Dheh: Bal ma u fiirsateen waxa aad u dhawaaqataan Allaah sokadi? I tusa maxay abuureen oo ka mid ah arlada, mise ma waxay ku leeyihiin qayb samooyinka? Ii keena Kitaab Kan horti ah ama wax raad cilmi ah haddii aad run sheegeysaan
Dheh: ma ahi Rasuul kii ugu horreeyey oo ka mid ah Rususha4 oo ma ogi waxa laygu fali doono aniga ama idinka. Anigu ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo, oo anigu ma ahi waxaan ahayn dige cad
Oo horti Kitaabka Muuse ahaa hanuun iyo naxariis, oo kanina waa Kitaab xaqiijinaya oo af Carabi ah si uu ugu digo kuwa ah gar ma qaatayaasha, oo waa u bishaaro kuwo sama falayaasha ah
Oo Waxaan ku waajibinnay Aadmiga inuu u samo falo waalidkiis. Hooyadiis waxay ku sidday uurka iyadoo ku dhibtootay oo dhashay iyadoo ku dhibtootay; oo (uur ku) sidkiisu iyo ka goynta (naas nuujintiisu) waa soddon bilood, jeer marka uu tabar galo oo afartan jirsado yidhaahdo: Rabbiyow! I solansii inaan ka mahad naqo Nicmaddaada aad iigu nicmeysay aniga iyo labadayda waalid, iyo inaan falo camal san oo aad ka raalli tahay; oo ii hagaaji durriyadayda, hubaal Adigaan kuu soo laabtaa, oo hubaal waxaan anigu ka mid ahay inta kuu hoggaansan
Kuwan weeye kuwa aan iyagu ka aqbalno waxa u fiican oo ka mid ah waxa ay faleen oo aan ka dhaafno camalladooda xun, ka mid ah ehlu Jannaha,_ ballan qaad run ah oo loo ballan qaaday
Kan se ku yidhaahda waalidkiis: Uf baad tihiin. Ma waxaad iigu gooddisaan in la i soo saari doono iyagoo dhab ahaan ay facyo tageen hortay? Oo waxay iyagu labaduba gargaar weydiistaan Allaah (iyagoo ku leh): Magacaa bi'i waaye! Rumee! Xaqiiq, Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq. wuxuuse yidhaahdaa: Kanu ma aha waxna aan aheyn sheekooyinkii kuwii hore
Oo Maalinta marka kuwa xaqa diida loo soo bandhigi doona Naarta: Waxaad wanaaggiinnii ku soo dhammeysateen noloshii adduunka dhexdeeda oo ku raaxaysateen in muddo ah, marka maanta waxaa la idinku abaal marin cadaab silic badan, wixii aad isku weyneyn jirteen arlada gudaheeda xaq darro, iyo caasiyoobiddiinna darteed
Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso ilaahyadayada? Ee bal soo daa waxa aad noogu gooddiso, haddii aad ka mid tahay run sheegyada
Saa markay arkeen isagoo sidii daruur hogal ah ka muuqda samada ku soo aaddan togaggooda, waxay yidhaahdeen: waa daruur roob noo keeni doonta. Ma jirto’ee waa wixii aad doonteen in la soo dedejiyo10. Waa dabeyl aad u xoog weyn ay ku jirto cadaab xanuun badan
Oo ku baabbi’ineysa wax walba Amarka Rabbigeed; markaas bay waxay noqdeen kuwo aan la arkeyn guryahoodii ma’ahee. Sidaas oo kale baan u jaazeynaa qoloda Dambiilayaasha ah
Ee maxay haddaba ugu soo gargaari waayeen kuwii ay ka dhigteen ilaahyo11 ay barbar dhigaan Allaah si ay ugu soo dhoweeyaan Isaga? Mayee’ way ka dhumeen iyagii, oo kaasi waa beentoodii iyo waxa ay been abuuran jireen
Oo waa tii aan u soo weecinnay xaggaaga koox jin ah oo dhegaystay Qur’aanka, ee markay yimaadeen halkaasi, waxay yidhaahdeen: Aamusa. markaasaa markii la dhammeeyey waxay dib ugu laabteen tolkoodii iyagoo u digaya
Ma waysan u fiirsan in Allaah ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo aan ku daalin abuuristooda uu awoodo inuu nooleeyo meytida? Haayoo, hubaal waa Kan wax walba Kara
Oo Maalinta loo soo bandhigi doono kuwa xaqa diida Naarta (waxaa lagu odhan): Waxakani sow ma aha Xaq? Waxay odhan: Haah Waa nagu Rabbigeene. Wuxuu odhan: Haddaba dhadhamiya Cadaabta, gaalnimadiinnii darteed
Ee samir yeelo sidii ay Rushushii sugnaanta iyo go’aanka adag lahaa u samir yeesheen13, oo ha doondoonin in loo soo dedejiyo iyaga (cadaabkooda). Maalinta ay arki waxa loo yaboohay waxay ahaan sida ayan (ku) negaan (adduunka) waxaan ahayn saacad ka mid ah maalin; waa gaarsiin cad ee ma waxaa la rogaa waxaan aheyn dadka caasiyiinta ah