Oo Waxaanu u waxyoonnay Muuse hooyadi (Annagoo leh): Nuuji isaga (Muuse), markaadse aad u cabsato, ku tuur webiga, oo ha cabsan, hana murugoon. hubaal, Annaga baa kuu soo celin, oo ka yeeli mid ka mid ah Rususha
Oo marwadii Fircoon waxay tidhi: Waa il qabawsigeenna aniga iyo adigaba. Ha dilina, waa intaasoo uu na anfaco ama aan ka dhiganno wiil, oo ma ay dareemin
Sidaas baan ugu soo celinnay hooyadiis si ay u il qabawsato oo u murugoon, oo u ogaato in wacadka Ilaahay Xaq yahay, laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona
Oo wuxuu ku sugnaa magaalada isagoo cabsanaya, war sugaya, mise kii gargaarka warsaday maalintii hore baa u qeyshanaya inuu u soo hiilliyo (mar kale). (Muuse) wuxuu ku yidhi: Adigu wax aad tahay baadiyeeye iska cad
Markuu se doonay inuu qabto (oo wax yeelo) kii cadowga u ahaa labadoodaba, wuxuu ( kii loo gargaarayey ama kii cadowgaada ahaa) yidhi: Muusow! Ma waxaad dooneysaa inaad I disho sidii aad u dishayba naf (kale) shalay? Ma dooneysid waxaan aheyn inaad ka noqoto jujuubaa isla weyn arlada, oo ma dooneysid inaad ka mid noqoto kuwa wax wanaajiya
Markaasuu u waraabiyey (xoolahoodii), markaas u jeesaday oo aaday xagga meel har leh, oo yidhi:Rabbiyow! Waxaan u baahi qabaa wax kastoo khayr ah aad I soo dirto
Markaas labadii gabdhood middood baa u timid iyadoo u soconaysa si xishood leh oo tidhi: Aabbahay baa kuu yeedhaya si uu kuu siiyo abaalgudka waraabintii dar- teed aad noo waraabisay (xoolahayaga). Oo markuu u yimid8 oo uga warramay qisa- dii dhacday, wuxuu yidhi: Ha cabsan. Waad ka badbaadday dadkaa daalimiinta ah
Oo markuu dhammaystay Muuse muddadii, oo la tagay reerkiisii iyagoo jidka haya buu wuxuu ka arkay dhinaca buurta (Duur) dab, wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Suga, waxaan arkay dab, waa intaasoo aan idiinka keeno war ama dhimibil dab ah si aad isugu diirisaan
Ee tuur ushaada. Markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa oo la moodo mas, buu isgaddiyey, mana soo dhugan gadaal (waxaa la yidhi): Muusow! Kaalay soo dhowow, oo ha cabsan, hubaal waxaad tahay mid ka mid ah kuwa aaminka ah
Oo markuu Muuse ula yimid Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdeen: Kani ma aha waxaan ahayn sixir la been abuurtay, mana aanaan ku maqal waxakan oo kale aabbayashayadii hore dhexdood
Oo Fircoon wuxuu yidhi: Xildhibaannow! Anigu idiin ma ogi inaad leedihiin ilaah kale aan ahayn aniga, ee i huri dab Haamaanow lagu dul shido dhoobada11, markaa ii samee sar aad u dheer, si aan u soo day dayo ilaaha Muuse; oo hubaal waxaan qabaa in isagu yahay mid ka mid ah beenlowyada
Oo adigu ma aad joogin dhinca Buurta (Duur) markaan u yeernay. Laakiinse (adiga waxaa laguu soo diray) naxariis ahaan xagga Rabbigaa si aad ugu digto dad uusan u imaan dige hortaa bal inay xusuustaan
Oo haddaysan jirin in markay ku dhacdo masiibo waxay gacmahoodu geysteen ( oo xumaan ah) darteed, markaasna ay yidhaahdeen: Rabbiyow! Maxaad noogu soo diri weyday Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga oo aan uga mid ahaanno mu’miniinta
Markiise (haatan) uu Xaqa uga yimid Xaggagayaga, waxay yidhaahdeen: Maxaa loo siin waayey wax la mid ah wixii la siiyey16 Muuse? Ma waysan ku gaaloobin wixii la siiyey Muuse awal hore? Waxay yidhaahdeen: “Waa labo sixir (Towraadda iyo Qur’aanka) oo is kaalmaysta. Oo waxay yidhaahdeen: hubaal Innagu dhammaantood waan ku gaalownay
Kuwaan waxaa la siin doonaa ajar-kooda labo jeer sabarkoodii darti, oo waxay ku qaabilaan wixii xumaan ah samaan, oo wax ka bixiyaan waxaan ku irsaaqno
Oo intee baan magaalo rognay, ku ki-birtay nolosheeda (caasiday Alle iyo Rusu- shiisa). Marka waa kuwan guryahoodii, aan la degin iyaga kadambow in yar ma ahee20 Oo waa Annaga dhaxlayaasha (u hara)
Oo Rabbigaa marnaba ma halaago magaalooyinka jeer uu u diro magaalada u hooyada ah (xaruntooda) Rasuul u akhrinaya Aayadahayaga. Oo marnaba ma halaagno magaalooyinka haddii ayan aheyn dadkeedu gar ma qaatayaal
Ma mid aan u ballan qaadnay ballan qaad wanaagsan (Janno) oo la kulmi doono, baa la mid ah mid aan siinnay sahayda nolosha adduunkan, markaas Maalinta Qiyaamaha ka mid noqon doona kuwa la soo xaadirnayo (la cadaabayo)
Kuwa uu Qawlka ku dhaboobi doono21 (in la ciqaabo) waxay odhan: “Rabbiyow! Kuwaani waa kuwii aan habaabinnay. Waxaan u habaabinnay sidii aan u habownay. Waxaan ka nahay bannaanka (iyaga) adiga hortaada. Ma aheyn innaga waxay caabudayeen
Oo waxaa lagu odhan: U yeerta Ilaahaydiinnii aad shurakada kala dhigteen, markaasay u yeedhan doonaan, mase siin doonaan wax jawaab ah, oo waxay arki doonaan cadaabta. Haddii uun ay raaci lahaayeen hanuunka
Dheh: Ii sheega, haddii uu Allaah idiinka yeelo habeenka joogto tan iyo maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Allaah oo idiin keeni kara iftiin, ee mawaydaan wax maqleyn
Dheh: Ii sheega, haddii Allaah idiinka yeelo dharaarta joogto tan iyo Maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Allaah oo idiin keeni kara habeen aad ku xasishaan? Ee mawaydaan wax arkayn
Hubaal, Qaaruun wuxuu ka mid ahaa qolodii Muuse, wuuse ka fallaagoobay, oo waxaanu ka siinnay kaydadka wax aad u tiro badan heer furayaashoodu xaqiiq cusleyneysay jirka rag xoog leh. Waa tii ay qolodiisii ku yidhaahdeen: Ha farax taraarin (qooqin),hubaal, Alle ma jecla kuwa qooqa
Oo ku doono waxa (khayr) uu Allaah ku siiyey Daarta dambeysa, oo ha halmaamin qaybtaada ah adduunkan, oo sama fal sida uuba Allaah kuugu sama falay, oo ha la doonin fasahaad arlada. hubaal, Allaah ma jecla Mufsidiinta (kuwa wax bi'iya)
Kuwii se la siiyey cilmiga waxay yidhaahdeen: Magaciin bi'i waaye! Abaalka Allaah (ee Aakhirada) baa u wanaagsan kuwa (Xaqa) rumeysan oo sama fala , lamana waafajiyo waxaan ahayn kuwa samir yeesha
Markaas baan la goynay isaga iyo daartiisiiba dhulka. Marka ma uusan helin cid uga soo gargaarta xagga Allaah, mana ahayn mid ka mid kuwa is difaaci kara
(Ma xagga) taasi ah Daarta Aakhiro (Jannada) waxaan dhaxalsiin doonnaa kuwa aan ku dooneyn sarreyn dhulka, oo aan ku falin fasahaad. Oo cidhibta wa- naagsan waxaa leh kuwa iska jira xumaha