Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 31 - Luqman
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Luqman 31:1
Alif Laam Miim
Verse 2 — Surah Luqman 31:2
Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka Xakiimka ah
Verse 3 — Surah Luqman 31:3
Hanuun iyo Naxariis u ah sama falayaasha
Verse 4 — Surah Luqman 31:4
Kuwa u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya Zakada, oo iyagu ah kuwo yaqiinsan Aakhirada
Verse 5 — Surah Luqman 31:5
Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun xagga Rabbigood ah, oo waa kuwan kuwa ah liibaanayaasha
Verse 6 — Surah Luqman 31:6
Oo waxaa ka mid ah dadka mid qaata isaga (Qur’aanka) beddelki hadal maaweelo4 ah si uu uga lumo Jidka Ilaahay isagoon ogeyn, oo ka dhigta jees-jees; Kuwani waxay la kulmi doonaan Cadaab Silcisa
Verse 7 — Surah Luqman 31:7
Oo Marka loo akhriyo Aayadahayaga, ka jeesta kibir darti, sida inaanu maqalba, sidiiyoo uu qabo dhego culeys, ee ku war geli Cadaab Xanuun Badan
Verse 8 — Surah Luqman 31:8
(Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay hubaal mudan doonaan beero barwaaqo ah
Verse 9 — Surah Luqman 31:9
Iyagoo ku waaraya dhexdeeda, waa Ballan Ilaahay oo Xaq ah, oo waa Isaga Adkaadaha sare , Xakiimka ah
Verse 10 — Surah Luqman 31:10
Wuxuu abuuray samooyinka tiirar la’aan aad arkeysaan, oo wuxuu kor dhigay buuro ku qotansan arlada si aanu idiin la dhaqdhaqaaqin. Oo Wuxuu ku fidiyey dhexdeeda xoolo nooc kasta leh, oo Waxaanu ka soo shubnay biyo daruurta, markaas sababnay inay ka soo baxaan halkaa (dhir) nooc kastoo wanaagsan leh
Verse 11 — Surah Luqman 31:11
Waa kan Abuurka Ilaahay ee se i tusa bal waxa ay kuwaa sokadi ah abuureen. Mayee, gar ma qaatayaasha waxay ku jiraan habow caddaan ah
Verse 12 — Surah Luqman 31:12
Oo xaqiiq waxaanu siinnay Luqmaan Xikmad (oo aanu ku nidhi): Ku mahadi Allaah. Oo kii kastoo mahdiya wuxuu uun u mahad naqi naftiisa, oo kii kastoo ah abaal laawe, haddaba hubaal Allaah waa isku filnaha Deeqtoon, la Ammaano
Verse 13 — Surah Luqman 31:13
Oo waa tii uu Luqmaan ku yidhi wiilkiisa (Abimelek) isagoo waaninaya: Maandhow! Ha u shariig yeelin waxbana Allaah. Hubaal shirkigu waa gef aad iyo aad u Weyn
Verse 14 — Surah Luqman 31:14
Oo Waxaanu ku faral yeelnay aadmiga (inuu daryeelo) labadiisa waalid. Hooyadii waxay uur ku siddaa iyadoo tabar yar tabar yari kalena u dheer tahay, oo gudhinta naas nuujintiisu waa labo sano dhexdood_ ee ii mahad naq aniga iyo labadaada waalidba. Waa Xaggayga meel noqodka dambe
Verse 15 — Surah Luqman 31:15
Oo haddii ay kugula doodaan si dadaal leh inaad ii shariig yeesho wax aad u cilmi lahayn, ha ka yeelin, oo kula soco adduun- kan si naxariis leh, oo raac jidka kan aniga ii soo noqodka badiya. Waa Xaggeyga halka la idiin soo celin, markaas waxaan idiin sheegi doonaa waxaad fasheen
Verse 16 — Surah Luqman 31:16
Wiilkaygiyow! Hubaal haddii ay tahay (wax uun) le’eg iniin sisin, walowba xitaa ay ku jirto dhadhaab ama taal cirkaa kore ama dhulka hoose, Allaah waa keeni doonaa (ifka). Hubaal Allaah waa daryeel iyo roonaan badan yahayoo og yahay wax kasta aad ba ha u yaryaraadeene oo waa uu Xog hayaa wax waliba
Verse 17 — Surah Luqman 31:17
Wiilkaygiyow! U oog salaadda si wanaagsan oo amar samaanta oo reeb xumaanta oo u samir yeelo waxa kugu dhaca, hubaal umuurahan waxay rabaan geesinnimo lagu go’aan qaato
Verse 18 — Surah Luqman 31:18
Oo ha ka jeedin wajigaaga dadka isla weyni darteed6, oo ha ku marin dhulka is qaad qaad. Hubaal Allaah ma jecla isla weyne walba oo faan badan
Verse 19 — Surah Luqman 31:19
Oo raac sida toosan ee dhexdhexaadka ah xagga socodkaaga, oo hoos u dhig codkaaga. hubaal kan ugu xun codadka waa cida dameeraha
Verse 20 — Surah Luqman 31:20
Miyeydaan arkayn inuu Allaah idiin sakhiray wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo wax waliba oo ku sugan arlada, oo idiin taam yeelay Nicmooyinkiisa kuwo muuqda iyo kuwo qarsoonba? Oo waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Ilaahay isagoon u lahayn cilmi iyo hanuun iyo kitaab wax iftiimiya midna
Verse 21 — Surah Luqman 31:21
Oo marka lagu yidhaahdo: Raaca waxa Allaah soo waxyooday, Waxay yidhaahdaan: Mayee, waxaanu raacaynaa waxa aanu ka hellay aabayaashayo. Oo ma xitaa hadduu shaydaan ugu yeedhayo cadaabta dabka gubitaanka badan
Verse 22 — Surah Luqman 31:22
Oo ku kastoo isu dhiiba isagoo dhan Allaah isagoo ah same fale wuxuu dhab ahaan qabsaday siddaha kalsoonida ee adag. Oo Allaah baa leh oo loo celiyaa cidhibta arrimaha oo idil
Verse 23 — Surah Luqman 31:23
Oo ku kastoo rumeyn diida (Xaqa), yey ku murugo gelin rumeyn la’aantiisa, waa Xaggayaga Annaga meel noqodkoodu, oo Waxaanu u sheegi doonnaa waxay faleen. Hubaa Allaah waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
Verse 24 — Surah Luqman 31:24
Waxaan u raaxeyn wax yar, markaasaan ku dirqin doonnaa cadaab aad u adag
Verse 25 — Surah Luqman 31:25
Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? waxay hubaal odhan doonaan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed mahadi wehliso waxaa mudan Allaah. laakiinse badankoodu ma ogsoona
Verse 26 — Surah Luqman 31:26
Wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada waxaa leh Allaah. Hubaal Allaah waa isku Filnaha Deeqtoon, la Ammaano
Verse 27 — Surah Luqman 31:27
Oo haddii geed walba ee dhulka jira laga (dhigo) qalimmo, oo baddana (ku taakuleyso khad) iyadoo toddobo badood ay kaydsiinayaan, ma dhammaadeen Kelmedaha (amarrada) Ilaahay. Hubaal Allaah waa Adkaade sare, Xakiim ah
Verse 28 — Surah Luqman 31:28
Ma aha abuuriddiinna iyo soo bixintiinnu idinkoo dhammi waxaan ahayn sida (abuuridda iyo soo bixinta) naf keliya. Hubaal Allaah waa Wax kasta Maqle , oo wax kasta Arka
Verse 29 — Surah Luqman 31:29
Miyaanad arkayn in Allaah ka yeelo habeenka inuu u galo maalinta, oo Wuxuu ka yeelaa maalintana inay u gasho habeenka, oo Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, uu mid walba ku roorayo waddadiisa ilaa muddo go'an; iyo in Allaah Og yahay waxa aad fashaan
Verse 30 — Surah Luqman 31:30
Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Allaah uu Isagu Xaq yahay, oo waxa ka sokeeya ay baryaan uu baadil yahay, iyo inuu Allaah yahay Sarreeyaha, Weynaha ah
Verse 31 — Surah Luqman 31:31
Miyaadan arkayn inay doomuhu ku dul maaxaan badda Nicmadda Ilaahay7, si uu idiin tusiyo wax ka mid ah Calaamooyin- kiisa? hubaal, arrinkani waxaa ugu jira Calaamooyin samir yeesha kastoo, mahad naq badan
Verse 32 — Surah Luqman 31:32
Oo marka uu hir buuro la moodo uu daboolo, waxay baryaan Allaah Keligii oo u gaar yeelaan cibaadada. Markase uu nabad ku keeno barriga, qaarkood waxay raacaan jidka dhexdhexaadka ah8. Oo cidina ma diiddo Aayadahayaga aan aheyn axdi laawe kasta, abaal laawe ah
Verse 33 — Surah Luqman 31:33
Dadow! Iska jira (Ciqaabta) Rabbigiin, oo ka baqa Maalin aanu waalid u geli doonin wax abaal ah wiilki, oo cunugna u geli doonin wax abaal ah waalidki. Hubaal Ballanka Ilaahay waa Xaq, ee yeysan idin hodin nolosha Adduunku, oo ayaanu idinka hodin kan wax hoda (shaydaanka) ee dhagarta badan xagga Ilaahay
Verse 34 — Surah Luqman 31:34
Hubaal Allaah Isaga Keliya baa Ogsoon waqtiga Saacadda (Qiyaame), oo soo dejiya roobka, oo Wuxuu Ogsoon yahay waxa ku jira ilma galeennada9. Oo nafna ma oga maxay kasban doontaa berri10, oo nafina ma oga dhulkee bay ku dhiman doontaa. Hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, ka War Haya (wax walba)