Back to Languages

Somali - Chapter 33 - Al-Ahzab

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Ahzab 33:1

Nabiyow! Dhowr (xilka uu ku saaray) Allaah, oo ha waafaqin (rabitaannada) gaalada iyo munaafiqiinta. hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

Verse 2 — Surah Al-Ahzab 33:2

Oo raac waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa; hubaal Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

Verse 3 — Surah Al-Ahzab 33:3

Oo isku hallee Allaah, oo Allaah ku Filan wakiil uu ahaado

Verse 4 — Surah Al-Ahzab 33:4

Uma yeelin Allaah ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana dhigin afooyinkiinna aad dhabarradooda ku matashaan dhabarrada hooyooyinkiin2, hooyooyinkiin oo kale, kamana dhigin kuwaa aad ku sheegataan inay yihiin ilmahiinna, ilmihiinna runta ah aad dhasheen3. Kuwani wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afafkiinna. Oo Allaah wuxuu ku hadlaa runta, oo Isagaa wax ku hanuunsha Jidka (Toosan)

Verse 5 — Surah Al-Ahzab 33:5

Ugu abtiriya aabbayaashood, sidaasi baa caddaaladsan Allaah agtiis. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, haddaba waa walaalihiin diinta iyo saaxiibbadiin, oo idinkuma saarna eed dushiinna wixii gef idiinka dhaca, laakiinse (waxaad eed ku leedihiin wixii) ay kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu4, Oo Allaah waa Dambi dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 6 — Surah Al-Ahzab 33:6

Nabiga isaga baa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda5, oo afooyinkiisu waa hooyooyinkood (oo kale). Oo qaraabadu iyaga baa qaarba qaarkood isagu kala sokeeya oo xaq leh Kitaabka Ilaahay xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) kuwaa ka soo haajiray (guryahooda), in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka

Verse 7 — Surah Al-Ahzab 33:7

Oo waa tii aan la galnay axdi Nabiyada iyo adigaba, iyo Nuux, iyo Ibraahiim, iyo Muuse iyo Ciise_wiilka Maryam. Oo waxaanu la galnay axdi aad u adag

Verse 8 — Surah Al-Ahzab 33:8

Si uu wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda7, oo Wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab aad u xanuun badan

Verse 9 — Surah Al-Ahzab 33:9

Kuwiinaan idinku (Xaqa) rumeysanow! Xusuusta Nicmadda Ilaahay idiin galay markay idin yimaadeen ciidammo8, markaas aan ku dirnay dabayl xoog badan iyo ciidammo aydaan arag, oo Allaah waa uu Arkaa waxa aad fashaan

Verse 10 — Surah Al-Ahzab 33:10

Waa tii ay idiinka yimaadeen dushiinna iyo hoostiinnaba, oo waa tii indhuhu idin rogmadeen, oo wadnayaashu ay soo gaareen dhuumaha, oo aad billowdeen inaad ku malaysaan Allaah malooyin

Verse 11 — Surah Al-Ahzab 33:11

Halkaas baa mu’miniinta lagu imtixaanay, oo waxaa la gilgilay gil-gilid aad u daran

Verse 12 — Surah Al-Ahzab 33:12

Oo waa tii munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka billaabeen inay yidhaahdaan: Allaah iyo Rasuulkiisu nooma ballan qaadin (guul) balse keliya hoditaan

Verse 13 — Surah Al-Ahzab 33:13

Oo waa tii koox idinka mid ahina tidhi, Reer Yathribow9! Hlakaan joogitaan idiin ma leh ee noqda. Oo koox kalena oo ka mid ah idan weydiisteen Nabiga iyagoo leh: Hubaal guryahayagu waa baylah, oo ma ahayn baylah, ee waxay rabeen oo keliya inay baxsadaan

Verse 14 — Surah Al-Ahzab 33:14

Oo haddii looga soo geli lahaa Magaalada dhinacyadeeda ka mid ah, oo markaas laga dalbi lahaa inay dagaal qaadaan, horay bay hubaal ka yeeli lahaayeen, kumase negaadeen waxaan wax yar ahayn

Verse 15 — Surah Al-Ahzab 33:15

Oo dhab ahaan waxay horay axdi kula galeen Allaah inaysan jeedineyn dhabarradooda, oo Axdiga Ilaahay waa mid lays weydiinayo

