Back to Languages

Somali - Chapter 27 - An-Naml

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah An-Naml 27:1

Daa Siin1 Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka iyo Kitaab iska cad

Verse 2 — Surah An-Naml 27:2

Waa u hanuun iyo bishaaro mu’miniinta

Verse 3 — Surah An-Naml 27:3

Kuwa u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya Sakada, oo iyagu ah kuwo Aakhiro yaqiinsan

Verse 4 — Surah An-Naml 27:4

Ma xagga kuwa aan rumeysneyn Aakhirada, waxaan hubaal u qurxinnay acmaashooda, waana ay ku jaha wareersan yihiin habowgooda

Verse 5 — Surah An-Naml 27:5

Kuwaanu waa kuwa mudan cadaab xun (adduunkan). Oo Aakhirada iyaga uun baa ugu khasaare badan

Verse 6 — Surah An-Naml 27:6

Oo hubaal, adiga wuxuu xaqiiq kaaga yimaadaa Qur'aankan xagga Midka ah Xakiimmka, wax kasta Ogsoon (Allaah)

Verse 7 — Surah An-Naml 27:7

Waa tii uu Muuse ku yidhi ehelkiisii: “Hubaal waxaan arkaa dab, Waxaan idiinka keeni war ama waxaan idiinka keeni dhim- bilo dab ah si aad u diirisaan nafahiinna

Verse 8 — Surah An-Naml 27:8

Markiise uu yimid halkaa, cod baa dha- waaqay leh: “Waa la barakeeyey waxa dab- ka agti ah iyo waxa hareera jooga,oo xurmo waxaa leh oo hufan Alle, Rabbiga uunanka

Verse 9 — Surah An-Naml 27:9

“Muusow! Hubaal Waa Aniga! Allaah, Awood Badanaha, Xikmadda Badan

Verse 10 — Surah An-Naml 27:10

“Ee tuur ushaada; markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sidii mas, buu dib isu rogay oo carar is dhigay, dib umuu jaleecin. Muusow! Ha cabsan, hubaal, Rusushu kuma cabsadaan agtayda

Verse 11 — Surah An-Naml 27:11

Mid gef geysta maahee markaas taa beddelkeed wanaag fala xumaantii kaddib, markaa hubaal Anigu waxaan ahay Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 12 — Surah An-Naml 27:12

Oo geli gacantaada goshaada, waxay soo bixi doontaa durbaba caddaan cudur la’aan. (kuwakani waa) qaar ka mid ah sagaalka calaamood (aad ula tegi doonto) Fircoon iyo dadkiisa,waa dad caasiyaal ah

Verse 13 — Surah An-Naml 27:13

Markiise Aayadahayaga cad ay u yimaadeen, waxay yidhaahdeen: Kani waa sixir iska cad

Verse 14 — Surah An-Naml 27:14

Oo waa dafireen Aayadahaa gardarro iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen oo ku qanceen. Ee fiiri sida ay aheyd cidhibtii mufsidiinta

Verse 15 — Surah An-Naml 27:15

Oo xaqiiq waxaanu cilmi siinnay Daawuud iyo Sulaymaan, oo waxay labduba yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, kan naga kor mariyey in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah

Verse 16 — Surah An-Naml 27:16

Oo wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Oo wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, oo waxaa wax nalaga siiyey wax walba2. Hubaal kani waa Fadli (Ilaahay baxsho) oo iska cad

Verse 17 — Surah An-Naml 27:17

Oo askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh waa loo soo kulmiyey Sulaymaan iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan

Verse 18 — Surah An-Naml 27:18

ilaa, markay yimaadeen toggii Quraanyada, Quraanyo baa waxay tidhi: “Quraanyoy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn

Verse 19 — Surah An-Naml 27:19

Markaasuu muusooday, isagoo la cajabsan hadalkeeda o yidhi: Rabbiyow3! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan sama falo aad ka raalli tahay, oo igu dhex geli Naxariistaada addoomahaaga kuwa wanaagsan

Verse 20 — Surah An-Naml 27:20

Oo wuxuu kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki waayey hud-hudkii5, mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan

Verse 21 — Surah An-Naml 27:21

Waxaan hubaal ciqaabi doonaa ciqaab daran ama waan gowrici doonaa ama wuxuu ii keeni doonaa xujo cad

Verse 22 — Surah An-Naml 27:22

Mase maqnaan muddo dheer, (oo wuxuu joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin oo waxaan kaaga keenay Saba6 war la hubo

Verse 23 — Surah An-Naml 27:23

Hubaal waxaan helay haweeney xukumeysa7, oo la siiyey wax walba8, oo waxay leedahay Carshi aad u Weyn

Verse 24 — Surah An-Naml 27:24

Waxaan soo helay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qorraxda halkii Allaah, oo shaydaan wuxuu u qurxiyey camalladooda, oo ka duway Jidka (Toosan), marka ma ay hanuunsana

Verse 25 — Surah An-Naml 27:25

Ma ay u sujuudaan Allaah ee soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo arlada oo Ogsoon waxa aad qarisaan, iyo waxa aad muujisaanba

Verse 26 — Surah An-Naml 27:26

Allaah, ma jiro Ilaah ( Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Weyn

Verse 27 — Surah An-Naml 27:27

(Sulaymaan) wuxuu yidhi: Waan arki doonnaa inaad run sheegtay ama inaad tahay (mid) ka mid ah beenlowyada

Verse 28 — Surah An-Naml 27:28

Qaad waraaqdaydaan oo u dhiib, oo ka soo laabo, oo fiiri wixii ay (jawaab) soo celiyaan”

Verse 29 — Surah An-Naml 27:29

Waxay tidhi: Mudanayaal! hubaal waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh

Verse 30 — Surah An-Naml 27:30

Hubaal waxaa soo diray Sulaymaan, (waxaana ku yaal): Bismillaahir Raxmaanir Raxiim

Verse 31 — Surah An-Naml 27:31

Ha iska kay weyneynina oo ii imaada idinkoo hoggaansan oo Muslimiin ah

Verse 32 — Surah An-Naml 27:32

Waxay tidhi: Mudanayaal! Iga siiya talo arrinkaygaan. Anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin

Verse 33 — Surah An-Naml 27:33

Waxay yidhaahdeen: Waxaanu nahay kuwo xoog leh oo dagaal aqoon daran leh, amarkase adigaa leh; ee ka fiirso waxa aad amreyso

Verse 34 — Surah An-Naml 27:34

Waxay tidhi: Hubaal! Boqorradu, markay (ku) galaan magaalo (xoog) waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa hoos ah. Oo Sidaas bay falaan

Verse 35 — Surah An-Naml 27:35

Oo hubaal waxaan u dirayaa hadiyad oo sugayaa si aan u eego waxa ay (jawaab) la soo noqdaan ergaydu (kuwa la diray)

Verse 36 — Surah An-Naml 27:36

Markiise (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad Iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Allaah baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Bal waxaad ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna

Verse 37 — Surah An-Naml 27:37

U laabo iyaga, waxaan xaqiiq ula imaan doonnaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, oo waxaan hubaal ka saari doonnaa halkaa iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho

Verse 38 — Surah An-Naml 27:38

(Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni kara carshigeeda inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan?”

Verse 39 — Surah An-Naml 27:39

Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Aniga baa kuu keenaya inta aad ka kicin golahaaga, oo hubaal waxaan anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah

Verse 40 — Surah An-Naml 27:40

Mid haystay cilmi Kitaabka ah10 wuxuu yidhi: Aniga baa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Oo markii uu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay_ si uu ii imtixaano inaan mahad naqo ama aan abaal dhaco. Oo mid kastoo mahad naqa wuxuu u mahad naqaa naftiisa, oo mid kastoo abaal dhaca, haddaba hubaal! Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan

Verse 41 — Surah An-Naml 27:41

Wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno bal inay garato, mise ay ka mid noqoto kuwa aan garanayn

Verse 42 — Surah An-Naml 27:42

Oo markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Oo waxaa nala siiyey cilmi horteed, oo waxaanu nahay Muslimiin

Verse 43 — Surah An-Naml 27:43

Oo waxay caabudeysey Allaah sokadi baa ka jeediyey (Xaqa), hubaal waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah

Verse 44 — Surah An-Naml 27:44

Waxaa lagu yidhi: Gal Qasarka, markiise ay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaas bay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen12; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan, oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Hubaal waxaan dulmiyey naftayda, haddase waxaan isu dhiibay la jirka Sulaymaan xagga Alle, Rabbiga uunanka

Verse 45 — Surah An-Naml 27:45

Oo xaqiiq waxaan u dirnay Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Allaah (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya

Verse 46 — Surah An-Naml 27:46

(Saalix) wuxuu yidhi: “Dadkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaan (cadaab) ka hor samaanta14 (Naxariis Ilaahay)? Maxaad uga dalbi weydeen Dambi Dhaaf Ilaahay, bal inuu idiin naxariisto

Verse 47 — Surah An-Naml 27:47

Waxay yidhahdeen: Waxaa nagu dhacay balaayo iyo baas sababtaada adiga iyo sababta kuwa kula jiraba. Wuxuu yidhi: "Sharaysigiinnu waa xagga Ilaahay15; bal, waxaad tihiin dad la imtaxaanay.”

Verse 48 — Surah An-Naml 27:48

Oo waxaa jiray magaalada sagaal nin (oo ah wiilashii madaxdoodii)16, oo ku fala fasahaad arlada17, oo aan wax hagaajin

Verse 49 — Surah An-Naml 27:49

Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Allaah inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisaba goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan qaraabadiisa dhow18: Maa aanu joogin meesha uu ku halaagsamay ehelkiisu, oo waxaan hubaal nahay xaqiiq run sheegayaal

Verse 50 — Surah An-Naml 27:50

Oo waxay tabeeyeen tab, oo Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn

Verse 51 — Surah An-Naml 27:51

Ee fiiri sida ay aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan

Verse 52 — Surah An-Naml 27:52

Marka waa kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan gardarradoodii darteed, hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamo dad garasho leh

Verse 53 — Surah An-Naml 27:53

Oo Waxaanu badbaaddinnay kuwii rumeeyey oo ka dhowrsanayey (xumaha)

Verse 54 — Surah An-Naml 27:54

Oo (waxaan dirnay) Luud waa tii uu ku yidhi dadkiisii: Ma waxaad fashaan anshax19 xumo idinkoo arkaya

Verse 55 — Surah An-Naml 27:55

Ma waxaad u tagtaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Bal waxaad tihiin dad u dhaqma si jaahilnimo ah

Verse 56 — Surah An-Naml 27:56

Mase ahayn jawaabtii dadkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: “Ka saara intii raacday Luud magaaladiinna, hubaal waa dad is daahirine

Verse 57 — Surah An-Naml 27:57

Markaas baan badbaadinnay isaga iyo intii raacday, marwadiisii maahee. Waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haray gadaal (la halaagay)

Verse 58 — Surah An-Naml 27:58

Oo Waxaanu ku soo daadinnay korkooda roob (dhagaxyo ah). Xumaa roobka kuwa loo digay

Verse 59 — Surah An-Naml 27:59

Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, oo nabad ha ahaato addoomahiisa dushooda uu doortay. Ma Allaah baa wanaagsan, mise kuwa ay la wadaajiyaan cibaadada shariigyo ahaan

Verse 60 — Surah An-Naml 27:60

Mayee, (Allaah baa wanaagsan) ee abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiinka soo shuba biyo (roob) xagga daruurta, markaas aan ku soo bixinno beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan; Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda. Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Mayee, waa dad ka weecda (Xaqa)

Verse 61 — Surah An-Naml 27:61

Mise, Kan ka dhigay dhulka meel la dego oo ka yeelay dhexdiisa webiyo, oo u yeelay buuro suga, oo yeelay dhexdooda labada badood xidh. Ee ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Mayee, badankood garasho ma leh

Verse 62 — Surah An-Naml 27:62

Mise, Kan ajiiba dhibbanaha markuu baryo oo ka qaada dhibka, oo wuxuu idinka yeeli kuwa u hara (oo isku beddela) dhulka21. Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Yaraa inta aad xusuusataan

Verse 63 — Surah An-Naml 27:63

Mise, Kan idin tilmaama marka aad ku dhex jirtaan mugdiyada berriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabaylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya Raxmaddiisa (roobka)? Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Waa ka sarreeyaa Allaah waxa ay la wadaajiyaan cibaadada

Verse 64 — Surah An-Naml 27:64

Mise, Kan billaaba asal ahaan abuurka, markaas soo celin doona, oo ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Dheh: Keena Xujadiinna haddaad tihiin run sheegayaal

Verse 65 — Surah An-Naml 27:65

Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Allaah ma’ahee, oo ma oga goorta la soo bixin doono (Qiyaamaha)

Verse 66 — Surah An-Naml 27:66

Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Balse, waxayba ka qabaan shaki, oo waa ay ka indha la' yihiin

Verse 67 — Surah An-Naml 27:67

Oo kuwaa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: Ma marka aan noqon- no ciid, innaga iyo aabbayaashayoba,miyaa xaqiiq nala soo bixin doonaa (mar kale)

Verse 68 — Surah An-Naml 27:68

Waxaa xaqiiq naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore

Verse 69 — Surah An-Naml 27:69

Dheh: Ku socdaala dhulka, markaas fiiriya sida ay aheyd ciribtii Dambiilayaasha

Verse 70 — Surah An-Naml 27:70

Oo ha u murugoon, oo ha ka walbahaarin waxa ay qrosheeyaan darteed

Verse 71 — Surah An-Naml 27:71

Oo waxay yidhaahdaan: Goorma bay gooddintani dhici doontaa? Haddii aad tihiin run sheegayaal

Verse 72 — Surah An-Naml 27:72

Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxa aad rabtaan in la soo dedjiyo

Verse 73 — Surah An-Naml 27:73

Oo hubaal Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankiisu ma mahad naqaan

Verse 74 — Surah An-Naml 27:74

Oo hubaal, Rabbigaa xaqiiq waa Ogsoon yahay waxa ay laabahoodu qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba

Verse 75 — Surah An-Naml 27:75

Oo ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad

Verse 76 — Surah An-Naml 27:76

Hubaal Qur’aankani wuxuu daaha uga qaadaa ilmahii Israa’iil badi waxaa ay isku hayaan oo isku khilaafsan yihiin

Verse 77 — Surah An-Naml 27:77

Oo hubaal Waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta

Verse 78 — Surah An-Naml 27:78

Hubaal Rabbigaa wuxuu ku kala xukumi doonaa dhexdooda iyaga xukunkiisa, oo waa Isaga Awood Badanaha, wax kasta Ogsoonaha ah

Verse 79 — Surah An-Naml 27:79

Ee isku hallee Allaah; hubaal, waxaad ku taagan tahay Xaq Cad

Verse 80 — Surah An-Naml 27:80

Hubaal adigu wax ma maqashiin kartid meytida, oo ma maqashiin kartid dhagoola- ha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan

Verse 81 — Surah An-Naml 27:81

Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu hoggaansan Muslimiinta ah

Verse 82 — Surah An-Naml 27:82

Oo marka uu Qawlku ku fulo dushooda23, Waxaan uga soo bixin donnaa Daabbad arlada, la hadleysa, inayan dadku rumeyn Aayadahayaga darteed

Verse 83 — Surah An-Naml 27:83

Oo Maalinta aan ka soo kulmin doonno ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga, markaasna waxaa loo kala saari doonaa qayb qayb

Verse 84 — Surah An-Naml 27:84

Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan doonaa: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinka oo aan ku koobin cilmi, ama maxay aheyd waxa aad fasheen

Verse 85 — Surah An-Naml 27:85

Oo waxaa ku dhici doona Qowlkii (Cadaabka)24, gefefkii ay geysteen darteed, marka ma hadli doonaan

Verse 86 — Surah An-Naml 27:86

Mawaysan u fiirsan inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan Maalintana iftiin? Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin dad rumeysan

Verse 87 — Surah An-Naml 27:87

Oo Maalinta buunka la afuufo, markaa kuwaa ku sugan samooyinka iyo kuwaa ku sugan arlada waxay la dhici doonaan naxdin mid maahee Allaah uu doono (oo ka cafiyo), kulligoodna waxay u imaan doonaan iyagoo dullaysan

Verse 88 — Surah An-Naml 27:88

Oo waad arkaysaa buuraha aad mooddo wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Ilaahay ee u sameeyey wax walba si hagaagsan. Hubaal waa u Xog ogaal waxa aad fashaan

Verse 89 — Surah An-Naml 27:89

Mid kastoo la yimaada samaan25 wuxuu leeyahay wax ka khayr badan ajar ahaan, oo iyagu naxdinta Maalintaas waa ka aamin

Verse 90 — Surah An-Naml 27:90

Oo mid kastoo la yimaada xumaan26 waxaa loogu tuuri doonaa weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku jaaseeyaa waxaan ahayn waxaad fasheen

Verse 91 — Surah An-Naml 27:91

Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan27 (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Oo waxaa la I amray inaan ahaado mid ka mid ah kuwa isu dhiiba (Ilaahay)

Verse 92 — Surah An-Naml 27:92

Iyo inaan akhriyo Qur’aanka, ee qofkii hanuuna, wuxuu u hanuunaa naftiisa, oo qofkii lumaa, markaa dheh: Anigu waxaan ahay oo keliya mid ka mid ah digayaasha.”

Verse 93 — Surah An-Naml 27:93

Oo dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah. Wuxuu idin tusi doonaa calaamooyinkiisa, waana garan doontaan. Mana aha Rabbigaa mid moog waxa aad fashaan