Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 29 - Al-Ankabut
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Ankabut 29:1
Alif Laam-Miim
Verse 2 — Surah Al-Ankabut 29:2
Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waanu rumey- sannahay (Xaqa)iyagoo aan la imtixaamin
Verse 3 — Surah Al-Ankabut 29:3
Oo xaqiiq Waxaanu imtixaannay kuwii ka horreeyey iyaga. Oo Allaah xaqiiq wuu muujin kuwa uu run ka yahay (Iimaanka), oo xaqiiq wuu muujin beenlowyada
Verse 4 — Surah Al-Ankabut 29:4
Mise ma waxay moodaan kuwa fala xumaha inay naga fakan karaan? Xumaa waxa ay guddoonshaan
Verse 5 — Surah Al-Ankabut 29:5
Qofkii rajo ka qaba la kulanka Ilaahay, haddaba hubaal muddada uu Allaah (qoray) way imaaneysaa, oo waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon
Verse 6 — Surah Al-Ankabut 29:6
Oo qofkii dadaala (xagga diinta), wuxuu u dadaalahayaa naftiisa. Hubaal Allaah waa ka deeqtoon yahay uunanka
Verse 7 — Surah Al-Ankabut 29:7
Oo (ma xagga) kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxaan hubaal u asturi xumahooda, oo waxaan hubaal u abaal marin si waafaqsan waxa u wanaagsan ay faleen
Verse 8 — Surah Al-Ankabut 29:8
Oo Waxaanu ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) wax aad u heysan cilmi2, ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, marka waxaan idiin sheegi doonaa waxa aad fasheen
Verse 9 — Surah Al-Ankabut 29:9
Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, Waxaanu hubaal ka yeeli inay dhex ahaadaan kuwa wanaagsan
Verse 10 — Surah Al-Ankabut 29:10
Oo waxaa ka mid ah dadka kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Allaah, markiise lagu dhibaateeyo Allaah darti, mooda fidmada dadka sida Cadaabka Ilaahay, oo haddii uu ka yimaaddo gargaar xagga Rabbigaa, waxay (munaafiqiintaa) hubaal odhanayaan: Waxaanu aheyn kuwa idin la jira. Ma wuusan Allaah ahayn kan dhab u Ogsoon waxa ku jira laabaha uumanka
Verse 11 — Surah Al-Ankabut 29:11
Oo hubaal Alle wuu muujin kuwa rumey- san, oo hubaal wuu muujin munaafiqiinta
Verse 12 — Surah Al-Ankabut 29:12
Oo kuwa rumeysan diida waxay ku yidhaahdaan kuwa (Xaqa) rumeysan: Soo raaca jidkayaga oo waxaan idinka qaadi doonnaa dambiyadiinna3. Oo marnaba ma aha kuwo ka qaadi doona wax ka mid ah dambiyadooda; hubaal waa beenlawyo
Verse 13 — Surah Al-Ankabut 29:13
Oo xaqiiq waxay qaadi culaysyadoo- da4, iyo culaysyo kale oo la jira culaysya- dooda, oo waxaa la weydiin Maalinta Qiyaamaha waxay been abuurteen
Verse 14 — Surah Al-Ankabut 29:14
Oo xaqiiq Waxaanu u dirnay Nuux dad- kiisii, oo wuxuu dhex joogay kun sano oo dhimman konton sano, oo waxaa qaaday Duufaantii iyagoo ah gar ma qaatayaal
Verse 15 — Surah Al-Ankabut 29:15
Oo Waa badbaadinnay isaga (Nuux) iyo kuwii kula jirayba Doonnida, oo waxaan uga dhignay calaamo5(digniin)ummadaha
Verse 16 — Surah Al-Ankabut 29:16
Oo (waxaan soo dirnay) Ibraahiim markii uu ku lahaa dadkiisii: Caabuda, Allaah (Keliya) oo dhowra (xilka uu idin saaray), arrinkan baa idiin khayr badan, haddii aad og tihiin
Verse 17 — Surah Al-Ankabut 29:17
Waxaad uun caabuddaan sanammo halkii Ilaahay, oo been abuur sameysaan. Hubaal, kuwa aad caabuddaan Allaah sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Allaah agtiis (oo keliya) oo caabuda oo ku mahdiya. Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa (dhammaan)
Verse 18 — Surah Al-Ankabut 29:18
Haddiise aad beenisaan (Xaqa), ummado idinka horreeyey baa xaqiiq beeniyey (Xaqa) . Oo ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad (ee Fartiinta)
Verse 19 — Surah Al-Ankabut 29:19
Mawaysan u fiirsan sida Allaah u billaabo abuuridda (uunka), haddana u soo celin doono? Hubaal arrinkaasi Allaah wuu u fudud yahay
Verse 20 — Surah Al-Ankabut 29:20
Dheh: Ku socdaala dhulka oo fiiriya sida (Allaah) u billaabo uunka, haddana Allaah u ahaysiinayo abuuridda dambe. Hubaal, Allaah wax walba wuu Karaa
Verse 21 — Surah Al-Ankabut 29:21
Wuxuu ciqaabaa qofkuu doono, oo u naxariistaa qofkuu doono, oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa
Verse 22 — Surah Al-Ankabut 29:22
Oo ma ku fakan kartaan dhulka iyo cirka midna, oo ma lihidin Allaah sokadi gacal idin xafidi iyo gargaare midna
Verse 23 — Surah Al-Ankabut 29:23
Oo kuwa rumeysan diida Aayadaha Ilaahay iyo la Kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, oo kuwan weeye kuwa mudan cadaab xanuun badan
Verse 24 — Surah Al-Ankabut 29:24
Marka ma ahayn jawaabtii dadkiisii waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Dila isaga ama guba. Markaas buu Allaah ka bad- baadiyey dabkii. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin dad rumaysan
Verse 25 — Surah Al-Ankabut 29:25
Oo (Ibraahiim) wuxu yidhi: Waxaad u samaysateen (caabudid darteed) sanammo Allaah sokadi, jaceylka dhexdiinna ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, wuxuu qaarkiinba dhaleeceyn qaarka kale, oo qaarkiin wuxuu lacnadi qaarka kale, oo hoygiinnu waa Naarta, oo ma lahaan doontaan wax idiin soo gargaara
Verse 26 — Surah Al-Ankabut 29:26
Oo Luud baa rumeeyey isaga. Oo (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Hubaal, waa Awood Badanaha, Xakiimka ah
Verse 27 — Surah Al-Ankabut 29:27
Oo Waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yac- quub,oo waxaannu ka yeelnay Nabinnima- da iyo Kitaabka inay ahaadaan ubadkiisa dhexdooda, oo Waxaanu ku siinnay abaal- gudkiisa adduunkan, oo Aakhirada wuxuu hubaal ka mid yahay inta wanaagsan
Verse 28 — Surah Al-Ankabut 29:28
Oo (waxaan soo dirnay) Luud, markuu ku lahaa dadkiisii: Hubaal waxaad idinku ku eedeysan tihiin xumaan (khaniisnimo) uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah ummadaha
Verse 29 — Surah Al-Ankabut 29:29
Ma waxaad u tagtaan ragga, oo goysaan jidka7, oo kula timaaddaan Munkar (shirki, gaalnimo, xumaano) kulamadiinna dhexdood, Mase aheyn jawaabtii dadkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Noo keen Cadaabka Allaah haddii aad ka mid tahay run sheegyada
Verse 30 — Surah Al-Ankabut 29:30
Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan fasahaadka badan
Verse 31 — Surah Al-Ankabut 29:31
Oo markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd) ula yimaadeen Ibraahiim bishaarada8 waxay yidhaahdeen: hubaal waxaan innagu halaagaynaa dadka magaaladan (Sodom), waayo dadkeedu waa gar ma qaatayaal
Verse 32 — Surah Al-Ankabut 29:32
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Xaqiiq waxaa ku nool Luud. Waxay yidhaahdeen: Innaga baa kaa ogsoon cidda dhexdeeda ah, hubaal waanu badbaadin doonnaa isaga (Luud) iyo ehelkiisaba,_marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan doontaa mid ku harta gadaal
Verse 33 — Surah Al-Ankabut 29:33
Oo markay Rusushayadii u yimaadeen Luud wuu u murugooday10 dartood, oo dareemay awood darro (si uu u difaaco) ; Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan oo ha murugoon. Hubaal waanu ku badbaadin adiga iyo ahelkaagaba, marka laga reebo xaaskaaga, waxay ahaan doontaa mid ka mid ah kuwaa ku hari doona gadaal
Verse 34 — Surah Al-Ankabut 29:34
Hubaal waxaanu ku soo dejin dadka magaaladan cadaab kaga yimaada samada inay caasiyoobeen darteed
Verse 35 — Surah Al-Ankabut 29:35
Oo xaqiiq waxaan uga tagnay halkaa calaamo (digniin) cad dad garasho leh
Verse 36 — Surah Al-Ankabut 29:36
Oo Xagga Madyan (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb, wuxuu yidhi: Dadkayow! Caabuda Allaah oo ka cabsada Maalinta Dambeysa (Aakhirada) oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada fasahaad
Verse 37 — Surah Al-Ankabut 29:37
Wayse beeniyeen, markaas baa dhul gariir daran qabsaday, oo waxay noqdeen kuwo (baqti) ah oo guryahooda daadsan
Verse 38 — Surah Al-Ankabut 29:38
Oo (waxaan rognay) Caad iyo Thamuud. Oo xaqiiq waxay idiinka muuqataa (baabbi’intoodii) guryahoodii. Oo shaydaan baa u qurxiyey camalladoodii oo ka duway Jidka, inkastoo ay ahaayeen kuwo garasho iyo garaad leh
Verse 39 — Surah Al-Ankabut 29:39
Oo (Waxaan rognay) Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan. Oo xaqiiq wuxuu Muuse ula yimid Aayado cad cad, waxayse ku qooqeen oo kibreen arlada, mase aheyn kuwo ka baxsan kara (Cadaabtayada)
Verse 40 — Surah Al-Ankabut 29:40
Marka mid walbaa (oo ka mid ah) waxaan ku qaadnay dambigooda, waxaa ka mid ahaa kuwo aan u dirnay dabeyl daran, oo waxaa ka mid ahaa kuwo uu qabsaday qarax weyn, oo waxaa ka mid ahaa mid aan la goynay dhulka; oo waxaa ka mid ahaa kuwo aan qarqinnay. Ma aheyn Allaah inuu ku gardarrooday, laakiinse iyaga baa nafahooda u gefayey
Verse 41 — Surah Al-Ankabut 29:41
Mataalka kuwaa sameysta ilaaliyaal aan aheyn Allaah waa sida mataalka caaro, yeelatay guri,oo hubaal waxaa ugu liita gur- yaha, guriga caarada; haddii ay og yihiin
Verse 42 — Surah Al-Ankabut 29:42
Hubaal Allaah wuu ogsoon yahay waxa ay baryaan Isaga sokadi. Oo waa Awood Badanaha, Xakiimka ah
Verse 43 — Surah Al-Ankabut 29:43
Oo (ma xagga) tusaalooyinkan, waxaan u soo qaadannaa dadka, cidise ma fahanto aan aheyn kuwaa cilmiga leh
Verse 44 — Surah Al-Ankabut 29:44
Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamo mu'miniinta
Verse 45 — Surah Al-Ankabut 29:45
Akhri (Nabi Muxammadow) waxaa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka, oo u oog salaadda si wanaagsan. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo Munkarka, oo xaqiiq xusidda Allaah baa wax waliba ka weyn. Oo Allaah wuu Og yahay waxa aad fashaan
Verse 46 — Surah Al-Ankabut 29:46
Oo ha la doodina ehlu Kitaabka inay tahay maahee taasi sida ugu wanaagsan, marka laga reebo kuwooda ka midka ah ee u dhaqma si caddaalad darro ah, oo dhaha: Waxaanu rumaysannahay waxa nalagu soo dejiyey waxyi ahaanta iyo waxa la idinku soo dejiyey ee waxyi ah; oo Ilaahayaga iyo Ilaahiinnuna waa Mid Keliya, oo innagu Isaga baan u hoggaansannahay
Verse 47 — Surah Al-Ankabut 29:47
Oo sidaas baan waxaan kugu soo waxyoonnay Kitaabka (Qur’aanka). Marka kuwa aanu siinnay Kitaabka way rumeysan yihiin, oo kuwani waxaa ka mid ah oo jira kuwo rumeysan, oo ma diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn gaalada
Verse 48 — Surah Al-Ankabut 29:48
Oo ma aad akhriyin horti wax Kitaab ah, mana aad ku qorin midna gacantaada midig, markaas kuwa sheega waxyaalo aan run ahayn waa ay shakiyi lahaayeen
Verse 49 — Surah Al-Ankabut 29:49
Mayee! kuwakani waa Aayado cad cad oo ku sugan laabaha kuwa la siiyey cilmiga, oo ma diidaan Aayadahaga waxaan ahayn gar ma qaatayaasha
Verse 50 — Surah Al-Ankabut 29:50
Oo waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamooyin loogaga soo dejin waayey xagga Rabbigiis? Dheh: Calaamooyinka sideedaba waa oo Keliya xagga Allaah, oo anigu waxaan uun ahay dige cad
Verse 51 — Surah Al-Ankabut 29:51
Miyaanay ku fillayn inaan kuu soo waxyoonnay Kitaabka loo akhriyo? Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan naxariis iyo waano dad rumaysan
Verse 52 — Surah Al-Ankabut 29:52
Dheh: Allaah baa ku filan markhaati ahaan aniga iyo idinka noo dhexeeya. Wuxuu Ogsoon yahay waxa jira samooyinka iyo arlada. kuwase rumeysan waxyaalaha aan jirin ee beenta ah oo rumeysan diida Allaah, waa kuwani uun kuwa iyagu ah hoogayaasha
Verse 53 — Surah Al-Ankabut 29:53
Oo waxay ku warsadaaan inaad soo dedejiso cadaabka, oo haddii aanay lahaan lahayn muddo go'an, wuu u iman lahaa cadaabka. Oo hubaal wuxuu ugu iman doonaa kedo iyagoo aan dareensanayn
Verse 54 — Surah Al-Ankabut 29:54
Waxay ku warsadaan inaad soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada
Verse 55 — Surah Al-Ankabut 29:55
Maalinta marka cadaabka ka dabooli doono dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, oo wuxuu odhan doonaa: Dhadhamiya waxaad fasheen
Verse 56 — Surah Al-Ankabut 29:56
Addoomahayga rumeysanow! dhulkaygu wuu ballaaran yahaye, ee Anigoo (Keliya) i caabuda
Verse 57 — Surah Al-Ankabut 29:57
Naf walbaa waa tii dhadhamisa dhimashada. markaas Xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa
Verse 58 — Surah Al-Ankabut 29:58
Oo kuwa rumeysan oo samaha fala waxaanu hubaal ka siin doonnaa hoy rugaha sare ee Jannada dhexdeeda, ay webiyadu hoostoodu qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fasha
Verse 59 — Surah Al-Ankabut 29:59
waa kuwa sabra oo Rabbigood ku kalsoon
Verse 60 — Surah Al-Ankabut 29:60
Oo badanaa noole dhul socod ah, oo aan xambaarsaneyn risiqeeda, Allaah baa arsaaqa iyo idinkaba. Oo Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon
Verse 61 — Surah Al-Ankabut 29:61
Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay hubaal odhan: Allaah. Ee xaggee baa haddaba loo iilay
Verse 62 — Surah Al-Ankabut 29:62
Allaah wuxuu u waasiciyaa risiqa kuu doono ee ka mid ah addoomahiisa, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay
Verse 63 — Surah Al-Ankabut 29:63
Oo haddii aad weydiiso: Yaa ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, markaa ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib? Waxay hubaal odhan: Allaah. Dheh: Am- maan idilkeed mahadi wehliso waxaa iska leh Alle. Badankooduse wax ma gartaan
Verse 64 — Surah Al-Ankabut 29:64
Oo ma aha noloshatan adduunku waxaan aheyn maaweelo iyo madaddaalo. Oo hubaal Daarta dambeysa,_ weeyaan nolosha dhabta ah (waarista), waase haddii ay og yihiin
Verse 65 — Surah Al-Ankabut 29:65
Oo marka ay fuulaan doonyaha, waxay baryaan Allaah (Keliya), iyagoo u keli yeelaya cibaadada, markase uu nabad ku keeno barriga, markaas bay u shariik- yeelaan
Verse 66 — Surah Al-Ankabut 29:66
Sidaas bay uga abaal dhacaan waxaanu siinnay, sidaas darteed ha iska raaxeystaan12, durbase way ogaan doonaan
Verse 67 — Surah Al-Ankabut 29:67
Miyaanay arkayn inaanu yeellay Xaram Aamin ah, halka dadka laga dafo hareerahooda13? Ee ma waxaan jirin oo been ah bay weli rumeysan yihiin, oo ku gaaloobaan Nicmadda Ilaahay
Verse 68 — Surah Al-Ankabut 29:68
Oo yaa ka gardarro iyo gef badan kan ka been sheega Allaah ama beeniya Xaqu marka uu u yimaado? Miyaanay se ahayn Naarta hoyga gaalada
Verse 69 — Surah Al-Ankabut 29:69
Oo (ma) kuwase aad ugu dadaala Arrinkayaga, waxaanu hubaal ku hanuunin doonnaa Jidadkayaga oo hubaal Allaah wuxuu la jiraa sama falayaasha