Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 44 - Ad-Dukhan
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Ad-Dukhan 44:1
Verse 2 — Surah Ad-Dukhan 44:2
Waxaan ku dhaartay kitaabka(Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa)
Verse 3 — Surah Ad-Dukhan 44:3
Hubaal waxaanu soo waxyoonnay (Qur’aanka) habeen barakaysan3. Hubaal waxaanu nahay mar waliba kuwa diga
Verse 4 — Surah Ad-Dukhan 44:4
Dhexdiisa baa arrin kasta oo xukun ah la gooyaa
Verse 5 — Surah Ad-Dukhan 44:5
Xukun ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul)
Verse 6 — Surah Ad-Dukhan 44:6
Naxariis xagga Rabbigaa ah. hubaal waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon
Verse 7 — Surah Ad-Dukhan 44:7
Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddi aad yaqiinsaneysaan
Verse 8 — Surah Ad-Dukhan 44:8
Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore
Verse 9 — Surah Ad-Dukhan 44:9
Bal! Waxay ka qabaan shaki, way iska dheelaan
Verse 10 — Surah Ad-Dukhan 44:10
Ee sug Maalinta ay samadu keeni doonto qiiq muuqda
Verse 11 — Surah Ad-Dukhan 44:11
kaasoo dabooli doona dadka, kani waa cadaab xanuun badan
Verse 12 — Surah Ad-Dukhan 44:12
Rabbigayow! Naga feyd cadaabta4, xaqiiq waanu rumyan
Verse 13 — Surah Ad-Dukhan 44:13
Goorma bay waantoobi, iyagoo dhab ahaan uu halkaa ugu yimid Rasuul iska cad
Verse 14 — Surah Ad-Dukhan 44:14
Markaas bay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid ay wax soo bareen (qolo kale), waa nin waalan
Verse 15 — Surah Ad-Dukhan 44:15
Hubaal Waxaanu idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse hubaal ku noqon doontaan (xumaha)
Verse 16 — Surah Ad-Dukhan 44:16
Maalinta aan ku qaban doonno (iyaga) qabasho daran oo weyn5. Hubaal waanu aarsan doonnaa
Verse 17 — Surah Ad-Dukhan 44:17
Oo xaqiiq waxaanu imtixaannay iyaga hortood qolodii Fircoon, oo waxaa halkaa u yimid Rasuul sharaf leh (Muuse)
Verse 18 — Surah Ad-Dukhan 44:18
Isagoo leh: Ii dhiiba adoommaha Ilaahay6. Hubaal waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah
Verse 19 — Surah Ad-Dukhan 44:19
Oo waa inaydaan iska sare yeelin Allaah. Hubaal waxaan idiinla imaan awood cad
Verse 20 — Surah Ad-Dukhan 44:20
Oo hubaal waxaan ka magan galaa Rab- bigay iyo Rabbigiin inaad idhagaxyeysaan
Verse 21 — Surah Ad-Dukhan 44:21
Oo hadddii aydaan i rumeysneyn, haddaba waxba ha igu darsannina
Verse 22 — Surah Ad-Dukhan 44:22
Markaas buu u dhawaaqday Rabbigi: Kuwakanu waa qolo dambiilayaal ah
Verse 23 — Surah Ad-Dukhan 44:23
Ee la Guuree addoomahayga habeennimo. Hubaal, waa la idin soo daba gali doonaa
Verse 24 — Surah Ad-Dukhan 44:24
Oo dhaaf baddoo deggan8 oo qaybsan: hubaal waa ciidan la qarqin doono
Verse 25 — Surah Ad-Dukhan 44:25
Intee bay beero iyo ilo ka tageen
Verse 26 — Surah Ad-Dukhan 44:26
Iyo dagal iyo degaan wanaagsan
Verse 27 — Surah Ad-Dukhan 44:27
Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen
Verse 28 — Surah Ad-Dukhan 44:28
Sidaas (bay ahayd)! Oo waxaan dhaxalsiinnay qolo kale
Verse 29 — Surah Ad-Dukhan 44:29
Marka samada iyo arladu uma ay ooyin, oo lama siin wax nafis ah
Verse 30 — Surah Ad-Dukhan 44:30
Oo xaqiiq Waxaanu ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaabta dulleysiga
Verse 31 — Surah Ad-Dukhan 44:31
Xagga Fircoon ah; hubaal Wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha
Verse 32 — Surah Ad-Dukhan 44:32
Oo xaqiiq waxaan ka doorannay (dadkii waqtigoodii), annagoo aqoon u leh
Verse 33 — Surah Ad-Dukhan 44:33
Oo waxaan siinnay oo ka mid ah calaamaadaha9 wax ay ku sugnaayeen imtixaan cad
Verse 34 — Surah Ad-Dukhan 44:34
Hubaal kuwakani waxay yidhaahdaan
Verse 35 — Surah Ad-Dukhan 44:35
Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore oo ma nihin kuwo dib loo soo nooleyn
Verse 36 — Surah Ad-Dukhan 44:36
Ee (dib) u soo cesha Aabbayaashayadii hore, haddii aad run sheegaysaan
Verse 37 — Surah Ad-Dukhan 44:37
Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac10 iyo kuwii iyaga ka horreeyey? Waanu hallignay, hubaal waxay ahaayeen denbiilayaal
Verse 38 — Surah Ad-Dukhan 44:38
Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel
Verse 39 — Surah Ad-Dukhan 44:39
Uma aannu abuurin iyaga waxaan Xaq aheyn, laakiinse badankoodu ma oga
Verse 40 — Surah Ad-Dukhan 44:40
Hubaal Maalinta kala Soocu waa ballan loo qabtay iyagoo dhan
Verse 41 — Surah Ad-Dukhan 44:41
Maalinta uusan gacal waxba u tari doonin gacalki oo aan loo gargaari doonin
Verse 42 — Surah Ad-Dukhan 44:42
Mid uu Allaah u Naxariisto ma’ahee: hubaal waa Adkaadaha, Naxariista Badan
Verse 43 — Surah Ad-Dukhan 44:43
Hubaal geedka Zaquumka
Verse 44 — Surah Ad-Dukhan 44:44
Waa cuntada denbiilayaasha
Verse 45 — Surah Ad-Dukhan 44:45
Sida Saliid laami ah buu ugu kar-kari doonaa caloolahooda
Verse 46 — Surah Ad-Dukhan 44:46
Sida kar-karka biyo aad u kulul
Verse 47 — Surah Ad-Dukhan 44:47
Qabta isaga, markaas u jiida Naarta bartankeeda
Verse 48 — Surah Ad-Dukhan 44:48
Oo uga shuba madaxa korkiisa cadaabta biyaha karaya
Verse 49 — Surah Ad-Dukhan 44:49
Dhadhami: Waxaad runtii isu heysatay inaad tahay adkaadaha, sharafta leh
Verse 50 — Surah Ad-Dukhan 44:50
Hubaal kanu waa wixii aad ka shaki qabteen
Verse 51 — Surah Ad-Dukhan 44:51
Hubaal Kuwa iska jira (xumaha) waxay ku sugnaan meel aamin ah
Verse 52 — Surah Ad-Dukhan 44:52
Beero dhexdood iyo ilo
Verse 53 — Surah Ad-Dukhan 44:53
Waxay xidhan xariir jilicsan iyo mid adagba, iyagoo u fadhiya fool ka fool
Verse 54 — Surah Ad-Dukhan 44:54
Sidaas (bay ahaan doontaa), oo Waxaanu u guurin doonnaa xuurul ceyn
Verse 55 — Surah Ad-Dukhan 44:55
Waxay u yeedhan doonaan miro nooc kasta ah, iyagoo nabdoon
Verse 56 — Surah Ad-Dukhan 44:56
Ma ku dhadhamin doonaan dhexdeeda dhimasho aan aheyn dhimashadii hore, oo wuxuu ka badbaadin cadaabta Naarta
Verse 57 — Surah Ad-Dukhan 44:57
Waa fadli xagga Rabbigaa ah. (Arrin)kani weeye Liibaanta Weyni
Verse 58 — Surah Ad-Dukhan 44:58
Sidaas baan uga yeelnay wax u sahlan carrabkaaga, bal inay waantoobaan
Verse 59 — Surah Ad-Dukhan 44:59
Ee sug; hubaal iyagu way sugayaan