Back to Languages

Somali - Chapter 26 - Ash-Shuara

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Ash-Shuara 26:1

Verse 2 — Surah Ash-Shuara 26:2

Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka ka yeela arrimaha caddaan

Verse 3 — Surah Ash-Shuara 26:3

Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed

Verse 4 — Surah Ash-Shuara 26:4

Haddii aan doonno, Waxaan kaga soo direynaa calaamo cirka, ay luqumahoodu u hogan lahaayeen

Verse 5 — Surah Ash-Shuara 26:5

Oo uga ma yimaado waano (Qur'aan) Raxmaanka isagoo cusub oo is daba jooga, bal waa kuwii ka jeesada

Verse 6 — Surah Ash-Shuara 26:6

Marka waxay dhabtii beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed wararka waxay ku jees-jeesaan baa dhaqso u imaan doona

Verse 7 — Surah Ash-Shuara 26:7

Miyeyna arag dhulka,_intee baan nooc kasta oo wanaagsan aan sababnay inuu ku soo baxo

Verse 8 — Surah Ash-Shuara 26:8

Hubaal Waxaa arrinkani ku jira xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn doona

Verse 9 — Surah Ash-Shuara 26:9

Oo hubaal (Allaah) Rabbigaa xaqiiq waa Awood Badanaha, Naxariista Badan

Verse 10 — Surah Ash-Shuara 26:10

Oo waa tii Rabbigaa uu u dhawaaqay Muuse (Isagoo leh): U tag dadkaa gar ma qaatayaasha ah

Verse 11 — Surah Ash-Shuara 26:11

Qoladaa Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Allaah)

Verse 12 — Surah Ash-Shuara 26:12

wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan ka cabsi qabaa inay i beeniyaan

Verse 13 — Surah Ash-Shuara 26:13

Oo ay cidhiidhi noqoto laabteydu, oo cod kari waayo carrabkaygu. Ee u dir Haaruun (inuu i caawiyo)

Verse 14 — Surah Ash-Shuara 26:14

Oo waxay igu heystaan danbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsi qabaa inay i dilaan

Verse 15 — Surah Ash-Shuara 26:15

(Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal; Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna

Verse 16 — Surah Ash-Shuara 26:16

Ee u taga Fircoon oo ku dhaha: “Hubaal innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uunanka

Verse 17 — Surah Ash-Shuara 26:17

Ee nagu dar hana raacaane ilmihii Israa’iil

Verse 18 — Surah Ash-Shuara 26:18

(Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? O aad nala joogin sannado badan ka mid ah noloshaada

Verse 19 — Surah Ash-Shuara 26:19

Oo waxaad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin). Oo waxaad adigu ka mid tahay abaal laawayaasha

Verse 20 — Surah Ash-Shuara 26:20

Wuxuu yidhi: “Waan falay haddaba anigoo ka mid ah kuwaa aan wax garanayn

Verse 21 — Surah Ash-Shuara 26:21

Markaas baan idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey xikmad, oo iga dhigay mid ka mid ah Rususha

Verse 22 — Surah Ash-Shuara 26:22

Oo taasi ma nicmad baa aad iigu lib-sheegato, adigoo addoonsaday ilmihii Israa’iil

Verse 23 — Surah Ash-Shuara 26:23

Fircoon wuxuu yidhi: Oo muxuu yahay Rabbiga uunanka

Verse 24 — Surah Ash-Shuara 26:24

Wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddii aad rumeysaneysaan

Verse 25 — Surah Ash-Shuara 26:25

Fircoon wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn

Verse 26 — Surah Ash-Shuara 26:26

(Muuse) Wuxuu yidhi:(Allaah) Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore

Verse 27 — Surah Ash-Shuara 26:27

(Fircoon) wuxuu yidhi3: Hubaal Rasulkiinna la idiin soo diray xaqiiq waa waalan yahay

Verse 28 — Surah Ash-Shuara 26:28

(Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddii aad caqli leedihiin

Verse 29 — Surah Ash-Shuara 26:29

(Fircoon) wuxuu yidhi: Haddii aad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xiran

Verse 30 — Surah Ash-Shuara 26:30

(Muuse) wuxuu yidhi: “Ma xitaa haddii aan kuula imaado wax (xujo) cad

Verse 31 — Surah Ash-Shuara 26:31

Fircoon wuxuu yidhi: Haddaba la imow, haddii aad ka mid tahay run sheegyada

Verse 32 — Surah Ash-Shuara 26:32

Markaas buu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda

Verse 33 — Surah Ash-Shuara 26:33

Oo wuxuu soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad kuwa eegaya

Verse 34 — Surah Ash-Shuara 26:34

(Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: hubaal kanu xaqiiq waa saaxir xeel dheer

Verse 35 — Surah Ash-Shuara 26:35

Ee raba inuu idiin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa ee maxaad haddaba ku talineysaan

Verse 36 — Surah Ash-Shuara 26:36

Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalkiba (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo wax soo kulmiya

Verse 37 — Surah Ash-Shuara 26:37

Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer

Verse 38 — Surah Ash-Shuara 26:38

Markaas baa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan

Verse 39 — Surah Ash-Shuara 26:39

Oo waxaa lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan wada jir idinkoo dhammi

Verse 40 — Surah Ash-Shuara 26:40

Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan

Verse 41 — Surah Ash-Shuara 26:41

Oo markii sixiroolayaashii ay yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddii aan annagu adkaanno

Verse 42 — Surah Ash-Shuara 26:42

(Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, oo hubaal idinku markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwo iga ag dhow

Verse 43 — Surah Ash-Shuara 26:43

(Muuse) wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan

Verse 44 — Surah Ash-Shuara 26:44

Markaas bay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii; oo yidhaahdeen: “Waa nagu awoodda Fircoon, waxaan hubaal ahaan doonnaa xaqiiq kuwa adkaan doona

Verse 45 — Surah Ash-Shuara 26:45

Markaas buu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen

Verse 46 — Surah Ash-Shuara 26:46

Oo sixiroolayaashii dhulka baa loo riday sujuud darteed

Verse 47 — Surah Ash-Shuara 26:47

Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeysannahay Rabbiga uunanka

Verse 48 — Surah Ash-Shuara 26:48

Rabbiga Muuse iyo Haaruun

Verse 49 — Surah Ash-Shuara 26:49

(Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumayseen ka hor intii aan idiin idmin; hubaal isagu xaqiiq waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, ee waad ogaan dontaan, hubaal waxaan u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf oo hubaal waan idin daldali doonaa dhammaantiin

Verse 50 — Surah Ash-Shuara 26:50

Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Hubaal, Annagu Xagga Rabigayo baan u laabmaynaa

Verse 51 — Surah Ash-Shuara 26:51

Hubaal waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa)

Verse 52 — Surah Ash-Shuara 26:52

Oo waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idignkoo ku baxaya guuro habeennimo, hubaal waa la idiin soo raaciye

Verse 53 — Surah Ash-Shuara 26:53

Markaasuu Fircoon diray ciidammo xagga magaalooyinka gudahood

Verse 54 — Surah Ash-Shuara 26:54

Hubaal kuwani xaqiiq wax koox yar

Verse 55 — Surah Ash-Shuara 26:55

Oo hubaal way na cadho geliyeen

Verse 56 — Surah Ash-Shuara 26:56

Oo hubaal waxaan innagu dhammaan nahay kuwo had iyo jeer digtoon

Verse 57 — Surah Ash-Shuara 26:57

Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo

Verse 58 — Surah Ash-Shuara 26:58

Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan

Verse 59 — Surah Ash-Shuara 26:59

Waa sidaase oo waxaan dhaxal siinnay Ilmahii Israa’iil

Verse 60 — Surah Ash-Shuara 26:60

Markaas bay ka soo daba baxeen goor qorrax soo bax ah

Verse 61 — Surah Ash-Shuara 26:61

Markii ay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “hubaal waa layna haleelay”

Verse 62 — Surah Ash-Shuara 26:62

(Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi doona jid aan ka baxo

Verse 63 — Surah Ash-Shuara 26:63

Markaas baan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaas bay kala dhanbalantay, oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn

Verse 64 — Surah Ash-Shuara 26:64

Oo Waan ku soo dhoweynay, halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon)

Verse 65 — Surah Ash-Shuara 26:65

Oo Wxaaanu badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay oo dhan

Verse 66 — Surah Ash-Shuara 26:66

Kaddib waxaan qarqinnay kuwii kale

Verse 67 — Surah Ash-Shuara 26:67

Hubaal waxaa arrinkani ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn doona

Verse 68 — Surah Ash-Shuara 26:68

Oo hubaal, Rabbigaa, xaqiiq waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista badan

Verse 69 — Surah Ash-Shuara 26:69

Oo u akhri qisadii Ibraahiim

Verse 70 — Surah Ash-Shuara 26:70

Waa tii uu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: “Maxaad caabuddaan

Verse 71 — Surah Ash-Shuara 26:71

Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budnaa sanammo, oo aan u nahay daacad

Verse 72 — Surah Ash-Shuara 26:72

(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Oo miyey idin maqlaan marka aad baridaan

Verse 73 — Surah Ash-Shuara 26:73

Waxse ma idin taraan ama idin yeelaan

Verse 74 — Surah Ash-Shuara 26:74

Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan ka soo gaarnay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya

Verse 75 — Surah Ash-Shuara 26:75

(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma u jeeddaan waxa aad soo caabudeyseen

Verse 76 — Surah Ash-Shuara 26:76

“Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba

Verse 77 — Surah Ash-Shuara 26:77

Hubaal waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uunanka

Verse 78 — Surah Ash-Shuara 26:78

“Ee i abuuray, haddana i hanuunshay

Verse 79 — Surah Ash-Shuara 26:79

‘Oo Waa Isaga Kan I siiya cunto oo i siiya wax aan cabbo

Verse 80 — Surah Ash-Shuara 26:80

Oo marka aan buko, Isaga baa I bogsiya

Verse 81 — Surah Ash-Shuara 26:81

Oo waa Isaga Kan i dhinsiin doona, haddana ii soo nooleyn doona (mar kale)

Verse 82 — Surah Ash-Shuara 26:82

Oo waa Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta

Verse 83 — Surah Ash-Shuara 26:83

Rabbiyow! I sii Xikmad, oo i haleeshii kuwa wanaagsan

Verse 84 — Surah Ash-Shuara 26:84

Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdooda

Verse 85 — Surah Ash-Shuara 26:85

Oo iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah

Verse 86 — Surah Ash-Shuara 26:86

Oo u dambi dhaaf Aabbahay, hubaal wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsan

Verse 87 — Surah Ash-Shuara 26:87

Oo ha i dulleyn Maalinta marka la soo la soo bixiyo (dhimasho kaddib)

Verse 88 — Surah Ash-Shuara 26:88

Maalinta aysan wax tari doonin maal iyo carruur midna

Verse 89 — Surah Ash-Shuara 26:89

Mid maahe ula yimaada Allaah qalbi ka fayow6 ( shirki, shaki, xumaan, iwm)

Verse 90 — Surah Ash-Shuara 26:90

Oo Jannada waxaa loo soo dhoweyn doonaa kuwa iska jira (xumaha)

Verse 91 — Surah Ash-Shuara 26:91

Oo Naarta waxaa loo muujin doonaa kuwa habowsan

Verse 92 — Surah Ash-Shuara 26:92

Oo waxaa lagu odhan doonaa: Meeye waxaad caabudi jirteen

Verse 93 — Surah Ash-Shuara 26:93

Allaah sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda

Verse 94 — Surah Ash-Shuara 26:94

Markaas baa waxaa loogu tuuri doonaa wejiweji (Naarta),_iyaga iyo kuwa habowsanba

Verse 95 — Surah Ash-Shuara 26:95

Iyo askartii ibliis oo dhanba

Verse 96 — Surah Ash-Shuara 26:96

Waxay odhan doonaan iyagoo ku mur-maya dhexdeeda (Naarta)

Verse 97 — Surah Ash-Shuara 26:97

Tallaahi, waxaanu ahayn xaqiiq kuwo ku jira habow aad u muuqda

Verse 98 — Surah Ash-Shuara 26:98

Waa tii aan idin la sinnay Rabbiga uunanka

Verse 99 — Surah Ash-Shuara 26:99

Oo cidna aan ka ahayn dambiilayaasha nama aysan lumin

Verse 100 — Surah Ash-Shuara 26:100

Haatan ma lihin wax garab na siiya

Verse 101 — Surah Ash-Shuara 26:101

Iyo saaxiib run ah midna

Verse 102 — Surah Ash-Shuara 26:102

(Hahe!) Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu’-miniinta

Verse 103 — Surah Ash-Shuara 26:103

Hubaal waxaa arrinkani ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankood kuwo rumayn

Verse 104 — Surah Ash-Shuara 26:104

Oo hubaal, Rabbigaa waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

Verse 105 — Surah Ash-Shuara 26:105

Dadkii Nuux waxay beeniyeen Rusushii

Verse 106 — Surah Ash-Shuara 26:106

Waa tii uu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha)

Verse 107 — Surah Ash-Shuara 26:107

Hubaal anigu waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah

Verse 108 — Surah Ash-Shuara 26:108

Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo I adeeca

Verse 109 — Surah Ash-Shuara 26:109

“Oo idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (fidinta Diinta Ilaahay), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka

Verse 110 — Surah Ash-Shuara 26:110

Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

Verse 111 — Surah Ash-Shuara 26:111

Waxay yidhaahdeen: Ma adiga baan ku rumaynsannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen

Verse 112 — Surah Ash-Shuara 26:112

Wuxuu yidhi: Oo maxaan ka ogahay waxa ay falaan

Verse 113 — Surah Ash-Shuara 26:113

“Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddii aad garasho leedihiin

Verse 114 — Surah Ash-Shuara 26:114

Oo anigu ma eryayo mu’miniinta

Verse 115 — Surah Ash-Shuara 26:115

Oo ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad

Verse 116 — Surah Ash-Shuara 26:116

Waxay yidhaahdeen: Haddii aad joojin oo aadan ka harin (baaqaagan) Nuuxow! Waxaad hubaal ka mid noqon doontaa xaqiiq kuwa la dhagaxyeeyo (ilaa ay ka dhintaan)

Verse 117 — Surah Ash-Shuara 26:117

Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal, dadkaygii waa ay i beeniyeen

Verse 118 — Surah Ash-Shuara 26:118

Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (caddaalad ah), oo i badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah

Verse 119 — Surah Ash-Shuara 26:119

Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday

Verse 120 — Surah Ash-Shuara 26:120

Oo waxaan qarqinnay intaas kaddib kuwii haray (gaaladii)

Verse 121 — Surah Ash-Shuara 26:121

Hubaal arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn

Verse 122 — Surah Ash-Shuara 26:122

Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

Verse 123 — Surah Ash-Shuara 26:123

Caad waxay beeniyeen Rusushii

Verse 124 — Surah Ash-Shuara 26:124

Waa tii uu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha)

Verse 125 — Surah Ash-Shuara 26:125

Hubaal, Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah

Verse 126 — Surah Ash-Shuara 26:126

Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

Verse 127 — Surah Ash-Shuara 26:127

“Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah ( Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka

Verse 128 — Surah Ash-Shuara 26:128

Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo8? Macno daranaa waxaas aad fashaan

Verse 129 — Surah Ash-Shuara 26:129

Oo sameysataan dhufeyso adag bal inaad waartaan

Verse 130 — Surah Ash-Shuara 26:130

Oo markaad soo qabataan (qof) waxaad u soo qabataan idinkoo jujuubayaal ah

Verse 131 — Surah Ash-Shuara 26:131

“Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

Verse 132 — Surah Ash-Shuara 26:132

Oo dhowra (Amarrada) Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin

Verse 133 — Surah Ash-Shuara 26:133

Idin siiyey xoolo tiro badan iyo carruur

Verse 134 — Surah Ash-Shuara 26:134

Iyo beero tanaad ah iyo ilo

Verse 135 — Surah Ash-Shuara 26:135

Hubaal waxaan idiinka cabsi qabaa (oo digayaa) cadaab Maalin murugo weyn

Verse 136 — Surah Ash-Shuara 26:136

Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddii aad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya

Verse 137 — Surah Ash-Shuara 26:137

Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay)

Verse 138 — Surah Ash-Shuara 26:138

Oo ma nihin kuwo la cadaabayo

Verse 139 — Surah Ash-Shuara 26:139

Oo way beeniyeen, markaas baan halaagnay, hubaal; arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn

Verse 140 — Surah Ash-Shuara 26:140

Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

Verse 141 — Surah Ash-Shuara 26:141

Thamuud waxay beenisay Rusushii

Verse 142 — Surah Ash-Shuara 26:142

Waa tii uu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha)

Verse 143 — Surah Ash-Shuara 26:143

Waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah

Verse 144 — Surah Ash-Shuara 26:144

Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

Verse 145 — Surah Ash-Shuara 26:145

Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya xagga (Ilaahay) Rabbiga uunanka

Verse 146 — Surah Ash-Shuara 26:146

Ma waxaa la idiinkaga tagayaa idinkoo nabad ah waxa halkaan ah

Verse 147 — Surah Ash-Shuara 26:147

Ku sugan beero iyo ilo

Verse 148 — Surah Ash-Shuara 26:148

Iyo galley iyo geedo timir fiiddeedu jilicsan yihiin

Verse 149 — Surah Ash-Shuara 26:149

Oo waxaad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn

Verse 150 — Surah Ash-Shuara 26:150

Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

Verse 151 — Surah Ash-Shuara 26:151

Oo ha adeecina amarka xad gudbayaasha

Verse 152 — Surah Ash-Shuara 26:152

Ee ku fala fasahaad arlada oo aan wax hagaajin

Verse 153 — Surah Ash-Shuara 26:153

Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran

Verse 154 — Surah Ash-Shuara 26:154

Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddii aad run sheegayso

Verse 155 — Surah Ash-Shuara 26:155

(Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal9; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan

Verse 156 — Surah Ash-Shuara 26:156

Oo ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin murugo weyn

Verse 157 — Surah Ash-Shuara 26:157

Waase dileen, markaasay ka shallaayeen

Verse 158 — Surah Ash-Shuara 26:158

Markaas baa Cadaab qabtay, hubaal; arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn

Verse 159 — Surah Ash-Shuara 26:159

Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

Verse 160 — Surah Ash-Shuara 26:160

Dadkii Luud waxay beeniyeen Rusushii

Verse 161 — Surah Ash-Shuara 26:161

Waa tii uu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha)

Verse 162 — Surah Ash-Shuara 26:162

Hubaal waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah

Verse 163 — Surah Ash-Shuara 26:163

Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

Verse 164 — Surah Ash-Shuara 26:164

Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka

Verse 165 — Surah Ash-Shuara 26:165

Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uunanka

Verse 166 — Surah Ash-Shuara 26:166

Oo aad ka tagtaan waxa uu Rabbigiin idiin abuuray oo afooyinkiinna ah? Mayee, waxaad tihiin dad xadgudba

Verse 167 — Surah Ash-Shuara 26:167

Waxay yidhaahdeen: Haddii aadan joojin Luudow (baaqaagan)! hubaal, Waxaad ka mid noqon doontaa kuwa debedda loo saaro

Verse 168 — Surah Ash-Shuara 26:168

(Luud) wuxuu yidhi: Hubaal anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun)

Verse 169 — Surah Ash-Shuara 26:169

Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxa ay falaan

Verse 170 — Surah Ash-Shuara 26:170

Markaas baan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan

Verse 171 — Surah Ash-Shuara 26:171

Habar duqowday ma ahee11 ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal (cadaabta)

Verse 172 — Surah Ash-Shuara 26:172

Markaasaan waxaan baabbi’innay intii kale

Verse 173 — Surah Ash-Shuara 26:173

Oo Waxaanu ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay

Verse 174 — Surah Ash-Shuara 26:174

Hubaal arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn

Verse 175 — Surah Ash-Shuara 26:175

Oo hubaal, Rabbigaa waa isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

Verse 176 — Surah Ash-Shuara 26:176

Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii

Verse 177 — Surah Ash-Shuara 26:177

Waa tii uu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (Xumaha)

Verse 178 — Surah Ash-Shuara 26:178

Hubaal, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah

Verse 179 — Surah Ash-Shuara 26:179

“Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo I adeeca

Verse 180 — Surah Ash-Shuara 26:180

Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga (Ilaahay) Rabbiga uunanka

Verse 181 — Surah Ash-Shuara 26:181

Bixiya beeg dhan oo ha ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima

Verse 182 — Surah Ash-Shuara 26:182

Oo wax ku miisaama Miisaan toosan

Verse 183 — Surah Ash-Shuara 26:183

Oo ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad

Verse 184 — Surah Ash-Shuara 26:184

Oo iska jira (ciqaabka) Kan idin abuuray idinka iyo uunankii horeba

Verse 185 — Surah Ash-Shuara 26:185

Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran

Verse 186 — Surah Ash-Shuara 26:186

Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, oo waxaanu yaqiinsannahay inaad dhabtii ka mid tahay beenlowyada

Verse 187 — Surah Ash-Shuara 26:187

Ee nagu soo rid jab samada ah haddii aad ka mid tahay run sheegyada

Verse 188 — Surah Ash-Shuara 26:188

Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxa aad fashaan

Verse 189 — Surah Ash-Shuara 26:189

Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, hubaal waxay aheyd cadaab Maalin aad u murugo weyn

Verse 190 — Surah Ash-Shuara 26:190

Hubaal, arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn

Verse 191 — Surah Ash-Shuara 26:191

Oo hubaal, Rabbigaa waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

Verse 192 — Surah Ash-Shuara 26:192

Oo hubaal, kani (Qur’aankani) waa waxyi ka yimid xagga Rabbiga uunanka

Verse 193 — Surah Ash-Shuara 26:193

Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay)

Verse 194 — Surah Ash-Shuara 26:194

Qalbigaaga si aad uga mid noqoto Digayaasha

Verse 195 — Surah Ash-Shuara 26:195

Isago af Carabi faseex ah

Verse 196 — Surah Ash-Shuara 26:196

Oo hubaal isla midkani xaqiiq wuxuu ku yaal Kutubtii dadkii hore

Verse 197 — Surah Ash-Shuara 26:197

Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii Banii Israa'iil ay og yihiin

Verse 198 — Surah Ash-Shuara 26:198

Oo haddii aan u soo waxyoon laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood

Verse 199 — Surah Ash-Shuara 26:199

Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray

Verse 200 — Surah Ash-Shuara 26:200

Sidaas baan yeellaa inuu u galo quluubta Dambiilayaasha

Verse 201 — Surah Ash-Shuara 26:201

Ma ay rumayn doonaan jeer ay arkaan cadaabka xanuunka badan

Verse 202 — Surah Ash-Shuara 26:202

Oo ugu imaan doona si kedis ah, iyagoo aan fileyn

Verse 203 — Surah Ash-Shuara 26:203

Markaas bay waxay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)

Verse 204 — Surah Ash-Shuara 26:204

Ee ma cadaabtayada bay degdegsan

Verse 205 — Surah Ash-Shuara 26:205

Ee ka warran, haddii aan u deyno inay raaxeystaan sanooyin

Verse 206 — Surah Ash-Shuara 26:206

Markaas uu u yimaado waxaa (ciqaabka) loogu gooddiyo

Verse 207 — Surah Ash-Shuara 26:207

Waxaa loo daayey inay ku raaxeystaan maxay bal u tari doonaan

Verse 208 — Surah Ash-Shuara 26:208

Oo ma jirto magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal

Verse 209 — Surah Ash-Shuara 26:209

Si loo waaniyo, oo ma nihin kuwo ku gardarrooda (dadka)

Verse 210 — Surah Ash-Shuara 26:210

Oo Shaydaammada ma ayan keenin15 (Qur’aankan)

Verse 211 — Surah Ash-Shuara 26:211

Oo kuma habboona, oo ma leh awood inay isagoo kale keenaan

Verse 212 — Surah Ash-Shuara 26:212

Hubaal, waa kuwo xaqiiq laga fogeeyey inay maqalaan isaga

Verse 213 — Surah Ash-Shuara 26:213

Ee ha la baryin ilaah kale la jirka Allaah yaadan ka mid noqone kuwa la cadaabayo

Verse 214 — Surah Ash-Shuara 26:214

Oo u dig xigtadaada kuu sii dhow

Verse 215 — Surah Ash-Shuara 26:215

Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta

Verse 216 — Surah Ash-Shuara 26:216

Haddayse ku caasiyaan markaa dheh: Anigu shaqo kuma lihi waxa aad fashaan

Verse 217 — Surah Ash-Shuara 26:217

Oo isku hallee Awood Badanaha, Naxariista Badan

Verse 218 — Surah Ash-Shuara 26:218

Kan ku arka marka aad kaceyso

Verse 219 — Surah Ash-Shuara 26:219

Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood18 kuwaa u sujuuda (Allaah)

Verse 220 — Surah Ash-Shuara 26:220

Hubaal, (Allaah) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

Verse 221 — Surah Ash-Shuara 26:221

Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada

Verse 222 — Surah Ash-Shuara 26:222

Waxay ku soo degaan beenaale kasta, dambiile ah

Verse 223 — Surah Ash-Shuara 26:223

Waxay dhigtaan dhegaha19, oo badankoodu waa beenlawyo

Verse 224 — Surah Ash-Shuara 26:224

Oo ma xagga gabyaayada, kuwaa habowsan baa raaca

Verse 225 — Surah Ash-Shuara 26:225

Miyaadan arag inay dhex wareegaan iyagoo wareersan tog waliba

Verse 226 — Surah Ash-Shuara 26:226

Iyo inay yidhaahdaan waxaysan falayn

Verse 227 — Surah Ash-Shuara 26:227

Marka laga reebo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo xusa Allaah in badan, oo difaaca nafahooda kaddib marka lagu gardarrooday21. Oo kuwa gefka geysta durba way ogaan doonaan rogmasho noocee ah bay rogmi doonaan