
Verse 75 — Surah Ta-Ha 20:75
Mid kastoo se u yimaada (Allaah) isagoo mu’min ah oo samo fashay, kuwaasi baa mudan doona derejooyinka sare (meeqaan ahan)
Verse 76 — Surah Ta-Ha 20:76
Beero ku yaal guryo san oo negaya (bay galayaan) oo ay hoos qul-qulaan webiyo, oo ay ku dhex waari doonaan weligood: oo kaasi waa abaalka kan daahiriya naftiisa13 (shirkiga iyo macaasida)
Verse 77 — Surah Ta-Ha 20:77
Oo Waxaan dhab ahaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo ku leh):” Guura ku bax habeenkii iyagoo ay ku wehliyaan addoomahayga oo uga jeex waddo badda dhexdeeda qallalan14, adigoo aan ka cabsan doonin inuu ku qabto oo ku soo gaaro (Fircoon) oo aan ka cabsan doonin (inaad ku qaraqanto badda)
Verse 78 — Surah Ta-Ha 20:78
Markaas waxaa raacay Fircoon oo wata askarahiisii, oo waxaa halkaas kaga daboo- lay xagga badda waxaasi daboolay
Verse 79 — Surah Ta-Ha 20:79
Oo Fircoon wuxuu marin habaabiyey qolodiisii, oo ma uu hanuunin
Verse 80 — Surah Ta-Ha 20:80
Ilmahii Israa’iilow! Waxaan idinka samata bixinnay cadowgiinnii, oo waxaan idinkula gallay ballan dhinaca midig ee Buurta, oo Waxaan idiin soo dejinnay Manna (macaan_malab)_iyo Salwaa (shim- bir hilib wanaagsan)
Verse 81 — Surah Ta-Ha 20:81
(Annagoo leh) cuna wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan (ee xalaasha ah) oo aan idinku irsaaqnay, oo ha ku xadugudbina (dhulka ) dhexdiis (ama ha ku gardarroonina dadka kale), yeysan idinku dhicin Cadhadayduye. Oo kii ay ku dhacdo cadhadaydu hubaal waa uu halaagsamay
Verse 82 — Surah Ta-Ha 20:82
Oo hubaal Anigu waan u dambi Dhaaf Badanahay mid kastoo isagu toobad keena oo (Xaqa rumeysan oo sama fala,markaas- na hanuunka ku sugnaada oo toosnaada)
Verse 83 — Surah Ta-Ha 20:83
(Allaah wuxuu yidhi), “Oo maxaa kaa soo dedejiyey qoladaadii, Muusow?”
Verse 84 — Surah Ta-Ha 20:84
Wuxuu yidhi: “Waa kuwaan ku soo jooga raadkayga, oo waan kuu soo deg-degay Rabbigayow si aad u raalli ahaato
Verse 85 — Surah Ta-Ha 20:85
(Allaah) wuxuu yidhi: Annagu se waxaan dhabtii imtixaannay qolodaadii gadaashaa (intii aad ka soo tagtay kaddib), oo Saamirigii baa lumiyey.’
Verse 86 — Surah Ta-Ha 20:86
Markaas Muuse buu u noqday qolodiisii isagoo cadheysan oo calool xun, Wuxuu yidhi: “Dadkaygiyow! Ma wuusan Rabbigiin idiin qaadin ballan qaad wanaagsan16? Ee ma waxaa idinku dheeraaday muddadii? Mise waxaad dooneyseen inay idiinka dhacdo Cadho xagga Rabbigiin ah, oo aad markaas ka baxdeen ballankii (wax maqlidda) aad ila gasheen?”
Verse 87 — Surah Ta-Ha 20:87
Waxay yidhaahdeen: “Ugama aanu bixin Ballankii aan kula gallay ikhyaarka- yaga, laakiinse waxaa nala saaray culaysyo ka mid ah qalabkii reer (Fircoon) isku qur- xin jireen17 ah, markaas baan ku tuurnay (dabka), sidaas oo kale ayuu As-Saamiri u tuuray
Verse 88 — Surah Ta-Ha 20:88
Oo wuxuu uga soo saaray (sawir) dibi leh cida dibiga. Oo waxay yidhaahdeen: "Kan waa ilaahiinna iyo ilaaha Muuse, wuuse illoobay
Verse 89 — Surah Ta-Ha 20:89
Miyeynan arkayn in aanu u soo celin kareyn kelmadna (wax jawaab ah), oo aanu u haynin dhib iyo dheef midna
Verse 90 — Surah Ta-Ha 20:90
Oo Haaruun wuxuu ku yidhi ka hor (intaanu soo laaban Muuse): “Dadkaygiyow! Waxaad tihiin kuwo uun lagu imtixaanay arrintani, oo hubaal, Rabbigiin waa (Allaah) Raxmaanka (Naxariistaha), ee i soo raaca oo adeeca amarkayga.”
Verse 91 — Surah Ta-Ha 20:91
Waxay yidhaahdeen: “Ma deyn doonno caabudidda (dibiga) jeer uu noo soo noqdo Muuse.”
Verse 92 — Surah Ta-Ha 20:92
(Muuse) wuxuu yidhi: Haaruunow! Maxaa kuu diiday (inaad ka reebto); markii aad aragtay inay lumayaan
Verse 93 — Surah Ta-Ha 20:93
In aad I soo raacdo? Ee ma waxaad caasiday amarkaygii
Verse 94 — Surah Ta-Ha 20:94
Haaruun wuxuu yidhi: “Ina hooyow! Ha iga soo qaban garkeyga ama madaxeyga midkoodna. Hubaal anigu waxaan ka baqay inaad tidhaahdo: “Waxaad kala qaybisay ilmihii Israa’iil dhexdooda, oo ma aadan dhowrin (ama sugin) qowlkeyga.”
Verse 95 — Surah Ta-Ha 20:95
(Muuse) wuxuu yidhi: “Oo muxuu yahay xaalkaagu Saamiriyow
Verse 96 — Surah Ta-Ha 20:96
Wuxuu yidhi: “Waxaan arkay wax aysan arag. Markaas waxaan ka soo qaaatay sacab muggi (oo ciid ah) raadkii Rasuulka18 (Faraskii jabriil) oo ku tuuray (dabkii lagu riday qalabkii ay isku qurxin jireen si aan uga sameeyo sawir dibi). Sidaas bay ii qurxisay nafteydu
Verse 97 — Surah Ta-Ha 20:97
(Muuse) wuxuu yidhi: haddaba tag oo naga fagow! Oo hubaal, waxaa go’aan ah noloshan inaad tidhaahdo waa lay gooyey19, oo hubaal waxaa kale oo aad leedahay ballan aad dib uga dhici doonin (oo ah cadaabta Aakhiro). Oo dhugo ilaahaagii aad in door ah dul joogtay ee aad caabudaysay. hubaal waanu gubi doonnaa (oo aanu ka dhigi dambas) aanu badda ku qarxinno oo waxba aanu ka hari doonin.’
Verse 98 — Surah Ta-Ha 20:98
Ilaahiinnu waa oo keliya Allaah, ee aanu jirin Ilaah (xaq ah) oo aan Isaga ahayn. Wuxuuna ku koobay wax walba Cilmi
Verse 99 — Surah Ta-Ha 20:99
Sidaas baan (Muxammadow) kuugu soo tebinnaa warar ka mid ah wixii horey u dhacay. Oo Waxaanu xaqiiq kaa siinnay Xaggayaga waano (Qur’aankan)
Verse 100 — Surah Ta-Ha 20:100
Mid kastoo ka jeesta wuxuu markaas xambaaran doonaa Maalinta Qiyaame culaab culus (dambi aad u weyn)
Verse 101 — Surah Ta-Ha 20:101
Iyagoo ku dhex waari (cadaabta). Oo waa wax u xun iyaga maalinta Qiyaamaha culaab ahaan
Verse 102 — Surah Ta-Ha 20:102
Maaalinta buunka la afuufi doono20 (afuufka labaad): oo waxaan isu soo kulmin doonnaa Dambiilayaasha Maalintaa iyagoo indho cawlan
Verse 103 — Surah Ta-Ha 20:103
Oo hoos u wada hadlaya oo isku sheegaya: Ma aydaan joogin waxaan aheyn toban (maalmood adduunka).”
Verse 104 — Surah Ta-Ha 20:104
Annaga baa ka ogsoon waxa ay leeyihiin, marka kooda ugu jid wanaagsani odhan doono, “Ma aydaan joogin (adduunka) waxaan aheyn maalin.”
Verse 105 — Surah Ta-Ha 20:105
Oo waxay wax kaa weydiiyaan buuraha, markaa dheh: Rabbigay baa ku baabbi’n doona qarax isagoo ka dhigaya sida budo ciid ah
Verse 106 — Surah Ta-Ha 20:106
Oo wuxuu ka yeeli doonaa (arlada) meel ban siman ah
Verse 107 — Surah Ta-Ha 20:107
Aad ku dhex arki doonin meel hoosaysa ama sarreysa.”
Verse 108 — Surah Ta-Ha 20:108
Maalintaas waxay iyagu (qof walbaa) raaci doonaa (dhawaaqa) dhawaaqaha isagoo aan leexleexasho lahayn. Oo codadka oo dhan waxay ahaan doonaan kuwo kushuucsan Raxmaanka (Allaah) horti, marka ma maqli doontid waxaan aheyn shanqarta socodka (lugahooda)
Verse 109 — Surah Ta-Ha 20:109
Maalintaas shafeeco wax ma tari doonto, mid maahee uu Raxmaanku (Alle) u idmo oo uu ka raalli yahay hadalkiisa
Verse 110 — Surah Ta-Ha 20:110
Wuxuu (Allaah) ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadhaashooda ah, Mase ku koobi karaan (waxa uu Og yahay) Cilmi
Verse 111 — Surah Ta-Ha 20:111
Oo dhammaan wejiyadu waxay ku khushuuci doonaan (Allaah horti), Noolaha Daa’inka ah, Irsaaqaha waxa uunka jira oo dhan. Oo waxaa xaqiiq hoogi doona kan isagu geysta gef uu ka galo (Allaah ama aadmiga)
Verse 112 — Surah Ta-Ha 20:112
Kan se isagu samo fala isagoo mu’min ah, ma ka cabsan doono gef loo geysto iyo wax loo dhimo midna
Verse 113 — Surah Ta-Ha 20:113
Oo sidaas baan ugu soo dejinnay Qur’aan af Carabi ah, oo ugu celcelinnay si cad digniiniha, bal inay iska jiraan oo ka dhowrsadaan (xumaha), ama uu ku dhaliyo waantow (ama u noqdo wax lagu xusuusto)
Verse 114 — Surah Ta-Ha 20:114
Ee waxaa ka Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uunanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”
Verse 115 — Surah Ta-Ha 20:115
Oo waxaan xaqiiq la galnay ballan Aadam mar hore23, wuuse illoobay, oo kama aanu helin go’aan adag
Verse 116 — Surah Ta-Ha 20:116
Oo (xus) markii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda (sujuud slaan ah) Aadam oo way sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday
Verse 117 — Surah Ta-Ha 20:117
Markaasaan Waxaanu nidhi: Aadamow! Xaqiiq, kani waa kuu cadow adiga iyo xaaskaagaba. Ee yuusan idinka saarin Jannada, si aydaan u dhibaatoon
Verse 118 — Surah Ta-Ha 20:118
Hubaal waxaad (ballan) ku heysataa inaadan ku gaajoon doonin dhexdeeda kuna arradi doonin
Verse 119 — Surah Ta-Ha 20:119
Oo hubaal aad ku harraadi doonin, qorrax kulkeedna kugu dhici doonin
Verse 120 — Surah Ta-Ha 20:120
Markaasuu shaydaan hoos wax ugu sheegay, isagoo ku leh: “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan weligeed dhammaan doonin?”
Verse 121 — Surah Ta-Ha 20:121
Markaasay iyagu (Aadam iyo xaaskiisa) wax ka cuneen, markaas ayey cawradoodii u muuqatay, oo waxay billaabeen inay ku nab nabaan korkooda caleemihii Jannada. Oo Aadam wuxuu ku caasiyey Rabbigi, oo gef galay
Verse 122 — Surah Ta-Ha 20:122
Markaasuu Rabbigiis doortay oo ku galladeystay dambi dhaaf oo hanuuniyey
Verse 123 — Surah Ta-Ha 20:123
(Allaah) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, (firkiinna) waa u cadow qaarba qaarka kale. Oo haddii uu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, markaa mid kastoo raaca hanuunkayga ma ku lumi doono (adduunkan), mana ku dar xumaan doono (Aakhirada)
Verse 124 — Surah Ta-Ha 20:124
Oo mid kastoo ka jeesta waanadayda, hubaal wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, oo waxaa la shir keeni (oo la soo bixin) iMaalinta Qiyaamaha isagoo indha la
Verse 125 — Surah Ta-Ha 20:125
Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad iiga soo saartay (iilka oo i shir keentay Qiyaamaha) anigoo indha la’ anigoo (hadda ka hor) wax arki jiray ”
Verse 126 — Surah Ta-Ha 20:126
(Allaah) wuxuu odhan: Sidaas oo kale waxaa kuu yimid calaamooyinkayagii, waadse iska illowday (oo ka dan la’aatay), sidaas darteed Maanta, waxaa lagaaga tegi oo lagugu illoobi doonaa (Naarta).”
Verse 127 — Surah Ta-Ha 20:127
Oo sidaas oo kale baan u abaal marinaa kan isagu xadgudba, oo aan ru- meyn calaamooyinka Rabbigii, oo cadaabta Aakhiro ayaa sii daran oo joogto daa'in ah
Verse 128 — Surah Ta-Ha 20:128
Haddaba, miyaanay u caddaan iyaga inta aan ummado hallignay iyaga hortood oo ay ku dul socdaan guryahoodii? Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin kuwaasi leh garaadka
Verse 129 — Surah Ta-Ha 20:129
Oo haddii aanay jiri lahayn Kelmed hore oo ka soo fushay Rabbigaa , in dib loogu dhigo abaal marintooda maalin la yaqaan iyo ajal magacaabani, waxaa ku waajibi laheyd25 (cadaab ku dhacda intay joogaan adduunka)
Verse 130 — Surah Ta-Ha 20:130
Ee u samir yeelo waxa ay leeyihiin, oo ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor dhiciddeeda, oo (tuko) qaar ka mid ah saacadaha habeenka iyo dacallada maalinta si aad u raali noqotid
Verse 131 — Surah Ta-Ha 20:131
Oo ha u taagin indhahaaga waxa aan ugu raaxaynay lammaano kala duwan oo iyaga ka mid ah, (wax kale maahee) waa quruxda nolosha adduunka ah si aan ugu imtixaanno, oo risiqa Rabbigaa baa ka khayr badan oo ka daa’in san
Verse 132 — Surah Ta-Ha 20:132
Oo ku amar salaadda ehelkaaga (iyo dadkaba), oo ku samir yeelo gudashada (salaadaha) kuma weydiisaneyno risiq; Annaga baa ku irsaaqeyna. Oo Cidhibta wanaagsan (Jannada) waxaa leh kuwa iska jira (xumaha)
Verse 133 — Surah Ta-Ha 20:133
Oo waxay yidhaahdaan: Muxuu noogu keeni waayey calaamad xagga Rabbigii ah?” Oo miyaanay u imaan caddeyn wixii (ku yaallay) Kutubtii hore
Verse 134 — Surah Ta-Ha 20:134
Oo haddii aan ku halaagi laheyn cadaab isaga ka hor26, waxay hubaal odhan lahaayeen: Rabbiyow! Maxaad noogu soo diri weydey Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga, ka hor inta aanaan ahaan kuwa dulloobay oo dufoobay
Verse 135 — Surah Ta-Ha 20:135
Dheh: Mid walba annaga iyo idinka wax buu sugayaaye ee suga27, waxaad dhowaan ogaan doontaan waa kuwama kuwa ku taagan Jidka Toosan iyo kan isagu hanuunsan