Dadow! Haddii aad shaki ka qabtaan soo bixinta, haddaba hubaal Waxaanu idinka abuurnay ciid, haddana xagga iniin yar, haddana xagga xinjir, haddana xagga rudmo hilib ah, in ka mid ahi la abuuro inna aan la abuurin (qaadis xumo darteed), si aanu idiinku caddayno. Oo Waxaanu ku sugnaa ilmo galeenyada wixii aan doonno ilaa muddo magacaaban. Markaasaan idin soo bixinnaa idinkoo ilmo yar ah, markaas si aad u gaartaan xooggiina. Oo waxaa idin ka mid ah mid la oofsado (isagoo yar), oo waxaa idinka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita, si uusan waxba u ogaan ogaalkii kaddib. Oo Waxaad aragtaa dhulkoo abaar ah, markase aan ku soo shubno biyo korkeeda, la dhaqdhaqaaqda (nolol) oo fuurta oo soo saarta nooc walba oo dhir bilic san oo la jeclaado leh
Wuxuu u yeedhaa oo baryaa mid dhibtiisu uga dhowdahay dheeftiisa; Isaga baa u xun xaqiiq wax laga dhigto gacal, oo u xun xaqiiq wax laga dhigto xigaalo
Ku kastoo moodaya inaanu Allaah u gargaari doonin (Rasuulkiisa) adduun iyo aakhiraba, ha ka soo daldalsho xadhig saqafka oo qoorta ha iskaga gooyo2 (ha isku ceejiyo), oo markaas ha fiirsho bal sidaas inuu ku ciil beelayo
Kuwani4 waa labo is-haya ee isku haya arrinka Rabbigood, marka (ma) kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxaa iyaga loo goyn doonaa maryo Naar ah, biyo kulul oo karaya baa lagu shubi doonaa madaxyadooda korkooda
Hubaal (xagga) kuwa rumeysan diida (Xaqa);oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay iyo Masjidka Xaramka oo aan ka dhignay (wax u furan) oo ay u siman yihiin dadka oo dhan, kan deggan dhexdeeda5 iyo soo booqdahaba. Oo mid kastoo u liicda xume fal uu ka sameeyo dhexdeeda xaq darro, Waxaan dhadhansiin doonaa cadaab aad u xanuun badan
Oo waa tii aan u cayinnay Ibraahiim halka Beydka caaggan, (Annagoo leh): “Ha ii shariig yeelin waxba, oo u daahiri Baydkayga kuwa sameeya dawaafka, oo u istaaga inay tukadaan, iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”
Si ay ugu goob joogaan waxyaalo manaafacaad u leh, oo ay ugu xusaan Magaca Ilaahay maalmo la yaqaan6 korkooda waxa uu siiyey oo ka mid ah duunyada nicmooleyda, ee wax ka cuna, oo wax ka siiya tabaaleysanaha, faqiirka
Markaas ha dhammmeystiraan7 howlaha ay u baahan yihiin ee leh xiiridda timaha iyo is nadiifinta, oo ha oofiyaan yaboohooda, oo ha ku dawaafaan Baydka horreeyey (Kacbada)
Waa sidaase, oo mid kastoo xurmo weyneeya waxyaalaha uu reebay Allaah8, isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Oo waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo (oo laga soo reebay)9 Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, oo ka fogaada hadalka beenta ah
Idinkoo u toosan Allaah, oo aan la wadaajin cidna cibaadada, oo mid kastoo u shariig-yeela cid kale Allaah, wuxuu ka dhigan yahay sida mid ka soo dhacay samada oo ay kala dafayaan shimbiruhu, ama sida mid ay ku tuurayso dabayshu meel aad u gun dheer oo fog
Oo ummad walba waxaan u yeellay cibaado13 (ciid), si ay ugu xusaan Magaca Ilaahay waxa uu siiyey ee xoolaha nicmooleyda ah, ee Ilaahiinnu waa Ilaah Keliya ee u hoggaansama oo u bishaaree kal samayaasha
Kuwa marka la xuso Allaah ay cabsi ka buuxsanto quluubtoodu, iyo kuwaa u samir yeesha wixii ku dhaca (oo musiiba ah) iyo kuwaa u ooga si wanaagsan salaadda, oo wax (fiican) ka bixiya wax ka mid ah waxa aan siinnay
Ma ay gaadho Allaah hilibkeedu iyo dhiiggeedu, laakiinse waxa gaara ee aqbalka ah Xaggiisa waa ka dhowrsoonidiinna (xumaha). Sidaas buu idiinku sakhiray si aad u weyneysaan Allaah hanuunka uu idin hanuuniyey darteed, oo u bishaaree sama falayaasha
Kuwa iyagu haddaan ku siinno awood arlada, amra in la oogo salaadda, oo la bixiyo Zakada, oo amra dadka samaha, oo ka reeba xumaha. Oo Allaah baa ka taliya aayaha arrimaha oo idil
Iyo qolodii Madyanba, oo Muuse (sidoo kale) waa la beeniyey, markaas baan u seeto dheereeyey gaaladii, ka dambowna soo ma aan qaban, ee sidee bay (mid daran u aheyd) inkaartii ku dhacday
Oo miyaanay ku maran dhulka socdaal, si ay u yeeshaan qalbiyo ay wax ku gartaan iyo dhego ay wax ku maqlaan? Oo hubaal, Ma aha indha beel isha oo arag beesha, ee indha beel waa arag beelka quluubta ku jira laabaha
Oo waxay kaa dalbaan inaad u soo dedejiso cadaabta. Oo Allaah marnaba kama baxo Ballankiisa. Oo hubaal, maalin Rabbigaa agtiis ah waxay la mid tahay kun sano waxa aad idinku tirsataan
Oo ma aanu soo dirin hortaa Rasuul ama Nabi aan marka uu hadlayey ( ama wax akhrinayey) aanu wax ku tuurin sheydaanku akhrintiisa, wuxuuse Allaah nasakhaa oo tiraa waxa uu shaydaan soo tuuro. markaas Allaah sugaa Aayadahiisa16. Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah
Waa si u ugaga dhigo waxa uu Shaydaanku soo tuuro imtixaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur iyo kuwa quluubtoodu adag yihiin, oo xaqiiq, daalimiintu (gaalada) waxay hubaal ku sugan yihiin collaytan aad u fog
Oo waa si ay u ogaadaan kuwa la siiyey cilmiga inuu (Qur’aankani) yahay xaq ka yimid Rabbigaa, oo ay markaas rumeeyaan oo ay quluubtoodu u khushuucdo. Oo xaqiiq, Allaah hubaal waa ku hanuuniyaha kuwa rumeysan Jid Toosan
Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waaya ma deyn doonaan inay shaki ka qabaan (Qur’aankani) jeer ay Saacddu ugu timaaddo kedo ama u timaado cadaab Maalin daran oo maalin kale ka dambeyn
Xukunka Maalinkaas waxaa iska leh Allaah, Wuxuu kala xukumi doona dhexdooda. Ee kuwa (Xaqa) rumeysan ee samaha fala waxay geli doonaan beeraha barwaaqada ah (Jannada)
Oo ( ma xagga) kuwa u soo haajira Jidka Ilaahay, markaa la dilo ama dhinta, Wuxuu Allaah hubaal siin doonaa risiq aad u wanaagsan. Oo xaqiiq Allaah waa Kan u wanaagsan inta bixisa risiqa
Waa sidaase, oo kan isagu ku aar guta intii gef loo geystey in le’eg, kaasoo lagu gardarrooday, Allaah hubaal waa u gargaari doonaa. hubaal, Allaah waa Cafis Badane, Dambi Dhaaf Badan
Oo Waxay caabuddaan Allaah sokadi wax uusan u soo dejin wax xujo ah, iyo waxaa aysan u lahayn wax cilmi ah, oo daalimiinta (gaalada, mushrikiinta, iwm) ma heli doonaan wax u soo gargaara
Oo marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxaad ka garan doontaa wejiyada kuwa rumeysan waaya nac! waxay ku sigtaan inay ku soo boodaan kuwa u akhriya Aayadahayaga. Dheh: “Ma idiin sheegaa wax waxakani ka xun20? waa Naarta, Allaah wuxuu u yaboohay kuwa Xaqa diida, oo xumaaa aayotiinka ay ku dambeynayaan
Dadow! Tusaale baa la soo qaadaye ee bal u dhegaysta (si wanaagsan): Hubaal! Kuwa aad baridaan Allaah sokadi ma abuuri karaan duqsi, haba u kulmaane dhammaantood arrinkaa, oo haddii uu duqsigu wax ka dafo, kama soo ceshan karaan. Liidasho badanaa kan wax dooni iyo kan la dooni