Back to Languages

Somali - Chapter 24 - An-Nur

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah An-Nur 24:1

(Tani) waa suurad aan soo waxyoonnay oo ka dhignay waajib faral ah, oo aan ku soo waxyoonnay Aayado cad cad bal inaad wax ku qaadataan

Verse 2 — Surah An-Nur 24:2

(Ma) Zaaniydda iyo Zaaniga1 ku karbaasha midkood walba boqol jeedal2. Oo yeysan turid aad u tureysaan idinka celin fulinta Amarka Ilaahay3, haddii aad rumeysan tihiin Allaah iyo Maalinta Aakhiro, oo waa inay koox mu’miniin ah goob joog ka ahaadaan ciqaabtooda

Verse 3 — Surah An-Nur 24:3

Zaanigu ma uu la galmo galo waxaan aheyn Zaaniyad ama Mushrikad, oo (ma xagga) Zaaniyaddu ma ay la galmo galaan waxaan aan aheyn zaani ama Mushrik4, oo waa ka xaaraan mu’miniinta

Verse 4 — Surah An-Nur 24:4

Oo kuwaa ku eedeeya dumar dhawrsoon (zino), markaas aan keenin afar markhaati ah, karbaasha siddeetan jeedal, oo ha ka yeelina wax marag fur ah abadkood, oo kuwan weeye kuwa ah caasiyaasha

Verse 5 — Surah An-Nur 24:5

Marka laga reebo kuwa toobad keena intani kaddib, oo samaada, marka hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 6 — Surah An-Nur 24:6

oo (ma xagga) kuwa ku eedeeya xaasaskooda (zino) oo aan haysan markhaati aan aheyn nafahooda, marag furka midkood walba oo ka mid ah (waa in la dhaariyo) afar jeer, isagoo markhaati gashanaya Allaah inuu hubaal isaga ka mid yahay xaqiiq runlowyada

Verse 7 — Surah An-Nur 24:7

Oo (marka) shanaad in Nacaladda Ilaahay korkiisa ahaato haddii uu isagu been sheegayo

Verse 8 — Surah An-Nur 24:8

Oo waxay ka baajin doontaa iyada ciqaabta haddii ay dhaarato afar jeer, iyadoo marag gashaneysa Allaah in hubaal isagu uu ka mid yahay xaqiiq beenlowyada

Verse 9 — Surah An-Nur 24:9

Oo (marka) shanaad in Cadhada Ilaahay korkeeda ahaato haddii uu isagu run sheegayo

Verse 10 — Surah An-Nur 24:10

Oo haddii uusan jiri lahayn Fadliga Ilaahay korkiinna iyo Naxariistiisu, iyo inuu Allaah yahay mid u soo laabasho badan (Naxariista) , Xakiim ah

Verse 11 — Surah An-Nur 24:11

Hubaal kuwaa la yimid been abuurka (masabbidashada Caa'isha, xaaskii Nabiga s.c w.)6 waa koox idin ka mid ah; ha u arki- na inay shar idiin tahay, mayee’ waa idiin khayr (axkaanta ka soo degtay darteed). Qof kasta oo ka mid ahina6 wuxuu mudan doonaa waxa uu kasbaday oo dambi ah. oo (ma xagga) isaga kan qaybta weyn ka qaatay7 ee ka mid ah, wuxuu mudan doonaa cadaab aad u murugo weyn

Verse 12 — Surah An-Nur 24:12

Oo maxay mu’miniinta rag iyo haweenba markii aad maqasheen, ugu malayn khayr isla dadkoodaasi, oo ay u odhan: “Waxakani waa been abuur cad?”

Verse 13 — Surah An-Nur 24:13

Maxayse u keeni waayeen afar markhaati? Maadaama aysan se keenin markhaatiyaal, waa beenalayaal iyagu Allaah xaggiis

Verse 14 — Surah An-Nur 24:14

Oo haddii uu jirin Fadliga Ilaahay korkiinna iyo Naxariistiisu adduunkan iyo Aakhiradaba, waxaa idinku taaban lahaa waxa aad ku hadasheen darteed cadaab aad u weyn

Verse 15 — Surah An-Nur 24:15

Markii aad ku fidineyseen carrabyadiinna8, oo aad ka laheydeen afafkiinnna wax aydaan ogeyn, oo waxaad mooddeen arrin fudud, halka Allaah agtiis ay aheyd wax daran

Verse 16 — Surah An-Nur 24:16

Oo maxaydaan, markii aad maqasheen, u odhan_”Nooma habboona inaan ka hadallo waxakani. Adigaa xurmo leh oo hufan! kani waa been abuur aad u weyn

Verse 17 — Surah An-Nur 24:17

Allaah wuu idin waaninayaa inaydaan u noqon waxaasoo kale weligiin, haddii aad tihiin mu’miniin dhab ah

Verse 18 — Surah An-Nur 24:18

Oo Allaah wuxuu idiin caddeeyaa Aayadaha, oo Allaah waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah

Verse 19 — Surah An-Nur 24:19

Hubaal, (ma xagga) kuwa jecel inay anshax xumi9 ku faafto mu’miniinta dhexdooda, waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan adduunkan iyo Aakhiradaba. Oo Allaah baa Og, oo idinku ma ogidin

Verse 20 — Surah An-Nur 24:20

Oo haddii uu se jirin Fadliga Ilaahay korkiinna iyo Naxariistiisu iyo inuu Allaah yahay Turid Badane, aad u Naxariis Badan

Verse 21 — Surah An-Nur 24:21

Kuwiinnaan idinku rumeysanow! Ha raacina tallaabooyinka shaydaanka. Oo mid kastoo raaca tallaaboyinka shaydaanka, markaa hubaal wuxuu amraa wax xille iyo xumaan. Oo haddii uu se jirin Fadliga Ilaahay korkiinna iyo Naxariistiisa, midkiinna idinka mid ah ma daahir noqdeen weligi. Laakiinse Allaah baa daahiriya kuu doono, oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

Verse 22 — Surah An-Nur 24:22

Oo yeysan kuwaa idinka mid ah ee leh deeqda iyo maalka ka dhaaran inay siiyaan (kaalmo) qaraabadooda, masaakiinta, iyo kuwa uga soo haajiray guryahooda Allaah Dartiis. Oo waa inay iska cafiyaan oo isaga jeesadaan. Miyeydaan jecleyn in Allaah idiin dambi Dhaafo11? Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, aad u Naxariis Badan

Verse 23 — Surah An-Nur 24:23

Hubaal kuwa ku eedeeya (zino) dumarka dhawrsoon mu’minadaha ah, ee iyagu moog oo ka war la’ (xumo oo dhan)12, waa lagu nacladay adduunka iyo aakhiradaba, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u murugo weyn

Verse 24 — Surah An-Nur 24:24

Maalinta carrabbadoodu, gacmahoodu, iyo lugahoodu ay ku markhaati furi doonaan waxa ay faleen

Verse 25 — Surah An-Nur 24:25

Maalintaas Allaah wuxuu ugu oofin doonaa si dhan abaalgudkooda sugan, oo waxay ogaan doonaan inuu Allaah yahay Xaqa iska muuqda

Verse 26 — Surah An-Nur 24:26

Hadallo (iyo ficillo) xun (waxaa leh oo lagu yaqaan) dadka xun. Oo dadka xumi waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo ficillo) xun, oo hadallo (iyo ficilllo) fiican13 waxaa (leh oo lagu yaqaan) dadka fiican, oo dadka fiican waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo ficillo) fiican. Kuwani (Caa'isha iyo eynigeed) way ka eed tiran yihiin waxay ka sheegayaan, waxay leeyhiin dambi dhaaf iyo risiq wanaagsan

Verse 27 — Surah An-Nur 24:27

Kuwiinnaan idinku rumeysanow! Ha gelina guryo aan aheyn guryihiinna jeer aad idan weydiisataan, oo salaantaan ehelkooda14, sidan baa idiin khayr badan, bal inaad xusuusnaataan

Verse 28 — Surah An-Nur 24:28

Haddiise aydaan ka helin cidna gudahooda, markaa ha gelina jeer la idin siiyo idan. Oo haddii la idin yidhaahdo noqda15, markaa noqda; sidan baa idiin daahirsan, Oo Allaah waa Ogsoon yahay waxa aad fashaan

Verse 29 — Surah An-Nur 24:29

Ma aha dambi korkiinna inaad gashaan (idan la’aan) guryo aan la degganayn ay gudahooda idiin yaalaan16 alaabadiinna. Oo Allaah wuu Ogsoon yahay waxa aad si cad u fashaan iyo waxa aad qarisaanba

Verse 30 — Surah An-Nur 24:30

Ku dheh (oo amar) mu’miniinta inay ka laabtaan aragyadooda (xaaraanta)17, oo ka ilaaliyaan xubnahooda gaarka ah (galmo xaaraan ah)18, sidan baa u daahirsan. hubaal, Allaah waa u Xog Ogaal waxa ay sameeyaan

Verse 31 — Surah An-Nur 24:31

Oo ku dheh (oo amar) mu’minadaha inay ka laabtaan aragyadooda (xaaraanta) 19 oo ka ilaaliyaan xubnahooda gaarka ah (galmo xaaraan ah iyo qaawni) oo yeyna muujin quruxdooda20 wixii iska muuqda maahee21, oo ha ku soo dadaan gambooyinka madaxooda luqumahooda dushooda iyo laabahooda, oo yeyna u muujin quruxdooda waxaan aheyn nimankooda, ama aabbayaashood, ama abbayaasha nimankooda, ama wiila- shooda, ama wiilasha nimankooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaalahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, ama kuwaa ay gacmahoodu midig hantaan, ama kuwa raacsan ee labka ah oo aan laheyn haweysi dumar22, ama ilmaha aan weli yeelan dareen ay ku fiirsadaan cawro dumar. Oo yeysan ku garaacin (dhulka) lugahooda si loo ogaado waxa ay qariyaan oo quruxdooda ah. Oo u toobad keena Allaah idinkoo dhan, mu’miniintoy, si aad u liibaantaan

Verse 32 — Surah An-Nur 24:32

Oo u guuriya23 kuwaa idinka midka ah ee doobka ah iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah addoommahiinna (ragga ah), iyo addoonnadiinna (dumarka ahi), haddii ay yihiin sabool, Allaah baa ugu deeqi doona Fadlgiisa. Oo Allaah waa deeq Ballaarne, wax kasta Ogsoon

Verse 33 — Surah An-Nur 24:33

Oo waa inay kuwaa aan heli karin waxay ku guursadaaan ku sugnaadaan dhowrsanaan inta uu Allaah kaga hodmin Fadligiisa. Oo (ma xagga) kuwa dalba qoritaan (is-xoreyn) ee ka mid ah kuwaa ay gacmahiinna midig hantaan, siiya qoraalkaasi, haddaad ku og tihiin wanaag. Oo wax ka siiya maalka Allaah uu idin siiyey. Oo ha ku qasbina gabdhahiinna addoonadaha ah dhillannimo haddii ay rabaan inay ku sugnaadaan dhowrsanaan, idinkoo doonaya sadka dhammaanaya ee noloshan adduunka. Oo mid kastoo ku qasba, haddaba hubaal Allaah, ku qasbiddooda kaddib waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 34 — Surah An-Nur 24:34

Oo xaqiiq Waxaan idiin soo dirnay Aayado cad cad24, iyo tusaale ka mid ah kuwii tegay hortiin, iyo waano ku socota kuwaa ka dhowrsada (xumaha)

Verse 35 — Surah An-Nur 24:35

Allaah waa Nuurka25 samooyinka iyo arlada, Mataalka Nuurkiisa26 waa sida qoldhob uu ku jiro nal, nalka uu ku jiro dhalo27, oo dhalada la moodo xiddig kaah badan, laga soo shiday xagga geed barakaysan, geed-zaytuun aan bari ahayn iyo galbeed midna, oo ay saliiddiisu u dhowdahay inay iftiin bixiso walow uusan dab taabanba, nuur korki nuur yahay, Allaah wuxuu ku hanuuniyaa Nuurkiisa kuu doono. Oo Allaah wuxuu u dhigaa tusaalooyin dadka, oo Allaah wax walba waa Ogsoon yahay

Verse 36 — Surah An-Nur 24:36

Guryo gudahood uu Allaah idmay in la kor yeelo28, oo Magaciisa lagu xuso, halkaa waxaa ku xurmo weyneeya gudahood subax iyo galabba

Verse 37 — Surah An-Nur 24:37

Rag aanay ka shuqlin ganacsi iyo iib midna xusidda Ilaahay iyo oogidda saaladda iyo bixinta Zakada. Waxay ka cabsadaan Maalin quluubta iyo aragyada rogmi doonaan (baqo iyo argagax awgi)

Verse 38 — Surah An-Nur 24:38

Si uu Allaah u siiyo abaal gud waafaq- san kan ugu wanagsanaa wixii ay faleen, oo waliba u siiyo dheeri ka mid ah Fadligiisa, oo Allaah wuxuu u irsaaqaa qofka uu doono xisaab la'aan

Verse 39 — Surah An-Nur 24:39

Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan diida acmaashoodu waa sida dhalanteed ka muuqda bannaan dhul siman, oo uu kan oommani moodo biyo, jeer marka uu u yimaado waxba aanu ka helin29, oo uu se halkaas ka helo Allaah oo abaal marsha una oofiya si dhan xisaabtiisa, oo Allaah waa uu ku Dhaqsi Badan yahay xisaab qaadista

Verse 40 — Surah An-Nur 24:40

Ama (waa) sida mugdiyo daran bad weyn salkeed ah, oo hir uu sii daboolo uu korkiisuna hir kale sii yahay, oo ay daruuro sii kor joogaan, (dabaqyo) mugdiyo daran ah midba mid kale kor saaran yahay, marka uu soo saaro gacantiisa uu ku sigan inuu arki waayo! Oo mid kastoo aanu Allaah u yeelin Nuur, ma uu laha Nuur

Verse 41 — Surah An-Nur 24:41

Miyaanad arag in Allaah ay xurmo weyneeyaan oo hufaan waxa ku sugan samooyinka iyo arlada iyo shimbiraha fidiya garbahooda (marka ay duullimaadka yihiin)? Wuu Og yahay salaadda mid walba iyo tasbiixdiisa, oo Allaah waa Og yahay waxa ay falaan

Verse 42 — Surah An-Nur 24:42

Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, oo xagga Allaah weeye halka lagu dambeyn aayo ahaan

Verse 43 — Surah An-Nur 24:43

Miyaanad arag in Allaah soo kaxeeyo daruuro, markaas isu keeno wada jir, markaas ka dhigo fadad isdulsaraan, sidaas darteed waxaad aragtaa roobka oo ka soo da’aya dhexdooda, oo Wuxuu ka soo dejiyaa daruuraha (sida) buuraha oo kale ah halkaasoo uu yahay baraf, isagoo ku ridaya ciddii uu doono, oo ka duwaya ciddii uu doono, iftiinka hillaaciisu wuxuu sigaa inuu la tago aragga

Verse 44 — Surah An-Nur 24:44

Allaah Wuxuu gedgeddiyaa oo is dhaafiyaa habeenka iyo maalinta. hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq cibro kuwa aragtida dheer

Verse 45 — Surah An-Nur 24:45

Oo Allaah wuxuu biyo ka abuuray noole kasta oo jira. Marka waxaa ka mid ah qaar ku xammaarta calooshooda, oo waxaa ka mid ah qaar ku socda labo lugood, oo waxaa ka mid ah qaar ku socda afar. Allaah Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Hubaal! Allaah wax kasta waa uu Karaa

Verse 46 — Surah An-Nur 24:46

Xaqiiq Waxaan soo waxyoonnay Aaya- do cad cad. Oo Allaah wuxuu ku hanuuni- yaa ciddii uu doono Jid Toosan (Islaamka)

Verse 47 — Surah An-Nur 24:47

Oo waxay yidhaahdaan: “Waxaan rumeysannahay Allaah iyo Rasuulka oo aanu oggolnahay, markaas bay koox ka mid ahi jeesadaan intani kaddib, oo kuwani ma aha mu’miniin

Verse 48 — Surah An-Nur 24:48

Oo marka loogu yeedho Allaah iyo Rasuulkiisa, si uu u kala garsooro dhexdooda, mise qaar ka mid ahi dhinac bay u jeestaan

Verse 49 — Surah An-Nur 24:49

Haddiise ay garta leeyihiin waa u yimaadaan dhaqso, iyagoo adeecsan

Verse 50 — Surah An-Nur 24:50

Ma waxaa ku jira quluubtooda cudur, mise ma shaki bay qabaan, mise ma waxay cabsi ka qabaan in Allaah iyo Rasuulkiiisu ka eexdaan? Mayee, iyaga naf ahaantooda baa ah gar ma qaatayaasha

Verse 51 — Surah An-Nur 24:51

Jawaabta mu’miniinta, marka loogu yeedho Allaah iyo Rasuulkiisa si uu u kala garsooro dhexdooda, waa uun inay yidhaahdaan: “Maqallay oo oggolnahay. Oo kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha

Verse 52 — Surah An-Nur 24:52

Oo qofkii adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ka cabsada Allaah, oo dhowra xilka uu saaray, kuwan weeye kuwa ah guuleysatayaasha

Verse 53 — Surah An-Nur 24:53

Oo waxay ku dhaartaan Allaah kan ugu adag dhaarahaooda, in haddii aad amarto ay xaqiiq (u) baxayaan (jihaad). Dheh waxba ha dhaarannina: hoggaansamid fiican (baa la dooni)30, oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan,”

Verse 54 — Surah An-Nur 24:54

Dheh: “Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka, haddiise aad jeesataan, waxaa isaga saaran oo keliya xilka la saaray. idinkana waxaa idin saaran wixii la idin saaray. Oo haddii aad adeecdaan, waad hanuunsan tihiin. Oo waxba ma saarna Rasuulkayaga aan ahayn Gaarsiin Cad

