Back to Languages

Somali - Chapter 23 - Al-Muminun

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Muminun 23:1

Liibanayaal xaqiiq waa mu’miniinta

Verse 2 — Surah Al-Muminun 23:2

Kuwa ku khushuuca salaadahooda

Verse 3 — Surah Al-Muminun 23:3

Ee ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun (sooma oo salaada)

Verse 4 — Surah Al-Muminun 23:4

Ee ah kuwa bixiya sakada

Verse 5 — Surah Al-Muminun 23:5

Ee ah kuwa ka ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah (galmo xaaraan ah)

Verse 6 — Surah Al-Muminun 23:6

U taga uun (galmooda) afooyinkooda ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan1 markaa hubaal ma ah kuwo eed leh

Verse 7 — Surah Al-Muminun 23:7

Kii kastoo se doona wax (galmo) intaas dhaafsiisan, haddaba waa kuwaas xad gudbayaasha

Verse 8 — Surah Al-Muminun 23:8

Ee ah kuwaa ammaanooyinkooda iyo axdiyadooda dhowra

Verse 9 — Surah Al-Muminun 23:9

Ee iyagu xafida salaadahooda

Verse 10 — Surah Al-Muminun 23:10

Waa kuwan dhaxlayaasha

Verse 11 — Surah Al-Muminun 23:11

Ee dhaxli doona Al-Firdaws (Jannada sare) way ku dhex waari doonaan

Verse 12 — Surah Al-Muminun 23:12

Oo xaqiiq Waxaanu ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo

Verse 13 — Surah Al-Muminun 23:13

Haddana Waxaan ka sameynay iniin yar ku sugan gunta meel aamin ah (riximka)

Verse 14 — Surah Al-Muminun 23:14

Markaas waxaan ka dhignay iniintii xinjir, oo waxaan ka dhignay xinjirtii rudmo yar oo hilib ah, oo waxaan u sameynay cadkii hilibka lafo, oo waxaan huwinnay lafihii hilib, markaas waxaan ka unugnay abuur kale. Ee waxaa barako Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha

Verse 15 — Surah Al-Muminun 23:15

Oo hubaal intaas kaddib, xaqiiq idinku waa dhiman doontaan

Verse 16 — Surah Al-Muminun 23:16

Markaa hubaal, idinku Maalinta Qiyaamaha waa la idin soo bixin doonaa

Verse 17 — Surah Al-Muminun 23:17

Oo xaqiiq Waxaan yeelnay korkiinna toddoba samo, oo ma nahin marnaba kuwo moog waxa aan abuurnay

Verse 18 — Surah Al-Muminun 23:18

Oo Waxaanu ka soo shubnay biyo xagga daruurta in qaddaran oo qiyaas ah, oo dhignay dhulka, oo hubaal waan Karnaa inaan la tagno

Verse 19 — Surah Al-Muminun 23:19

Oo waxaan idiinku soo saarnay beero timir ah iyo canab oo aad ka heshaan midho badan oo aad wax ka cuntaan

Verse 20 — Surah Al-Muminun 23:20

Iyo geed ka baxa Buurta Siinaay, oo u soo saarta saliid iyo koosaar (zaytuun) kuwaa cuna

Verse 21 — Surah Al-Muminun 23:21

Oo hubaal waxaa idiinku sugan xoolaha xaqiiq cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxa ku jira uurarkooda, oo waxaa idiinku sugan, manaafacaad (kale) oo badan oo ay idiin leeyihiin, oo iyagana wax ayaad ka cuntaan

Verse 22 — Surah Al-Muminun 23:22

Oo dushooda iyo doonyaha korkooda waa la idinku rar qaadaa

Verse 23 — Surah Al-Muminun 23:23

Oo xaqiiq Waxaanu u dirnay Nuux dadkiisii, markaasuu wuxuu yidhi: Dadkeygiiyow! Caabuda Allaah. Ma lihidin ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn, ee miyeydaan haddaba ka joogeyn (xumaha)

Verse 24 — Surah Al-Muminun 23:24

Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwaasi xaqa diiday oo ka mid ah qolodiisii yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan ahayn qof idinla mid ah, oo raba inuu idin ka sare maro, oo haddii uu Allaah doono, wuxuu soo diri lahaa malaa’ig, ma aanu ka maqal waxakan oo kale aabbayaashayadii hore

