Back to Languages

Somali - Chapter 42 - Ash-Shura

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Ash-Shura 42:1

Verse 2 — Surah Ash-Shura 42:2

Verse 3 — Surah Ash-Shura 42:3

Sidaas buu Allaah, Adkaadaha, Xakiimka ah, kuugu waxyoodaa sidii uu ugu (waxyoo- dayba) kuwii (Nabiyadii) kaa horreeyay

Verse 4 — Surah Ash-Shura 42:4

Isaga baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada, oo waa Isaga (Alle) Sarreeyaha, aad u Weyn

Verse 5 — Surah Ash-Shura 42:5

Samooyinku waxay ku sigtaan inay ka kor dil-dillaacan3, oo malaa’igtu waxay ku tasbiixsadaan ammaanta Rabbigood, oo u weydiiyaan dambi dhaaf kuwaa dhulka korkiisa ah, ogaada, hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

Verse 6 — Surah Ash-Shura 42:6

Oo (ma xagga) kuwa yeesha gacallo kale aan ahayn Isaga, Allaah baa u jeeda oo dhowraya, oo adigu xil kaama saarna

Verse 7 — Surah Ash-Shura 42:7

Oo sidaas baan kuugu waxyoonnay Qur’aan Carabi ah si aad ugu digto magaalada xarunta ah (Makkah) iyo waxa hareeraheeda ah4, iyo inaad ka digto Maalinta wada Kulanka dadkoo dhammi ee uusan ku jirin shaki, qolo waxay gali Janna- da, oo qolo (kale)waxay geli Dabka huraya

Verse 8 — Surah Ash-Shura 42:8

Oo haddii Allaah doono, wuxuu hubaal ka yeeli lahaa ummad keliya, laakiinse wuxuu geliyaa cidduu doono Naxariistiisa5. Oo gar ma qaatayaasha weeye kuwa aan lahaan doonin gacal iyo gargaare midna

Verse 9 — Surah Ash-Shura 42:9

Mise waxay yeesheen awliyo (ama gacallo) Isaga sokadi? Allaah baase ah Waliga dhabta ah, oo Isaga baa siiya nolol maytida, oo Isaga baa wax walba Kara

Verse 10 — Surah Ash-Shura 42:10

Oo wax kastoo aad isku khilaaftaan, go’aankiisa waa (in loo celiyaa) Allaah, Kaasi waa Allaah, Rabbigay, Isaga baan isku halleeyaa, oo Xaggiisa baan u badiyaa noqodka

Verse 11 — Surah Ash-Shura 42:11

(Waa) uumaha samooyinka iyo arlada wuxuu idiinka yeelay nafahiinna lammaano (lab iyo dheddig); xoolahana (sidoo kale) lammaano. Sidaa buu idinku tarmiyaa. Ma jiro wax la mid ah7, oo waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Arkaha ah

Verse 12 — Surah Ash-Shura 42:12

Isaga baa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada, wuxuu u waasici- yaa oo ku cidhiidhiyaa risiqa kii uu doono. Hubaal Waa Ogsoon yahay wax kastoo jira

Verse 13 — Surah Ash-Shura 42:13

Wuxuu idiinku caddeeyey diinta waxa uu ku waajib yeelay Nuux, iyo waxa aan kuu waxyoonnay, iyo waxa aan ku waajib yeelnay Ibraahiim iyo Muuse iyo Ciise: Waa inaad oogtaan diinta oo ku kala qaybsa- min. Waa ku adag tahay mushrikiinta waxaa aad ugu yeedhaan. Allaah wuxuu u doortaa Xaggiiisa kii uu doono, oo wuxuu u hanuuniyaa Xaggiiisa kan u soo laabadka badiya

Verse 14 — Surah Ash-Shura 42:14

Oo ma ay noqon kuwo kala qaybsan markuu u yimid cilmiga kaddib mahee, xasad darti dhexdooda ah. Oo haddii aysan jirteen Kelmed uga dhacday horay Rabbigaa oo muddo magacaaban ah, xaqiiq waa la kala xukumi lahaa dhexdooda. Oo kuwa la dhaxal siiyey Kitaabka iyaga kaddib hubaal shaki weyn bay ka qabaan

Verse 15 — Surah Ash-Shura 42:15

Ee arrin(kani) (Towxiidka) ku baaq adigoo ku sugnaan dhabbaha toosan sida lagu amrayba8,oo ha raacin rabitaannadoo- da hooseeya oo dheh: Waxaan rumeysana- hay waxa uu Allaah soo dejiyey oo Kitaab ah, oo waxaa la i amray inaan falo caddaa- lad dhexdiinna, Allaah baa ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba. Waxaanu mudan doonnaa acmaashayada idinkuna waxaad mudan dootaan acmaashiinna9, xujo (hadda) inama dhex taallo10. Allaah baa ina soo kulmin doona innagoo dhan, oo waa Xaggiisa meel noqodka dambe

Verse 16 — Surah Ash-Shura 42:16

Oo (ma xagga) kuwa ka dooda Arrinka Ilaahay inta la ajiibay kaddib, xujadoodu qiimo kuma fadhido Rabbigood agti11, oo korkooda Cadho (Ilaahay) baa ah, oo waxay leeyihiin Cadaab Daran

Verse 17 — Surah Ash-Shura 42:17

Allaah waa Kan ku soo dejiyey Kitaabka Xaq iyo Miisaanka; oo maxaa ku ogeysiiyey waa intaasoo Saacaddu Dhowdahay

Verse 18 — Surah Ash-Shura 42:18

Kuwaa aan rumeysneyn baa degdegsa- da, halka kuwa rumeysan ay ka cabsi qabaan12, oo waxay og yihiin inay tahay Xaq. Ogaada, hubaal kuwa uga dooda si gurracan arrinka Saacadda xaqiiq waxay ku sugan yihiin habow aad u fog

Verse 19 — Surah Ash-Shura 42:19

Allaah waa u Roon yahay addoomahii- sa. Wuxuu irsaaqaa ciddii uu doono, oo waa Xoog Badanaha, Adkaadaha ah

Verse 20 — Surah Ash-Shura 42:20

Mid kastoo raba kasabka Aakhirada, Waxaan siin wax ka badan kasabkaa, oo mid kastoo raba kasabka adduunyo wax baan ka siinnaa oo Aakhirada kuma laha wax saami ah

Verse 21 — Surah Ash-Shura 42:21

Mise waxay leeyihiin shurako u jideeyey diin uusan Allaah idmin; oo haddii ayan jirin Kelmedda kala saaridda, xaqiiq waa loo kala garsoori lahaa dhexdooda. Oo hubaal gar ma qaatayaasha waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan

Verse 22 — Surah Ash-Shura 42:22

Waxaad arki gar ma qaatayaashii oo cabsi ka buuxdo waxa ay galabsadeen darteed,oo waa inuu ku dhaco iyaga, kuwa- se (xaqa) rumeysan oo samaha fala waxay gali keymaha beeraha (Jannada), waxay ka heli wax kasta ay doonaan Rabbigood agtiisa. (Arrin)kaasi baa ah Fadliga Weyn

Verse 23 — Surah Ash-Shura 42:23

(Arrin)kaasi waa waxa uu Allaah ugu bishaareeyo addoomahiisa (Xaqa) rumey- san oo samaha fala. Dheh:Idinku weydiisan maayo wax abaalgud ah baaqakani, aan aheyn jaceyl qaraabannimo Oo mid kastoo kasbada wanaag, waxaanu siin wanaag ka badan.Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Ba- dane, camal yar ka bixiya ajar labalaab ah

Verse 24 — Surah Ash-Shura 42:24

Mise waxay leeyihin: Wuxuu ka been sheegay Allaah? Haddiise uu Allaah doono, wuxuu dabooli lahaa qalbigaaga13, Oo Allaah wuu tirtiri baadilka, oo ku sugi xaqa Kelmadihiisa. Hubaal Isagu wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

Verse 25 — Surah Ash-Shura 42:25

Oo waa Isaga (Alle) Kan ka aqbala too- bada addoomahiisa ee cafiya dambiyada oo waa Ogsoon yahay waxa aad fashaan

Verse 26 — Surah Ash-Shura 42:26

Oo Wuxuu ajiibaa kuwa (Xaqa) rumey- san oo samaha fala oo siiyaa wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Oo gaalada waxay mudan doonaan Cadaab Daran

Verse 27 — Surah Ash-Shura 42:27

Oo haddii Allaah u fidin lahaa risiqa addoomahiisa, waxay hubaal ku qooqi lahaayeen arlada, laakiinse Wuxuu u soo dejiyaa qaddar waafaqsan sida uu rabo. Hubaal Isagu waa u Xog ogaal, Arka addoomahiisa

Verse 28 — Surah Ash-Shura 42:28

Oo waa Isaga (Alle) Kan soo dejiya roobka kaddib marka ay quusteen oo faafiya Raxmaddiisa.Oo waa Isaga Ilaaliya- ha mudan ammaan idilkeed ee la mahdiyo

Verse 29 — Surah Ash-Shura 42:29

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista samooyinka iyo arlada iyo waxa uu ku firdhiyey labadooda dhexdooda oo (nafley) dhul socod ah. Oo marka uu doono aad buu awood ugu leeyahay inuu soo kulmiyo oo isu keeno iyagoo dhan

Verse 30 — Surah Ash-Shura 42:30

Oo wax kastoo idinku dhaca oo masiibo ah waa waxay galabsadeen gacmiihiinnu dartood, oo waliba Wuxuu idinka cafiyaa wax badan

Verse 31 — Surah Ash-Shura 42:31

Oo kuma baxsan kartaan dhulka, Oo ma lihidin Allaah ka sokow gacal iyo gargaare midna

Verse 32 — Surah Ash-Shura 42:32

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa doonyaha badda maaxa buuro oo kale ah

Verse 33 — Surah Ash-Shura 42:33

Haddii uu doono, Wuxuu sababaa dabaysha inay joogsato, markaas bay noqdaan wax fadhiya oo aan dhaqaaq lahayn korkeeda. hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin mid kasta oo samir iyo mahad naq badan

Verse 34 — Surah Ash-Shura 42:34

Ama waa intaasoo uu u halligo14 waxa ay kasbadeen awgeed. Oo (waliba sidaas oy tahay ) Wuxuu ka cafiyaa wax badan

Verse 35 — Surah Ash-Shura 42:35

Iyo (si ay) kuwaasi ka dooda Aayadahayaga u ogaadaan inaysan u sugnaanin meel ay magan galaan

Verse 36 — Surah Ash-Shura 42:36

Ee wax kastoo la idin siiyo oo wuxuun ah waa uun sahay dhammaaneysa ee nolosha adduunkan, waxase Allaah agtiisa ah baa u khayr badan oo u daa’insan kuwa rumeysan ee Rabbigood isku halleeya

Verse 37 — Surah Ash-Shura 42:37

Ee ah kuwaasi ka fogaada dambiyada waaweyn iyo fool xumooyinka, oo mar kas- ta ay cadhoodaan iyagu wax iska cafiya

Verse 38 — Surah Ash-Shura 42:38

Iyo kuwaasi ajiiba Rabbigood oo hagaajiya salaadda, oo xukunkoodu wada tashi yahay dhexdooda, oo wax ka bixiya waxa aanu siinnay

Verse 39 — Surah Ash-Shura 42:39

Ee ah kuwaasi marka loo geysto gef weyn iyagu iska difaaca

Verse 40 — Surah Ash-Shura 42:40

Oo abaalka hal xume waa hal xume oo la mid ah, mid kastoo se iska cafiya oo wax hagaajiya, wuxuu ka heli abaalgudkiisa xagga Ilaahay. Hubaal Isagu ma uu jecla gar ma qaatayaasha

Verse 41 — Surah Ash-Shura 42:41

Oo mid kastoo is difaaca kaddib marka lagu gardarroodo, kuwan weeye kuwa aan lagu lahayn jid (lagu eedo)

Verse 42 — Surah Ash-Shura 42:42

Ee waxaa sideedaba jid lagu leeyahay (oo eed leh) kuwaa ku gardarrooda dadka, oo ku fallaagooba arlada xaq darro, kuwani waxay mudan cadaab xanuun badan

Verse 43 — Surah Ash-Shura 42:43

Oo mid kastoo samir yeesha oo wax iska cafiya, hubaal kuwani waxay ka mid yihiin arrimaha la go'aansado

Verse 44 — Surah Ash-Shura 42:44

Oo mid kastoo Allaah lumiyo, ma uu laha gacal Isaga kaddib. Oo waxaad arki gar ma qaatayaasha marka ay arkaan cadaabka, iyagoo leh: Miyey jirtaa jid loogu laabto (adduunkii)

Verse 45 — Surah Ash-Shura 42:45

Oo waxaad arki doontaa iyagoo la hor keenay (Naarta) la tabaaleysan dulli (oo) ku eegaya libiqsi qarsoon. Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waxay odhan: Hubaal Khasaara- yaasha waa kuwa khasaaray nafahooda iyo eheladooda Maalinta Qiyaamaha. Ogaada, hubaal gar ma qaatayaasha waxay ku sugnaan doonaan cadaab ma guuraan ah

Verse 46 — Surah Ash-Shura 42:46

Oo ma heli doonaan gacallo u soo gar- gaara Allaah ka sokow. oo mid kastoo uu Allaah lumiyo, uma sugna wax jid ah

Verse 47 — Surah Ash-Shura 42:47

Ajiiba Rabbigiin ka hor inta aanay iman Maalin xagga Allaah ah aan la celin kari doonin. Ma heli doontaan meel aad magan gashaan Maalintaas, oo idiinma suurta geli doonto inaad sameysaan diiddo

Verse 48 — Surah Ash-Shura 42:48

Haddiise ay dhinac u jeestaan, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye ahaan korkooda. Ee waxa keliya ee ku saarani waa inaad gaarsiiso (Fartiinta). Oo hubaal marka aan dhadhansiinno Aadmiga naxa- riis Xaggayaga ah, wuu ku farxaa, oo haddii ay musiibo gaadho waxa ay horay gacma- hoodu u faleen darteed ah, markaa hubaal Aadmigu waa abaal dhac badan yahay

Verse 49 — Surah Ash-Shura 42:49

Allaah baa iska leh Boqortooyada sa- mooyinka iyo arlada, Wuxuu abuuraa wixii uu doono; Wuxuu ugu deeqaa kii uu doono gabdho, oo ugu deeqaa kii uu doono wiilal

Verse 50 — Surah Ash-Shura 42:50

Ama Wuxuu isugu daraa labada noocyoodba’ lab iyo dheddig, oo wuxuu ka dhigaa kii uu doono ma dhaleys. Hubaal waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan

Verse 51 — Surah Ash-Shura 42:51

Uma suurowda in Aadmi uu Allaah toos ula hadlo, ee se wuu waxyoon, ama kala hadli daah gadaashi ama uu u soo diri Ra- suul oo Idanki wuxuu doono ugu wax- yooda. Hubaal waa Sarreeye, Xakiim ah

Verse 52 — Surah Ash-Shura 42:52

Oo sidaas baan waxaan kuugu waxyoonnaa (Kitaab)waxyi Amarkayaga ah oo ma aad ogeyn muxuu ahaa Kitaab iyo Iimaan midna? Laakiinse waxaan ka dhignay Nuur aan ku hanuuninno cidda aan doono oo ka mid ah addoomahayaga. Oo hubaal waxaad adigu dhab ahaan tusisaa jidka loo qaado Tubta Toosan

Verse 53 — Surah Ash-Shura 42:53

Tubta Ilaahay, ee ah Kan iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Ogaada, hubaal xagga Allaah baa arrimaha oo idil yimaadaan