Back to Languages

Somali - Chapter 34 - Saba

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Saba 34:1

Ammaan (oo dhan) mahdin wehliso waxaa mudan Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, oo Isaga baa (sidoo kale) mudan ammaan (oo dhan iyo mahdinba) Maalinta Dambeysa, oo Waa Xakiimka, Xog Ogaalka ah, Xeesha Dheer

Verse 2 — Surah Saba 34:2

Wuxuu Ogyahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa iyo waxa ka soo dega samada iyo waxa kor ugu baxa oo Waa Naxariis Badanaha, Dambi Dhaafka Badan

Verse 3 — Surah Saba 34:3

Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Nooma imaan doonto Saacadda (Qiyaame). Dheh: Haayoo, Waa igu Rabbigay, Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon, xaqiiq way idiin iman doontaa, kama uu qarsoomo wax saxar le’eg (ama quraanyo) oo samada ama arlada yaal, ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weynba, oo intuba waxay ku yaallaan Kitaab Caddaan ah (Looxa Maxfuudka)

Verse 4 — Surah Saba 34:4

Si uu u abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, kuwani weeye kuwa iska leh dambi dhaaf iyo Risiq sharaf leh

Verse 5 — Surah Saba 34:5

Oo ( ma xagga) kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga2_ kuwani weeye kuwa iska leh cadaab xanuun badan oo cayn xun

Verse 6 — Surah Saba 34:6

Oo kuwa la siiyey cilmiga waxay arkaan in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa, uu yahay Xaq, oo wuxuu wax ku hanuuniyaa Jidka Adkaadaha,la Ammaano

Verse 7 — Surah Saba 34:7

Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Ma idin tusnaa nin idiin sheegi in markaad googo'daan googo’ dhan (oo ciidda idin cunto), in dib hubaal la idiin (soo bixin doono) idinkoo abuur cusub ah

Verse 8 — Surah Saba 34:8

Ma Allaah buu ka been sheegay mise wuxuu qabaa waalli?. Mayee, kuwaa aan rumeysnayn Aakhirada waxay ahaan doonaan cadaabta (oo ku sugan yihiin) habow aad u fog

Verse 9 — Surah Saba 34:9

Miyaanay haddaba u fiirsan waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah oo samada iyo arlada ah? Haddii aan doonno, waxaanu ka yeeli doonnaa inuu la go’o oo liqo dhulka, ama waxaan ku soo ridi doonnaa korkood gabal cirka ah. hubaal waxaa (arrin)kaasi ugu sugan calaamo addoon kastoo u soo laabasho badan (Allaah)

Verse 10 — Surah Saba 34:10

Oo dhab ahaan waxaanu ka siinnay Daawuud deeq dheeraad ah Xaggayaga: Buurahow! La qaada Alle ammaanka iyo xamdi naqa la jirki, iyo shimbirahowba; Oo Waxaanu u jilicinnay birta

Verse 11 — Surah Saba 34:11

Annagoo leh: Ka yeel waasic (jaakado bireedyada loo qaato dagaalka), oo u qaddar waqti sameynta jaakado bireedyada, oo sama fal. Hubaal Anigu waan Arkaa waxa aad fashaan

Verse 12 — Surah Saba 34:12

Oo xagga Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabaysha3, in bil loo socdo ku maraysay aroornimada, oo in bil loo socdo ku maraysay galabnimada, oo Waxaan u yeelnay inay u dareerto il (dureere) macdan nuxaas ah, oo jinniga waxaa ka mid ahaa kuwo ka shaqeynayey isaga horti si idanka Rabbigi ah, oo mid kastoo ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga, waxaanu ka yeeli doonaa inuu dhadhamiyo cadaabta gubashada

Verse 13 — Surah Saba 34:13

Waxay u sameeyeen wuxuu rabo oo mixraabyo ah4 iyo sawirro5 iyo xeerooyin (ballaaran) dar oo kale ah, iyo digsiyo (wax lagu kariyo) oo aan laga qaadin meeshooda. Mahad naqa idinku Reer Daawuudow! Oo in yar oo ka mid addoomahayga baa ah kuwo mahad naq badan

Verse 14 — Surah Saba 34:14

Markiise aan u qaddarnay dhimashada, ma jirin wax tusiyey dhimashadiisa aan ahayn aboorka cunay ushiisa6, oo markuu dhacay, waxaa u caddaaday jinka in haddii ay og yihiin waxa aan muuqan ee qarsoon aanay ku negaadeen cadaab dulleysa

Verse 15 — Surah Saba 34:15

Dhab ahaan Waxaa ugu sugnaa (reer) Saba’ degaankooda gudahi calaamad : labo Beerood ka xiga xagga midig iyo xagga bidixba: Cuna wax ka mid ah risiqa Rabbigiin oo ku mahdiya, balad wanaagsan iyo Rabbi Dambi Dhaaf Badan

Verse 16 — Surah Saba 34:16

Wayse jeesadeen (iyagoo diidaya), markaas baan ku soo dirnay Daad Weyn8 oo rogmadkiisa iyo roorkiisa la joojin karin, oo waxaan ugu beddelnay halkii labadoodii beerood labo beerood oo soo saara miro xun oo qaraar iyo qoryo, iyo wax yaroo geedo gob ah

Verse 17 — Surah Saba 34:17

Sidaas baan ku abaal marinnay gaal- nimadooda darteed; oo miyaan (sidaas oo kale) u abaal marinaa waxaan aheyn kuwa abaal dhaca badan

Verse 18 — Surah Saba 34:18

Oo Waxaanu yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii aan barakaynnay magaalooyin (kale) ee muuqda9, oo waxaanu qaddarnay socodkooda halkaa10: Ku socdaala habeenno iyo maalmaba idinkoo nabad ah

Verse 19 — Surah Saba 34:19

Markaasay waxay yidhaahdeen: Rabbiyow! Kala fogee safarka dhexdayada ah; oo waxay u gefeen nafahooda, markaas baan waxaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn muuqata11. hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan

Verse 20 — Surah Saba 34:20

Oo dhab ahaan waxaa ku rumoobay Ibliis malihiisii xaggooda13, oo way raaceen14, marka laga reebo koox ka mid ah mu'miniinta

Verse 21 — Surah Saba 34:21

oo kuma aanu lahayn wax awood ah dushooda, oo wax kalena uma aan yeelin sidaa aan aheyn inay kala caddaato kan isagu rumeysan Aakhirada iyo kan isagu ka shakisan xaggeeda. Oo Rabbigaa waa Xafidaha wax kasta

Verse 22 — Surah Saba 34:22

Dheh: U yeerta kuwa aad sheegtaan (inay ilaah yihiin) Allaah sokadi, kuma hantaan wax saxar le’eg (ama quraanyo yar) samooyinka ama arlada, kumana laha wax shirko ah dhexdooda midna, kumana laha dhexdooda wax garab siiya

Verse 23 — Surah Saba 34:23

Oo shafeeco kuma anfaci doonto agtiisa waxba, mid uu isagu u idmo ma’ahee15. Jeer marka laga faydo cabsida quluubtooda16: waxay odhan doonaan: Waa Maxay waxaa uu yidhi Rabbigiin? waxay odhan doonaan: Xaq. Oo waa Sarreeyaha, aad u Weyn

Verse 24 — Surah Saba 34:24

Dheh: Yaa idinka siiya risiqa samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Oo hubaal innaga ama idinka mid uun baa xaqiiq hanuunsan ama ku sugan habow muuqda

Verse 25 — Surah Saba 34:25

Dheh: La idin ma weydiin doono wax ku saabsan dunuubtayada, oo innagana nala ma weydiin doono waxa aad fashaan

Verse 26 — Surah Saba 34:26

Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin doona innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori doonaa si xaq ah. Oo waa Isaga Garsooraha weyn, wax kasta Ogsoon

Verse 27 — Surah Saba 34:27

Dheh: I tusa kuwa aad la wdaajiseen Isaga shuruko ahaanta, mayee (ma jiraan wax- wax la wadaaga) bal waa Allaah, Adkaadaha sare, Xakiimka ah

Verse 28 — Surah Saba 34:28

Oo kuuma aanu soo dirin waxaan aheyn xagga dadka oo dhan oo aad u ahaato side warar san oo lagu farxo iyo di- ge, laakiinse dadka badankoodu ma ogsoona

Verse 29 — Surah Saba 34:29

Oo waxay odhan doonaan: Goorma baa ballankani (la fulin doonaa) haddii aad tihiin run sheegayaal

Verse 30 — Surah Saba 34:30

Dheh: Waqtiga la idiin qabtay waa Maalin, aydaan saacad dib u dhigi karin saacadna soo hor marin karin

Verse 31 — Surah Saba 34:31

Oo kuwa Xaqa diida waxay yidhaahdaan: Marnaba ma rumeysan doonno Qur’aankan iyo wixii ka horreeyay midna, haddiise aad arki lahayd marka gar ma qaatayaasha la soo hor joojin doono Rabbigood, iyagoo isku tuurtuuraya hadal- ka oo qaarba qaarka kale eedeynayo. Kuwii la daciifsaday waxay ku odhan doonaan kuwii isla weynaa: Haddii aydaan jirteen waxaan wallee ahaan laheyn mu’miniin

Verse 32 — Surah Saba 34:32

Kuwii isla weynaa waxay ku odhan doonaan kuwii la daciifsaday: Ma innagaa iska kiin hortaagnay hanuunka kaddib marka uu idiin yimid? Mayee’ idinka ( naf ahaantiinna) ayaa ahaa danbiilayaal

Verse 33 — Surah Saba 34:33

Oo kuwii la daciifsaday waxay ku odhan doonaan kuwii isla weynaa: Mayee’ waa dabinkaad noo dhigeyseen habeen iyo maalinba, markaad na amarteen inaan ku gaalowno Allaah oo u yeello la dhigyo. Oo waxay muujin doonaan qoomamo markay arkaan cadaabta, oo waxaanu qoorta u suri doonnaa mereegyo bir ah kuwa xaqa diiday, Ma lagu abaal marin doono waxaan aheyn waxay camal faleen

Verse 34 — Surah Saba 34:34

Oo ma jirto magaalo aan u dirnay dige, oo aysan ladanayaasheedii odhan: Innagu hubaal waxaanu nahay kuwo aan rumeysnayn waxa la idinla soo diray

Verse 35 — Surah Saba 34:35

Oo waxay yidhaahdaan: Innagaa idinka maal iyo carruur badan, oo ma nihin kuwa la cadaabi doono

Verse 36 — Surah Saba 34:36

Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa kii uu doono oo ku cidhiidhiyaa (kii uu doono), laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona

Verse 37 — Surah Saba 34:37

Oo ma aha maalkiinna iyo carruurtiinna waxa noo kiin soo dhoweeya meeqaan ahaan, hase yeeshee ku kastoo rumeysan oo sama fala, waa kuwan kuwa iska leh abaalmarin labanlaab ah waxa ay falaan darteed, oo waxay ku sugnaan doonaan iyagoo nabdoon rugaha ugu sarreeya (ee Jannada)

Verse 38 — Surah Saba 34:38

Oo (ma xagga) kuwa ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga, kuwaas cadaabtaa la soo keeni doonaa

Verse 39 — Surah Saba 34:39

Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa kii uu doono oo addoomahiisa ka mid ah, oo ku cidhiidhiyaa (kii uu doono), oo waxa aad bixisaan oo wuxuun ah, wuu ziyaadiyaa abaal gud ahaan, oo waa Kan u wanaagsan inta wax arsaaqda

Verse 40 — Surah Saba 34:40

Oo Maalinta marka uu soo wada kulmin doono iyagoo dhan, markaas uu ku odhan doono malaa’igta: Kuwani ma idinkay idin caabudayeen

Verse 41 — Surah Saba 34:41

Waxay odhan: Xurmo oo dhan Adigaa iska leh oo hufan, Adiga ayaa ah Gargaara- hayaga iyagu ma aha. Mayee’ Waxay caabudayeen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen

Verse 42 — Surah Saba 34:42

Marka Maalintaas uma hanan doono midkiinna midka kale dheef iyo dhib midna, oo waxaanu ku odhan doonnaa kuwaasi ahaa gar ma qaatayaasha: Dhadhamiya Cadaabta Naarta aad beeninayseen

Verse 43 — Surah Saba 34:43

Oo Marka loo akhriyo Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdaan: Kani ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka jeediyo waxay caabudayeen aabbayaashiin. Oo Waxay yidhaahdaan: kanu wax kale ma’aha aan ahayn been abuurasho. Oo kuwa gaalada ahi waxay ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Waxakanu ma aha wax aan ahayn sixir muuqda

Verse 44 — Surah Saba 34:44

Oo ma aanu siin iyaga wax Kutub (Xaggayaga) ah ay akhriyaan, oo uma aanu soo dirin adiga hortaa wax dige ah

Verse 45 — Surah Saba 34:45

Oo Kuwii ka horreeyey baa beeniyey (Xaqa), oo kuwan weli ma gaarin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Wayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee mid daran u aheyd muujinta inkaarteydii

Verse 46 — Surah Saba 34:46

Dheh: waxaan uun idinku waaninayaa mid keliya; waa inaad u kacdaan Allaah Darti labo-labo iyo mid mid18, markaasna aad fekertaan: ma qabo waalli saaxiibkiin, waa oo keliya ka dige cadaab daran oo soo fool leh

Verse 47 — Surah Saba 34:47

Dheh: Wixii aan idin weydiiyoba oo ajar ah, waa waxaad idinku leedihiin19. ajarkeyga waxaan ka sugayaa Allaah oo Keliya. Oo wax walba Isagu waa u Jeedaa

Verse 48 — Surah Saba 34:48

Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu sheegaa Xaqa (oo xumaantuu ku tiraa) waa Ogsoonaha sare ee waxa aan muuqan

Verse 49 — Surah Saba 34:49

Dheh: Xaqu waa yimid, oo Baadilku waa tirtirmi oo dib uma soo laaban doono

Verse 50 — Surah Saba 34:50

Dheh: Haddii aan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. Oo haddii aan raaco tub toosan, waa sababta waxa uu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal Isagu waa wax kasta Maqle, aad u dhow

Verse 51 — Surah Saba 34:51

Oo haddii aad arki lahayd21 marka ay noqon doonaan kuwo qarracansan, ha yeeshee (markaa) mar jiri doonto baxsasho, oo waxaa laga soo qabqaban doonaa meel dhow

Verse 52 — Surah Saba 34:52

Oo waxay odhan: Waanu rumaysanna- hay (haatan). Oo sidee bay qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel aad u fog

Verse 53 — Surah Saba 34:53

Oo waxay dhab ahaan dafireen kol hore22, oo waxay ka sheegaan male awaallo waxyaalaha aan muuqan xagga meel fog

Verse 54 — Surah Saba 34:54

Oo xannib baa la kala dhex dhigi iyaga iyo waxa ay rabaan24, sidii loo galayba kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh