Wax kastoo uu Allaah uu u furo dadka ee Naxariis ah, ma jiro wax celin kara, oo wuxuu celiyo ma jiro wax soo diri kara Isaga kadambow. Oo Waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah
Dadow! Xusuusta Nicamadda Ilaahay dushiinna; Ma waxaa jira abuure kale aan ahayn Allaah oo idinka arsaaqa cirka iyo dhulka? Ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn. Ee xaggee baa haddaba la idiinka iilay
Dadow! Hubaal Ballanka Ilaahay waa Xaq. Ee yeysan idin hodin noloshan soke ee adduunka, oo yuusan kan hodista badan (shaydaanka) idinka hodin arrinka Ilaahay
Oo Allaah waa Ka soo dira dabaylaha ee kicisa daruur, markaa aanu u kaxeyno beled dhintay, oo aan ku nooleyno arlada kaddib dhimashadeeda, sidaas oo kale weeyaan soo Bixinta
Oo Allaah wuxuu idinka abuuray carro, haddana mino-nool, haddana wuxuu idinka dhigaa lammaan; oo ma jirto dheddig uur qaadda, mana ku soo debed dhigto waxaan ahayn ogaalkiisa, oo ma jiro ku cimrigiisu la dheereeyo oo cumri dheeraada ama wax laga dhimo cimrigiisa oo aan dhammaan ku qornayn Kitaab (Looxa Maxfuudka). Hubaal kani waa mid u Fudud Allaah
Oo kuwa nool iyo kuwa meydka ah6 ma sinna. hubaal Allaah Wuxuu wax maqashiiyaa ciddii uu doono7, oo adigu wax ma maqashiin kartid kuwa ku jira qubuuraha
Kaddib waxaan dhaxalsiinnay Kitaabka kuwaan ka dhex doorannay addoomahaya- ga, waxaase ka mid ah mid u gefa naftiisa oo ku gardarrooda8, oo waxaa ka mid ah mid qaada jid dhexdhexaad ah, oo waxaa ka mid ah mid u dheereeya khayrka Idanka Ilaahay. Kan baa ah Fadliga aad u Weyn
Oo (ma xagga) kuwa xaqa diida abaalkooda waa dabka aan dameyn ee Naarta. Laguma xukumi doono geeri si ay u dhintaan, lagamana khafiifan doono cadaabkeeda. Sidaas oo kale baan ugu abaal gudnaa mid kastoo abaal laawe ah
Oo waxay u qeyshan doonaan gudaheeda gurmad: Rabbiyow! Naga saar, waxaan fali doonnaa camallo san aan aheyn kii aan horay u fali jirnay oo kale9. Miyaanaan idiin cimri siin, in ku filan inuu ku waantoobo qof waano qaataa? Oo idiin iman Dige. Ee dhadhansha, illeen gar ma qaatayaasha ma laha wax u gargaara’e
Dheh: Ma u fiirsateen shurukadiinna aad u dhawaaqataan Allaah sokadi, i tusa wax arlada ka mid ah ay abuureen, mise ma waxay ku leeyihiin wax saami ah samooyinka? Mise ma waxaan siinnay Kitaab sidaa awgeed ay raacaan xujo cad Xaggiisa ah? Mayee’ gar ma qaatayaasha uma ballan qaadaan qaarkoodba qaar kale waxaan uun dhagar aheyn
Hubaal Allaah baa ka haya samooyinka iyo arlada inay baabba’aan, oo haddii ay baabba’aan, ma jiro mid qaban kara oo Isaga ka dambeeya. Hubaal waa Dul-qaadasho Badne, Danbi Dhaaf Badan
Oo waxay ku dhaarteen Allaah kan ugu culus dhaarahooda; in haddii uu u yimaado dige ay ahaanayaan kuwa ka sii hanuunsan ummadahii kale oo dhan (ee ka horreeyey), markase uu u yimid dige, uma kordhin waxba aan didmo aheyn
Isla weyni ay ku kibraan arlada iyo sameyn shirqool xun. Oo shir qoolka xumi kuma dhaco cidna aan ahayn kuwa soo abaabula. ee ma waxay sugayaan wax kale aan aheyn dhabbihii kuwii hore? Oo ma ka heli doontid wax is dhaaf ah Dhabbaha Ilaahay; oo kama heli doontid wax is beddel ah dhabbaha Ilaahay
Oo miyaanay ku socdaalin arlada oo fiirin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan? Oo ma jiro wax Allaah ka baxsan kara oo jooga samooyinka ama arlada midna. Hubaal, waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan