Back to Languages

Somali - Chapter 36 - Ya-Sin

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Ya-Sin 36:1

Verse 2 — Surah Ya-Sin 36:2

Waa igu Qur’aanka, Xikmadda Badan

Verse 3 — Surah Ya-Sin 36:3

Hubaal adigu (Nabi Muxammadow) waxaad ka mid tahay kuwa la soo diray

Verse 4 — Surah Ya-Sin 36:4

Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan

Verse 5 — Surah Ya-Sin 36:5

Waxyi ka soo degay Adkaadaha, Naxariista Badan

Verse 6 — Surah Ya-Sin 36:6

Si aad ugu digto qolo aan aabbayaashood loo diginba, marka iyagu waa war la' yihiin

Verse 7 — Surah Ya-Sin 36:7

Dhab ahaan Waxaa ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeystaan (Xaqa)

Verse 8 — Surah Ya-Sin 36:8

Hubaal Waxaanu u surnay mareegyo bir ah luqumahooda oo iyagu gaara ilaa gararkooda, sidaa awgeed waxay u taagaan madaxyadooda dusha sare

Verse 9 — Surah Ya-Sin 36:9

Oo Waxaanu yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, oo waan arag daboolnay marka iyagu wax ma arkaan

Verse 10 — Surah Ya-Sin 36:10

Oo waa isugu mid haddii aad u digto ama aad u diginba, ma ay rumeystaan

Verse 11 — Surah Ya-Sin 36:11

Waxaad uun u digi kartaa kan isagu raaca Waanada oo ka baqa Raxmaanka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree dambi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh

Verse 12 — Surah Ya-Sin 36:12

Hubaal waxaanu nolol galinnaa meytida, oo waxaan qornaa waxa ay hormarsadeen iyo raadadkoodiiba, oo wax walbaa waxaynu ku koobnay2 (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka)

Verse 13 — Surah Ya-Sin 36:13

Oo waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markii Rusushii (Ciise ku soo diray Amarka Ilaahay) ay u yimaadeen

Verse 14 — Surah Ya-Sin 36:14

Marka aan u soo dirnay Xaggooda labo, markaasay labadiiba beeniyeen, markaa- saan ku xoojinnay mid saddexaad, oo waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaanu nahay rusul xaggiinna loo soo diray

Verse 15 — Surah Ya-Sin 36:15

Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxba aan ahayn dad nala mid ah aan waadheyn, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan

Verse 16 — Surah Ya-Sin 36:16

Waxay yidhaahdeen: Rabbigayo waa Ogsoon yahay inaan hubaal nahay rusul xaggiinna loo soo diray

Verse 17 — Surah Ya-Sin 36:17

Oo nama saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Risaalada)

Verse 18 — Surah Ya-Sin 36:18

Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waa idin shareysannay, haddii aydaan joojin (waxa aad waddaan), hubaal waa idin dhagaxyeyn doonnaa, oo waxaa xaqiiq idinka taaban doona xaggayaga cadaab aad u xanuun badan

Verse 19 — Surah Ya-Sin 36:19

Waxay yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin, ma in la idin waaniyey darteed3? Mayee, waxaadba tihiin qolo xadgudub badan

Verse 20 — Surah Ya-Sin 36:20

Oo waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin (Xabiib An-Najaar) roora- ya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha

Verse 21 — Surah Ya-Sin 36:21

Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo iyagu ah kuwo hanuunsan

Verse 22 — Surah Ya-Sin 36:22

Oo maxaan u heystaa sabab inaan caabudin (Allaah Keliya) ee ah kan ifka i keenay? oo Xaggiisa baa la idin soo celin doonaa

Verse 23 — Surah Ya-Sin 36:23

Oo ma waxaan yeeshaa Isaga (Alle) sokadi ilaahyo (kale), haddii uu Raxmaanku (Allaah) ila doono dhibaato, ayan i tari doonin garab siintoodu waxba, oo aan awoodi doonin inay i badbaadiyaan

Verse 24 — Surah Ya-Sin 36:24

Markaa Waxaan hubaal anigu ku suganahay habow caddaan ah

Verse 25 — Surah Ya-Sin 36:25

Hubaal anigu waxaan rumeysanahay Rabbigiin, ee i maqla

Verse 26 — Surah Ya-Sin 36:26

Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan

Verse 27 — Surah Ya-Sin 36:27

Waxa Rabbigay iigu dambi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay

Verse 28 — Surah Ya-Sin 36:28

Oo uma aanu soo dirin dadkiisii isaga kadambow wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas

Verse 29 — Surah Ya-Sin 36:29

Ee waxay ahayd dhawaaq qaylo keliya ah, markaas bay wada baseen

Verse 30 — Surah Ya-Sin 36:30

Alla maxay qoomamo u ahaatay addoomaha! Ma jiro Rasuul u yimaada balse aanay ku jeesjeesin

Verse 31 — Surah Ya-Sin 36:31

Mawaysan u fiirsan intee baan facyo ka mid ah rognay hortood, waayo iyaga xaggooda umaba soo laabtaan

Verse 32 — Surah Ya-Sin 36:32

Oo kulligood iyagoo dhan hubaal Hortayada la keeni doono

Verse 33 — Surah Ya-Sin 36:33

Oo waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah, waanu nooleynaa, oo ka soo saarnaa haruur, markaasay wax ka cunaan

Verse 34 — Surah Ya-Sin 36:34

Oo Waxaanu yeellaa dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo yeelnaa ilo (biyo ah) inay ka dhex socdaan

Verse 35 — Surah Ya-Sin 36:35

Si ay u wax uga cunaan midhahiisa, oo ma ayan sameyn gacmahoodu5. Ee Ma waysan haddaba mahad naqeyn

Verse 36 — Surah Ya-Sin 36:36

Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo nazahan Kan ka abuuray lammaane wax kasta, oo ka mid ah waxa uu dhulka soo saaro, iyo xagga nafahooda iyo xagga waxa aysan ogaynba

Verse 37 — Surah Ya-Sin 36:37

Oo waxaa Calaamo ugu sugan habeenka, Waxaan ka soo saarnaa maalinta, mise waxayba ku jiraan mugdi

Verse 38 — Surah Ya-Sin 36:38

Oo qorraxdu waxay u oroddaa muddo loo cayimay.(arrin)kaasi waa Qaddarka (Ilaahay) Adkaadaha aan laga adkaan, wax kasta Ogsoonaha ah

Verse 39 — Surah Ya-Sin 36:39

Oo (ma xagga) dayaxa, Waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday

Verse 40 — Surah Ya-Sin 36:40

Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hormi karo maalinta. Oo dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi

Verse 41 — Surah Ya-Sin 36:41

Oo Waxaa Calaamo ugu sugan inaan ku qaadnay ubadkoodii6 Doonidii buuxday

Verse 42 — Surah Ya-Sin 36:42

Oo Waxaan uga abuurnay wax caynkeed ah oo ka mid ah, wax ay fuulaan

Verse 43 — Surah Ya-Sin 36:43

Oo haddii aan doonno, waanu qarqin karnaa, markaa ma lahaan doonaan wax u u soo gurmada, lamana badbaadin doono

Verse 44 — Surah Ya-Sin 36:44

Inay ka ahaato mooyaane Naxariis Xaggayaga iyo raaxo ilaa muddo ah

Verse 45 — Surah Ya-Sin 36:45

Oo marka lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna7 si la idiinkugu naxariisto

Verse 46 — Surah Ya-Sin 36:46

Oo uma timaaddo calaamad ka mid ah calaamadaha Rabbigood, bal way ka sii jeesadaan

Verse 47 — Surah Ya-Sin 36:47

Oo marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Allaah idinku irsaaqay, kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay ku yidhaahdaan kuwa rumeysan: Ma waxaan quudinnaa` mid haddii uu Allaah doono uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow caddaan ah

Verse 48 — Surah Ya-Sin 36:48

Oo waxay odhanayaan: Goorma bay gooddintani fuli doontaa, haddii aad run sheegaysaan

Verse 49 — Surah Ya-Sin 36:49

Ma sugaan wax kale aan aheyn hal Qaylo weyn9, oo qaadi doonta iyagoo weli wada murmaya

Verse 50 — Surah Ya-Sin 36:50

Markaas ma kari doonaan inay dardaarmaan, umana soo laaban donaan ehelkooda

Verse 51 — Surah Ya-Sin 36:51

Oo buunka baa la aafuufi10, mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood

Verse 52 — Surah Ya-Sin 36:52

Waxay odhan doonaan: Hoog baa noo sugnaadaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? Kanu waa waxa uu Raxmaanku ballan qaaday, oo Rusushii la soo diray run bay sheegeen

Verse 53 — Surah Ya-Sin 36:53

Ma ahaaneysa wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dhammaan ahaan doonaan kuwo Hortayada la keeno

Verse 54 — Surah Ya-Sin 36:54

Marka Maanta nafna laguma gardarroon doono in yarba ahaatee, oo ma la idinku abaal marin doono wax kale aan ahayn waxaa aad fasheen

Verse 55 — Surah Ya-Sin 36:55

Hubaal, ehlu-Jannuhu, waxay maalin- taas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi afooyinkooda) iyagoo aad u faraxsan

Verse 56 — Surah Ya-Sin 36:56

Iyaga iyo afooyinkoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku jiqlaysan sariiro heer sare ah

Verse 57 — Surah Ya-Sin 36:57

Waxay ku lahaan midho gudaheeda oo waxay lahaan waxa ay doonaanba

Verse 58 — Surah Ya-Sin 36:58

Nabad ahaada: waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye)

Verse 59 — Surah Ya-Sin 36:59

Oo dhinac u bax maanta; Dambiilayaashow

Verse 60 — Surah Ya-Sin 36:60

Mawaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad

Verse 61 — Surah Ya-Sin 36:61

Iyo inaad i caabudaan Aniga (Alle Keliya) Kani weeye Jidka Toosane

Verse 62 — Surah Ya-Sin 36:62

Oo dhab ahaan wuxuu (Shaydaan) habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Mawaydaan aheyn kuwo wax garta

Verse 63 — Surah Ya-Sin 36:63

Tani waa Naartii la idiinku gooddinayey

Verse 64 — Surah Ya-Sin 36:64

Ee gala oo ku gubta oo gamaara iyada maanta gaalnimadiinnii darteed

Verse 65 — Surah Ya-Sin 36:65

Maalintaasi Waxaynu dabooli afafkoo- da, oo gacmahooda baa nala hadli doona, oo lugahooda baa ku marag furi doona waxay kasbadeen

Verse 66 — Surah Ya-Sin 36:66

Oo haddii aan doonno, waxaan hubaal malaasaynaa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan

Verse 67 — Surah Ya-Sin 36:67

Oo haddii aan doonno, waxaan hubaal ku masakhaynaa halkooda, markaas ma karayaan inay horey u sii socdaan, mana soo noqon doonaan

Verse 68 — Surah Ya-Sin 36:68

Oo mid kastoo aan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee mawaysan haddaba garaadsaneyn

Verse 69 — Surah Ya-Sin 36:69

Oo ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan caddaan ah

Verse 70 — Surah Ya-Sin 36:70

Si uu ugu digo kan nool oo Weedha xaqa ah ugu rumowdo gaalada

Verse 71 — Surah Ya-Sin 36:71

Mawaysan arag inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxa ay gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin

Verse 72 — Surah Ya-Sin 36:72

Oo Waan u laylinnay iyaga, sidaa awgeed qaarkood waxay u adeegsadaan rukuub ahaan, oo qaar waa ay cunaan

Verse 73 — Surah Ya-Sin 36:73

Oo waxay u leeyihiin manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Mawaysan haddaba mahad naqayn

Verse 74 — Surah Ya-Sin 36:74

Oo waxay yeesheen ilaahyo (kale) ay Allaah barbar dhigaan, si loogu gargaaro

Verse 75 — Surah Ya-Sin 36:75

(Ha yeeshee) ma kari doonaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada

Verse 76 — Surah Ya-Sin 36:76

Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxa ay u falaan qarsoodiga iyo waxa ay caddaystaanba

Verse 77 — Surah Ya-Sin 36:77

Mawuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay mino-nool. Markaas mise waa col iska cad oo dood badan

Verse 78 — Surah Ya-Sin 36:78

Oo wuxuu soo qaataa tusaale uu annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamaa abuuristiisa. Wuxuu yidhaahdaa: Yaa nooleyn doona lafaha marka ay baaliyoobaan

Verse 79 — Surah Ya-Sin 36:79

Dheh: Waxaa nooleyn doona Kan ifka keenay kolkii horeba. Oo Isagu (Alle) waa u Xog ogaal uunka oo idil

Verse 80 — Surah Ya-Sin 36:80

Kan Isaga idiin yeelay dabka (aad ka shidataan) geedka cagaaran, si aad wax ugu hursataan

Verse 81 — Surah Ya-Sin 36:81

Ma wuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale17? Haaheey, oo Waa Isaga Abuuraha, wax kasta Ogsoon

Verse 82 — Surah Ya-Sin 36:82

Amarkiisu, marka uu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, marka waaba yahay

Verse 83 — Surah Ya-Sin 36:83

Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo nazahan Kan (Allaah) ay Gacantiisu ku jirto Xukunka wax kasta, oo Xaggiiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa