Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 37 - As-Saffat
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah As-Saffat 37:1
Waxaan ku dhaartay kuwa (malaa’igta) safta safafka siman
Verse 2 — Surah As-Saffat 37:2
Misna kuwa soo kaxeeya kaxeynta adag
Verse 3 — Surah As-Saffat 37:3
Misna kuwa akhriya (Dhambaalka) iyagoo baraarugsan
Verse 4 — Surah As-Saffat 37:4
Hubaal Ilaahiinnu (Runta ah) waa Mid keliya (Allaah)
Verse 5 — Surah As-Saffat 37:5
Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada
Verse 6 — Surah As-Saffat 37:6
Hubaal Waxaanu ku qurxinnay samada soke qurux, xiddigaha ah
Verse 7 — Surah As-Saffat 37:7
Iyo ka ilaalin ahaan shaydaan walboo fallaago ah khayr daran
Verse 8 — Surah As-Saffat 37:8
Ma dhegaysan karaan kulanka sare oo waxaa laga soo ganaa dhinac walba
Verse 9 — Surah As-Saffat 37:9
Iyagoo la soo eryey, oo waxay leeyihiin cadaab joogto ah
Verse 10 — Surah As-Saffat 37:10
Marka laga reebo mid dafa (hadalka) dafid (mar keliya ah) markaasaa waxaa laga daba geeyaa dhinbil ololeysa oo iftiin leh
Verse 11 — Surah As-Saffat 37:11
Ee weydii ma iyaga baa abuur adag mise waxaa (kale) ee aan abuurnay?. Hubaal Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo wax ku dhagta
Verse 12 — Surah As-Saffat 37:12
Bal adigu waad la yaabtaa, halka iyagu iska jees-jeesaan
Verse 13 — Surah As-Saffat 37:13
Oo marka la waaniyo, ma waansamaan
Verse 14 — Surah As-Saffat 37:14
Oo marka ay arkaan Calaamo waxay isku dhiirro geliyaan inay ku jees-jeesaan
Verse 15 — Surah As-Saffat 37:15
Oo waxay yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxba aan ahayn sixir caddaaan ah
Verse 16 — Surah As-Saffat 37:16
Ma marka aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa nala soo bixin doonaa
Verse 17 — Surah As-Saffat 37:17
Ama aabbayaashayadii waa’ hore jiray
Verse 18 — Surah As-Saffat 37:18
Dheh: Haah, idinkoo markaa dulleysan
Verse 19 — Surah As-Saffat 37:19
Marka waxay ahaan doontaa oo keliya hal Qeylo, mise markaa bay arki doonaan
Verse 20 — Surah As-Saffat 37:20
Oo waxay odhan: Hoog baa noo sug -naadaye! Tanu waa Maliinta is abaal marinta
Verse 21 — Surah As-Saffat 37:21
Tani waa Maalinta kala baxa ee aad beenin jirteen
Verse 22 — Surah As-Saffat 37:22
Soo kulmiya iyagoo dhan kuwii ahaa gar ma qaatayaasha iyo4 shurakadoodii iyo waxa ay caabudi jireenba
Verse 23 — Surah As-Saffat 37:23
Allaah sokadi, oo u taxaaba jidka Naarta ololeysa
Verse 24 — Surah As-Saffat 37:24
Oo joojiya, waayo waxay ahaan doonaan kuwo la su’aalo
Verse 25 — Surah As-Saffat 37:25
Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn
Verse 26 — Surah As-Saffat 37:26
Mayee, Maalintaa way is dhiibi doonaan
Verse 27 — Surah As-Saffat 37:27
Oo waxay ku jeesan doonaan qaarkoodba qaaar iyagoo is su'aalaya
Verse 28 — Surah As-Saffat 37:28
Waxay odhan: Hubaal waxaad nooga imaan jirteen dhanka midig
Verse 29 — Surah As-Saffat 37:29
Waxay odhan: Mayee, idinka naf ahaantiinu maydaan aheyn mu’miniin
Verse 30 — Surah As-Saffat 37:30
Oo kuma aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Mayee, waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan
Verse 31 — Surah As-Saffat 37:31
Sidaas awgeed waxaa nagu waajibay Qawlka Rabbigeen, (haatan) hubaal waanu dhadhamin doonnaa (Cadaabta)
Verse 32 — Surah As-Saffat 37:32
Marka waan idin luminnay6, waayo innaga naf ahaanteenna baa lunsanayn
Verse 33 — Surah As-Saffat 37:33
Marka Maalintaas cadaabta bay wadaagi doonaan
Verse 34 — Surah As-Saffat 37:34
Hubaal sidaas baan ku fallaa Dambiilayaasha
Verse 35 — Surah As-Saffat 37:35
Hubaal iyaga marka lagu yidhaahdo: Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan ahayn Allaah, way iska weyneyn jireen
Verse 36 — Surah As-Saffat 37:36
Iyagoo leh: Ma waxaan isaga deynaa ilaahyadayada gabayaa waalan
Verse 37 — Surah As-Saffat 37:37
Mayee’ wuxuu la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii ( Alle soo diray)
Verse 38 — Surah As-Saffat 37:38
Hubaal waxaad idinku dhadhamin doontaan cadaabta xanuunka badan
Verse 39 — Surah As-Saffat 37:39
Oo la idinkama goyn doono waxaan aheyn waxa aad galabsateen
Verse 40 — Surah As-Saffat 37:40
Marka laga reebo Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah aan waxba la wadaajin (cibaadada)
Verse 41 — Surah As-Saffat 37:41
Kuwaasu waxay leeyihiin risiq la yaqaan
Verse 42 — Surah As-Saffat 37:42
Midho, oo waxay ahaan doonaan kuwo si heer sare ah loogu maamuuso
Verse 43 — Surah As-Saffat 37:43
Beeraha barwaaqada gudaheeda
Verse 44 — Surah As-Saffat 37:44
Sariiro sarreeya korkooda iyagoo is qaabilsan fool ka fool
Verse 45 — Surah As-Saffat 37:45
Waxaa lagula wareegi doonaa koob (khamri ah) ka soo shubma ilo saafi ah
Verse 46 — Surah As-Saffat 37:46
Cad, oo u macaan kuwa cabba
Verse 47 — Surah As-Saffat 37:47
Ma ahaan doonto wax dhibaato ah dhexdeeda, mana ahaana doonaan kuwo ku sarkhaamo
Verse 48 — Surah As-Saffat 37:48
Oo waxaa la jirkood ahaan doona kuwa soo laaba araggooda, ee leh indha waasic ah oo aad u qurxoon
Verse 49 — Surah As-Saffat 37:49
La moodo ukummo aad loo dhowray
Verse 50 — Surah As-Saffat 37:50
Waxay qaabili doonaan qaarkoodba qaarka kale, iyagoo wax is weydiinaya
Verse 51 — Surah As-Saffat 37:51
Midkood hadlaya baa odhan doona; Waxaan hubaal anigu lahaa rafiiq
Verse 52 — Surah As-Saffat 37:52
Kaasoo yidhi: Ma waxaad dhabtii ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta)
Verse 53 — Surah As-Saffat 37:53
Ma marka aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa (naloo soo saari doonaa) abaal marin
Verse 54 — Surah As-Saffat 37:54
Wuxuu odhan: Miyaad dhuganeysaan
Verse 55 — Surah As-Saffat 37:55
Markaasuu dhugtay hoos oo ku arkay Naarta bartankeeda
Verse 56 — Surah As-Saffat 37:56
Wuxuu odhan: Wallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto
Verse 57 — Surah As-Saffat 37:57
Oo haddii aysan jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan hubaal ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta)
Verse 58 — Surah As-Saffat 37:58
Ee ma nihin miyaa kuwo dhiman doona
Verse 59 — Surah As-Saffat 37:59
Waxaan ahayn dhimashadayadii hore? mana layna cadaabi doono
Verse 60 — Surah As-Saffat 37:60
Hubaal (arrin)kani ani waa Liibaanta aad u Weyn
Verse 61 — Surah As-Saffat 37:61
Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan camal falayaashu
Verse 62 — Surah As-Saffat 37:62
Ma (arrin)kani (Jannada) baa martiqaad wanaagsan mise geedka Zaquumka
Verse 63 — Surah As-Saffat 37:63
Hubaal Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) gar ma qaatayaasha
Verse 64 — Surah As-Saffat 37:64
Hubaal waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda
Verse 65 — Surah As-Saffat 37:65
Miraheeda ka soo baxa la moodo madaxyada shaydaammada
Verse 66 — Surah As-Saffat 37:66
Hubaal waxay wax ka cuni (geedkaa), oo ka buuxin doonaan caloolahooda
Verse 67 — Surah As-Saffat 37:67
Markaa waxay hubaal mudan doonaan intaa kaddib inay cabbaan isku dhaf lagu soo dheehay biyo kulul oo karaya
Verse 68 — Surah As-Saffat 37:68
Markaa hubaal laabashadoodu waxay ahaan doontaa xagga Naarta holaca badan
Verse 69 — Surah As-Saffat 37:69
Hubaal Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan
Verse 70 — Surah As-Saffat 37:70
Marka iyagu raad raacooda baa lagu soo dedejiyaa
Verse 71 — Surah As-Saffat 37:71
Oo dhab ahaan waxaa lumay iyaga hortood badi dadkii hore
Verse 72 — Surah As-Saffat 37:72
Oo dhab ahaan Waxaan u dirnay digayaal
Verse 73 — Surah As-Saffat 37:73
Ee fiiri sida ay aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin)
Verse 74 — Surah As-Saffat 37:74
Marka laga reebo Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah aan waxba la wadaajin (cibaadada)
Verse 75 — Surah As-Saffat 37:75
Oo waxaa dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, oo maxaynu nahay kuwa u wanaagsan ee ajiiba (baryada)
Verse 76 — Surah As-Saffat 37:76
Oo waxaan ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weynd (qaraqii)
Verse 77 — Surah As-Saffat 37:77
Oo waxaan ka dhignay durriyaddiisa badbaadayaasha
Verse 78 — Surah As-Saffat 37:78
Oo Waxaan u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood
Verse 79 — Surah As-Saffat 37:79
Nabad korkiisa ha u ahaato Nuux uunanka dhexdooda
Verse 80 — Surah As-Saffat 37:80
Sidaas baan Annagu hubaal u abaal marinnaa sama falayaasha
Verse 81 — Surah As-Saffat 37:81
Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah
Verse 82 — Surah As-Saffat 37:82
Markaas Waxaan hafinnay intii kale
Verse 83 — Surah As-Saffat 37:83
Oo hubaal wuxuu Ibraahiim7 xaqiiq raacay jidkiisa
Verse 84 — Surah As-Saffat 37:84
Marka uu ula yimid Rabbigi qalbi fayow
Verse 85 — Surah As-Saffat 37:85
Marka uu ku yidhi aabbihi iyo qoladiisii: Waa maxay waxaa aad caabuddaan
Verse 86 — Surah As-Saffat 37:86
been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku
Verse 87 — Surah As-Saffat 37:87
Muxuu haddaba yahay fikradda aad ka qabtaan Rabbiga uunanka
Verse 88 — Surah As-Saffat 37:88
Markaas wuxuu fiirshay xagga xiddigaha, isagoo kor eegaya fiiro keliya
Verse 89 — Surah As-Saffat 37:89
Markaasuu wuxuu yidhi: Anigu hubaal waa bukaa
Verse 90 — Surah As-Saffat 37:90
Markaasay ka jeesteen xaggiisa, iyagoo dib u noqonaya
Verse 91 — Surah As-Saffat 37:91
Markaasuu u daba maray si dhuumaaleysi ah ilaahyadoodii, oo yidhi: Mawaydaan (wax) cuneyn
Verse 92 — Surah As-Saffat 37:92
Maxaad leedihiin oo aydaan la hadlin
Verse 93 — Surah As-Saffat 37:93
Markaasuu ku jeestay si dhuumaaleysi ah isagoo ku garaacaya gacanta midig
Verse 94 — Surah As-Saffat 37:94
Markaasay waxay soo aadeen (dadkii) xaggiisa, iyagoo soo degdegaya
Verse 95 — Surah As-Saffat 37:95
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabuddaan waxaad qor-qor jaftaan
Verse 96 — Surah As-Saffat 37:96
Isaga oo Allaah abuuray idinka iyo waxa aad samaysaanba
Verse 97 — Surah As-Saffat 37:97
Waxay yidhaahdeen: U dhisa foorno (dab lagu shido) markaa ku tuura dabkaa ololaya
Verse 98 — Surah As-Saffat 37:98
Oo waxay dooneen dagaal ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hoos maray
Verse 99 — Surah As-Saffat 37:99
Oo wuxuu yidhi: Hubaal anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin doonaa
Verse 100 — Surah As-Saffat 37:100
Rabbiyow! I sii (ubad) ka mid ah wanaagsanayaasha
Verse 101 — Surah As-Saffat 37:101
Markaas baan Waxaan ugu bishaaraynay wiil dul badan
Verse 102 — Surah As-Saffat 37:102
Oo, markii uu gaaray inuu la shaqeeyo10, wuxuu yidhi: Wiilkaygiiyow! Hubaal waxaan ku arkay riyo anigoo ku gawracaya (qurbaan ahaan), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, haddii Alle idmo, waxaad i heli doontaa mid ka mid ah kuwa samir yeesha
Verse 103 — Surah As-Saffat 37:103
Markay labaduba hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka ( si uu u gowraco)
Verse 104 — Surah As-Saffat 37:104
Baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow
Verse 105 — Surah As-Saffat 37:105
Waxaad xaqiiq ka run sheegtay oo fulisay riyadii. Hubaal sidaas baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha
Verse 106 — Surah As-Saffat 37:106
Hubaal, (arrin)kani wuxuu xaqiiq ahaa imtixaan cad ( oo weyn)
Verse 107 — Surah As-Saffat 37:107
Oo waxaan (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran)
Verse 108 — Surah As-Saffat 37:108
Oo Waxaan u dhaafnay ( Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood
Verse 109 — Surah As-Saffat 37:109
Nabad korkiisa ha ahaato Ibraahiim
Verse 110 — Surah As-Saffat 37:110
Sidaaas baan u abaal marinnaa sama falayaasha
Verse 111 — Surah As-Saffat 37:111
Hubaal, wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah
Verse 112 — Surah As-Saffat 37:112
Oo Waxaan ugu bishaareynay Isxaaq11_Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan
Verse 113 — Surah As-Saffat 37:113
Oo Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah (qaar) fala samaan iyo (sidoo kale) qaar ugu gar darrooda nafahooda si caddaan ah
Verse 114 — Surah As-Saffat 37:114
Oo dhab ahaan Waxaanu ku mannaysannay gallad Muuse iyo Haaruun
Verse 115 — Surah As-Saffat 37:115
Oo Waxaanu ka badbaadinnay labadoodaba iyo dadkoodii kurbaddii weynayd
Verse 116 — Surah As-Saffat 37:116
Oo waan u gargaarnay, Sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday
Verse 117 — Surah As-Saffat 37:117
Oo Waxaanu siinnay labadooduba Kitaab ka yeelay (arrimaha) caddaan
Verse 118 — Surah As-Saffat 37:118
Oo Waxaanu ku hanuuninnay labadooduba Jidka Toosan
Verse 119 — Surah As-Saffat 37:119
Oo Waxaanu u dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood
Verse 120 — Surah As-Saffat 37:120
Nabad korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun
Verse 121 — Surah As-Saffat 37:121
Waliba sidaas oo kale baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha
Verse 122 — Surah As-Saffat 37:122
Hubaal Waxay ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah
Verse 123 — Surah As-Saffat 37:123
Oo hubaal, Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha
Verse 124 — Surah As-Saffat 37:124
Marka uu ku yidhi tolkiisii, Ma waydaan ka dhowrsanayn (xumaha)
Verse 125 — Surah As-Saffat 37:125
Ma waxaad u dhawaaqataan (oo baridaan) Bacal13 oo ka tagtaan (Allaah ee ah) Kan u wanaagsan abuurayaasha
Verse 126 — Surah As-Saffat 37:126
Allaah, waa Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore
Verse 127 — Surah As-Saffat 37:127
Wayse beeniyeen, sidaas darteed hubaal waxay ahaan doonaan kuwo la keeno
Verse 128 — Surah As-Saffat 37:128
Addoomaha Ilaahay ee daacadda ah maahee u keli yeela cibaadada
Verse 129 — Surah As-Saffat 37:129
Oo Waxaan u dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood
Verse 130 — Surah As-Saffat 37:130
Nabad korkiisa ha ahaato Ilyaasiin
Verse 131 — Surah As-Saffat 37:131
Waliba sidaas oo kale baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha
Verse 132 — Surah As-Saffat 37:132
Hubaal, wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah
Verse 133 — Surah As-Saffat 37:133
Oo Luud wuxuu hubaal ka mid ahaa Rususha
Verse 134 — Surah As-Saffat 37:134
Waa tii aanu badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan
Verse 135 — Surah As-Saffat 37:135
Marka laga reebo habar duq ah (xaas- kiisa oo ka mid ahayd) kuwaa nagaaday
Verse 136 — Surah As-Saffat 37:136
Markaasaan waxaan baabbi’innay intii kale (ee hartay)
Verse 137 — Surah As-Saffat 37:137
Oo waxaad hubaal ag martaan waaberiga
Verse 138 — Surah As-Saffat 37:138
Iyo habeenkaba, ee mawaydaan haddaba garowsaneyn
Verse 139 — Surah As-Saffat 37:139
Oo Yuunus wuxuu hubaal ka mid ahaa Rusushii (la soo diray)
Verse 140 — Surah As-Saffat 37:140
Waa tii uu u cararay doonidii buuxday
Verse 141 — Surah As-Saffat 37:141
Marka wuu la qori tuurtay, wuxuuse ahaa mid ka mid ah kuwaa la reebay
Verse 142 — Surah As-Saffat 37:142
Markaas buu nibirigu liqay isagoo falay waxaa uu naftiisa ku canaantay
Verse 143 — Surah As-Saffat 37:143
Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwaa na xurmo weyneeya oo na hufa
Verse 144 — Surah As-Saffat 37:144
Wuxuu hubaal ku negaan lahaa calooshiisa tan iyo Maalinta Qiyaamaha
Verse 145 — Surah As-Saffat 37:145
Markaas baan Waxaan ku soo tuur- nay (xeebta) bannaanka ah isagoo buka
Verse 146 — Surah As-Saffat 37:146
Oo Waxaan u soo bixinnay geed Aredube ah
Verse 147 — Surah As-Saffat 37:147
Oo Waxaan u dirnay Boqol kun ama ka badanba
Verse 148 — Surah As-Saffat 37:148
Oo waa ay rumeeyeen; markaas baan waxaanu siinnay sahay ilaa muddo ah
Verse 149 — Surah As-Saffat 37:149
Ee weydii iyaga haddii Rabbigaa leeyahay gabdho, iyaguna leeyihiin wiilal
Verse 150 — Surah As-Saffat 37:150
Mise waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, oo iyagaa ka ahaa goob joog
Verse 151 — Surah As-Saffat 37:151
Haddaba hubaal waa been abuurkooda inay yidhaahdaan
Verse 152 — Surah As-Saffat 37:152
Waa dhal Ilaahay, oo hubaal iyagu waa beenaalayaal
Verse 153 — Surah As-Saffat 37:153
Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal
Verse 154 — Surah As-Saffat 37:154
Maxaa si idin ka ah, waa sidee sida aad wax u xukuntaan
Verse 155 — Surah As-Saffat 37:155
Ee mawaydaan haddaba garaadsanayn
Verse 156 — Surah As-Saffat 37:156
Mise waxaad heysataan Xujo Cad
Verse 157 — Surah As-Saffat 37:157
Haddaba keena Kitaabkiinna haddii aad tihiin run sheegayaal
Verse 158 — Surah As-Saffat 37:158
Oo Waxay yeelaan xigaalo Isaga (Allaah) iyo jinka dhexdooda, oo dhabtii waxay jinku og yihiin in hubaal loo keeni doono (xisaab xil ma leh)
Verse 159 — Surah As-Saffat 37:159
Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka nazahan yahay waxa ay tilmaamaan
Verse 160 — Surah As-Saffat 37:160
Addoomaha Ilaahay maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada
Verse 161 — Surah As-Saffat 37:161
Marka hubaal idinka iyo waxa aad caabuddaanba (Alle sokadi)
Verse 162 — Surah As-Saffat 37:162
Cidna kama fidnayn kartaan Xaggiisa
Verse 163 — Surah As-Saffat 37:163
Mid maahee Naarta geli doona
Verse 164 — Surah As-Saffat 37:164
Oo ma jiro mid naga mid ah aan lahayn meel lagu og yahay
Verse 165 — Surah As-Saffat 37:165
Oo hubaal waa innaga (malaa’igta) kuwa u safta safafka siman
Verse 166 — Surah As-Saffat 37:166
Oo hubaal waa innaga kuwa xurmo weyneeya oo nazaha (Allaah)
Verse 167 — Surah As-Saffat 37:167
Oo hubaal waxay odhan jireen
Verse 168 — Surah As-Saffat 37:168
Haddii aan ka heysan laheyn waano kuwii hore
Verse 169 — Surah As-Saffat 37:169
Waxaan hubaal ahaan laheyn addoo- maha Ilaahay ee daacadda ah u keli yeela cibaadada
Verse 170 — Surah As-Saffat 37:170
Wayse ku gaaloobaan (haatan)23, marka way ogaan doonaan
Verse 171 — Surah As-Saffat 37:171
Oo dhab ahaan Kelmaddayadu horay bay u hirgashay xagga addoomahayaga, Rususha
Verse 172 — Surah As-Saffat 37:172
In hubaal iyagu yihiin kuwa loo gargaari doono
Verse 173 — Surah As-Saffat 37:173
Iyo in hubaal ciidammayadu ay iyaga yihiin kuwa adkaan doona
Verse 174 — Surah As-Saffat 37:174
Ee isaga jeeso iyaga tan iyo muddo
Verse 175 — Surah As-Saffat 37:175
Oo (markaa) arag iyaga, iyaguna sidoo kale way arki doonaan
Verse 176 — Surah As-Saffat 37:176
War ma Cadaabtayada bay degdegsanayaan
Verse 177 — Surah As-Saffat 37:177
Markase uu ku soo dego ardaagoooda, wax xun buu haddaba ahaan doonaa waa bariga kuwa loo digay
Verse 178 — Surah As-Saffat 37:178
Oo isaga jeeso iyaga tan iyo muddo
Verse 179 — Surah As-Saffat 37:179
Oo (markaa) arag, iyaguna sidoo kale waa ay arki doonaan
Verse 180 — Surah As-Saffat 37:180
Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo hufan Rabbigaa, Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxa ay tilmaamaan
Verse 181 — Surah As-Saffat 37:181
Oo nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Ilaahay)
Verse 182 — Surah As-Saffat 37:182
Oo Ammaan oo dhan iyo mahadba waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka