Back to Languages

Somali - Chapter 25 - Al-Furqan

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Furqan 25:1

Waxaa Barako iyo Khayr badan Kan (Allaah ee) ku soo dejiyey Furqaanka addoonkiisa si ugu noqdo caalamka dige

Verse 2 — Surah Al-Furqan 25:2

Kan (Allaah ee) iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, oo aan yeelan dhallaan oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Boqortooyada. Ee abuuray wax walba, markaas u qaddaray qaddar

Verse 3 — Surah Al-Furqan 25:3

Oo waxay yeesheen sokadi ilaahyo aan waxba abuurin balse iyaga la abuuray, oo aan u hanan karin nafahooda wax dhib ama dheef ah, oo aan laheyn wax awood ah (ay ku sababaan) dhimasho, ama (ku bixiyaan) noolaansho, ama mid dhintay kaga soo saaraan qabri iyagoo nool

Verse 4 — Surah Al-Furqan 25:4

Oo kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: “Waxakanu ma aha waxaan aheyn been uu isagu hal abuurtay, oo ay dad kale ku kaalmayeen, marka dhab ahaan waxay geysteen gef oo ku hadleen been.”

Verse 5 — Surah Al-Furqan 25:5

Oo waxay yidhaahdaan: “Waa sheekooyinkii dadkii hore -- waa uu soo qortay, marka waa loo soo yeedhiyaa subax iyo galabba

Verse 6 — Surah Al-Furqan 25:6

Dheh: “Waxaa soo waxyooday Kan ogsoon sirta samooyinka iyo arlada. Hubaal, waa Dambi Dhaaf Badane, Naxaris Badan

Verse 7 — Surah Al-Furqan 25:7

Oo waxay yidhaahdaan: “Muxuu yahay arrinka Rasuulkan uu u cunaa cuntada, oo uu u socdaa suuqyada (sidayada oo kale). maxaa malag loogu soo diri waayey ee ahaada mid la diga

Verse 8 — Surah Al-Furqan 25:8

“Ama (maxaa) loog soo rogi waayey khaznad samada (uu kaga maarmo xoogsiga), ama u ahaato beer uu wax ka cuno? Oo geflowyada waxay yidhaahdeen: Ma raacaysaan waxaan aheyn nin sixran.”

Verse 9 — Surah Al-Furqan 25:9

Eeg waxa ay kugu shabbahaan tusaale ahaan, marka waa ay lumeen, sidaas awgeed ma ay kari doonaan inay helaan jid

Verse 10 — Surah Al-Furqan 25:10

Waxaa barako iyo khayr badan Kan Isagu, haddii uu doono ku siin doona wax ka khayr badan waxakan_Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, oo wuxuu ku siin doonaa daaro waaweyn

Verse 11 — Surah Al-Furqan 25:11

Balse waxay beeniyaan Saacadda, oo waxaanu u diyaarinnay dab huraya kii isagu beeniya Saacadda (Qiyaame)

Verse 12 — Surah Al-Furqan 25:12

Marka ay (Naartu) uga muuqato meel fog, waxay ka maqlaan caro daran iyo cartan

Verse 13 — Surah Al-Furqan 25:13

Oo marka lagu tuuro meel cidhiidhi ah gudaheeda, iyagoo isku xirxiran, waxay halkaa u yeertaan halaag

Verse 14 — Surah Al-Furqan 25:14

Ha u yeerannina maanta halaag mar keliya ah, ee u yeerta halaag badan

Verse 15 — Surah Al-Furqan 25:15

Dheh: Ma arrinkani baa wanaagsan _mise Beerta waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (xumaha)? Taasi waxay u ahaan abaal marin iyo aayo wanaagsan

Verse 16 — Surah Al-Furqan 25:16

Waxay ku mudan gudaheeda wixii ay doonaanba iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa

Verse 17 — Surah Al-Furqan 25:17

Oo Maalinta uu soo kulmin doono iyaga iyo wax kasta ay caabudeenba Allaah sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinka baa lumiyey addoomahaygaan, mise iyaga baa iskood uga lumay Jidka (Toosan)?.”

Verse 18 — Surah Al-Furqan 25:18

Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adiga baa (Allow) iska leh oo hufan! Naguma habboona inaan yeelanno gargaarayaal Adiga ka sokow, laakiinse waxaad u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, oo waxay ahaayeen qolo halaagsamay

Verse 19 — Surah Al-Furqan 25:19

Sidaas bay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kari doontaan furasho iyo gargaar midna. Oo mid kastoo idinka mid ah ee gar ma qaate ah, waxaan ka yeeli doonnaa inuu dhadhamiyo cadaab aad u weyn

Verse 20 — Surah Al-Furqan 25:20

Oo ma soo dirin hortaa adiga wax Rusul ah balse waxay hubaal cuni jireen cunto, oo mari jireen suuqyada. Oo Waxaanu uga dhignay qaarkiinba qaar kale imtixaan ee haddaba samir ma yeelan doontaan? Oo Rabbigaa waa Mid Arkaya

Verse 21 — Surah Al-Furqan 25:21

Oo kuwa aan rajeynayn la Kulankayaga waxay yidhaahdaan: “Maxaa malaa’ig na loogu soo diri waayey, ama ( maxaan) u arki weyney Rabbigayo (Allaah)?” Haddaba xaqiiq aad bay isula weynaadeen oo madax adeygeen madax adayg weyn

Verse 22 — Surah Al-Furqan 25:22

Maalinta ay arkaan malaa’igta7 uma ahaan doonto farxad Maalintaas dambiilayaasha, oo Waxay (malaa’igtu) odhan:“Waa wax idinka xarriman (jannada) oo gebigeedaba idinka reebban

Verse 23 — Surah Al-Furqan 25:23

Oo Waxaan hor keeni doonnaa9 waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo waxaanu ka dhigi doonnaa sida boor hawada ku baabba’ay

Verse 24 — Surah Al-Furqan 25:24

Ehlu-Jannuhu waxay Maalintaas ku sugnaan doonaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi wanaagsan

Verse 25 — Surah Al-Furqan 25:25

Oo Maalinta marka samada dillaac la furmi doonto oo daruuro (ka soo baxaan)10, oo malaa’gta la soo dejin doono iyagoo u soo degaya ( saf saf)

Verse 26 — Surah Al-Furqan 25:26

Boqortooyada Maalintaas waxaa run ahaan iska leh (Allaah) Raxmaanka, oo maalin daran bay u ahaan gaalada

Verse 27 — Surah Al-Furqan 25:27

Oo Maalinta gar ma qaataha uu qaniini doono gacmihiisa isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jid Rasuulka

Verse 28 — Surah Al-Furqan 25:28

Hooggayga weeyee! Haddii aanan ka dhigin lahayn hebel saaxiib

Verse 29 — Surah Al-Furqan 25:29

Xaqiiq wuxuu iga habaabiyey13 waanada, inta uu ii yimid kaddib. Oo Shaydaanku wuxuu hagradaa dadka oo uga tagaa meel xun14 oo hungo ah

Verse 30 — Surah Al-Furqan 25:30

Oo wuxuu Rasuulku ku calaacalay: “Rabbiyow! Hubaal dadkeygii waxay ka dhigteen Qur’aankan sida wax laga tagey

Verse 31 — Surah Al-Furqan 25:31

Oo sidaas baan ugu yeellay Nabi walba cadow ka mid ah dambiilayaasha. Oo ku filan Rabbigaa Hanuuniye iyo Hiilliye uu ahaado

Verse 32 — Surah Al-Furqan 25:32

Oo kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu16 (waxaa loogu soo dejiyey qaybqaybta), waa si aan ugu sugno laabtaada, oo waxaan isugu duwnay isku duwid fiican

Verse 33 — Surah Al-Furqan 25:33

Oo ma jirto dood ay kuula iman doonaan, bal waxaan kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan

Verse 34 — Surah Al-Furqan 25:34

(Ma xagga) kuwa laysugu soo kulim doona (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meel xun, oo ka sii lumid badan Jidka

Verse 35 — Surah Al-Furqan 25:35

Oo xaqiiq waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) oo waxaan ka yeel- lay la jirkiis walaalkiis Haaruun caawiye

Verse 36 — Surah Al-Furqan 25:36

Oo Waxaanu nidhi: Aada labaddiinnuba qoladaa beeniyey Aayadahayaga, markaasaan baabbi’innay (qolodii Fircoon) baabbi’in dhan

Verse 37 — Surah Al-Furqan 25:37

Oo dadkii Nuux, markii ay beeniyeen Rusushii baan qarqinnay oo uga dhignay calaamo dadka. Oo Waxaanu u diyaarinnay cadaab daran gar ma qaatayaasha

Verse 38 — Surah Al-Furqan 25:38

Oo (Sidoo kle) Caad iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass17 iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan

Verse 39 — Surah Al-Furqan 25:39

Oo mid walba waxaanu siinnay tusaalooyin, oo mid walba waxaan halaagnay halaag daran

Verse 40 — Surah Al-Furqan 25:40

Oo xaqiiq waxay (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu rogay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxa aanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib (oo la xisaabin)

Verse 41 — Surah Al-Furqan 25:41

Oo markay ku arkaan kaama dhigtaan waxaan ahayn dheel-dheel (oo waxay yidhaahdaan): Ma kan baa kan uu Allaah u soo diray Rasuul uu ahaado

Verse 42 — Surah Al-Furqan 25:42

Wuxuu ku dhowaaday inuu naga lumiyo ilaahyadayada, haddii aanan ku samir yeelanayn. Oo way ogaan doonaan marka ay arkaan cadaabta, waa kee kaa ka lunsan Jidka (Toosan)

Verse 43 — Surah Al-Furqan 25:43

Miyaad aragtay kan isagu ka yeesha waxay naftiisa jeceshahay ilaahiisa? Ma waxaad haddaba adigu u noqon kartaa wakiil

Verse 44 — Surah Al-Furqan 25:44

Mise waxaad mooddaa inay badankoodu wax maqlaan ama wax fahmaan? Ma ay aha waxaan aheyn xoolaha oo kale19, mayee way ka sii jid lunsan yihiin (oo ka sii liitaan)

Verse 45 — Surah Al-Furqan 25:45

Miyaadan u fiirsan (farsamada) Rabbigaa, sida uu u fidiyo hooska? Oo haddii uu doono, wuxuu hubaal ka dhigi lahaa mid xasilan (taagan), markaasaan uga dhignay qorraxda tilmaan ay leedahay

Verse 46 — Surah Al-Furqan 25:46

Markaasaan u soo qaadnaa xaggayaga qaadid aayar ah oo yar

Verse 47 — Surah Al-Furqan 25:47

Oo (Alle) Isaga weeye Kan idiin ka dhigay habeenka hu22', hurdadana nasa- sho, oo wuxuu ka dhigay maalinta foof

Verse 48 — Surah Al-Furqan 25:48

Oo Isaga weeye Kan soo dira dabay- laha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa (roobka), oo Waxaanu ka soo soo shubnaa xagga daruurta biyo daahir ah

Verse 49 — Surah Al-Furqan 25:49

Si aan ugu nooleyno dhul dhintay, oo ugu waraabinno waxaan abuurnay oo duunyo iyo dad aad u badanba leh

Verse 50 — Surah Al-Furqan 25:50

Oo waan u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka ama biyaha) bal inay waansamaan24, wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn gaalnimo

Verse 51 — Surah Al-Furqan 25:51

Oo haddii aan doonno, waxaan xaqiiq u soo diri laheyn magaalo walba dige

Verse 52 — Surah Al-Furqan 25:52

Ee ha adeecin gaalada, oo kula jihaad (Qur'aanka) jihaad aad u weyn

Verse 53 — Surah Al-Furqan 25:53

Oo Isaga weeye (Allaah) Kan isku sii daayey labada badood, midda macaan ee lagu oon baxo , iyo midka kale ee milix jaan iyo qaraar ah ee milixeeda afka huriso, oo Wuxuu dhigay xayir iyo xijaab kala dhex yaal

Verse 54 — Surah Al-Furqan 25:54

Oo Isaga weeye Kan ka abuuray dadka biyo, markaas u yeelay xigto iyo xididba. Oo (Alle) Rabbigaa waa Mid Wax Walba Kara

Verse 55 — Surah Al-Furqan 25:55

Oo waxay caabudaan Allaah sokadi, waxaan wax tarin, waxna yeelin, oo gaalku mar waliba waa sheydaan kalkaal ka soo hor jeeda Rabbigi

Verse 56 — Surah Al-Furqan 25:56

Oo kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn bishaareeye iyo inaad dige ahaato

Verse 57 — Surah Al-Furqan 25:57

Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Risaalada), waxaan ahayn in qofkii doona uu qaado jid xagga Rabbigi

Verse 58 — Surah Al-Furqan 25:58

Oo isku hallee Noolaha (Daa’inka) ah aan dhiman, oo ku tasbiixso Ammaanahiisa, oo ku Filan Isagu inuu dambiyada addommahiisa u ahaado xog ogaal

Verse 59 — Surah Al-Furqan 25:59

Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta). Naxariis Badanaha (Allaah). Ee wax ka weydii mid Xog ogaal ah

Verse 60 — Surah Al-Furqan 25:60

Oo marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka. Waxay yidhaahdaan: Oo waa maxay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudnaa waxaa aad adigu nagu amarto? Oo Wuxuu u kordhiyaa didmo

Verse 61 — Surah Al-Furqan 25:61

Waxaa khayr iyo barako badan Kan u yeelay burjiyo samada, oo ka yeelay dhexdeeda nal (qorrax) iyo dayax ifiya

Verse 62 — Surah Al-Furqan 25:62

Oo Isaga weeye (Allaah) Kan uga dhigay habeenka iyo maalinta is dhaaf, kan isagu raba inuu waano qaato ama raba inuu mahad naqo

Verse 63 — Surah Al-Furqan 25:63

Oo Addoomaha Raxmaanku waa kuwa ku mara dhulka miyir26, oo markay maan-gaabyad kula hadlaan (ereyo xun) waxay yidhaahdaan oo ku qaabilaan hadal ka maran gef ama xumaan

Verse 64 — Surah Al-Furqan 25:64

Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood iyo taagnaan

Verse 65 — Surah Al-Furqan 25:65

Oo waa kuwa yidhaahda: Rabbiyow! Naga duw cadaabta Naarta, hubaal! Cadaabteedu waa wax joogta ah

Verse 66 — Surah Al-Furqan 25:66

Hubaal waa hoy xun iyo meel baas ee la dego

Verse 67 — Surah Al-Furqan 25:67

Oo waa kuwa marka ay wax bixiyaan aan xad-dhaafin ama aan masuugin, oo labadaas dhexdooda ku toosnaada

Verse 68 — Surah Al-Furqan 25:68

Oo waa kuwa aan baryin ilaah kale la jirka Allaah, oo aan ku dilin nafta uu Allaah xarrimay waxaan ahayn gar, iyo (kuwa) aan gelin zino, oo qofkii falaa kani, wuxuu la kulmi doonaa eedsiin dambiguu galay ah

Verse 69 — Surah Al-Furqan 25:69

Cadaabta waa loo laab laabi doonaa Maalinta Qiyaamaha, oo wuu ku dhex waari doonaa isagoo dulleysan

Verse 70 — Surah Al-Furqan 25:70

Marka laga reebo kan isagu toobad keena ee rumeeya ee sama fala, haddaba kuwan weeye kuwa uu Allaah ugu beddeli doonaa xumaatadoodii xasanaad Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 71 — Surah Al-Furqan 25:71

Oo mid kastoo toobad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laabtaa xagga Ilaahay laabasho wanaagsan

Verse 72 — Surah Al-Furqan 25:72

Oo waa kuwa aan furin markhaati been ah, oo marka ay soo ag maraan wax uun hadal macno darro ah ku dhaafa sharaf

Verse 73 — Surah Al-Furqan 25:73

Oo waa kuwa marka lagu waaniyo Aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhega la’aan iyo indho la’aan

Verse 74 — Surah Al-Furqan 25:74

Oo waa kuwa yidhaahda: Rabbiyow! Naga sii afooyinkayaga iyo ubadkayaga waxay indhaheenna ku farxaan28, oo nooga dhig kuwo ku dayasho san leh xagga kuwa iska jira (xumaha)

Verse 75 — Surah Al-Furqan 25:75

Kuwani waxaa lagu abaal marin doonaa dabaqyo sare (jannada gudaheeda)29 sabarkoodii dartiis, oo waxay kala kulmi doonaan dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare

Verse 76 — Surah Al-Furqan 25:76

Iyagoo ku dhex waaraya weligood, wanaagsanaa hoy iyo degmo ay ahaataa

Verse 77 — Surah Al-Furqan 25:77

Ku dheh; “Rabbigay dan idiinma galeen haddii aydaan barideen30. Haatanse dhabtii waad beeniseen (Xaqa).Marka taa- si iyada ah (cadaabta) waxay ahaan doontaa mid idin heysata