Verse 55 — Surah An-Nur 24:55

Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwiinna idinka mid ah ee (Xaqa) rumeysan oo samaha fala inuu hubaal uga dhigi doono madax arlada, sidii uu ugu dhigayba madax kuwii ka horreeyay, iyo inuu hubaal u sugi doono diintooda uu isagu oggolaaday. Oo Wuxuu hubaal cabsidoodii kaddib31 siin doonaa nabad beddel ahaan; waase inay i caabudaan (Anigoo Keliya) iyagoon ila wadaajinayn (cibaadada) waxba. Oo mid kastoo abaal laawe ah intani kaddib, kuwan weeye kuwa ah caasiyaashsa

Verse 56 — Surah An-Nur 24:56

Oo hagaajiya salaadda oo bxiya Zakada, oo adeeca Rasuulka si la idiinku naxariisto

Verse 57 — Surah An-Nur 24:57

Ha moodina in kuwa Xaqa diida ku fakan karaan dhulka, oo hoygoodu waa Naarta, oo xaqiiq waa meel aayotiin xun

Verse 58 — Surah An-Nur 24:58

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Waa inay kuwaa ay gacmahiinnu midig hanataan iyo kuwa idinka mid ah aan weli qaan gaarin (inta ay idiin soo gelin) weydiistaan idan saddex waqti32; ka hor salaadda subax, iyo marka aad dharka dhigataan duhurkii kuleylaha, iyo kaddib salaadda cishaha; kuwani waa saddex waqti gaar idiin ah, idinma saarna dembi idinka iyo iyagaba waxaan ahayn waqtiyadan in qaarkiin u soo galaan qaar kale, _ idan iyagoon qaadan. Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadaha. Oo Allaah waa wax kasta ogsoone, Xakiim ah

Verse 59 — Surah An-Nur 24:59

Oo marka carruurtiinna dhexdiinna ah ay qaan gaaraan, ha idin weydiistaan idan, sida kuwii ka horreeyeyba (oo ka weynaa da’ ahaan ay idan u qaateen33). Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah

Verse 60 — Surah An-Nur 24:60

Oo (ma xagga) dumarka gaboobay oo aan rajaynin guur, ma saarna dambi haddii ay iska dhigaan maryahooda iyagoo aan muujineyn quruxdooda34. Oo inay isdhowraan baa u khayr badan. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

Verse 61 — Surah An-Nur 24:61

Ma saarna dhib Indhoolaha, oo ma saarna dhib laan garaha, oo ma saarna dhib bukaan qabka, iyo nafahiinnaba inaad wax ka cuntaan guryihiinna, ama guryaha aabbayaashiin, ama guryaha hooyooyinkiin, ama guryaha walaalihiin, ama guryaha walaalooyinkiin, ama guryaha adeerradiin, ama guryaha eeddooyinkiin, ama guryaha abtiyaashiin, ama guryaha habaryarahiin, ama waxa aad hanataan furayaashooda35, ama (guryaha) saaxiibkiin, oo idinkuma saarna dambi haddii aad wax u cuntaan wadajir ama kala jir. Haddaba marka aad galeysaan guryaha, ku salaamo dadkiinna salaan xagga Ilaahay ah, barakaysan (oo) wanaagsan36. Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadaha si aad u fahantaan

Verse 62 — Surah An-Nur 24:62

Waxaa oo keliya mu’miniin ah kuwa rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa, oo marka ay ku wehliyaan arrin guud oo loo dhan yahay aan tagin jeer ay idan qaataan. Hubaal! kuwa idan kaa qaata waa iyaga kuwa rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa. Ee haddii ay idan kuu weydiistaan danahooda qaarkood, u idan koodii aad doonto oo ka mid ah, oo uga bari dambi dhaaf Allaah. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 63 — Surah An-Nur 24:63

Ha ka yeelina u yeedhidda Rasuulka (Muxammad) dhexdiinna sida u yeedhidda qaarkiinba qaar. Allaah dhab ahaan waa uu ogsoon yahay kuwaa dhuunta ee idinku jira, Ee ha is jiraan kuwaa ka hor yimaada amariiska37 si ayan ugu dhicin balaayo ama ugu dhicin38 cadaab aad u xanuun badan

Verse 64 — Surah An-Nur 24:64

Ogaada hubaal Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo arlada39. Wuxuu dhab ahaan ogsoon yahay waxa aad ku sugan tihiin oo Maalinta40 loo celiyo Xaggiisa, Wuxuu u sheegi doonaa waxay faleen, oo Allaah wax walba waa uu Ogsoon yahay