Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 43 - Az-Zukhruf
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Az-Zukhruf 43:1
Xaa Miim
Verse 2 — Surah Az-Zukhruf 43:2
Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Qur’aanka) ka yeela waxyaalaha caddaan
Verse 3 — Surah Az-Zukhruf 43:3
Hubaal Waxaan Annagu ka dhignay kani Qur’aan af Carabi ah, si aad u fahantaan
Verse 4 — Surah Az-Zukhruf 43:4
Oo hubaal wuxuu ku yaal asalka Kitaabka3 (Looxa Maxfuudka) nala yaal, ee la kor yeelay ay ka buuxdo Xikmad
Verse 5 — Surah Az-Zukhruf 43:5
Miyaan haddaba idinka deysannaa waanada gebigeediba inaad noqoteen qolo xad gudub badan awgeed
Verse 6 — Surah Az-Zukhruf 43:6
Oo intee baan Nabi u dirnay kuwii hore dhexdood
Verse 7 — Surah Az-Zukhruf 43:7
Oo ma jirin Nabi u yimaada oo aysan ku jees-jeesin
Verse 8 — Surah Az-Zukhruf 43:8
Markaas waxaanu hallignay kuwo iyaga4 ka xoog badnaa,_oo waxaa hore u tagay mataalka kuwii hore
Verse 9 — Surah Az-Zukhruf 43:9
Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay hubaal odhanayaan: Waxaa abuuray (Allaah) Adkaadaha, Wax kasta Ogsoonaha ah
Verse 10 — Surah Az-Zukhruf 43:10
Kan Isagu idiinka dhigay dhulka gogol, ee idiinku yeelay dhexdiisa waddooyin, si aad ugu hagaagtaan
Verse 11 — Surah Az-Zukhruf 43:11
Oo Isagu ah Kan ka soo dejiya biyo daruurta si qiyaasan. Markaas waxaan ku nooleynaa magaalo dhimatay, sidaas oo kale baa weliba la idiin soo bixin doonaa
Verse 12 — Surah Az-Zukhruf 43:12
Oo Isagu ah Kan abuuray lammaanayaasha wax waliba oo idiin yee- lay doonyo (diyaarado, tareenno, gawaari) iyo xoolo (geel, lo',fardo, iwm) aad fuushan
Verse 13 — Surah Az-Zukhruf 43:13
Si aad ugu fariisataan si sugan dhabarradooda, markaas aad xusuusataan Nicmadda Rabbigiin marka aad dul fariisataan, oo tidhaahdaan: Xurmoo dhan waxaa iska leh Kan noo sakhiray waxakan, oo ma aheyn kuwo kara inaanu sameyno
Verse 14 — Surah Az-Zukhruf 43:14
Oo xaqiiq xagga Rabbigayo waa inaan u laabanno
Verse 15 — Surah Az-Zukhruf 43:15
Oo waxay u cayimaan Isaga qayb ka mid ah addoomihiisa5; Hubaal Aadmigu waa abaal darane caddaysatay
Verse 16 — Surah Az-Zukhruf 43:16
Ma wuxuu u dooray Naftiisa gabdho ka mid ah waxa uu Isagu abuuro, oo idiin dooray idinka wiilal
Verse 17 — Surah Az-Zukhruf 43:17
Oo marka loogu bishaareeyo midkood warka waxa uu uga yeelay Raxmaanka mataal, wejigiisu wuxuu noqdaa madow isagoo walbahaarsan
Verse 18 — Surah Az-Zukhruf 43:18
Ma kuwaa lagu abuuray isqurxinta oo xagga doodda aan caddeyn karin hadalka
Verse 19 — Surah Az-Zukhruf 43:19
Oo waxay ka yeelaan malaa’igta oo iyagu ah addoomaha Raxmaanka, (ilaahyo) dheddig ah6, ma waxay goob joogeen ka ahaayeen abuuristooda? Maraggooda waa la qori doonaa oo waxay ahaan doonaan kuwo la su’aalo
Verse 20 — Surah Az-Zukhruf 43:20
Oo waxay yidhaahdaan: Haddii uu doono Raxmaanku, marnaba ma aanu caabudneen (iyaga). Uma ay laha wax cilmi ah (arrin)kani, been uun bay sheegayaan
Verse 21 — Surah Az-Zukhruf 43:21
Mise waxaan siinnay Kitaab ka horreeyey, oo ay iyagu heystaan
Verse 22 — Surah Az-Zukhruf 43:22
Bal! Waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo ku sugan dariiqo, oo hubaal innagu iyaga raadadkooda baan ku hanuunsannahay
Verse 23 — Surah Az-Zukhruf 43:23
Oo sidaas oo kale, Uma aanu soo dirin hortaa wax dige ah magaalana oo aysan kuwooda ladnaa ee ku jiray odhan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo ku sugan dariiqo, oo hubaal waxaan annagu raacnaa raadadkooda
Verse 24 — Surah Az-Zukhruf 43:24
(Digihii) wuxuu yidhi: Ma xitaa haddii aan idiin keeno hanuun ka fiican waxa aad ka hesheen aabbayaashiin? Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu ma aanu aaminsanin waxa la idin la soo diray
Verse 25 — Surah Az-Zukhruf 43:25
Markaas baan ka aarsannay ee bal fiiri sida ay aheyd cidhibta xaq diidayaasha
Verse 26 — Surah Az-Zukhruf 43:26
Oo waa tii uu Ibraahiim ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Hubaal waxaan anigu ka eed tirnahay waxa aad caabuddaan oo dhan
Verse 27 — Surah Az-Zukhruf 43:27
Waxaan ka ahayn Kan i abuuray, oo hubaal Isaga baa i hanuunin doona
Verse 28 — Surah Az-Zukhruf 43:28
Oo wuxuu ka yeelay Kelmed7 ku baaqi ah durriyaddiisa dhexdooda8, bal inay soo noqdaan
Verse 29 — Surah Az-Zukhruf 43:29
Bal’ Waxaan u raaxeeyey kuwaas iyo aabbayaashoodba ilaa uu u yimid Xaqu iyo Rasuul ka yeela (Xaqa) caddaan
Verse 30 — Surah Az-Zukhruf 43:30
Oo markuu u yimid Xaqa waxay yidhaahdeen: Kani (Qur’aanku) waa sixir, oo innagu maba aaminsanin
Verse 31 — Surah Az-Zukhruf 43:31
Oo waxay yidhaahdeen: Maxaa se Qur’aankan loogu soo dejin waayey nin darajo weyn oo ka tirsan labada magaalo
Verse 32 — Surah Az-Zukhruf 43:32
Ma iyaga baa ah kuwa qaybiya Naxariista Rabbigaa? Annaga baa ka qaybinna dhexdooda maciishaddooda nolosha adduunkan, oo ka kormarinnay qaarkoodba qaarka kale derejooyin, si ay qaarkood qaarka kale ugu adeegtaan. Oo Naxariista Rabbigaa baa ka khayr badan waxa ay urursadaan
Verse 33 — Surah Az-Zukhruf 43:33
Oo haddii uusan dadku noqonayn ummad keliya (isku jid) waxaan xaqiiq ka yeeli laheyn kuwaa ku gaalooba Raxmaanka guryahooda saqafyo fiddo ah iyo salaanno (fiddo ah) ay ku koraan
Verse 34 — Surah Az-Zukhruf 43:34
Guryahoodana albaabbo (fiddo ah) iyo sariiro (sare) ay korkooda ku jiqlaystaan
Verse 35 — Surah Az-Zukhruf 43:35
