Oo siiya agoomaha maalkooda, oo ha kaga beddelannina (waxyaalo) aan qiimo lahayn waxooda wanaagsan; oo ha ka hunguriyeynina maalkooda (idinkoo ku darsanaya) maalkiinna. Tani hubaal waa dambi aad u weyn
Oo imtixaama agoomaha ilaa ay ka gaaraan guur gal; markaa haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, oo ha u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, oo qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, oo qofkii fiqiir ah, ha cuno si la garwaaqsan karo. ee markaad u dhiibeysaan maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; oo Allaah ku filan inuu ahaado xisaabiye
Ragga waxay qayb ku leeyihiin waxa ay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan. Oo haweenka waxay qayb ku leeyihiin waxa ay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan. ha yaraado ama ha badnaado; qayb cad
Oo ha u baqaan (sida ay tooda ugu baqi lahaayeen) kuwaa (wakiillada agoomaha) hadday ka tagi lahaayeen ubad taag yar oo ay u baqaan. Ee ha dhowraan (xilka uu saaray) Allaah oo ha ku hadlaan hadal toosan oo abbaar ah
Oo waxaad leedihiin kala bar oo bar waxa ay ka tagaan afooyinkiinnu, haddaanay laheyn ilmo. Hadday se ka tagaan ilmo, markaa waxaad leedihiin afar meelood oo meel waxa ay ka tagaan, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa ay ka dardaarmeen ama deyn. Oo iyagu (afooyinkiinna) saamigooda dhaxalka waa afar meelood oo meel waxa aad ka tagtaan haddaydaan laheyn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin sidddeed meelood oo meel waxa aad ka tagtaan oo dhaxal ah, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa aad ka dardaaranteen ama deyn. Oo hadduu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan laheyn waalidiin iyo carruur midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama walaalley (xagga hooyada), midkood walbaa oo labada ka mid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagi doonaan saddex meelood oo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa laga dardaarmay ama deyn, iyadoo dardaarankaa aan (cidna) lagu dhibeyn10. Tani waa Amar ka yimid Ilaahay, oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Dul-badan
Oo ma xagga kuwa la yimaada anshax xumo oo ka mid ah haweenkiinna, kaga dhiga marag afar idinka mid ah, ee haddii ay marag furaan11, markaa ku haya (haweenkaa zinada la yimid) guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu Allaah u jid yeelo
Oo ma xagga labadii la yimaada anshax xumo13 ee idinka mid ah ciqaaba labadoodaba. Haddaba hadday toobad keenaan oo wanaagsanadaan ka jeesada xaggooda. Hubaal, Allaah waa mid u soo noqod badan(naxariista), Naxariis Badan
Allaah sideedaba wuxuu aqbalaa toobada kuwa u fala xume aqoon darri (jahli)14, ee markaa kolkiiba u soo laabta, Kuwan weeye kuwa uu Allaah ugu soo laabto (si naxariis leh) Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Oo uma furna toobad kuwa isaga sii socda xume falidda ilaa marka ay geeri u timaaddo midkood uu yidhaahdo: Hadda ayaan anigu hubaal toobad keen ahay, iyo kuwa dhinta iyagoo gaalo ah midna. Kuwani weeye kuwa aan u diyaarinnay cadaab aad u xanuun badan
Mu’miniintoy! Idiin ma aha xalaal inaad u qaadataan haweenka dhaxal ahaan si khasab ah iyagoo dooneyn15, oo ha caddilana si aad uga qaadataan qaar ka mid ah waxa aad siiseen, inay la yimaadaan maahee anshax xumo muuqata. Oo ula dhaqma (haweenka) si fiican oo naxariis leh. Haddaba haddaad nacdaan waxaa suurowda inaad nacdaan wax, uu ka yeelo Allaah dhexdiisa khayr aad u badan
Oo haddaad doontaan inaad ku beddelataan afo meesheed afo kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah
Oo ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, haddaba (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah23, oo Allaah isaga baa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; oo waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; oo marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa barka ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Tani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco dambi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Mu’miniintoy! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, balse ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin. Oo ha dilina nafahiinna24 (hana is dilina). Hubaal, Allaah wuu idiin Naxariis Badan yahay
Raggu waa xiljoogga haweenka25, waxa u Allaah dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed, iyo masruufka maalkooda ay ka baxshaan. Ee haweenka wanaagsan waa daacad u joogooyin ilaaliya maqnaanasha ilaalinta Ilaahay darteed26. Oo (ma xagga) kuwa aad u baqdaan inay daacadda ka baxaan, waaniya, oo (hadday wax ku qaadan waayaan) ka goosta dhinac jiifka, oo (haddii ay taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) 27, haddaba hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Allaah waa Sarreeye, Weyn
Oo kuwa u bixiya maalkooda (sadaqo ay ugala jeedaan) istuska dadka, oo aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta Dambeysa, oo ma xagga kan uu Sheydaan u ahaado rafiiq; muxuu rafiiq xun yeeshay
Mu’miniintoy! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan31 jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba (qasli) qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan. Oo haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haweenka32, oo aydaan heli karin biyo, la abbaara nafahiinna carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Allaah waa Cafis Badane, Dambi Dhaaf Badan
Kuwa la siiyeyow Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada)! Rumeeya waxa aan soo waxyoonnay ee xaqiijinaya waxa aad haysataan ka hor inta aanaan malaasin wajiyo markaas aan u celin dhabarradooda dushoood, ama aan u nacladin sidii aan u nacladnay Sabti-jabiyayaashii. Oo Amarka Allaah waa mid fula
Hubaal Allaah ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; oo qofkii la wadaajiya wax Allaah, wuxuu xaqiiq been abuurtaa dambi aad u weyn
Miyaadan arag kuwa la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Yuhuudda)? Waxay rumeeyaan sixir iyo ilaahyo been ah, oo ka yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeysan diida (mushrikiinta): kuwakani baa kaga hanuunsan jidka kuwa rumeysan (Muslimiinta)
(Ma xagga) kuwa rumeysan waaya Aayadahayaga, waxaanu ka yeeli doonnaa inay galaan Naar. Mar kasta oo ay gebi ahaan ku gubtaan hargahoodu, waxaan ugu beddeli doonnaa haragyo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabta. Hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Miyaadan arag kuwa sheegta inay rumeysan yihiin waxa laguu soo waxyooday iyo wixii la soo waxyooday hortaa? Waxay rabaan inay u xukuntamaan Shaydaanka iyagoo xaqiiq la amray inay diidaan, oo wuxuu rabaa Shaydaanka inuu lumiyo lumitaan aad u fog
Sidee se noqon marka ay ku dhacdo musiibo waxa ay gacmahoodu horey u geysteen awgii? markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Allaah: Ma aanaan dooneyn waxaan aheyn wanaag iyo towfiiq
Oo uma aanu soo dirin Rasuulna waxaan aheyn in lagu adeeco Idanka Ilaahay. Oo haddii markii uu gef ka dhacay ay u geysteen nafahooda kuu imaan lahaayeen, oo ay weydiisan lahaayeen dambi dhaaf Ilaahay, oo Rasuulku (sidoo kale) dambi dhaaf u dalbi lahaa; waxay hubaal heli lahaayeen Allaah inuu u soo noqosho badan yahay (naxariista), aad u Naxariis Badan yahay
Oo haddaan ku faral yeeli laheyn (munaafiqintaa): Dila nafahiinna ama ka baxa guryihiinna (sidaan ugu faral yeelnay reer banii Israa’iil) ma ay faleen sidaas in yar oo ka mid ah maahee. Oo hadday fali lahaayeen waxa lagu waaniyo baa xaqiiq u roonaan laheyd, oo xoojin laheydna (iimaankooda)
Ee ha ku dagaallamaan Jidka Ilaahay kuwa iibsha nolosha adduunkan oo siista Aakhirada, oo qofkii isagu u dagaallama Jidka Ilaahay, markaa la dilo ama lib hela, waxaan siin doonnaa Ajar aad u Weyn
Oo maxaad u heysataan cudur daar inaydaan u dagaallamin Jidka Ilaahay, iyo dartood kuwaa tabarta daran ee la dulleysto oo leh ragga iyo haweenka iyo carruurtaba, (oo ka mid ah) kuwa dhaha: Rabbiyow! Naga saar magaaladan ay dadkeedu yihiin gar ma qaatayaasha oo nooga yeel Xaggaaga gacal na xafida, oo nooga yeel Xaggaaga gargaare
Meel kastoo aad joogtaan geeridu way idin heli doontaa, xitaa haddaad ku jirtaan daaro dhaadheer oo la adkeeyey. Oo Hadday haleesho wanaag, waxay yidhaahdaan: Tani waa xagga Ilaahay. Haddiise ay ku dhacdo ayaan darro, waxay yidhaahdaan: Tani waa xaggaaga. Dheh: wax walba waxay ka yimaadaan xagga Ilaahay, ee maxaa ugu wacan dadkani in aanay ku soo dhowaanba inay fahmaan hadalka
Oo markuu u yimaado war la xiriira nabad ama cabsi, waxay ku faafiyaan debedda, oo hadday u celin lahaayeen Rasuulka (Nabi Muxammad) ama kuwa talada u haya oo ka mid ah, waxaa ogaan lahaa kuwaa ka mid ah ee sal gaari kara. Oo haddaanu Fadliga Ilaahay korkiinna ahaan lahayn iyo Naxariistiisa, waxaad raaci laheydeen Shaydaanka in yar oo idinka mid ah ma’ahee
Oo marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama ku naqa salaan (la mid ah). Hubaal, Allaah baa haya xisaabta wax kasta oo la falo
Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wuxuu hubaal idin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Oo yaa ka run sheeg badan Allaah oo hadla
Waxay doonayaan inaad u gaalowdaan sida ay u gaaloobeen oo sidaas darteed aad isku mid u wada noqotaan. Ee ha ka yeelannina xaggooda xulufo jeer ay uga soo haajiraan (guryahooda) Jidka Ilaahay darti. Haddiise ay diidaan, markaa qab qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, oo ha ka yeelannina xaggooda gacal iyo gargaare midna
Oo qofkii u dila mu'min si kas ah, ciqaaabtiisu waa Naar, uu ku dhex waari doono weligii, oo Allaah wuu u cadhooday, oo wuu nacladay, oo wuxuu u diyaariyey cadaab aad u weyn
Ma ay sinna kuwa ka jooga (jihaadka) ee ka mid ah mu'miniinta iyagoo aan qabin wax dhib ah iyo kuwaa kula jihaad gala Jidka Ilaahay maalkooda iyo Nafahoodaba. Allaah wuxuu ka yeelay kuwa kula jihaad gala maalkooda iyo nafahooda inay dheeraadaan kuwa ka jooga (jihaadka) darajo (sare). Oo dhammaan wuxuu Allaah u ballan qaaday wanaag; oo wuxuu Allaah kaga faddali doonaa kuwa jihaada dushood kuwa ka jooga (Jihaadka) Ajar aad u Weyn
Hubaal Waxaanu kuugu soo waxyoonnay Kitaabka si xaq ah, si aad ugu kala xukunto dadka dhexdooda waxa uu Allaah ku baray, ee ha noqon qareen u dooda khaa’iniinta
Eega! Idinka weeye kuwa (ay dhici karto) inay u doodaan noloshan adduunka, ee yaa uga doodi doona Allaah agti Maalinta Qiyaamaha, ama u noqon doona wakiil difaaca
Oo qofkii fala xumaan ama ku jira gef uu u geysto naftiisa, markaas weydiista Dambi Dhaaf Ilaahay, wuxuu heli doonaa Allaah oo ah Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Kuma jiro wax khayr ahi wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxaad dadka, oo qofkii fala sidaas isagoo doonaya Raalli gelinta Ilaahay, Waxaanu siin doonnaa abaalgud aad u weyn
Oo (ma xagga) kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxaan ka yeeli doonaa inay galaan Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Waa Ballan Ilaahay oo Xaq ah, Oo yaa ka run badan Allaah Hadalkiisa
Mu’miniintoy! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo u marag fura Ilaahay darti uun, nafahiinnaba lidkeed ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraabada, hadduu yahay hodan ama faqiirba, Allaah baa ka mudnaansho badan oo dantooda yaqaan. Ee ha raacina waxa liita ay naftu rabto si aydaan uga iilan (xaqa), oo haddaad iilataan ama jeesataan49, haddaba hubaal, Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan
Oo xaqiiq wuxuu horay idiinkugu soo waxyooday Kitaabka in markaad maqashaan Aayadaha Ilaahay oo la beeninayo ama lagu jeesjeesayo, ha la fadhiisannina iyaga, ilaa ay ka galaan hadal kale aan kaa aheyn, haddii kale waxaad noqoneysaan iyagoo kale; hubaal Allaah wuxuu ku soo kulmin doonaa munaafiqiinta iyo gaalada oo dhan Naar gudaheed
Marka laga reebo kuwa toobad keena oo wanaagsanaada, oo cuskada Allaah, oo u keli yeela cibaadadooda Allaah, Kuwan waa la jirka mu’miniinta. Oo wuxuu Allaah siin doonaa mu’miniinta Ajar aad u weyn
Oo Waxaan kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. oo Waxaanu ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo Waxaanu ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Oo Waxaan la sameynay Axdi adag
Iyo odhaahdooda: hubaal waxaan innagu dilnay Masiixa Ciise ibnu Maryam, Rasuulkii Ilaahay53, _mase ay dilin54 mana ay daldalin, laakiinse waa loo arag ekeysiiyey. Oo hubaal kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa xaqiiq kaga jira shaki taa. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxa ay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Oo ma ay dilin oo la hubo
Oo ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka aan hubaal rumeyn doonin isaga, ka hor inta aanu dhiman55. Oo Maalinta Qiyaamaha wuxuu isagu ku marag furi doonaa iyaga
Gefka ay geysteen kuwaa ah Yuhuudda awgii, ayaan uga xaaraameennay waxyaalaha wanaagsan ee horay ugu ahaa xalaasha, iyo sababta ka weecintooda (dad) badan Jidka Ilaahay
Iyo qaadashadooda Ribada iyagoo xaqiiq laga reebay inay qaataan, iyo ku cunistooda maalka dadka been. Oo waxaan u diyaarinnay kuwooda gaalada ah ee ka mid ah cadaab aad u xanuun badan
Laakiinse kuwooda ku xidideystey cilmiga oo ka mid ah iyo mu’miniintuba, waxay rumeysan yihiin waxa laguu soo waxyooday iyo wixii la soo waxyooday hortaa, iyo kuwa u ooga salaadda si wanaagsan ee bixiya Sakada ee rumeysan Allaah iyo Maalinta Dambeysa, kuwan waa kuwa aan siin doonnaa Abaalgud aad u Weyn
Laakiinse Allaah wuxuu markhaati ka yahay waxa uu kuu soo waxyooday wuxuu ku soo waxyooday Cilmigiisa, malaa’igtuna57 waa ka markhaati kacaan (sidoo kale). Oo Allaah ku Filan Markhaati uu ahaado
Hubaal, (ma xagga) kuwa rumeysan diida ee u dhaqma si caddaalad darro ah, ma aha Allaah Mid u dambi dhaafi doona oo ma aha Mid ku hanuunin doonaa jidna
Ee ma xagga kuwa rumeysan oo samaha fala, wuxuu siin doonaa ajarradooda ay muteen oo dhan, oo u ziyaadin wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Kuwase ka fogaada Caabudidda (Alle keliya) oo is kibriya, Wuxuu cadaabi doonaa cadaab aad u xanuun badan. Oo ma u heli doonaan nafahooda Allaah sokadi gacal iyo gargaare midna