Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 39 - Az-Zumar
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Az-Zumar 39:1
Soo Waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) wuxuu ka yimid xagga Allaah, Adkaadaha, Xakiimka ah
Verse 2 — Surah Az-Zumar 39:2
Hubaal Waxaanu Annagu kuugu soo waxyoonnay Kitaabka si Xaq ah. Ee caabud Allaah Keliya, adigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada
Verse 3 — Surah Az-Zumar 39:3
Ogaada, hubaal cibaado oo dhan barax tiran1 aan waxba lala wadaajin cid kale waxaa Xaq u leh Allaah (Keliya). Oo (ma xagga) kuwa yeesha awliyo ay la barbar caabudaan Isaga, (iyagoo leh): Uma caabudno waxaan ahayn inay noo dhoweeyaan Allaah dhowaansho aad ah. Hubaal Allaah baa ku kala xukumi doona dhexdooda waxa ay isku khilaafaan. Hubaal Allaah ma hanuuniyo kan isagu ah beenaale, abaal laawe
Verse 4 — Surah Az-Zumar 39:4
Haddii uu Allaah doonayo inuu yeesho wiil wuxuu hubaal ka dooran lahaa waxa uu abuuray waxa uu doono. Xurmo oo dhan Isaga baa leh oo nazahan. Waa Allaah, Waaxidka, Awoodda Sare leh
Verse 5 — Surah Az-Zumar 39:5
Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Wuxuu ka yeelaa habeenka inuu daboolo maalinta, oo ka yeelaa maalinta inay gasho halka habeenka. Oo wuxuu layliyay qorraxda iyo dayaxa. Mid walbaa wuxuu ku socdaa muddo magacaaban. Ogaada hubaal waa Isaga Adkaadaha, Dambi Dhaafka Badan
Verse 6 — Surah Az-Zumar 39:6
Wuxuu idinka abuuray naf keliya (Aadam); oo ka yeelay lammaankiisa (Xawwaa) isku nooc. Oo wuxuu idiin yeelay sideed ka mid ah xoolaha oo lammaan ah. Wuxuu idinku abuuraa uurarka hooyooyinkiin abuuris ka dambeysa abuuris saddex mugdi2 dhexdood, kaas baa ah Allaah _Rabbigiin. Isagaa leh Boqortooyada. Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Ee xagee baaa haddaba la idiinka iilay
Verse 7 — Surah Az-Zumar 39:7
Haddii aad gaalowdaan, haddaba hubaal Allaah waa isku filan yahay oo idinka deeqtoon yahay, lamase jecla abaal dhac iyo gaaloobid addoomahiisa. Haddiise aad tihiin kuwo mahad naqa, wuu idiinka raalli yahay. Oo qof culaabi saaran tahay ma qaado culaabta qof kale. Oo waa xagga Rabbigiin laabashadiinna, markaasuu idiin sheegi waxaad fali jirteen. hubaal wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
Verse 8 — Surah Az-Zumar 39:8
Oo marka ay dhibi taabato aadmiga wuxuu u dhawaaqdaa Rabbigiis (Allaah Keliya) isagoo badiya u noqodka Xaggiisa, markase uu siiyo nicmo Xaggiisa ah3, waa halmaamaa waxa uu ugu dhawaaqday kal hore, oo wuxuu u yeelaa dhigyo Allaah, si uu (u lumo oo aadmigana) uga lumiyo Jidkiisa. Dheh: Ku raaxeyso abaal dhiciddaada wax yar, hubaal waxaad ka mid tahay ehlu Naarka
Verse 9 — Surah Az-Zumar 39:9
Ma mid daacad ah saacado habeenka ah gudahood, isagoo sujuudaya oo istaagan, u digtoon oo dadaala Aakhirada oo rajeeya Naxariista Rabbigiis (miyaa la mid ah mid aan sidaasi ahayn)!? Dheh: Miyey kuwa wax og iyo kuwa aan aan waxba ogeyn siman yihiin? Waxaa sideedaba waantooba keliya kuwa wax garadka ah
Verse 10 — Surah Az-Zumar 39:10
Dheh: Addoommahayga (Xaqa) rumeysanow, Dhowra (xilka uu idin saaray) Rabbigiin, kuwa sama fala adduunyadan, (abaalkooda) waa samaan, oo dhulka Ilaahay waa waasic. Oo keliya kuwa samir yeesha baa loogu oofin doonaa Abaalkooda si dhan xisaab la’aan
Verse 11 — Surah Az-Zumar 39:11
Dheh: Waxaa Aniga la i amray inaan caabudo Allaah Keliya anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajineyn cibaadada
Verse 12 — Surah Az-Zumar 39:12
Oo waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya kuwa isu dhiiba (Ilaahay) Muslimiin ahaan
Verse 13 — Surah Az-Zumar 39:13
Dheh: Waxaan ka cabsi qabaa haddii aan caasiyo (Alle) Rabbigey Cadaabta Maalin aad u murugo Weyn
Verse 14 — Surah Az-Zumar 39:14
Dheh: Allaah (weeye kan) aan caabudo anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada
Verse 15 — Surah Az-Zumar 39:15
Ee caabuda idinku waxa aad doontaan oo barbar dhiga. Dheh: Khasaare qabaayaasha hubaal waa kuwa khaasari nafahooda iyo ehelkoodaba Maalinta Qiyaamaha; ogaada hubaal, kaasi weeye khasaaraha caddaanka ah
Verse 16 — Surah Az-Zumar 39:16
Waxay mudan daboollo dab Naar ah korkooda, iyo daboollo hoostooda, (Arrin)kaasi waa waxa uu Allaah ku cabsi geliyo addoomahiisa ee addoomahaygow dhowra (xilka aan anigu idin saaray)
Verse 17 — Surah Az-Zumar 39:17
Oo (ma xagga) kuwa ka fogaada inay caabudaan Shaydaan (iyo wax kastoo la caabudo Alle sokadi) oo u laabta Allaah4, waxay heli doonaan war san ay ku farxaan; ee sii war san ee farxad leh addoomahayga
Verse 18 — Surah Az-Zumar 39:18
Kuwa dhegaysta hadalka oo raaca kiisa u fiican5, kuwaas weeye (kuwa) uu Allaah hanuunshay, oo kuwaas weeye kuwa wax garadka ah
Verse 19 — Surah Az-Zumar 39:19
Ma mid ay isagu u waajibtay kelmedda cadaabka. Ma adigaa badbaadin kara mid isagu ku sugan Naarta
Verse 20 — Surah Az-Zumar 39:20
Laakiinse (ma xagga) kuwa dhowra (xilka uu saaray) Rabbigood waxay mudan doonaan dabaqyo sare ay ka korreeyaan dabaqyo kale loo dhisay (iyaga), oo ay webiyadu hoos qulqulaan; (Kani waa) Ballan Ilaahay, Allaah kama baxo Ballankiisa
Verse 21 — Surah Az-Zumar 39:21
Mawaadan arag inuu Allaah ka soo dejiyo biyo daruurta, haddana ka yeelo inay ku socdaan dhulka iyagoo ilo ah, markaas uu ku soo bixiyo dhir kala midab ah, haddana qallalaan sidaas darteed waxaad aragtaa isagoo caddaaday oo cawlan, haddana Wuxuu ka dhigaa wax baabba’ay oo u burburay gaballo? Hubaal, (arrin)kani waxaa ugu sugan waano dadka wax garadka ah
Verse 22 — Surah Az-Zumar 39:22
Ma mid uu qalbigiisa Allaah u furay islaamka sidaas darteed ku sugan Nuur xagga Rabbigi ah (baa la mid ah mid qalbi adag)?, ee waxaa hoog leh kuwa ay qalbiyadoodu ay yihiin adeyg xagga Xusidda Ilaahay. Kuwaasu waxay ku sugan yihiin habow caddaan ah
Verse 23 — Surah Az-Zumar 39:23
Allaah wuxuu soo dejiyey hadal kan u fiican, Kitaab qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda6, ay la jiriiricoodaan dubabka kuwa ka baqa Rabbigood. markaasay dubabkooda iyo qalbiyadoodu u jilcaan Xuska Ilaahay. Kani waa hanuunka Ilaahay. Wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono, oo (ma xagga) kan Allaah lumiyo ma leh cid hanuunisa
Verse 24 — Surah Az-Zumar 39:24
Ma mid haddaba kaga dhowrsada wejigiisa7 cadaabka xun Maalinta Qiyaa- maha(baa la mid ah mid aan sidaas ahayn) oo waxaa lagu odhan gar ma qaatayaasha: Dhadhamiya waxa aad kasbateen
Verse 25 — Surah Az-Zumar 39:25
Kuwii ka horreeyey baa beeniyey (anbiyo), sidaas darteed wuxuu uga yimid cadaabku meelo aysan dreemeyn
Verse 26 — Surah Az-Zumar 39:26
Markaasuu Allaah ka yeelay inay ku dhadhamiyaan dulli noloshan adduunka, oo dhab ahaan cadaabta Aakhiro baa ka sii weyn; waase haddii ay ogaan lahaayen
Verse 27 — Surah Az-Zumar 39:27
Oo dhab ahaan waxaan ugu soo qaadannay dadka Qur' aankan dhexdi tusaale nooc kasta leh bal inay garowsadaan
Verse 28 — Surah Az-Zumar 39:28
Qur’aan af Carabi ah, aan wax qallooc ah lahayn8, bal inay (xumaha ka) dhowrsadaan
Verse 29 — Surah Az-Zumar 39:29
Allaah wuxuu dhigaa tusaale: waa addoon ay wadaagaan niman badan oo is khilaaafsan, iyo addoon kale oo gebigiba uu wada leeyahay hal nin. Miyey labadaasu isku mid yihiin xaal ahaan? Ammaan oo dhan iyo mahadba waxaa mudan Allaah, balse badankoodu ma oga
Verse 30 — Surah Az-Zumar 39:30
Hubaal waad dhiman doontaa, iyaguna (sidoo kale) waa dhiman doonaan
Verse 31 — Surah Az-Zumar 39:31
Oo hubaal idinku Maalinta Qiyaamaha waxaad iskula doodi doontaan Rabbigiin horti
Verse 32 — Surah Az-Zumar 39:32
Yaa haddaba ka gef weyn oo ka gardarro badan kan ka been sheega Alle, iyo (kan isagu) beeniya Runta marka ay u timaaddo, miyaanay ugu sugneyn Naarta hoy gaalada
Verse 33 — Surah Az-Zumar 39:33
Oo kan la yimaada Runta iyo (kan isagu) u aqbala run ahaanta, kuwani weeye kuwa (xumaha ka) dhowrsada
Verse 34 — Surah Az-Zumar 39:34
Waxay ka heli doonaan waxa ay doonaan Rabbigood agtiisa; kaasi waa abaalgudka sama falayaasha
Verse 35 — Surah Az-Zumar 39:35
Sidaa awgeed Allaah wuxuu ka tirtiri waxa ugu xun ay faleen, oo u siin doonaa ajarkooda si waafaqsan waxa u wanaag- san ay falaan
Verse 36 — Surah Az-Zumar 39:36
Mawuusan Allaah ahayn mid ku Filan addoonkiisa? Oo waxay doonaan inay kugu cabsi geliyaan kuwa ay barbar dhigaan. Oo mid kastoo uu Allaah lumiyo, ma uu laha wax hanuuniya
Verse 37 — Surah Az-Zumar 39:37
Oo mid uu Allaah hanuuniyo ma uu laha wax lumiya. Ma wuusan ahayn Allaah Adkaade, Aargudasho leh
Verse 38 — Surah Az-Zumar 39:38
Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay hubaal odhanayaan: Allaah. Dheh: Haddaba ma u fiirsateen waxa aad u dhawaaqataan Allaah sokadi,_ haddii Allaah ila maago lur, miyey yihiin kuwa fayda lurkiisa? ama haddii uu ila maago Naxariis, miyey yihiin kuwa celiya Naxariistiisa? Dheh: Allaah baa igu Filan, Isaga bay isku halleeyaan inta wax isku halleysa
Verse 39 — Surah Az-Zumar 39:39
Dheh: Dadkaygiiyow! Ka camal fasha halkiinna, anigana hubaal waxaan ahay mid camal fasha, waadse ogaan doontaan
Verse 40 — Surah Az-Zumar 39:40
Waa kee kan ay u iman doonto cadaab dulleysa iyo kan ay ku dhici doonto cadaab ma guuraan ah
Verse 41 — Surah Az-Zumar 39:41
Hubaal Waxaan Annagu kuugu soo waxyoonnay Kitaabka dadka darti si Xaq ah. Ee mid kastoo raacaa dhabbaha toosan waxay dan u tahay naftiisa, oo mid kastoo lumaa waxay uun ka go’an tahay korkiisa, oo adigu ma tihid mid xil kaa saaran yahay
Verse 42 — Surah Az-Zumar 39:42
Allaah baa oofsada nafaha waqtiga dhimashadooda, iyo kuwaas aan dhiman inta ay ku jiraan hurdadooda. Markaasuu wuxuu hayaa oo ceshadaa kuwa uu ku xukumay dhimashada, oo wuxuu soo diraa kuwa kale ilaa iyo muddo magacaaban. hubaal waxaa (arrin)kaasi ugu sugan calaamooyin qolo fekerta
Verse 43 — Surah Az-Zumar 39:43
Mise waxay yeesheen shafeecayaal ay Allaah bar bar dhigaan? Dheh: Ma xitaa walow ayan marnaba hanan waxba oo ayan waxna garaneyn
Verse 44 — Surah Az-Zumar 39:44
Dheh: Allaah baa iska leh shafeeco oo dhan; Isaga baa leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa
Verse 45 — Surah Az-Zumar 39:45
Oo marka Allaah Keliya la xuso, quluubta kuwa aan rumeysneyn Aakhirada way qaloodaan, oo marka kuwaa ay barbar dhigaan la xuso, markaas bay farxaan
Verse 46 — Surah Az-Zumar 39:46
Dheh: Allahayow, uumaha cirarka iyo dhulkow, Ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdow. Adiga (Keliyaa) u kala garsoori doona addoomahaaga waxa ay isku khilaafaan
Verse 47 — Surah Az-Zumar 39:47
Oo haddii kuwaa ah gar ma qaatayaasha ay lahaan lahaayeen waxa yaal dhulka oo dhan iyo wax le’eg oo wehliya waxay dhab ahaan u bixin lahaayeen isfurasho ahaan (si looga badbaadiyo) xumaanta cadaabta Maalinta Qiyaamaha; oo waxaa uga muuqan doona xagga Ilaahay wax aysan marnaba malaysan
Verse 48 — Surah Az-Zumar 39:48
Oo (midhaha) xumaanta waxa ay kasbadeen baa u muuqan doona, oo waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah) baa ku degi doona
Verse 49 — Surah Az-Zumar 39:49
Ee marka ay dhibaato taabato Aadmiga, waa uu noo dhawaaqdaa, haddana marka aan ku galladeysanno nicmo Xaggayaga ah wuxuu yidhaahdaa: Wax kale ma’ahee’ waxaa uun laygu siiyey aqoonta (aan u leeyahay jidadka lagu helo), mayee’ waa imtixaan, laakiinse badan- koodu ma ogsoona
Verse 50 — Surah Az-Zumar 39:50
Kuwii ka horreeyey baa sidaas yidhi dhab ahaan, waxbase uma tarin waxay kasbadeen
Verse 51 — Surah Az-Zumar 39:51
Markaas baa waxaa ku dhacay xumaanta (midhaha) waxay kasbadeen; oo kuwaa ah gar ma qaatayaasha ee ka mid ah kuwani waxaa iyagana ku dhici doona xumaanta (midhaha) waxay kasbadaan, oo ma baxsan doonaan
Verse 52 — Surah Az-Zumar 39:52
Mawaysan ogeyn inuu Allaah u fidiyo risiqa ciddii uu doono, oo ku cidhiidhiyo (ciddii uu doono), hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo rumeysan
Verse 53 — Surah Az-Zumar 39:53
Dheh: Addoomahaygow! kuwa ku xad-gudbay nafahooda, ha ka quusannina marnaba Naxariista Ilaahay; hubaal Allaah waa uu dhaafaa dambiyada oo dhan11. Hubaal waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
Verse 54 — Surah Az-Zumar 39:54
Oo u noqda xagga Rabbigiin goor iyo ayaanba, oo isu dhiiba ka hor inta aanay idin imaan cadaabtu, markaasoo aan la idiin gargaari doonin
Verse 55 — Surah Az-Zumar 39:55
Oo Raaca kan wanaagga badan ee la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin, ka hor inta aanay kedis idiinku imaan cadaabtu, idinkoo aan waliba dareensaneyn
Verse 56 — Surah Az-Zumar 39:56
Si ayan nafi u odhan12: Hoog baa ii sugnaaday waxa aan ku gabood galay xilka Ilaahay i saaray darteed, oo hubaal waxaan ka mid ahaa kuw qosol jees-jeesa
Verse 57 — Surah Az-Zumar 39:57
Ama aysan odhan: Haddii Allaah i hanuunin lahaa, waxaan dhab ahaan ka mid ahaan lahaa kuwa (xumaha) ka dhowrsada
Verse 58 — Surah Az-Zumar 39:58
Ama aysan odhan marka ay aragto cadaabta: Haddii aan heli lahaa hal noqosho oo keliya13 waxaan dhab ahaan ka mid ahaan lahaa sama falayaasha
Verse 59 — Surah Az-Zumar 39:59
Haayoo, waxaa dhab ahaan kuu yimid Aayadahayga waadse beenisay, oo aheyd mid isla weyn, oo waxaad ka mid ahayd gaalada
Verse 60 — Surah Az-Zumar 39:60
Oo Maalinta Qiyaamaha waxaad arki doontaa kuwii ka been sheegay Allaah, wejiyadoodu oo ahaan kuwo la madoobeeyey. Miyaanay ugu sugnaan Naarta hoy islaweynayaasha
Verse 61 — Surah Az-Zumar 39:61
Oo Allaah wuxuu badbaadin doonaa Kuwa (xumaha) iska jira iyagoo wata guushooda ay gaareen14, xumi ma taaban doonto, mana murugoon doonaan
Verse 62 — Surah Az-Zumar 39:62
Allaah waa abuuraha wax walba, oo Isaga baa haya xilka wax walba
Verse 63 — Surah Az-Zumar 39:63
Isagaa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada. Oo (ma xagga) kuwa rumeysan diida Aayadaha Ilaahay, kuwani weeye kuwa ah khasaara qabayaasha
Verse 64 — Surah Az-Zumar 39:64
Dheh: Ma waxaan ahayn Allaah baad haddaba i amartaan inaan caabudo, nimanyahow jaahiliinta ah
Verse 65 — Surah Az-Zumar 39:65
Oo dhab ahaan waxaa laguu waxyooday adiga iyo kuwii kaa horreeyeyba: hubaal haddii aad wax la wadaajiso Ilaahay cibaadada, waxaa dhab ahaan buraya camalkaaga, oo waxaad dhab ahaan ka mid noqoneysaa khasaare qabayaasha
Verse 66 — Surah Az-Zumar 39:66
Balse Caabud Allaah Keliya, oo ka mid ahow kuwa mahad naqa
Verse 67 — Surah Az-Zumar 39:67
Oo ma ayan qaddarin Allaah qaddarinta uu mudan yahay15, isagoo dhulka oo dhammi ahaan doono Qabashadiisa Maalinta Qiyaamaha, oo samooyinka ku duuban yihiin Gacantiisa Midig16. Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh oo waa ka sarreeyaa waxaa ay la wadaajiyaan
Verse 68 — Surah Az-Zumar 39:68
Oo Buunka baa la afuufi, markaas bay dhammaan waxa jooga samooyinka iyo dhammaan waxa jooga arlada wada suuxi doonaan kan uu dooni Allaah maahee. Misna la afuufi mar kale, mise dadkii wayba taagan yihiin oo sugayaan (Xukunka Ilaahay)
Verse 69 — Surah Az-Zumar 39:69
Oo arlada waxay la ifi Nuurka Rabbigeed, oo Kitaabka baa la soo dhigi, oo Nabiyada iyo markhaatiyada baa la keeni, oo waa loo kala garsoori dhexdooda si Xaq ah, iyagoo aan lagu gardarrooneyn
Verse 70 — Surah Az-Zumar 39:70
Oo naf walba waxaa loogu oofin si dhan waxa ay fashay; oo Isaga baa aad u Ogsoon waxa ay camal falaan
Verse 71 — Surah Az-Zumar 39:71
Oo kuwa xaqa diida waxaa loo kaxeyn Naarta iyagoo rac-rac (wada jira) ah, jeer marka ay ku yimaadaan waxaa loo furi Albaabbadeeda. Oo Furahayeennadeedu waxay ku odhan: Mawaysan idiin iman Rusul idinka mid ah oo idiin akhirayaya Aayaadka Rabbigiin, oo idiinka digaya la kulanka Maalintiinnaan? Waxay odhan: Haah, laakiinse waxaa ku rumowday Kelmedda cadaabka gaalada dushooda
Verse 72 — Surah Az-Zumar 39:72
Waxaa la odhan: Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda, maxay ahaatay meel xun oo baas hoyga islaweynayaashaa
Verse 73 — Surah Az-Zumar 39:73
Oo kuwa dhowra (xilka uu saaray) Rabbigood waxaa loo kaxeyn xagga Jannada, iyagoo rac-rac (wada jira) ah, marka ay ku yimaadaan waxay la kulmi iyadoo la furay albaabbadeeda18, oo furahayeennadeedu waxay ku odhan: Nabadi korkiinna ha ahaato, farxad iyo wanaag baa idiin ahaatay, ee gala iyada idinkoo ku waari doona dhexdeeda
Verse 74 — Surah Az-Zumar 39:74
Oo waxay odhan: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa mudan Allaah, ee nooga dhabeeyey Ballan qaadkiisa, oo na dhaxal siiyey dhulka. Waxaan ku negaan karnaa Jannada gudaheeda meesha aan doonno, ee fiicanaa abaalgudka kuwa camal fasha
Verse 75 — Surah Az-Zumar 39:75
Oo waxaad arki doontaa malaa’igta oo ku meersan Carshiga hareerihiisa, iyagoo ku tasbiixsanaya ammaanaha Rabbigood; oo waa loo kala garsoori doonaa (dadka iyo jinkaba) dhexdooda si xaq ah, oo waxaa la odhan doonaa: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka