Back to Languages

Somali - Chapter 38 - Sad

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Sad 38:1

Saad1, Waxaan ku dhaartay Qur’aanka sharafta leh ee waanada badan

Verse 2 — Surah Sad 38:2

Balse kuwa xaqa diida waxay ku sugan yihiin qabwayni iyo cinaad

Verse 3 — Surah Sad 38:3

Intee baan rognay hortood facyo, markaasay baroorteen goor waqtigii fakashadu tagtay

Verse 4 — Surah Sad 38:4

Oo waxay la yaabaan inuu u yimaado dige ka mid ah. Oo waxay gaaladu yidhaahdaan: Kanu waa saaxir, beenaale

Verse 5 — Surah Sad 38:5

Ma wuxuu ka soo qaaday isagu ilaahyada Mid (Allaah) Keliya? Waa wax la yaab leh waxakani xaqiiq ahaan

Verse 6 — Surah Sad 38:6

Oo odayaashii ka mid ahaa way soo dhaqaaqeen ( iyagoo leh ): Socda, oo ku sabra oo sugnaada ilaahyadiinna. hubaal, (arrin)kanu waa wax laynala doonayo

Verse 7 — Surah Sad 38:7

Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii hore3. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur

Verse 8 — Surah Sad 38:8

Ma waxaa lagu soo dejiyey Waanada isaga (keliya) dhexdeenna? Bal! Waxay ka shaki qabaan Waanadeyda. Bal wali ma aysan dhadhamin Cadaabtayda

Verse 9 — Surah Sad 38:9

Mise ma waxaa weeye inay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha, Deeqsiga ah aad wax u bixiya

Verse 10 — Surah Sad 38:10

Mise ma waxaa weeye inay iyagu leeyihiin Boqortooyada cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Haddaba ha u koreen salaanno xagga (samada haddii ay karaan)

Verse 11 — Surah Sad 38:11

Ciidanka halkaas jooga ee ka mid ah xisbiyada5 waa la jabin oo ay carari

Verse 12 — Surah Sad 38:12

Qoladii Nuux iyo Caad iyo Fircoon ee lahaa tiirar xoog leh6 baa beeniyey (Rususha) iyaga hortood

Verse 13 — Surah Sad 38:13

Iyo Thamuud iyo qoladii Luud, iyo reer howdkii, kuwan bay ahaayeen xisbiyada

Verse 14 — Surah Sad 38:14

Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaas bay xaq noqotay cadaabi inay ku dhacdo

Verse 15 — Surah Sad 38:15

Oo kuwaani ma sugayaan iyaguna waxaan aheyn hal Qeylo aanan daah lahayn iyo dib u dhac

Verse 16 — Surah Sad 38:16

Oo waxay yidhaahdaan: Rabbigayow! Noo soo dedeji saamigayaga (ciqaabta ) ka hor Maalinta Xisaabta

Verse 17 — Surah Sad 38:17

U samir waxa ay leeyihiin, oo xusuuso addoonkayaga Daawuud, ee awoodda lahaa. Hubaal wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo laabasho badan

Verse 18 — Surah Sad 38:18

Hubaal Waxaanu Annagu ka yeelnay buuraha inay kula tasbiixsadaan (Alla) ammaan iyo mahdin iyo hufid galab dhaca iyo qorrax soo baxaba

Verse 19 — Surah Sad 38:19

Iyo shimbiraha la soo kulunshay wada jir, dhammaan la qaadaan(Alla)ammaanka

Verse 20 — Surah Sad 38:20

Oo Waxaanu adkaynay mullkigiisa, oo Waxaanu siinnay xikmad iyo hadal cad oo lagu kala baxo garsoor wanaagsan ah

Verse 21 — Surah Sad 38:21

Oo ma ku soo gaaray warka dood qabayaashii, marka ay ugu soo dhaceen Mixraabka iyagoo soo tafaya derbiyada

Verse 22 — Surah Sad 38:22

Marka ay u soo galeen Daawuud, markaasuu ka baqay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, oo iska jir gar eexo, oo nagu hanuuni jidka toosan

Verse 23 — Surah Sad 38:23

Hubaal kani waa walaalkay; wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan sabeenood, halka aan anigu leeyahay sabeen keliya. Wuxuuse yidhi: ii xil saar iyadana, oo waa iga dood adkaaday

Verse 24 — Surah Sad 38:24

Wuxuu yidhi: Hubaal waa uu kugu gefay ku weydiisigiisa sabeentaada si uu ugu darsado sabeenihiisa. Oo hubaal in badan oo kuwa wax isku darsada ahi xaqiiq way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, marka laga reebo kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo aad bay u yar yihiin kuwaasu. Oo Daawuud wuxuu gartay inaan imtixaannay, markaasuu ka dalbay Dambi Dhaaf Rabbigi oo wuxuu la dhacay rukuuc, oo badiyey u noqdashada(Xagga Ilaahay)

Verse 25 — Surah Sad 38:25

Markaas baan u dambi dhaafnay (arrin)kani, oo hubaal wuxuu Agtayada xaqiiq ku leeyahay dhowaansho iyo meeqaan aad u wanaagsan

Verse 26 — Surah Sad 38:26

Daawuudow! Hubaal waxaan kaaga dhignay taliye dhulka, ee ku kala xukun dadka si caddaalad ah, oo ha raacin waxa (xun) ay naftu doonto _si ayan kaaga lumin Jidka Ilaahay, (ma xagga) kuwa ka luma Jidka Ilaahay waxay hubaal mudan doonaan cadaab daran, illowgooda Maalinta Xisaabta darteed

Verse 27 — Surah Sad 38:27

Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ujeeddo la’aan. Sidaasu waa malaha kuwa xaqa diida. Ee hoog waxaa leh kuwa xaqa diida xagga Naarta ah

Verse 28 — Surah Sad 38:28

Ma waxaanu la mid dhignaa kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala sida kuwa ku fala fasahaad arlada? mise ma waxaanu ka dhignaa kuwa iska jira xumaha sida faajiriinta

Verse 29 — Surah Sad 38:29

(Kani) waa Kitaab aan kuu soo waxyoonnay barako badan si ay uga fiirsadaan Aayadihiisa iyo si ay wax garadku ugu waantoobaan

Verse 30 — Surah Sad 38:30

Oo Waxaan Daawuud siinnay Sulaymaan. Wacanaa addoonku. hubaal, wuxuu ahaa mid noo soo laabasho badan

Verse 31 — Surah Sad 38:31

Waa tii loo soo bandhigay goor galab ah (fardo) sugan marka ay taagan yihiin oo aad u dheereeya marka ay ordayaan

Verse 32 — Surah Sad 38:32

Markaasuu wuxuu yidhi: Hubaal waxaan ka door biday waxyaalaha wanaagsan xuska Rabbigay ilaa ay dhacday qorraxdii

Verse 33 — Surah Sad 38:33

Dib iyaga iigu keena, markaasuu wuxuu billaabay inuu masaxo addimmada iyo luquma(hooda)

Verse 34 — Surah Sad 38:34

Oo xaqiiq Waxaanu imtixaannay Sulaymaan, oo aan saarnay kursigii boqortooyadiisii oogo, markaasuu u soo laabtay (Allaah oo toobad keenay)

Verse 35 — Surah Sad 38:35

Wuxuu yidhi : Rabbiyow! Ii Dambi dhaaf oo i sii boqortooyo aan ku habbooneyn (inuu dhaxlo) cid iga dambeysa. Adigaa Bixin Badane ahe

Verse 36 — Surah Sad 38:36

Markaas baan waxaan u sakhirnay dabaysha, oo ku soconeysey amarkiisa iyadoo nugul meeshuu doonaba

Verse 37 — Surah Sad 38:37

Iyo shaydaammada, mid walboo wax dhisa , iyo mid walboo quusa

Verse 38 — Surah Sad 38:38

Iyo kuwo kaloo ku xirxiran silsilado

Verse 39 — Surah Sad 38:39

Kani waa Deeqdayada ee bixi waxaad doonto ama hayso xisaab la’aan

Verse 40 — Surah Sad 38:40

Oo hubaal wuxuu Agtayada ku leeyahay xaqiiq dhowaansho iyo meeqaan sare

Verse 41 — Surah Sad 38:41

Oo xus addoonkayaga Ayyuub, marka uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh): Wuxuu Shaydaan igu taabtay silic iyo saxariir

Verse 42 — Surah Sad 38:42

Ku garaac (dhulka) cagtaada; kani (waa il leh) meyrasho qabow iyo cabbitaan

Verse 43 — Surah Sad 38:43

Oo Waxaanu siinnay ehelkiisii, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah,oo waano u ah wax garadka

Verse 44 — Surah Sad 38:44

Oo ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar ah oo ku dhufo oo ha jabin dhaartaada12; hubaal waxaanu hellay inuu yahay samir yeeshe dul badan. Wacanaa addoonku, hubaal wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u laabasho badan

Verse 45 — Surah Sad 38:45

Oo xus addoomahayaga Ibraahiim iyo Isxaaq iyo Yacquub, rag awood leh oo in dheer garad ah

Verse 46 — Surah Sad 38:46

Hubaal waxaanu u xulannay tilmaan wanaagsan oo gaar ah: xusuusnaanta Daarta (Aakhiro)

Verse 47 — Surah Sad 38:47

Oo hubaal waxay iyagu ka mid yihiin agtannada xulka akhyaarta ah

Verse 48 — Surah Sad 38:48

Oo xus Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Dul-Kifil, oo dhammaantood waxay ka mid yihiin akhyaarta

Verse 49 — Surah Sad 38:49

Kani waa waano, oo hubaal, waxay mudan doonaan meeqaan wanaagsan kuwaa iska jira xumaha

Verse 50 — Surah Sad 38:50

Beero negaya loo furay Albaabadoodu

Verse 51 — Surah Sad 38:51

Oo ay dhex jiqlaysan yihiin iyagoo ugu yeeranaya midho tiro badan iyo cabbitaan

Verse 52 — Surah Sad 38:52

Oo waxaa la jirkood ahaan kuwo soo laabba aragga, oo isku fil ah

Verse 53 — Surah Sad 38:53

Kani waa waxa la idiin ballan qaaday Maalinta Xisaabta

Verse 54 — Surah Sad 38:54

Hubaal kani waa risiqayaga aan dhammaaneyn weligii

Verse 55 — Surah Sad 38:55

Waa sidaase! Oo hubaal xadgudbayaasha waxaa sugaya rug laabasho xun

Verse 56 — Surah Sad 38:56

Naar; way geli doonaan, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo

Verse 57 — Surah Sad 38:57

Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyaan, biyo kulul oo karkaraya iyo malax qurmuun

Verse 58 — Surah Sad 38:58

Iyo (cadaab) kaloo la cayn ah oo noocyo kala duwan ah

Verse 59 — Surah Sad 38:59

Kuwakani waa guuto lagu soo tuurayo qiimo la’aan la jirkiin, Ma leh soo dhoweyn! Hubaal waxay geli doonaan Naar

Verse 60 — Surah Sad 38:60

Waxay odhan: Mayee idinkaan soo dhoweyn lahayn! Idinkaa noo horseeday iyada, ee xumaa fariisan guntii la degaa

Verse 61 — Surah Sad 38:61

Waxay odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani ugu dar cadaab labo jibbaar ah Naarta gudaheeda

Verse 62 — Surah Sad 38:62

Oo Waxay odhan: Maxaanu u arki la'nahay, niman aanu ku tirin jirnay ehlu sharka

Verse 63 — Surah Sad 38:63

Oo miyaan ku diganaynay (oo waan qaldaneyn), mise indhahayagaa (haatan) ka iishay oo arki waayey

Verse 64 — Surah Sad 38:64

Hubaal (arrin)kani waa xaq aan shaki lahayn_ waa doodda ehlu-Naarka

Verse 65 — Surah Sad 38:65

Dheh anigu sideedaba waxaan ahay oo keliya dige, oo ma jiro ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, Waaxidka, Awoodda sare leh

Verse 66 — Surah Sad 38:66

Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Adkaadaha, Dambi Dhaafka Badan

Verse 67 — Surah Sad 38:67

Dheh: Kani waa dhambaal ahmiyad weyn leh

Verse 68 — Surah Sad 38:68

(Oo) aad idinku ka jeedsataan

Verse 69 — Surah Sad 38:69

Oo uma lahayn wax cilmi ah kulanka sare (malaa’igta) markay doodeen

Verse 70 — Surah Sad 38:70

Waxaa uun la ii waxyooday, inaan ahay dige iska cad

Verse 71 — Surah Sad 38:71

Waa tii uu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Hubaal Waxaan ka abuuri aadmi dhoobo

Verse 72 — Surah Sad 38:72

Ee marka aan ebyo sameyntiisa isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxayaga, markaas ula dhaca sujuud (salaan ahaan)

Verse 73 — Surah Sad 38:73

Oo malaa’igtii way sujoodeen (salaan qaateen) dhammaantood oo idil

Verse 74 — Surah Sad 38:74

Ibliis maahee, wuu is kibriyey, oo ka mid ahaaday abaal laawayaasha

Verse 75 — Surah Sad 38:75

(Alle) wuxuu yidhi: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad salaan qaadasho ahaan ugu sujuuddo mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, miyaad isla weyn tahay, mise waxaad ka mid tahay kuwa isla sarreeya

Verse 76 — Surah Sad 38:76

(Ibliis) wuxuu yidhi: Aniga baa ka khayr badan isaga, waxaad iga abuurtay dab, oo isaga waxaad ka abuurtay dhoobo

Verse 77 — Surah Sad 38:77

(Alle) wuxuu yidhi: Haddaba ka bax halkan, hubaal waxaad tahay dayro dufeysane

Verse 78 — Surah Sad 38:78

Oo hubaal Nacaladdayda baa korkaaga ah ilaa Maalinta Is-Abaal marinta

Verse 79 — Surah Sad 38:79

(Ibliis) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii sug ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamaha)

Verse 80 — Surah Sad 38:80

(Alle) wuxuu yidhi: Hubaal waxaad ka mid tahay kuwa la sugayo

Verse 81 — Surah Sad 38:81

Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh

Verse 82 — Surah Sad 38:82

(Shaydaan) wuxuu yidhi: Waa igu Cisa- daadee, hubaal waxaan ka yeeli inay noolaadaan nolol baas oo xun dham- maantood oo waa dhumin geddigood

Verse 83 — Surah Sad 38:83

Addoomahaaga kuwooda daacadda ah maahee aan waxba kula wadaajin cibaadada

Verse 84 — Surah Sad 38:84

(Alle) wuxuu yidhi: Runtu haddaba waxaa weeye, runtaana ku hadlaaye

Verse 85 — Surah Sad 38:85

Inaan hubaal ka buuxin Naar adiga iyo kuwooda ka mid ah oo ku raaca oo dhan

Verse 86 — Surah Sad 38:86

Dheh: Idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah, mana ahi mid ka mid ah kuwa is yeel yeela (oo isku dhiba waxaan la amrin)

Verse 87 — Surah Sad 38:87

Oo ma aha (Qur’aanka) waxaan ahayn Waano ku socota uunanka oo dhan

Verse 88 — Surah Sad 38:88

Oo hubaal waad ogaan doontaan warkiisa muddo yar kaddib