Verse 16 — Surah Al-Ahzab 33:16

Dheh: Cararku wax idiin ma tarayo, haddii aad ka carartaan geeri ama gowrac, oo markaas ma laydiin oggolaan doono inaad u raaxeysaan nafahiinna waxaan wax xoogaa yar aheyn

Verse 17 — Surah Al-Ahzab 33:17

Dheh: Waa kuma kan idinka celin kara Allaah haddii uu idinla maago dhibaato ama idinla maago naxariis10? Oo uma heli doonaan nafahooda Allaah sokadi wax gacal iyo gargaare ah midna

Verse 18 — Surah Al-Ahzab 33:18

Allaah waa ogsoon yahay dhab ahaan kuwaa idinka mid ah11 ee dib u reeba (kuwa kale), iyo kuwa ku yidhaahda walaalahood: Noo kaalaya12; oo ma yimaadaan dagaalka in yar ma’ahee

Verse 19 — Surah Al-Ahzab 33:19

Ee bakhayllada ah xaggiinna14, markase cabsi timaaddo waxaad arki doontaa iyagoo ku soo eegaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid la sakaraad ah geeri darteed; markase ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan, ka bakhaysha khayrka; kuwaasi ma ay rumaynin. Sidaa awgeed buu Allaah u buriyey acmaashooda, oo arrinkaasi wuu u fudud yahay Allaah

Verse 20 — Surah Al-Ahzab 33:20

Waxay moodaan Axsaabtu inayan tegin15, oo haddii ay axzaabtu imanayaan (mar kale)16, waxay jeclaan lahaayeen in baadiyaha ay la jiraan Carabta reer miyiga ah oo halkaas ka weydiinayaan wararkiinna; oo haddii ay idin dhex joogi lahaayeen ma ay dagaal galeen in yar ma’ahee

Verse 21 — Surah Al-Ahzab 33:21

Dhab ahaan waxaa idiinku sugan Rasuulka Ilaahay tusaale wanaagsan17 uu raaco mid kastoo rajeeya (la Kulanka) Ilaahay iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Allaah in badan

Verse 22 — Surah Al-Ahzab 33:22

Oo markay Mu’minintu arkeen axzaabta waxay yidhaahdeen: Kani waa waxay Allaah iyo Rasuulkiisu noo yabooheen18, oo Allaah iyo Rasuuliisu run bay sheegeen, oo uma kordhin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan

Verse 23 — Surah Al-Ahzab 33:23

Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheega axdiga ay la galeen Allaah (guul ama geeri), marka waxaa ka mid ah mid isagu gutay ballankiisa (oo shahiiday), oo waxaa ka mid ah mid isagu weli sugaya; oo ma ayan beddelin in yarba ha ahaatee

Verse 24 — Surah Al-Ahzab 33:24

Waa si uu Allaah uga abaal mariyo runlowyda runtooda, oo u cadaabo munaafiqiinta haddii uu doono ama ugu soo jeedsado (si naxariis leh). Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 25 — Surah Al-Ahzab 33:25

Oo Allaah wuxuu dib ugula ceshay gaalada ciilkooda, ma ay helin wax khayr ah; oo Allaah baa ka kaafiyey mu’miniinta dagaal ay galaan, oo Allaah waa Xoog Badane, Adkaade sare ah

Verse 26 — Surah Al-Ahzab 33:26

Oo wuxuu ka soo saaray kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka19 ee caawiyey (mushrikiinta) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, oo qaar (kale) soo qafaalateen

Verse 27 — Surah Al-Ahzab 33:27

Oo Wuxuu idin dhaxalsiiyey dhulkooda iyo guryahooda iyo maalkooda20 iyo dhul aydaan (hadda ka hor) cag dhigin21, oo Allaah wax walba waa uu Karaa

Verse 28 — Surah Al-Ahzab 33:28

Nabiyow! Ku dheh xaasaskaaga: Haddii aad tihiin kuwo raba nolosha adduunkan iyo quruxdeeda,_ haddaba kaalaya waxaan idin siin sahay oo idin oggolaan inaad tagtaan tagitaan wanaagsan

Verse 29 — Surah Al-Ahzab 33:29

Oo haddii aad rabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Daarta dambeysa, haddaba hubaal Allaah wuxuu u diyaarshay samo falooyinka idinka mid ah abaalgud aad u weyn

Verse 30 — Surah Al-Ahzab 33:30

Xaasaska Nabigow! Mid kastoo idinka mid ah oo la timaadda xumaan cad, waxaa loo labanlaabi doonaa cadaabta, oo arrinkaasi wuu u fudud yahay Allaah

Verse 31 — Surah Al-Ahzab 33:31

Oo mid kastoo idinka mid ah ee adeecda Allaah iyo Rasuulkiisa oo sama fasha, Waxaanu siin doonnaa ajarkeeda labo jibbaar, oo Waxaanu u diyaarinnay risiq sharaf leh

Verse 32 — Surah Al-Ahzab 33:32

Xaasaska Nabigow! la mid ma tihin haweenka kale oo dhan, haddii aad Allaah ka cabsataan, haddaba ha ahaanina kuwo dabacsan xagga22 hadal(kiinna), si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin23, oo ku hadla hadal wanaagsan

Verse 33 — Surah Al-Ahzab 33:33

Oo jooga guryihiinna24, oo ha soo bandhigana bilicdiinna sida isbandhiggii jaahiliyaddii hore25, oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Zakada oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, Allaah wuxuu rabaa oo keliya inuu idinka fogeeyo fadarada (dambiga) Ehlu baydkow26, iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan

Verse 34 — Surah Al-Ahzab 33:34

Oo dhaqan gasha waxa lagu akhriyo guryihiinna oo Aayadaha Ilaahay ah iyo Xikmadda; Hubaal Allaah waa Ogsoonaha wax kastoo jira guntooda si kastaba ha u yaraadeene oo daryeela, wax walba ka War haya

Verse 35 — Surah Al-Ahzab 33:35

Hubaal Muslimiinta iyo Muslimooyinka, mu’miniinta iyo mu’minooyinka, adeecayaasha, iyo adeecooyinka, run sheegayaasha iyo run sheegooyinka, samir yeelayaasha iyo samiryeelatooyinka khushuucayaasha hoos isu dhiga iyo khushoocooyinka hoos isu dhiga, sadaqeystayaasha iyo wax sadaqeystooyinka, soomayaasha iyo soomooyinka iyo dhowrsanayaasha xafida xubnahooda gaarka ahi iyo dhowrsanooyinka, Alle xusayaasha in badan iyo (Alle) xusooyinkaba. Allaah wuxuu u diyaariyey dambi dhaaf iyo abaalgud aad u weyn

Verse 36 — Surah Al-Ahzab 33:36

Kuma habboona nin mu’min ah ama haweeney mu'minad ah, marka ay Allaah iyo Rasuulkiisu Arrin gooyaan inay yeeshaan talo goosi iskood ah; oo mid kastoo caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, wuxuu dhab ahaan lumaa lumis caddaan ah

Verse 37 — Surah Al-Ahzab 33:37

Oo waa tii aad ku lahayd kan uu Allaah u nicmeeyay27 oo adiguna aad u nicmaysay: Heyso afadaada oo dhowr (xilka uu ku saaray) Allaah; oo waxaad ku qarisay naftaada wax uu Allaah keenayo debedda, adigoo ka baqay dadka, oo Allaah baa mudan oo u sii xaq leh inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay), baan kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) afooyinka kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen (oo iskood u fureen) 28, oo Amarka Ilaahay waa mid la fuliyo

Verse 38 — Surah Al-Ahzab 33:38

Ma aha Nabiga dushiisa dhib inuu falaa waxa uu Allaah ku faral yeelay29. Waa sidaas sida ay soo ahaan jirtay hannaankii Ilaahay xagga kuwii hore ee tegay. Oo Amarka Ilaahay waa qaddar horay ka fulo

Verse 39 — Surah Al-Ahzab 33:39

Kuwa gaarsiiya dadka Risaalooyinka Ilaahay30 oo ka baqa, oo aan ka baqin axadna Allaah maahee, oo Allaah ku filan xisaabiye ahaan

Verse 40 — Surah Al-Ahzab 33:40

Muxammad ma aha aabbaha axadna ka mid ah raggiina, laakiinse waa Rasuul Ilaahay iyo kan u dambeeyey Nabiyada31, oo Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay

Verse 41 — Surah Al-Ahzab 33:41

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Xusa Allaah oo badiya xusiddiisa

Verse 42 — Surah Al-Ahzab 33:42

Oo xurmad weyneeya oo hufa aroor iyo galabba

Verse 43 — Surah Al-Ahzab 33:43

Waa isaga (Alle) Kan soo dira Bara- kooyinkiisa korkiinna32, oo malaa’igtiisu sidoo kale (bay Allaah idiinka baryaan), si uu idinkaga saaro mugdiyada xagga nuurka, oo Isagu waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta

Verse 44 — Surah Al-Ahzab 33:44

Salaantoodu Maalinta ay la Kulmaan waxay ahaan doontaa: Nabad ahaada, oo Wuxuu u diyaariyey abaal gud aad u sharaf badan

Verse 45 — Surah Al-Ahzab 33:45

Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, iyo side war san33 oo lagu farxo iyo dige ahaan

Verse 46 — Surah Al-Ahzab 33:46

Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeera (dadka) xagga Ilaahay, si Idankiisa ah, iyo nal ahaan iftiin bixinaya

Verse 47 — Surah Al-Ahzab 33:47

Oo sii mu'miniinta warkaa san ee farxadda leh ee ah inay xagga Ilaahay ka mudan doonaan deeq aad iyo aad u Weyn

Verse 48 — Surah Al-Ahzab 33:48

Oo ha adeecin gaalada iyo munaafi- qiinta, oo dan ha u gelin hadalkooda dhibta leh, oo isku hallee Allaah, oo Allaah baa ku Filan xafide uu ahaado

Verse 49 — Surah Al-Ahzab 33:49

Kuwiinaan idinku rumeysanow! marka aad guursataan dumarka mu’minooyinka ah, markaas aad furtaan ka hor inta aydaan taaban (la aqal gelin), markaa kuma lihidin korkooda wax waqti ah ay sugayaan aad u tirineysaan, ee u yeela xoogaa sahay ah oo dira diritaan si quruxsan ah

Verse 50 — Surah Al-Ahzab 33:50

Nabiyow! Hubaal Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda. iyo kuwaa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwaa uu Allaah kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah haddii ay u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan dhab ahaan ognahay waxa aan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxa ay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 51 — Surah Al-Ahzab 33:51

Adigu waad dib dhigi kareysaa tii aad doonto (mooggeeda), oo u hoyaadi kartaa tii aad doonto, oo waad soo dhoweyn kartaa tii aad rabto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay, eed kuguma saarna, arrinkani baa sii habboon, si ay u indho qabowsa- daan oo aysan u murugoon, iyo inay ku raali noqdaan, dhammaantood waxa aad siiso. Oo Allaah baa ogsoon waxa ku jira quluubtiinna. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, aad u Dul Badan

Verse 52 — Surah Al-Ahzab 33:52

Kuuma bannaana inaad yeelato haween dambe intaa kaddib, iyo inaad iyaga ku beddalatid afooyin kale midna, xataa haddii ay quruxdoodu ku cajabiso, marka laga reebo kuwaa ay gacantaadu midig hanato. Oo Allaah waa u jeedaa wax walba

Verse 53 — Surah Al-Ahzab 33:53

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha gelina guryaha Nabiga, in maahee la idiinku idmo cunno (la idiinku yeedhay), idinkoo aan sugeyn bisleynteeda34. Laakiinse marka la idiin yeedho gala, oo marka aad cuntaan raashinka markaa kala taga idinkoo aan raadineyn inaad hadal dhageysataan. hubaal (arrin) kani waxay dhibeysaa Nabiga, wuuse idinka xishoodaa (inuu idin bixiyo), oo Allaah kama xishoodo xaqa. Oo marka aad weydiisanaysaan iyaga wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin) kani baa u sii daahirsan quluubtiinna iyo quluubtodoodaba. Oo idiinma habboona inaad dhibtaan Rasuulka Ilaahay, iyo inaad guursataanba afooyinkiisa isaga gadaashi marnaba. Hubaal (arrin) kani Allaah xaggi waa wax Daran oo dambi aad u weyn ah

Verse 54 — Surah Al-Ahzab 33:54

Haddii aad wax u fashaan caddaan ama aad u fashaan qarsoodi, hubaal Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay

Verse 55 — Surah Al-Ahzab 33:55

Wax eed ah kama saarna xagga aabbayaashood35 ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, iyo haweenkoodaba, iyo waxa ay gacantoodu midig hanato, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal Allaah waa Mid wax waliba u jeeda oo arka

Verse 56 — Surah Al-Ahzab 33:56

Hubaal Allaah iyo Malaa'igtiisu waxay ku salliyaan Nabiga36, kuwiinaan idinku rumeysanow! Ku salliya oo salaama salaan la yaqaan

Verse 57 — Surah Al-Ahzab 33:57

Hubaal (ma xagga) kuwa af lagaaddeeya Allaah iyo Rasuulkiisa_ Allaah wuu ku nacladay adduunkan iyo Aakhiradaba, oo wuxuu u diyaariyey Cadaab dulleysa

Verse 58 — Surah Al-Ahzab 33:58

Oo kuwaa u dhiba mu’miniinta iyo mu’minadaha wax aan ahayn waxaa ay galabsadeen (muteen), waxay dhab ahaan u soo jiideen nafahooda masabbidasho iyo dambi muuqda

Verse 59 — Surah Al-Ahzab 33:59

Nabiyow! U sheeg (oo amar) xaasas- kaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta; inay ku hagoogaan jirarkooda (qayb) ka mid ah gambada iyo garbasaaradooda. (arrin) kani baa roon oo wanaagsan, si loogu aqoonsado, oo sidaas darteed aan loo faduulin. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 60 — Surah Al-Ahzab 33:60

Haddii munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka38 iyo gilgilayaasha ku baahiya (wararka beenta ah) magaalada dhexdeeda joojinin (waxa ay ku jiraan), waxaanu dhab ahaan ku salladi adiga oo ka adkaan, mar- kaas kulama deris noqon doonaan in yar ma’ahee

Verse 61 — Surah Al-Ahzab 33:61

Waa la nacladay, meel kastoo laga helo, waa la qab-qaban doonaa oo la layn doonaa leyn daran

Verse 62 — Surah Al-Ahzab 33:62

(Sidaas bay soo aheyd) hannaankii Ilaahay ee ku meel martay kuwii hore ee tagay, oo kama heli doontid hannaanka Ilaahay wax is beddel ah

Verse 63 — Surah Al-Ahzab 33:63

Dadku waxay wax kaa weydiyaan Saacadda (Qiyaame goorta ay tahay), Dheh: Cilmigeedu wuxuu la jiraa oo keliya Allaah. Oo maxaa ku ogeysiiyey waa intaasoo ay Saacaddu dhowdahayba

Verse 64 — Surah Al-Ahzab 33:64

Hubaal Allaah wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey iyaga Naar gubeysa

Verse 65 — Surah Al-Ahzab 33:65

Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heli doonaan gacal iyo gargaare midna

Verse 66 — Surah Al-Ahzab 33:66

Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi doono Naarta, waxay odhan doonaan: wayoo waye haddii aanu adeeci lahayn Allaah, oo adeeci lahayn Rasuulka

Verse 67 — Surah Al-Ahzab 33:67

oo waxay odhan doonaan: Rabbiyow!39 Hubaal waxaan innagu adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii, markaasay naga lumiyeen Jidka

Verse 68 — Surah Al-Ahzab 33:68

Rabbiyow! Sii iyaga cadaab labanlaab ah, oo naclad iyaga naclad aad u weyn

Verse 69 — Surah Al-Ahzab 33:69

Kuwiinaan idinku (Xaqa) rumeysanow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Allaah ka eed tiray waxa ay ku sheegeen, oo wuxuu ahaa Allaah agtiis mid sharaf ku leh

Verse 70 — Surah Al-Ahzab 33:70

Kuwiinaan idinku (Xaqa) rumeysanow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo ku hadla hadal toosan

Verse 71 — Surah Al-Ahzab 33:71

Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Oo mid kastoo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, wuxuu dhab ahaan liibaani doonaa liibaan aad u weyn

Verse 72 — Surah Al-Ahzab 33:72

Hubaal Waxaan Annagu u soo bandhignay Amaanada41 samooyinka iyo arlada iyo buuraha, wayse diideen inay noqdaan kuwo ka soo bixi waaya xilka ka saaran xaggeeda oo ka baqeen (Culeyska amaanada). Waxaase qaadaay oo ku xil darrooday Aadmiga42. hubaal Waa gardarro badane, jahli badan

Verse 73 — Surah Al-Ahzab 33:73

Si43 uu Allaah u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, oo Allaah ugu soo jeesto (si naxariis leh) mu’miniinta iyo mu'minadaha, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan