Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 40 - Ghafir
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Ghafir 40:1
Xaa Miim
Verse 2 — Surah Ghafir 40:2
Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) wuxuu ka yimi xagga Allaah, Adkaadaha, wax kasta Ogsoon
Verse 3 — Surah Ghafir 40:3
Dambi dhaafaha, Toobad aqbalaha, Daran tahay Ciqaabtiisu, Rabbiga Nicmadda Badan. Ma jiro ilaah aan Isaga aheyn. Waa Xaggiisa meel laabadku
Verse 4 — Surah Ghafir 40:4
Cidina kama dooddo Aayadaha Ilaahay aan ahayn kuwa xaqa diida. Ee yeysan ku hodin gadgaddoonkooda iyo galoobaxooda magaalooyinka
Verse 5 — Surah Ghafir 40:5
Qoladii Nuux iyo colalkii ka dambeeyay baa beeniyey (anbiyadii Ilaahay) hortood iyaga, oo ummad walbaa waxay qorsheeyeen lidka Rasuulkooda si ay u dilaan, oo waxay ku doodeen baadil si ay ugu tirtiraan Xaqa, markaas baan qabtay, ee sidee bay u aheyd mid daran Ciqaabtaydii
Verse 6 — Surah Ghafir 40:6
Oo sidaas bay Kelmedda Rabbigaa ugu waajibtay kuwa xaqa diiday inay iyagu yihiin ehlu-Naarka
Verse 7 — Surah Ghafir 40:7
Kuwa xambaarsan Carshiga iyo kuwa hareera joogaba waxay ku tasbiixsadaan ammaanta Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, oo waxay u dambi dhaaf dalbaan kuwa (Xaqa) rumeysan (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo Ogaal ee u dambi dhaaf kuwa kuu soo laabta oo raaca Jidkaaga, oo ka dhowr Cadaabta Naarta
Verse 8 — Surah Ghafir 40:8
Rabbigayow! Oo gali Beeraha negaya ee aad u ballan qaadday iyaga, iyo kuwa wa- naagsan oo ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda. Hubaal wa- xaad Adigu tahay Adkaadaha, Xakiimka ah
Verse 9 — Surah Ghafir 40:9
Oo ka dhowr wax xun oo dhan, oo kan aad ka dhowrto xumo oo dhan Maalintan, dhab ahaan waad u naxariistay, oo (arrin)kani weeye Liibaanta Weyn
Verse 10 — Surah Ghafir 40:10
Hubaal kuwa xaqa diida waxaa loogu dhawaaqi doonaa: Dhab ahaan Naceybka Ilaahay (idiin qabay) goortii la idiinku baaqay Iimaanka, oo aad diiddeen, baa aad uga weyn naceybka aad u qabtaan hadda nafahiinna
Verse 11 — Surah Ghafir 40:11
Waxay odhan doonaan: Rabbigayow! labo jeer3 baad naga yeeshay meyd, oo labo jeer baad na siisay nolol. marka waanu qirsannahay dunuubtayada’e, ee ma jiraa jid looga baxo (Naarta)
Verse 12 — Surah Ghafir 40:12
(Arrin)kaasi waxaa u sabab ah marka Allaah Keliya loo baryo waad diiddaan (Xaqa), markase loo shariig yeelo waad rumaysaan. Haddaba Xukunka waxaa iska leh Allaah, Sarreeyaha, aad u Weyn
Verse 13 — Surah Ghafir 40:13
Waa Isaga (Alle) Kan idin tusiya Calaamooyinkiisa oo idiinka soo dejiya risiq samada, oo cidi ma garowsato aan ahayn kawa u laabashada badan (Ilaahay)
Verse 14 — Surah Ghafir 40:14
Sidaa darteed barya Allaah (Keliya) idiinkoo u gaar yeelaya cibaadada, haba nacaan gaaladuye
Verse 15 — Surah Ghafir 40:15
Kan iska leh Darajada ugu Sarreysa ee kaamil ahaanta, Rabbiga Carshiga (Weyn). Wuxuu ku soo dejiyaa waxyiga Amarkiisa ah kan uu doono oo ka mid ah Addoomahiisa si uu ugaga digo (dadka) Maalinta isla kulanka
Verse 16 — Surah Ghafir 40:16
Maalinta banka la keeni, ma jiro wax xaggooda ah oo ka qarsoon Allaah: Yaa leh Boqortooyada Maanta? Allaah, waaxidka,Qahraha (wax kasta)
Verse 17 — Surah Ghafir 40:17
Maalintan naf walba waxaa lagu abaal marin waxay kasbatay, ma jiro gardarro (laysu geysan) maalintan4. Hubaal Allaah wuu ku Dhaqso badan yahay xisaabista
Verse 18 — Surah Ghafir 40:18
Oo uga dig Maalinta aad u soo dhowaata, marka ay quluubtu iman dhuu- maha (cabsi darteed) iyagoo walbahaar- san. Ma lahaan doonaan gar ma qaatayaa- sha saaxiib iyo shafeece midna ee la maqlayo
Verse 19 — Surah Ghafir 40:19
Wuu Og yahay khiyaanada isha loo dabo iyo waxa ay laabuhu qarsadaanba
Verse 20 — Surah Ghafir 40:20
Oo Allaah wuxuu wax ku xukumaa Xaq, oo kuwaas ay baryaan Isaga sokadi, ma xukumi karaan waxba, Hubaal, Allaah, waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka
Verse 21 — Surah Ghafir 40:21
Mawaysan ku socdaalin dhulka oo fiirin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwa ka xoog badan iyo camiraadba arlada, wuxuuse Allaah u qabtay dambiyaday faleen. Oo uma sugnaan iyaga wax ka difaaca Ilaahay
Verse 22 — Surah Ghafir 40:22
(Arrin)kaasi waxaa ugu wacnaa waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, wayse diideen iyaga. Sidaas darteed Allaah baa qabtay. Hubaal waa Xoog Badane, Ciqaabtiisu daran tahay
Verse 23 — Surah Ghafir 40:23
Oo dhab ahaan waxaan ula dirnay Muuse Aayadahayaga iyo awood cad
Verse 24 — Surah Ghafir 40:24
Xagga Fircoon iyo Haamaan iyo Qaaruun, waxayse yidhaahdeen: (waa) Saaxir beenaale ah
Verse 25 — Surah Ghafir 40:25
Haddaba markii uu u keenay Xaqa ka yimid Xaggayaga waxay yidhaahdeen: Dila wiilasha ka mid ah kuwa (xaqa) rumeysan la jirki oo u daaya haweenkooda nolol; oo halganka gaaladu wuxuu ku soo gabagaboobi uun hungo
Verse 26 — Surah Ghafir 40:26
Oo Fircoon wuxuu yidhi: I daaya aan dilee Muuse, oo ha u dhawaaqdo Rabbigiis, hubaal waxaan anigu cabsi ka qabaa inuu idin dhaqan rogo ama uu fasahaad5 ka soo if bixiyo dhulka
Verse 27 — Surah Ghafir 40:27
Oo Muuse wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiinba mid kasta oo islaweyn oo aan rumaysnayn Maalinta Xisaabta
Verse 28 — Surah Ghafir 40:28
Oo nin mu’min ah oo ka mid ah reer Fircoon (Xizqil, Fircoon ina Adeerki, khaznad hayahii dawladda) oo qarsanayey Iimaankiisa wuxuu yidhi: Ma waxaad ku dileysaan nin sababta ah inuu leeyahay: Rabbigay waa Allaah, oo dhab ahaan wuxuu idiin keenay Xujooyin Cad xagga Rabbigiin? Oo haddii uu yahay beenlow, isaga bay u daran tahay oo dushiisa ahaan beentiisu; haddiise uu run sheegayo, waxaa idinku dhici doona qaar waxaa uu idinku gooddiyo. Hubaal Allaah ma hanuuniyo mid isagu ah xad gudbe, beenaale
Verse 29 — Surah Ghafir 40:29
Tolkayow! Idinka baa leh xukunka maalintan, idinkoo madax ku ah arlada. Yaase nooga gargaari Ciqaabta Ilaahay haddii ay noo timaaddo. Fircoon wuxuu yidhi: Idin tusi maayo waxaan aheyn waxa aan anigu arko, oo idin ma qaadsiiyo waxaan aheyn jidka hanuunka
Verse 30 — Surah Ghafir 40:30
Oo kii isagu rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow! Waxaan anigu idiinka cabsi qabaa wax la mid ah wixii ku dhacay axzaabta
Verse 31 — Surah Ghafir 40:31
Wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux iyo Caad iyo Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, oo Allaah ma aha mid la doona grdarro addoomahiisa
Verse 32 — Surah Ghafir 40:32
Oo tolkaygow! Waxaan anigu idiinka cabsi qabaa Maalinta isu Yeeridda
Verse 33 — Surah Ghafir 40:33
Maalinta aad jeedin doontaan dhabarradiinna idinkoo dib u guranaya, halkaa ma jiri doono wax idinka badbaadiya Ilaahay. Oo mid kastoo Allaah lumiyo ma uu laha wax hanuuniya
Verse 34 — Surah Ghafir 40:34
Oo xaqiiq Yuusuf wuxuu idinla yimid mar hore Xujooyin cad, kamase bixin shakigii aad ka qabteen waxa uu idiin keenay, jeer marka uu dhintay aad tidhaahdeen: Allaah ma soo diri doono wax Rasuul ah isaga kadambow. Sidaas buu Allaah u lumiyaa kan isagu ah xad gudbe, shaki qabeen
Verse 35 — Surah Ghafir 40:35
Kuwa ka dooda Aayadaha Ilaahay iyagoo aan heysan wax xujo ah uu siiyey, waa wax Allaah u aad u neceb yahay oo (sidoo kale ay neceby yihiin) kuwaa rumeysan. Sidaas buu Allaah u daboolaa qalbiga mid kastoo ah islaweyne, jujuubaa
Verse 36 — Surah Ghafir 40:36
Oo Fircoon wuxuu yidhi: Haamaanow! Ii dhis sar dheer si aan ugu gaaro asbaabta loo maro
Verse 37 — Surah Ghafir 40:37
Asbaabta loo maro cirarka, si aan u soo dhugto ilaaha Muuse; oo waxaan anigu hubaal qabaa inuu isagu yahay beenaale. Oo sidaas baa xumaanta camalkiisa loogu qurxiyey Fircoon, oo looga duway Jidka (Toosan), oo ma ahayn halgankii Fircoon waxaan ahayn (wax ku dhammaada) hoog iyo baabba’a isaga ku dhacday
Verse 38 — Surah Ghafir 40:38
Oo kii isagu rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow i soo raaca, waxaan idinku hagi Jidka hanuunka
Verse 39 — Surah Ghafir 40:39
Tolkayow! Noloshan Adduunka waa uun raaxo (yar oo tageysa), oo hubaal Aakhirada baa ah Daarta lagu waaro
Verse 40 — Surah Ghafir 40:40
Mid kastoo sameeyaa fal xun, laguma abaal marin doono waxaan aheyn iyadoo kale. Oo mid kastoo wanaag fala lab ama dheddig kuu doonaba ha ahaadee isagoo mu’min ah, kuwan waxay geli doonaan Jannada, iyagoo lagu arsaaqi doono xisaab la’aan
Verse 41 — Surah Ghafir 40:41
Oo tolkayow! Maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho badbaadada, halka aad idinku iigu yeedhaan Naar
Verse 42 — Surah Ghafir 40:42
Waxaad iigu yeedhaan inaan ku gaa- loobo Allaah oo la wadaajiyo (cibaadada) wax aan u heysan wax cilmi ah, oo anigu waxaan idiinku yeeraa xagga Adkaadaha Sarreeya Danbi Dhaafka Badan
Verse 43 — Surah Ghafir 40:43
Shaki ma leh waxaad iigu yeedhaan ma leh darajo loogu yeedho adduun iyo aakhiraba, iyo in laabashadeennuna tahay xagga Ilaahay iyo in xad gudbayaasha iyagu yihiin Ehlu-Naarka
Verse 44 — Surah Ghafir 40:44
Marka waad xusuusan doontaan waxa aan idinku leeyahay, oo waxaan u xil saartay arrinkayga Allaah. Hubaal Allaah waa Arkaa addoomahiisa
Verse 45 — Surah Ghafir 40:45
Markaas buu Allaah ka dhowray xumaha waxa ay qooleen, oo cadaab tan u daran waxay ku degtay reer Fircoon
Verse 46 — Surah Ghafir 40:46
Naarta, waxaa loo soo bandhigaa aroor iyo galab (kastaba)9, oo Maalinta ay Saacaddu dhici doonto: Ka yeela reer Fircoon inay galaan cadaab tan ugu daran
Verse 47 — Surah Ghafir 40:47
Oo marka ay iskula doodayaan Naarta gudaheeda, waxay kuwii taagta darraa ( raciyada ahaa) ku odhan kuwii ( madaxda ahaa) ee isla weynaa; hubaal Waxaan innagu ahayn kuwo idinka idin raacsan, ee ma naga qaadeysaan qayb ka mid ah Naarta
Verse 48 — Surah Ghafir 40:48
Kuwii isla weynaa waxay odhan: Hubaal waxaanu innagu dhammaan nahay kuwo ku jira; hubaal Allaah waa kala xukumay addoomahiisa dhexdooda
Verse 49 — Surah Ghafir 40:49
Oo kuwaas ku jira Naarta waxay ku odhan furahayeennada Naarta: Noo barya Rabbigiin hanaga fudaydsho maalin qura ee cadaabta
Verse 50 — Surah Ghafir 40:50
Waxay odhan: Mawaysan Rusushiinnii idiinla iman Xujooyin cad? Waxay odhan: Haah, Waxay odhan: Marka barya idinku. Oo baryada gaaladu ma aha waxaan aheyn mid ku dhacda meel baadi ah
Verse 51 — Surah Ghafir 40:51
Waxaan hubaal Annagu xaqiiq u gargaarnaa Rusuhayada iyo kuwa rumeysan, noloshan adduunka iyo Maalinta ay markhaatiyadu istaagi doonaan
Verse 52 — Surah Ghafir 40:52
Maalinta aysan waxba u tari doonin gar ma qaatayaasha cudur daarashadoodu. Oo mudankoodu waa nacalad oo mudankoodu waa Daarta xun
Verse 53 — Surah Ghafir 40:53
Oo dhab ahaan Waxaanu siinnay Muuse hanuun, oo waxaanu ka yeelnay ilmahii Israa’iil inay dhaxlaan Kitaabka
Verse 54 — Surah Ghafir 40:54
Hanuun iyo waano u ah waxgaradka
Verse 55 — Surah Ghafir 40:55
Ee samir yeelo; hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo ka istiqfaarso dambi- gaaga10, oo ku tasbiixso ammaanaha iyo mahdinta Rabbigaa galab iyo aroorba
Verse 56 — Surah Ghafir 40:56
Hubaal (ma xagga) kuwa ka dooda Aayadaha Ilaahay xujo la’aan u timid ma ku jiro laabahooda waxaan ahayn (doonis) weynaan aysan weligood gaari doonin ee magan gal weydiiso Allaah, hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka
Verse 57 — Surah Ghafir 40:57
Xaqiiq abuurista samooyinka iyo arlada baa ka weyn abuurista dadka, laakiinse dadka badankiisu ma oga
Verse 58 — Surah Ghafir 40:58
Oo ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, iyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala iyo kuwa xumaanta fala. Wax yar weeye inta aaad waantowdaan
Verse 59 — Surah Ghafir 40:59
Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa, shaki kuma jiro, laakiinse dadka badankiisu ma ay rumaysna
Verse 60 — Surah Ghafir 40:60
Oo Rabbigiin wuxuu leeyahay: I barya11 waan idinka aqbaliye; hubaal kuwa iska weyneeya baryadeyda12, waxay goor aan fogeyn geli doonaan Naar iyagoo dullaysan
Verse 61 — Surah Ghafir 40:61
Allaah waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan, oo maalinta idiinka yeelay iftiin si aad wax u aragtaan. hubaal Allaah xaqiiq waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankoodu ma mahad naqaan
Verse 62 — Surah Ghafir 40:62
Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. ee xaggee baa la idiinka iilay
Verse 63 — Surah Ghafir 40:63
Sidaas oo kale baa loo iilay kuwii dafiray Aayadaha Ilaahay
Verse 64 — Surah Ghafir 40:64
Allaah, waa kan idiinka dhigay arlada meel degganaansho, cirkana saqaf oo idin suureeyey markaas wanaajiyey suuradahiinna, oo idinku arsaaqay waxyaalo wanaagsan. Kaasi waa Allaah Rabbigiin, ee waxaa khayr badnaaday iyo barako Allaah Rabbiga uunanka
Verse 65 — Surah Ghafir 40:65
Waa Noolaha Daa'inka ah. Ma jiro ilaah aan Isaga aheyn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya cibaadada. Ammaan idilkeed waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka
Verse 66 — Surah Ghafir 40:66
Dheh: aniga waa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad u dhawaaqataan Allaah sokadi, marka ay xujooyin cad iiga yimaadeen xagga Rabbigay, oo waxaa aniga la i amray inaan isu dhiibo Rabbiga uunanka
Verse 67 — Surah Ghafir 40:67
Isaga weeye Kan idinka abuuray ciid, haddana mino nool, haddana xinjir, haddana wuxuu idin soo bixiyaa idinkoo ilmo ah, haddana (idinka yeelaa inaad kortaan) si aad u qaan gaartaan, haddana si aad u noqotaan odayo da’ ah, oo waxaa jira qaar idinka mid ah oo la oofsado intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan muddo magacaaban13, bal inaad garowsataan
Verse 68 — Surah Ghafir 40:68
Isaga (Alle) weeye Kan bixiya nolol, oo sababa geeri, oo marka uu arrin guddoo- miyo wuxuu uun ku yidhaahdaa: Ahow, oo waaba yahay
Verse 69 — Surah Ghafir 40:69
Mawaadaan arag kuwaa ka dooda Aayadaha Ilaahay: Xaggee baa loo iilay
Verse 70 — Surah Ghafir 40:70
Kuwa beeniya Kitaabka iyo waxa aan la soo dirnay Rusushayada, wayse ogaan doonaan (goor dhow waxa ku dhaca)
Verse 71 — Surah Ghafir 40:71
Marka mareegyada birta ah iyo silsiladaha ahaan luqumahooda; waxaa lagu jiidi doonaa
Verse 72 — Surah Ghafir 40:72
Biyo kulul oo karaya dhexdood, markaas Naarta baa lagu gubi
Verse 73 — Surah Ghafir 40:73
Markaas baa lagu odhan, Meeye waxaad u shariik yeeli jirteen
Verse 74 — Surah Ghafir 40:74
Allaah ka sokow? Waxay odhan: Way naga tageen: mayee, umaba aanu dhawaaqin jirin waxna kal hore. Sidaas buu Allaah u lumiyaa gaalada
Verse 75 — Surah Ghafir 40:75
(Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxaad aad ugu farax taraari jirteen dhulka xaq darro oo waxaad u dhaqmi jirteen si kibir badan
Verse 76 — Surah Ghafir 40:76
Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda, ee maxay meel baas tahay rugta isla weynayaasha
Verse 77 — Surah Ghafir 40:77
Ee samir yeelo, hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo haddii aan ku tusno qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsannaba (intaas ka hor), waa Xaggayaga halka loo soo celin doono
Verse 78 — Surah Ghafir 40:78
Oo xaqiiq waxaan soo dirnay Rusul hortaa; waxaa jira kuwo ka mid ah aan kaaga qisoonnay, oo waxaa jira kuwo kale aanu kaaga qisoon, oo ma aha suura gal Rasuulna inuu la yimaado Calaamo (Mucjiso) Idanka Ilaahay ma’ahee. markase uu Amarka Ilaahay yimaado, waxaa lagu xukumi Xaq, oo halkaas kuwa ka soo qaaday wax been ah oo kale waa hoogaan
Verse 79 — Surah Ghafir 40:79
Allaah waa Kan idiin yeelay nicmooleyda (xoolaha), si aad u fuushaan qaar ka mid ah, oo qaar ka mid ah aad cuntaan
Verse 80 — Surah Ghafir 40:80
Oo waxaa jira Manaafacaad (kale oo badan) oo idiinku sugan, iyo inaad ku gaartaan dan aad leedihiin oo ku jirta laabihiinna, oo dushooda iyaga iyo doonyaha baa la idinku qaadaa
Verse 81 — Surah Ghafir 40:81
Oo Wuxuu idin tusiyaa Calaamooyin- kiisa, ee middee baa Calaamooyinka Ilaahay beenineysaan
Verse 82 — Surah Ghafir 40:82
Mawaysan ku socdaalin arlada oo arag sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka tiro badan kuwani, oo ka xoog badan, iyo camiraadba arlada, waxbase uma tarin waxay kasbadeen
Verse 83 — Surah Ghafir 40:83
Ee Markii ay Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, waxay ku farax taraareen waxay heysteen oo aqoon ah14, oo halkaas waxaa ku degay (gaalada) waxay ku jeesjeesi jireen
Verse 84 — Surah Ghafir 40:84
Markiise ay arkeen Cadaabtayadii waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumaysannahay Allaah Keliya, oo diidnay (haatan) waxaan cibaadada la wadaajin jirnay
Verse 85 — Surah Ghafir 40:85
Rumayntooduse ma ahayn mid anfacaysa iyaga marka ay arkeen Cadaabtayada, (tani waa) xeerka Ilaahay oo horay ugu meel maray addoomahiisa. Oo halkaas gaalada waa ku hoogaan