Back to Languages

Somali - Chapter 22 - Al-Hajj

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Hajj 22:1

Dadow! Iska jira (Ciqaabka) Rabbigiin! hubaal, Gariirka saacaddu (Qiyaamahu) waa wax murugo weyn oo daran

Verse 2 — Surah Al-Hajj 22:2

Maalinta marka aad arki doontaan, haweeney kastoo ilmo nuujinaysay waxay ka tegi doontaa isku daran darti ilmahay naaska nuujisay, oo haweeney walboo uur leh way dhicin doontaa waxa ay uur ku siddo, oo waxaad arki doontaa dadka oo sakhraansan, mana ahaan doonaan kuwo sakhraansan, laakiinse Cadaabka Ilaahay baa ahaan doonta mid aad u Daran

Verse 3 — Surah Al-Hajj 22:3

Oo waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Ilaahay cilmi la’aan, oo raaca Shaydaan kastoo fallaago ah

Verse 4 — Surah Al-Hajj 22:4

Waxaa loo qoray in mid kastoo gacal ka dhigta (gaal) uu lumin doono, oo ku hagi doono cadaabka hurka badan

Verse 5 — Surah Al-Hajj 22:5

Dadow! Haddii aad shaki ka qabtaan soo bixinta, haddaba hubaal Waxaanu idinka abuurnay ciid, haddana xagga iniin yar, haddana xagga xinjir, haddana xagga rudmo hilib ah, in ka mid ahi la abuuro inna aan la abuurin (qaadis xumo darteed), si aanu idiinku caddayno. Oo Waxaanu ku sugnaa ilmo galeenyada wixii aan doonno ilaa muddo magacaaban. Markaasaan idin soo bixinnaa idinkoo ilmo yar ah, markaas si aad u gaartaan xooggiina. Oo waxaa idin ka mid ah mid la oofsado (isagoo yar), oo waxaa idinka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita, si uusan waxba u ogaan ogaalkii kaddib. Oo Waxaad aragtaa dhulkoo abaar ah, markase aan ku soo shubno biyo korkeeda, la dhaqdhaqaaqda (nolol) oo fuurta oo soo saarta nooc walba oo dhir bilic san oo la jeclaado leh

Verse 6 — Surah Al-Hajj 22:6

Arrinkani waxaa u sabab ah inuu Allaah Xaq yahay, oo uu nooleeyo meytida, iyo inuu wax walba Karo oo awood ku dul leeyahay

Verse 7 — Surah Al-Hajj 22:7

Iyo in Saacadda (Qiyaame) imaneyso, oo shaki ku jirin, iyo in Allaah soo bixin doono waxa ku jira qubuuraha

Verse 8 — Surah Al-Hajj 22:8

Oo waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Ilaahay isagoon u haysan cilmi ama hanuun, ama kitaab ifaya

Verse 9 — Surah Al-Hajj 22:9

Oo leexiya qoortiisa (kibir darti) si uu uga lumiyo (dadka) Jidka Ilaahay. Kaasi waxaa u sugnaaday noloshan adduunka dulli, oo Waxaan dhadhansiin doonnaa Maalinta Qiyaame cadaabta wax gubta

Verse 10 — Surah Al-Hajj 22:10

Arrinkani waa waxay horey u geysteen gacmahaagu, oo Allaah ma aha Mid ku gardarrooda in yarna addoomahiisa

Verse 11 — Surah Al-Hajj 22:11

Oo waxaa ka mid ah dadka mid u caabuda Ilaahay si dhinac ka joog ah1 ( shaki qaba); haddii uu khayr helo, ku xasila kheyrka (iyo diinta) haddiise la marsiiyo imtixaan, u gaddooma wejigiisa (gaalooba) wuxuu khasaaraa adduunka iyo aakhiradaba. Kaasi waa khasaaro iska cad

Verse 12 — Surah Al-Hajj 22:12

Wuxuu baryaa Allaah sokadi waxaan wax yeeleyn oo aan wax u tareyn, Kaasi waa habowga aad u fog

Verse 13 — Surah Al-Hajj 22:13

Wuxuu u yeedhaa oo baryaa mid dhibtiisu uga dhowdahay dheeftiisa; Isaga baa u xun xaqiiq wax laga dhigto gacal, oo u xun xaqiiq wax laga dhigto xigaalo

Verse 14 — Surah Al-Hajj 22:14

Hubaal, Allaah wuxuu gelin doonaa kuwa rumeysan oo samaha fala beero ay hoostoodu wabiyo qul-qulaan. hubaal! Allaah wuxuu Falaa wuxuu Doono

Verse 15 — Surah Al-Hajj 22:15

Ku kastoo moodaya inaanu Allaah u gargaari doonin (Rasuulkiisa) adduun iyo aakhiraba, ha ka soo daldalsho xadhig saqafka oo qoorta ha iskaga gooyo2 (ha isku ceejiyo), oo markaas ha fiirsho bal sidaas inuu ku ciil beelayo

Verse 16 — Surah Al-Hajj 22:16

Oo sidaas baan u soo dejinnay (Qur’aankan) isagoo xujooyin cad ah, oo Allaah wuxuu hanuuniyaa ciddii uu doono

Verse 17 — Surah Al-Hajj 22:17

Hubaal, Kuwa (Xaqa) rumeysan (Muslimiinta), iyo kuwa heysta Yuhuudiyada, iyo Saabi’iinta iyo Nasaarada iyo Majuusta iyo kuwa cid kale la wadaajiya Allaah (cibaadada), hubaal, Allaah baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha. hubaal! Allaah wax walba waa ka Markhaati oo wuu Arkaa

Verse 18 — Surah Al-Hajj 22:18

Sow ma aad arag inay Allaah adeecaan waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo buuraha, iyo geedaha, iyo xoolaha, iyo in badan (oo dadka) ka mid ah, waxaase jira in badan (oo dadka ka mid ah) oo cadaabku u waajibay3. Oo ku kastoo Allaah dulleeyo, ma laha wax darajeyn. Hubaal Allaah wuxuu Falaa wixii uu doono

Verse 19 — Surah Al-Hajj 22:19

Kuwani4 waa labo is-haya ee isku haya arrinka Rabbigood, marka (ma) kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxaa iyaga loo goyn doonaa maryo Naar ah, biyo kulul oo karaya baa lagu shubi doonaa madaxyadooda korkooda

Verse 20 — Surah Al-Hajj 22:20

Waxaa lagula dhalaalin doonaa waxa ku jira uurarkoooda iyo saamaha jirkooda

Verse 21 — Surah Al-Hajj 22:21

Oo waxay ku leeyihiin Naarta dubbayaal bir ah (oo lagu garaaco)

Verse 22 — Surah Al-Hajj 22:22

Mar kasta oo ay doonaan inay ka soo baxaan xaggeeda, murugada heysata darteed, dib baa loogu celin doonaa: “Dhadhamiya cadaabka gubashada leh

Verse 23 — Surah Al-Hajj 22:23

Hubaal, Allaah wuxuu ka yeeli doonaa kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala inay galaan beero ay hoostoodu wabiyo qul-qulaan, waxaa loo xidhi doonaa gudaheeda qurxin darteed shuuliyo dahab iyo luul ah, oo dharkooduna gudaheeda waa xariir

Verse 24 — Surah Al-Hajj 22:24

Oo waxaa lagu hanuuniyaa hadalka kiisa wanaagsan, oo waxaa lagu hanuuniyaa Jidka Kan la ammaano

Verse 25 — Surah Al-Hajj 22:25

Hubaal (xagga) kuwa rumeysan diida (Xaqa);oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay iyo Masjidka Xaramka oo aan ka dhignay (wax u furan) oo ay u siman yihiin dadka oo dhan, kan deggan dhexdeeda5 iyo soo booqdahaba. Oo mid kastoo u liicda xume fal uu ka sameeyo dhexdeeda xaq darro, Waxaan dhadhansiin doonaa cadaab aad u xanuun badan

Verse 26 — Surah Al-Hajj 22:26

Oo waa tii aan u cayinnay Ibraahiim halka Beydka caaggan, (Annagoo leh): “Ha ii shariig yeelin waxba, oo u daahiri Baydkayga kuwa sameeya dawaafka, oo u istaaga inay tukadaan, iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”

Verse 27 — Surah Al-Hajj 22:27

Oo ugu baaq dadka Xajka, waxay kuugu imaan doonaan lug iyo iyagoo fuushan mid bog-xoodan kasta, waxay ka imaan doonaan tub kasta oo fog

Verse 28 — Surah Al-Hajj 22:28

Si ay ugu goob joogaan waxyaalo manaafacaad u leh, oo ay ugu xusaan Magaca Ilaahay maalmo la yaqaan6 korkooda waxa uu siiyey oo ka mid ah duunyada nicmooleyda, ee wax ka cuna, oo wax ka siiya tabaaleysanaha, faqiirka

Verse 29 — Surah Al-Hajj 22:29

Markaas ha dhammmeystiraan7 howlaha ay u baahan yihiin ee leh xiiridda timaha iyo is nadiifinta, oo ha oofiyaan yaboohooda, oo ha ku dawaafaan Baydka horreeyey (Kacbada)

Verse 30 — Surah Al-Hajj 22:30

Waa sidaase, oo mid kastoo xurmo weyneeya waxyaalaha uu reebay Allaah8, isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Oo waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo (oo laga soo reebay)9 Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, oo ka fogaada hadalka beenta ah

Verse 31 — Surah Al-Hajj 22:31

Idinkoo u toosan Allaah, oo aan la wadaajin cidna cibaadada, oo mid kastoo u shariig-yeela cid kale Allaah, wuxuu ka dhigan yahay sida mid ka soo dhacay samada oo ay kala dafayaan shimbiruhu, ama sida mid ay ku tuurayso dabayshu meel aad u gun dheer oo fog

Verse 32 — Surah Al-Hajj 22:32

Waa sidaase, oo mid kastoo xurmo weyneeya calaamooyinka Ilaahay10, tani hubaal waa camal muujinaya taqwada quluubta

Verse 33 — Surah Al-Hajj 22:33

Waxaa idiinku jira (xoolaha loo bixiyey sadaqada) manaafacaad tan iyo muddo magacaaban11 ah, markaas waxaa loo keenaa gowrac Baydka da’da weyn

Verse 34 — Surah Al-Hajj 22:34

Oo ummad walba waxaan u yeellay cibaado13 (ciid), si ay ugu xusaan Magaca Ilaahay waxa uu siiyey ee xoolaha nicmooleyda ah, ee Ilaahiinnu waa Ilaah Keliya ee u hoggaansama oo u bishaaree kal samayaasha

Verse 35 — Surah Al-Hajj 22:35

Kuwa marka la xuso Allaah ay cabsi ka buuxsanto quluubtoodu, iyo kuwaa u samir yeesha wixii ku dhaca (oo musiiba ah) iyo kuwaa u ooga si wanaagsan salaadda, oo wax (fiican) ka bixiya wax ka mid ah waxa aan siinnay

Verse 36 — Surah Al-Hajj 22:36

Oo (ma xagga) ishkinka (xoolaha waaweyn ee loo loogo hadyi ahaanta) waxaan idiinka dhignay wax ka mid ah calaamooyinka Ilaahay, waxaa idiinku jira khayr badan, ee ku xusa Magaca Ilaahay korkooda iyagoo u safan gowrac14, oo markay u dhacdo dhinac, wax ka cuna, oo wax ka quudiya miskiinka dhowrsoon iyo weydiistaha, sidaas baan idiinku sakhirnay bal inaad shukri naqdaan

Verse 37 — Surah Al-Hajj 22:37

Ma ay gaadho Allaah hilibkeedu iyo dhiiggeedu, laakiinse waxa gaara ee aqbalka ah Xaggiisa waa ka dhowrsoonidiinna (xumaha). Sidaas buu idiinku sakhiray si aad u weyneysaan Allaah hanuunka uu idin hanuuniyey darteed, oo u bishaaree sama falayaasha

Verse 38 — Surah Al-Hajj 22:38

Hubaal, Allaah wuu difaaci addoomahiisa rumeysan. Hubaal, Allaah ma jecla mid kasta oo khaa’in ah, abaal dhac badan

Verse 39 — Surah Al-Hajj 22:39

Idan (inay daggaalaamaan) baa la siiyey kuwa dagaalka lagu hayo in la dulmiyey darteed15, oo Allaah waa uu Karaa inuu guul siiyo

Verse 40 — Surah Al-Hajj 22:40

Kuwa looga soo saaray guryahoodii xaq darro, iyaga oo aan waxba geysan, inay yidhaahdaan maahee: Rabbigayo waa Allaah.” Oo haddii aan Allaah ku difaaceyn dadka qaarkoodba qaar, xaqiiq waxaa dumi lahaa sawmacado, kaniisado, macaabid, iyo masaajidyo gudahooda Magaca Ilaahay in badan lagu xuso. Oo Allaah, waa u gargaari doonaa kuwa u gargaara (Arrinkiisa_Kor yeelidda Diinta), xaqiiq, Allaah waa Xoog Badane, Awood Badan

Verse 41 — Surah Al-Hajj 22:41

Kuwa iyagu haddaan ku siinno awood arlada, amra in la oogo salaadda, oo la bixiyo Zakada, oo amra dadka samaha, oo ka reeba xumaha. Oo Allaah baa ka taliya aayaha arrimaha oo idil

Verse 42 — Surah Al-Hajj 22:42

Oo haddii ay ku beeniyaan, haddaba waxaa hortood iyaga beeniyey (anbiyadii) qolodii Nuux, Caad, iyo Thamuud

Verse 43 — Surah Al-Hajj 22:43

Iyo qolodii Ibraahiim iyo qolodii Luud

Verse 44 — Surah Al-Hajj 22:44

Iyo qolodii Madyanba, oo Muuse (sidoo kale) waa la beeniyey, markaas baan u seeto dheereeyey gaaladii, ka dambowna soo ma aan qaban, ee sidee bay (mid daran u aheyd) inkaartii ku dhacday

Verse 45 — Surah Al-Hajj 22:45

Oo badanaa inta magaalo aan rognay iyagoo gardaran, sidaa darteed iyadu ku dambaysay burbur (ilaa iyo maanta), (oo badanaa) inta ceel laga qaxay iyo daaro waaweyn

Verse 46 — Surah Al-Hajj 22:46

Oo miyaanay ku maran dhulka socdaal, si ay u yeeshaan qalbiyo ay wax ku gartaan iyo dhego ay wax ku maqlaan? Oo hubaal, Ma aha indha beel isha oo arag beesha, ee indha beel waa arag beelka quluubta ku jira laabaha

Verse 47 — Surah Al-Hajj 22:47

Oo waxay kaa dalbaan inaad u soo dedejiso cadaabta. Oo Allaah marnaba kama baxo Ballankiisa. Oo hubaal, maalin Rabbigaa agtiis ah waxay la mid tahay kun sano waxa aad idinku tirsataan

Verse 48 — Surah Al-Hajj 22:48

Oo badanaa inta magaalo aan u seeto dheereeyey iyadoo la ceegaagan caddaalad darro, kaddib aan qabtay Oo waa Xaggeyga halka loo soo laabmayo

Verse 49 — Surah Al-Hajj 22:49

Dheh: “Dadow! Waxaan oo keliya anigu idiin ahay dige cad

Verse 50 — Surah Al-Hajj 22:50

Ee (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay leeyhiin dambi dhaaf iyo risiq aad u wanaagsan

Verse 51 — Surah Al-Hajj 22:51

Oo (ma) kuwase u xusul duubta ka hortagga Aayadahayaga, kuwaasi waxay ahaan doonaan ehelka Naarta ololka badan

Verse 52 — Surah Al-Hajj 22:52

Oo ma aanu soo dirin hortaa Rasuul ama Nabi aan marka uu hadlayey ( ama wax akhrinayey) aanu wax ku tuurin sheydaanku akhrintiisa, wuxuuse Allaah nasakhaa oo tiraa waxa uu shaydaan soo tuuro. markaas Allaah sugaa Aayadahiisa16. Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah

Verse 53 — Surah Al-Hajj 22:53

Waa si u ugaga dhigo waxa uu Shaydaanku soo tuuro imtixaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur iyo kuwa quluubtoodu adag yihiin, oo xaqiiq, daalimiintu (gaalada) waxay hubaal ku sugan yihiin collaytan aad u fog

Verse 54 — Surah Al-Hajj 22:54

Oo waa si ay u ogaadaan kuwa la siiyey cilmiga inuu (Qur’aankani) yahay xaq ka yimid Rabbigaa, oo ay markaas rumeeyaan oo ay quluubtoodu u khushuucdo. Oo xaqiiq, Allaah hubaal waa ku hanuuniyaha kuwa rumeysan Jid Toosan

Verse 55 — Surah Al-Hajj 22:55

Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waaya ma deyn doonaan inay shaki ka qabaan (Qur’aankani) jeer ay Saacddu ugu timaaddo kedo ama u timaado cadaab Maalin daran oo maalin kale ka dambeyn

Verse 56 — Surah Al-Hajj 22:56

Xukunka Maalinkaas waxaa iska leh Allaah, Wuxuu kala xukumi doona dhexdooda. Ee kuwa (Xaqa) rumeysan ee samaha fala waxay geli doonaan beeraha barwaaqada ah (Jannada)

Verse 57 — Surah Al-Hajj 22:57

Oo ( ma xagga) kuwase rumeysan diida oo beeniya Aayadahayaga, kuwan weeye kuwa mudan doona cadaab aad u dulleysa

Verse 58 — Surah Al-Hajj 22:58

Oo ( ma xagga) kuwa u soo haajira Jidka Ilaahay, markaa la dilo ama dhinta, Wuxuu Allaah hubaal siin doonaa risiq aad u wanaagsan. Oo xaqiiq Allaah waa Kan u wanaagsan inta bixisa risiqa

Verse 59 — Surah Al-Hajj 22:59

Wuxuu xaqiiq galin doonaa iyaga meel gelitaan ay ka raalli noqdaan. Oo hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Dul qaad Badan

Verse 60 — Surah Al-Hajj 22:60

Waa sidaase, oo kan isagu ku aar guta intii gef loo geystey in le’eg, kaasoo lagu gardarrooday, Allaah hubaal waa u gargaari doonaa. hubaal, Allaah waa Cafis Badane, Dambi Dhaaf Badan

Verse 61 — Surah Al-Hajj 22:61

Arrinkani ku wacan inuu Allaah dhex geliyo habeenka maalinta, oo dhex geliyo maalinta habeenka. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka

Verse 62 — Surah Al-Hajj 22:62

Arrinkani waxaa ku wacan waa in Allaah uu yahay Xaq, iyo waxa ay baryaan sokadi uu yahay Baadil, iyo in Allaah yahay Sarreeyaha, aadka u Weyn

Verse 63 — Surah Al-Hajj 22:63

Miyaanad arag inuu Allaah ka soo shubo biyo druurta, oo markaas dhulku noqdo doog? Hubaal, Allaah waa Roonaan Badane, Xog-Ogaal ah

Verse 64 — Surah Al-Hajj 22:64

Wuxuu leeyahay wax kastoo ku sugan samooyinka iyo wax kastoo ku sugan arlada. Oo hubaal, Allaah waa Hodonka (ka deeqtoon wax waliba) la ammaano

Verse 65 — Surah Al-Hajj 22:65

Miyaanad arag inuu Allaah idiin sakhiray wax kastoo ku sugan dhulka, iyo doonyaha ku socda badda Amarkiisa? Oo Wuxuu ka hayaa cirka inuu ku soo dhaco dhulka Isagoo idmo ma’ahee’ hubaal, Allaah waa Mid dadka xaqiiq u Turid iyo Naxariis Badan

Verse 66 — Surah Al-Hajj 22:66

Oo waa Isaga Kan idin nooleeya, haddana idin dhinsiiya, haddana idin soo nooleyn doona mar kale (Maalinta Qiyaamaha). hubaal, Aadmigu xaqiiq waa mid abaal dhac badan

Verse 67 — Surah Al-Hajj 22:67

Ummad walba waxaan u yeellay hab cibaado oo ay ku cibaadeystaan ee yeyna kugula doodin arrinka (Xaqa), oo ugu yeer xagga Rabbigaa. hubaal, Adigu waxaad xaqiiq ku sugan tahay jid toosan

Verse 68 — Surah Al-Hajj 22:68

Oo haddii ay kula doodaan, dheh: Allaah baa dhab u ogsoon waxa aad fashaan

Verse 69 — Surah Al-Hajj 22:69

Allaah baa idinku kala xukumi doonaa dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha waxa aad isku khilaafsaneydeen.”

Verse 70 — Surah Al-Hajj 22:70

Miyaadan ogayn inuu Allaah og yahay waxa ku sugan samada iyo arlada? hubaal, arrinkani waxay ku yaalliin Kitaab19. hubaal, arrinkani wuu u fudud yahay Allaah

Verse 71 — Surah Al-Hajj 22:71

Oo Waxay caabuddaan Allaah sokadi wax uusan u soo dejin wax xujo ah, iyo waxaa aysan u lahayn wax cilmi ah, oo daalimiinta (gaalada, mushrikiinta, iwm) ma heli doonaan wax u soo gargaara

Verse 72 — Surah Al-Hajj 22:72

Oo marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxaad ka garan doontaa wejiyada kuwa rumeysan waaya nac! waxay ku sigtaan inay ku soo boodaan kuwa u akhriya Aayadahayaga. Dheh: “Ma idiin sheegaa wax waxakani ka xun20? waa Naarta, Allaah wuxuu u yaboohay kuwa Xaqa diida, oo xumaaa aayotiinka ay ku dambeynayaan

Verse 73 — Surah Al-Hajj 22:73

Dadow! Tusaale baa la soo qaadaye ee bal u dhegaysta (si wanaagsan): Hubaal! Kuwa aad baridaan Allaah sokadi ma abuuri karaan duqsi, haba u kulmaane dhammaantood arrinkaa, oo haddii uu duqsigu wax ka dafo, kama soo ceshan karaan. Liidasho badanaa kan wax dooni iyo kan la dooni

Verse 74 — Surah Al-Hajj 22:74

Ma ay qaddarin Allaah qaddarinta uu mudan yahay; hubaal, Allaah xaqiiq waa Xoog Badane, Awood Badan

Verse 75 — Surah Al-Hajj 22:75

Allaah wuxuu ka dhex doortaa Rusul malaa’igta iyo dadkaba. Hubaal, Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka

Verse 76 — Surah Al-Hajj 22:76

Wuxuu ogsoon yahay Waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah. Oo xagga Allaah baa loo celiyaa arrimaha oo dhan

Verse 77 — Surah Al-Hajj 22:77

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Rukuuca oo sujuuda oo caabuda Rabbigiin oo fala khayr aad liibaantaane

Verse 78 — Surah Al-Hajj 22:78

Oo u dadaala Ilaahay Darti dadaal dhab ah. Isaga baa idin doortaye. Oo ma saarin dushiina xagga diinta wax aad ku dhib mudataan, waa dariiqaddii Aabbihiin Ibraahiim. Isaga (Allaah) baa idiin bixiyey ka hor muslimiin iyo Qur’aankan (dhexdiisaba) si uu Rasuulku idiinku ahaado markhaati, oo idinkuna aad markhaati kaga ahaataan dadka. Ee ooga salaadda oo bixiya sakada oo cuskada Allaah oo isku dhowra. Waa Isaga Gacalkiin, Muxuu yahay Gacal wanaagsan, oo muxuu yahay Gargaare Wanaagsan