Verse 25 — Surah Al-Muminun 23:25

Wax kalena ma uu aha ee waa uun nin waalli qaba, ee u sabra in muddo ah

Verse 26 — Surah Al-Muminun 23:26

Wuxuu yidhi: “Rabbiyow iiga gargaar beenintooda”

Verse 27 — Surah Al-Muminun 23:27

Markaasaan u waxyoonnay (Annagoo leh): “Ku samee doonnida Indhahayaga hortood iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, ee markuu Amarkayagu yimaado, oo togga biyo soo fataho, ku qaad doonnida noole walba lammaanki (lab iyo dheddig) iyo intii ku raacday, aan ahayn kuwaa qowlka (in la halligayo) horay ugu dhacay oo ka mid ah iyaga, oo ha igala hadlin (arrinka) kuwaa gar ma qaatayaasha ah, hubaal waa kuwo la qarqin (hafin) doono

Verse 28 — Surah Al-Muminun 23:28

Ee markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga babaadiyey qoloda gar ma qaatayaasha ah

Verse 29 — Surah Al-Muminun 23:29

Oo dheh: “Rabbiyow! I deji degmo barakaysan, Adigaa ugu wanaagsane inta wax dejisa”

Verse 30 — Surah Al-Muminun 23:30

Hubaal, Arrinkani waxaa ku sugan calaamooyin oo Annagu Waxaanu nahay abad kuwa imtixaama (dadka)

Verse 31 — Surah Al-Muminun 23:31

Markaasaan waxaan soo bixinnay iyaga kadambow fac kale

Verse 32 — Surah Al-Muminun 23:32

Oo Waxaanu u soo dirnay dhexdood Rasuul4 (Nabi Huud) iyaga ka mid ah (oo amraya) Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyey- daan haddaba ka joogeyn (xumaha)

Verse 33 — Surah Al-Muminun 23:33

Oo xildhibaannadii ka mid ahaa dadkiisa ee rumeyn diiday (Xaqa) ee beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah. cunaya wax ka mid ah waxa aad cuntaan, oo cabbaya wax ka mid ah waxa aad cabtaan

Verse 34 — Surah Al-Muminun 23:34

“Oo haddii aad adeecdaan Aadmi idin la mid ah, markaa hubaal waxaad ahaaneysaan xaqiiq khasaara qabayaal

Verse 35 — Surah Al-Muminun 23:35

“Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan ciid iyo lafo in markaa aad ahaan doontaan kuwo la soo bixiyo (nooleeyo mar kale)

Verse 36 — Surah Al-Muminun 23:36

Waa wax fog, oo fog waxa la idiinku gooddiyey (oo aan dhici doonin)

Verse 37 — Surah Al-Muminun 23:37

“Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! waan iska dhimannaa oo iska noolaannaa! Oo ma nala soo bixin doono (mar kale)

Verse 38 — Surah Al-Muminun 23:38

“Ma aha waxaan ahayn nin ku been abuurtay Allaah, oo ma yeeleyno inaan rumeyno.”

Verse 39 — Surah Al-Muminun 23:39

Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar beenitooda

Verse 40 — Surah Al-Muminun 23:40

(Allaah) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay hubaal ahaan doonaan kuwo ka shallaaya (waxa ay leeyihiin)

Verse 41 — Surah Al-Muminun 23:41

Markaasaa waxaa qabtay qarax si xaq ah, oo waxaan ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen dadka ah gar ma qaatayaasha

Verse 42 — Surah Al-Muminun 23:42

Markaa Waxaan soo saarnay iyaga kadambow facyo kale

Verse 43 — Surah Al-Muminun 23:43

Ma jirto ummad ka soo hor mari karta ajasheeda, ama ka dib mari karta

Verse 44 — Surah Al-Muminun 23:44

Markaas Waxaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kasta oo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu waa ay beeniyaan, kolkaas baan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale, oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhacaan qolodii (Xaqa) rumeysan diida

Verse 45 — Surah Al-Muminun 23:45

Markaa Waxaan soo dirnay Muuse iyo walaalki Haaruun oo wata Aayadahayaga5 iyo Xujo Cad

Verse 46 — Surah Al-Muminun 23:46

Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, oo waxay ahaayeen qolo isla sarreeya

Verse 47 — Surah Al-Muminun 23:47

Markaasay waxay yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeysan labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.”

Verse 48 — Surah Al-Muminun 23:48

Markaas bay beeniyeen oo ka mid noqdeen kuwii la rogay

Verse 49 — Surah Al-Muminun 23:49

Oo xaqiiq waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) si ay u hanuunaan

Verse 50 — Surah Al-Muminun 23:50

Oo Waxaan ka dhignay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad, oo waxaanu ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo ilo biyo socda leh

Verse 51 — Surah Al-Muminun 23:51

(idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Hubaal waan ogahay waxa aad fashaan

Verse 52 — Surah Al-Muminun 23:52

Oo hubaal, Tani diintiinna ah ( Islaamka) waa diin mid keliya ah. oo Anigu waxaan ahay Rabbiigiin, ee dhowra (xilka aan idin saaray oo ka fogaada xumaha)

Verse 53 — Surah Al-Muminun 23:53

Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxa ay haystaan7 ay ku faraxsan yihiin

Verse 54 — Surah Al-Muminun 23:54

Ee iskaga tag jahliga daran ay ku jiraan ilaa iyo muddo

Verse 55 — Surah Al-Muminun 23:55

Ma waxay moodaan waxa aanu siinno ee maal iyo carruur ah

Verse 56 — Surah Al-Muminun 23:56

Inaan ula soo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan? balse ma dareensana

Verse 57 — Surah Al-Muminun 23:57

Hubaal, kuwa iyagu ay cabsida Rabbigood ku weyn tahay

Verse 58 — Surah Al-Muminun 23:58

Ee iyagu ah kuwa rumeysan Aayadaha Rabbigood

Verse 59 — Surah Al-Muminun 23:59

Ee ah kuwaa aan cid kale wax la wadaajin Rabbigood

Verse 60 — Surah Al-Muminun 23:60

Ee ah kuwa bixiya waxa ay bixiyaan (oo sadaqo ah), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto9 (inaan laga aqbalin oo yaqiinsan) inay Rabbigood u soo noqon doonaan

Verse 61 — Surah Al-Muminun 23:61

Kuwani weeye kuwa u degdega khayrka, ee iyagu u dheereeya

Verse 62 — Surah Al-Muminun 23:62

Oo ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, oo Waxaa agtannada ah Kitaab ku hadla xaq, iyagoo aan loo gefi doonin

Verse 63 — Surah Al-Muminun 23:63

Mayee’ quluubtooda waxay kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), oo waxay leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan

Verse 64 — Surah Al-Muminun 23:64

Jeer marka aan ku qabbanno kuwooda ladan ee ka mid ah cadaab10, markaas bay calaacalaan

Verse 65 — Surah Al-Muminun 23:65

Ha calaacalina maanta! Hubaal idinku xaggaygaga laydiin kama gargaaro’e

Verse 66 — Surah Al-Muminun 23:66

Xaqiiq Aayadahaygii baa la idiin akhriyey, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna

Verse 67 — Surah Al-Muminun 23:67

isla weyni darteed, hadal xun ka sheegaya11 (Qur’aanka) idinkoo ka tagaya sida kan ku caaweeya waxaan qiimo lahayn

Verse 68 — Surah Al-Muminun 23:68

Miyaanay haddaba u fiirsan Qowlka, mise waxaa u yimid waxaan u iman aabbayaashoodii hore

Verse 69 — Surah Al-Muminun 23:69

Mise waxaanay garan Rasuulkooda (Muxammad) sidaas darteed diidaan

Verse 70 — Surah Al-Muminun 23:70

Mise waxay leeyihiin: “waalli buu qabaa?” mayee, wuxuu u keenay Xaq, oo badankoodu waxay diiddan yihiin Xaqa

Verse 71 — Surah Al-Muminun 23:71

Oo haddii uu Xaqu raaci lahaa waxa (xun) ay iyagu rabaan, hubaal samooyinka iyo arlada iyo wax walba oo ku jiraaba way baabba’i lahaayeen. Mayee! waxaan u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan

Verse 72 — Surah Al-Muminun 23:72

Mise waxaad adigu weydiisataa kharash? Kharashka Rabbigaa baa se kheyr badan, oo waa Isaga kan u wanaagsan inta risiq bixisa

Verse 73 — Surah Al-Muminun 23:73

Oo hubaal adigu waxaad xaqiiq ugu yeertaa Jid Toosan

Verse 74 — Surah Al-Muminun 23:74

Oo hubaal kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waa kuwo Jidka xaqiiq ka iisha

Verse 75 — Surah Al-Muminun 23:75

Oo haddii aan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya ee dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda, iyagoo indha la’aan ku wareegeysta

Verse 76 — Surah Al-Muminun 23:76

Oo Waxaan horay ugu qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, oo ma khushuucin nafahooda

Verse 77 — Surah Al-Muminun 23:77

Ilaa, markaan ku furno irrid cadaab daran ah, markaas bay ku dhex quustaan

Verse 78 — Surah Al-Muminun 23:78

Oo Isaga (Allaah) weeye Kan idiin unkay dhegaha iyo indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad shukri naqdaan

Verse 79 — Surah Al-Muminun 23:79

Oo Isaga weeye Kan idinku fidiyey dhulka, oo Xaggiisa ayaa la idiin soo kulmin doonaa

Verse 80 — Surah Al-Muminun 23:80

Oo Isaga weeye Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (maareynta) isdhaafka habeenka iyo maalinta; ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn

Verse 81 — Surah Al-Muminun 23:81

Mayee’ waxay yidhaahdaan wax la mid ah wixii ay dadkii hore yidhaahdeen

Verse 82 — Surah Al-Muminun 23:82

Waxay yidhaahdaan: “Ma markii aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin doonaa

Verse 83 — Surah Al-Muminun 23:83

“Xaqiiq, waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kanina ma aha waxaan ahayn sheeko xariirtii dadkii hore

Verse 84 — Surah Al-Muminun 23:84

Dheh “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddii aad garaneysaan?!’’

Verse 85 — Surah Al-Muminun 23:85

Waxay odhan doonaan: "Allaah!” Dheh: “Ee Miyaydaan haddaba waansameyn

Verse 86 — Surah Al-Muminun 23:86

Dheh: “Waa kuma Rabbiga samooyinka toddobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn

Verse 87 — Surah Al-Muminun 23:87

Waxay odhan doonaan: “Allaah.” Dheh: Ee miyeydaan iska jireyn cadaabtiisa

Verse 88 — Surah Al-Muminun 23:88

Dheh: “Kuma bay Gacantiisa ku jiraan mulkiga wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddii aad garanaysaan

Verse 89 — Surah Al-Muminun 23:89

Waxay odhan doonaan: "Allaah". Dheh: “Haddaba xaggee baa la idiin sixray?”

Verse 90 — Surah Al-Muminun 23:90

Balse waxaan u keennay Xaq, oo hubaal iyagu xaqiiq waa beenalayaal

Verse 91 — Surah Al-Muminun 23:91

Marnaba Allaah ma yeelan wiil, oo marnaba ma ahaan la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu hubaal la tagi lahaa ilaah walba waxa uu abuuray, oo qaarkood waxay hubaal ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah oo waa ka Sarreeyaa waxyaalaha ay tilmaamaan

Verse 92 — Surah Al-Muminun 23:92

Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdaba! Ee Wuu ka sarreeyaa waxa ay la wadaajiyaan (cibaadada)

Verse 93 — Surah Al-Muminun 23:93

Dheh: Rabbiyow! Haddii aad i tuseyso waxa loogu gooddiyo (cadaabta)

Verse 94 — Surah Al-Muminun 23:94

Rabbiyow! Markaa ha iga mid dhigin dadka gar ma qaatayaasha ah.”

Verse 95 — Surah Al-Muminun 23:95

Oo hubaal Annagu inaan ku tusno waxa aan ugu gooddinno xaqiiq waan Awoodnaa

Verse 96 — Surah Al-Muminun 23:96

Ee ku tir xumaanta sida iyadu u wanaagsan, Annaga baa ogsoon waxa ay tilmaamaan

Verse 97 — Surah Al-Muminun 23:97

Oo dheh: “Rabbiyow! Waxaan kaa magan galyo weydiistaa waswaasinta shaydaammada

Verse 98 — Surah Al-Muminun 23:98

Oo waxaan kaa magan galyo weydiistaa Rabbiyow joogitaankooda

Verse 99 — Surah Al-Muminun 23:99

Ilaa markay geeridu u timaaddo midkood, wuxuu yidhaahdaa; Rabbiyow! Dib ii celi

Verse 100 — Surah Al-Muminun 23:100

Si aan ugu falo wanaag wixii aan ka soo tegay14. “May ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, oo waxa horti ah Barzakh (xayir)15 aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono

Verse 101 — Surah Al-Muminun 23:101

Ee marka la afuufo buunka, ma jiri doonto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma weydiin doonaan

Verse 102 — Surah Al-Muminun 23:102

Ee ma kan uu miisaanka camalladiisa wanaagsan culus yihiin, kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha

Verse 103 — Surah Al-Muminun 23:103

Oo ma kan uu miisaanka camalladiisa wanaagsan ay khafiif yihiin _ kuwan weeye kuwa waayi doona nafahooda iyagoo Naarta ku dhex waari doona

Verse 104 — Surah Al-Muminun 23:104

Naartu waxay diiran doontaa wajiyadooda, iyagoo dhexdeeda ku sugnaan balaayo aad u daran

Verse 105 — Surah Al-Muminun 23:105

Sow Aayadahayga la idiin ma akhriyi jirin oo ma aydaan diidi jirin.?”

Verse 106 — Surah Al-Muminun 23:106

Markaa waxay odhan doonaan: “Rabbiyow! Shaqaabadayadii baa naga adkaatay, oo waxaanu aheyn qolo habowsan

Verse 107 — Surah Al-Muminun 23:107

Rabbiyow! Naga saar tani (Naarta); haddii aan mar kale u noqonno (xumaan), hubaal waxaanu nahay gar ma qaatayaal.”

Verse 108 — Surah Al-Muminun 23:108

(Allaah) Wuxuu odhan doonaa: Ku dullooba dhexdeeda, oo ha ila hadlina

Verse 109 — Surah Al-Muminun 23:109

Hubaal waxaa jiray qaar ka mid ah Addoomahayga oo odhan jiray: “Rabbiyow! waan Rumaysannahay ee noo dambi dhaaf, oo noo naxariiso, oo Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”

Verse 110 — Surah Al-Muminun 23:110

Waxaadse ka dhigateen dheel-dheel ilaa, ay idin illawsiiyeen Xusuddeydii, oo waadba ku qosli jirteen

Verse 111 — Surah Al-Muminun 23:111

Hubaal Waxaan ku abaal mariyey Maanta samirkoodii darteed, inay iyagu yihiin liibaanayaasha

Verse 112 — Surah Al-Muminun 23:112

(Alle) wuxuu odhan doonaa: “Immisa sano baad joogteen arlada?”

Verse 113 — Surah Al-Muminun 23:113

Waxay odhan doonaan: “Waxaan joognay maalin ama maalin gelinkeed. balse weydii kuwo tiro yaqaanka ah.”

Verse 114 — Surah Al-Muminun 23:114

Wuxuu odhan: “Ma aydaan joogin adduunka in yar ma’ahee haddii aad ogaan lahaydeen

Verse 115 — Surah Al-Muminun 23:115

Ma waxaad haddaba mooddaan inaan idiin abuurnay dheel, oo aan Xaggagayaga la idiin soo celineyn

Verse 116 — Surah Al-Muminun 23:116

Ee waxaa Kor ah Allaah Boqorka Runta ah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, Rabbiga Carshiga Sharafta Badan

Verse 117 — Surah Al-Muminun 23:117

Oo mid kastoo barya Allaah la jirkiis ilaah kale, uma heysto wax xujo ah arrinkani, xisaabintiisu waxay uun la jirtaa Rabbigi. Hubaal gaaladu ma liibaani doonaan

Verse 118 — Surah Al-Muminun 23:118

Oo dheh: Rabbiyow! Dambi dhaaf oo Naxariiso, oo Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”