Iyo qurxinno (kale) dahab ah. oo waxa- kani oo dhammi ma aha waxaan aheyn sahayda nolosha adduunkan(ee dhammaa- neysa). Oo Aakhirada Rabbigaa agti ah waxaa leh oo keliya kuwa iska jira xumaha
Verse 36 — Surah Az-Zukhruf 43:36
Oo mid kastoo ka jeesada waanada Raxmaanka waxaanu u xil saarnaa Shay- daan markaasuu noqdaa lammaanahiis
Verse 37 — Surah Az-Zukhruf 43:37
Oo hubaal waxay iyagu ka duwaan Jidka, oo waxay moodaan inay hanuunsan yihiin
Verse 38 — Surah Az-Zukhruf 43:38
Jeer marka uu noo yimaado wuxuu yidhaahdaa: wayee, haddii inta aniga iyo adiga u dhexeysa u kala fogaan lahayd inta ay isu jiraan bariga iyo galbeedka; oo xumaa lammaanahaa oo kale
Verse 39 — Surah Az-Zukhruf 43:39
Oo maadaama aad caddaalad darro fasheen waxba idin ma tari doonto Maanta inaad cadaab (musiibada) wadaagtaan
Verse 40 — Surah Az-Zukhruf 43:40
Ee miyaad haddaba ka yeeli kartaa dhegoolaha inuu wax maqlo, mise hanuunin kartaa indhoolaha iyo mid isagu ku jira habow caddaan ah
Verse 41 — Surah Az-Zukhruf 43:41
Haddiise aan ku oofsanno, Annaga uun baa weli ka aarsan doonno iyaga
Verse 42 — Surah Az-Zukhruf 43:42
Ama haddii kale waxaan ku tusi doonnaa waxa aan u yaboohnay, oo hubaal waxaanu ku leennahay awood dhan dushooda
Verse 43 — Surah Az-Zukhruf 43:43
Ee qabso waxaa laguu waxyoodo, hubaal waxaad ku sugan tahay jid toosan
Verse 44 — Surah Az-Zukhruf 43:44
Oo hubaal waa kuu waano adiga iyo dadkaaba, oo waxaad ahaan doontaan kuwo la su’aalo
Verse 45 — Surah Az-Zukhruf 43:45
Oo weydii kuwaa ka midka ah Rusushayada aan soo dirnay adiga hortaa: Ma waxaan marnaba yeellay ilaahyo la caabudo Raxmaanka (Allaah) ka sokow
Verse 46 — Surah Az-Zukhruf 43:46
Oo xaqiiq waxaan Muuse la soo dirnay Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, markaasuu wuxuu yidhi: Hubaal waxaan anigu ahay Rasuulka (Alle) Rabbiga uunanka
Verse 47 — Surah Az-Zukhruf 43:47
Markiise uu ula yimid Calaamooyinka- yaga mise! Waaba ay ku qosleen
Verse 48 — Surah Az-Zukhruf 43:48
Oo ma jirin mucjiso aan tusinnay oo aan ka weyneyn eynigeed, oo waxaan ku qabannay cadaab12 bal inay soo laabtaan
Verse 49 — Surah Az-Zukhruf 43:49
Oo waxay yidhaahdeen: Saaxiryahow! Noo bari Rabbigaa maadaama uu kula galay ballan. Waxaan Hubaal ahaan doonnaa kuwo raaca dhabbaha toosan
Verse 50 — Surah Az-Zukhruf 43:50
Markiise aan ka faydnay cadaabka, mise, markiiba waxay ka baxeen ballankii
Verse 51 — Surah Az-Zukhruf 43:51
Oo wuxuu ka dhawaaqay Fircoon dadkiisii dhexdood isagoo leh: Dadkaygiiyow! Ma waanan anigu iska lahayn boqortooyada Masar, iyo webiyadan qul-qula hoosteyda. Ee miyeydaan haddaba arkeyn
Verse 52 — Surah Az-Zukhruf 43:52
Bal aniga baa ka fiican midkani, ee ah mid liita ee uu dhibka ku yahay inuu u hadlo si cad oo wanaagsan
Verse 53 — Surah Az-Zukhruf 43:53
Maxaase loogu soo gelin waayey jinjimo dahab ah, ama maxay ula iman weydey malaa’ig raacsan oo rafiiq u ah
Verse 54 — Surah Az-Zukhruf 43:54
Markaasuu ku kiciyey dadkiisii hadallo doqon ma garato ah, markaasay adeeceen: hubaal waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah
Verse 55 — Surah Az-Zukhruf 43:55
Haddaba markii ay naga cadheysiiyeen, waan ka aargoosannay, markaas baan qarqinnay iyagii oo dhan
Verse 56 — Surah Az-Zukhruf 43:56
Oo Waxaanu ka yeelnay wax tegay iyo tusaale ku socda facyada dambe
Verse 57 — Surah Az-Zukhruf 43:57
Oo marka loo soo qaato ina Maryam (Ciise) mataal14, mise qolodaada waa ka jeesadaan (mataalkaa)
Verse 58 — Surah Az-Zukhruf 43:58
Oo waxay yidhaahdaan: Ma ilaahyadayada baa fiican mise isaga? Uma ayan soo qaadan mataalka waxaan aheyn muran. Balse waa qolo dood badan
Verse 59 — Surah Az-Zukhruf 43:59
Ma uu aheyn (Ciise) wax ka badan addoon aan u nicmaynay, oo waxaan uga yeelnay tusaale ilmahii Israa’iil
Verse 60 — Surah Az-Zukhruf 43:60
Oo Haddii aan doonno, waxaan yeeli lahayn dhexdiinna malaa'ig dhulka u hara
Verse 61 — Surah Az-Zukhruf 43:61
Oo hubaal wuxuu isagu (Ciise) u yahay calaamad la yaqaan (soo dhowaanshaha) Saacadda, Sidaa awgeed ha ka shakiyina arrinkeeda oo i soo raaca17: Kan baa ah Jidka Toosan
Verse 62 — Surah Az-Zukhruf 43:62
Oo yuusan Shaydaan idin hor joogsan, hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad
Verse 63 — Surah Az-Zukhruf 43:63
Oo markuu Ciise la yimid xujooyin cad, wuxuu yidhi: Waxaan xaqiiq idiin la imid Xikmad iyo inaan idiin caddeeyo qaar ka mid ah waxa aad isku khilaafsan tihiin, ee dhowra xilkuu idin saaray Alle oo i adeeca
Verse 64 — Surah Az-Zukhruf 43:64
Hubaal Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, Ee caabuda Isaga (Keliya). Kan baa ah Jidka Toosan
Verse 65 — Surah Az-Zukhruf 43:65
Wayse is khilaafeen xisbiyadii dhexdooda. Ee hoog waxaa leh gar ma qaatayaasha xagga cadaab Maalin xanuun badan darteed
Verse 66 — Surah Az-Zukhruf 43:66
Ma waxay sugaan waxaan ahayn Saacadda_taasoo ugu iman kedis, iyagoo aan dareensaneyn
Verse 67 — Surah Az-Zukhruf 43:67
Saaxiibbadu Maalintaas waxay isu ahaan cadow qaarkoodba qaarka kale marka laga reebo kuwa iska jira (xumaha)
Verse 68 — Surah Az-Zukhruf 43:68
Addoomahaygiiyoow! Cabsi ma ahaan doonto maanta korkiinna mana murugoon doontaan
Verse 69 — Surah Az-Zukhruf 43:69
Kuwaasi rumeeyey Aayadahayaga ee ahaa Muslimiinta
Verse 70 — Surah Az-Zukhruf 43:70
Gala Jannada, idinka iyo afooyinkiinnaba18; waa laydinka farxine
Verse 71 — Surah Az-Zukhruf 43:71
Waxaa lagula wareegi halkaa xeerooyin dahab ah iyo koobab cabbitaan, oo gudaheeda waxaa ahaan waxay nafahooda jecleystaan, oo indhuhu ku raaxaysan, oo waad ku waari dhexdeeda
Verse 72 — Surah Az-Zukhruf 43:72
Oo taasi waa Jannadii aad ku dhaxasheen wixii aad camalsan fasheen
Verse 73 — Surah Az-Zukhruf 43:73
Waxaad ku leedihiin gudaheeda midho tiro badan, xaggeeda wax ka cuni doontaan
Verse 74 — Surah Az-Zukhruf 43:74
Hubaal dambiilayaashu waxay ku waari doonaan cadaabta Naarta
Verse 75 — Surah Az-Zukhruf 43:75
Lagama dabcin doono, iyagoo halkaa gudaheeda ku quusan doona
Verse 76 — Surah Az-Zukhruf 43:76
Oo ma aanu ku gardarroon iyaga, laakiinse iyaga baa ahaa gar ma qaatayaal
Verse 77 — Surah Az-Zukhruf 43:77
Oo waxay u yeeri doonaan: Maaligow! Rabbigaa ha noo sameeyo dhammaad. Wuxuu odhan: hubaal Idinku waad ku waari doontaan (Naarta gudaheeda)
Verse 78 — Surah Az-Zukhruf 43:78
Xaqiiq Waxaan idiin la nimid Xaq laakiinse badankiinnu Xaqa baad nacdaan
Verse 79 — Surah Az-Zukhruf 43:79
Mise ma waxay goosteen arrin? Hubaal waa Annaga kuwa wax gooya
Verse 80 — Surah Az-Zukhruf 43:80
Mise ma waxay moodaan inaanaan maqleyn sirahooda iyo faqooda gaarka ah? Mayee Rusushayada baa ag joogta oo qoreysa
Verse 81 — Surah Az-Zukhruf 43:81
Dheh: Haddii Raxmaanku aad leedihiin dhal (buu yeeshay), waxaan anigu ahay kan u horreeya ee waxida (oo ka nazaha inuu leeyahay ilmo ama xaas ama dhig ama cid kaloo wax la wadaagta)
Verse 82 — Surah Az-Zukhruf 43:82
Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbiga samooyinka iyo arlada, Rabbiga Carshigu oo ka nazahan waxa ay tilmaamaan
Verse 83 — Surah Az-Zukhruf 43:83
Ee iska daa ha dhunbadaan ( baadilkaas) oo ha iska cayaaraane inta ay kala kulmaan Maalintooda loo yaboohay
Verse 84 — Surah Az-Zukhruf 43:84
Oo waa Isaga Kan ku ah Ilaah somooyinka gudahood iyo Ilaah arlada gudaheed; oo waa Isaga (Alle) Xakiimka, wax kasta Ogsoon
Verse 85 — Surah Az-Zukhruf 43:85
Oo waxaa khayr iyo barako badan Kan (Allaah) ee iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba, oo ay agti tahay cilmiga Saacadda, oo Xaggiisa dib la idiinku soo celin doono
Verse 86 — Surah Az-Zukhruf 43:86
Oo kuwa ay baryaan Isaga ka sokow, uma leh awood shafeeco marka laga reebo midka qira xaqa (ashahaadada ee ku dhaqma) oo aqoon san u leh
Verse 87 — Surah Az-Zukhruf 43:87
Oo haddii aad su’aasho yaa iyaga abuuray, waxay hubaal odhanayaan: Allaah. Ee xaggee baa haddaba loo iilay
Verse 88 — Surah Az-Zukhruf 43:88
Tixgeli dhawaaqiisa: Rabbiyow! Hubaal kuwaanu waa qolo aan (xaqa) rumaysneyn
Verse 89 — Surah Az-Zukhruf 43:89
Ee Isaga jeeso oo dheh: Nabadeey, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca)