Back to Languages

Somali - Chapter 46 - Al-Ahqaf

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Ahqaf 46:1

Verse 2 — Surah Al-Ahqaf 46:2

Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah

Verse 3 — Surah Al-Ahqaf 46:3

Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq iyo Muddo go'an. Kuwase Xaqa diida dhinac bay uga jeestaan waxa looga digo

Verse 4 — Surah Al-Ahqaf 46:4

Dheh: Bal ma u fiirsateen waxa aad u dhawaaqataan Allaah sokadi? I tusa maxay abuureen oo ka mid ah arlada, mise ma waxay ku leeyihiin qayb samooyinka? Ii keena Kitaab Kan horti ah ama wax raad cilmi ah haddii aad run sheegeysaan

Verse 5 — Surah Al-Ahqaf 46:5

Oo yaa ka habow badan mid isagu barya Allaah sokadi, kuwaa aan wax jawaab ah u soo celin doonin ilaa Maalinta Qiyaamaha oo kuwa ah moog baryadooda

Verse 6 — Surah Al-Ahqaf 46:6

Oo marka dadka la isu wada keeno waxay ahaan cadowyadooda, oo ahaan kuwo dafira caabudiddooda

Verse 7 — Surah Al-Ahqaf 46:7

Oo marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxay kuwa aan rumeysan ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Kani waa sixir iska cad

Verse 8 — Surah Al-Ahqaf 46:8

Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been buurtay. Dheh: Haddii aan been abuurtay, iigama tareysaan waxba xagga Allaah; Isaga baa aad u Ogsoon3 waxa aad ka tidhaahdaan arrinkaa. Isaga baa ku Filan marag noo dhexeeya aniga iyo idinka. Oo waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

Verse 9 — Surah Al-Ahqaf 46:9

Dheh: ma ahi Rasuul kii ugu horreeyey oo ka mid ah Rususha4 oo ma ogi waxa laygu fali doono aniga ama idinka. Anigu ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo, oo anigu ma ahi waxaan ahayn dige cad

Verse 10 — Surah Al-Ahqaf 46:10

Dheh: Ma u fiirsateen haddii uu ka yimid xagga Ilaahay, oo ku gaalowdaan, oo uu ka marag furo marag5 fure ka mid ah ilmahii Israa’iil inuu yahay mid la mid ah (Towraadda), markaas uu rumeeyey halka6 aad idinkuna isla weyn tihiin kibir darti. Hubaal Allaah ma hanuuniyo qoloda gar ma qaatayaasha ah

Verse 11 — Surah Al-Ahqaf 46:11

Oo waxay kuwa rumeysan diida ku yidhaahdaan kuwa rumeysan haddii uu ahaan lahaa wax wanaagsan iyagu nooga- ma horreeyeen7. Oo maadaama aanay dooneyn inay ku hanuunsamaan, waxay yidhaahdaan: Kanu waa beenihii hore

Verse 12 — Surah Al-Ahqaf 46:12

Oo horti Kitaabka Muuse ahaa hanuun iyo naxariis, oo kanina waa Kitaab xaqiijinaya oo af Carabi ah si uu ugu digo kuwa ah gar ma qaatayaasha, oo waa u bishaaro kuwo sama falayaasha ah

Verse 13 — Surah Al-Ahqaf 46:13

Hubaal, Kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaas haya tubta toosan8, ma ahaan doonto korkooda cabsi, mana murugoon doonaan

Verse 14 — Surah Al-Ahqaf 46:14

Kuwan waa ehlu Jannaha iyagoo ku waaraya dhexdeeda,_abaalgud ahaan waxa ay faleen darteed

Verse 15 — Surah Al-Ahqaf 46:15

Oo Waxaan ku waajibinnay Aadmiga inuu u samo falo waalidkiis. Hooyadiis waxay ku sidday uurka iyadoo ku dhibtootay oo dhashay iyadoo ku dhibtootay; oo (uur ku) sidkiisu iyo ka goynta (naas nuujintiisu) waa soddon bilood, jeer marka uu tabar galo oo afartan jirsado yidhaahdo: Rabbiyow! I solansii inaan ka mahad naqo Nicmaddaada aad iigu nicmeysay aniga iyo labadayda waalid, iyo inaan falo camal san oo aad ka raalli tahay; oo ii hagaaji durriyadayda, hubaal Adigaan kuu soo laabtaa, oo hubaal waxaan anigu ka mid ahay inta kuu hoggaansan

Verse 16 — Surah Al-Ahqaf 46:16

Kuwan weeye kuwa aan iyagu ka aqbalno waxa u fiican oo ka mid ah waxa ay faleen oo aan ka dhaafno camalladooda xun, ka mid ah ehlu Jannaha,_ ballan qaad run ah oo loo ballan qaaday

Verse 17 — Surah Al-Ahqaf 46:17

Kan se ku yidhaahda waalidkiis: Uf baad tihiin. Ma waxaad iigu gooddisaan in la i soo saari doono iyagoo dhab ahaan ay facyo tageen hortay? Oo waxay iyagu labaduba gargaar weydiistaan Allaah (iyagoo ku leh): Magacaa bi'i waaye! Rumee! Xaqiiq, Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq. wuxuuse yidhaahdaa: Kanu ma aha waxna aan aheyn sheekooyinkii kuwii hore

Verse 18 — Surah Al-Ahqaf 46:18

Kuwanu waa kuwa uu kula waajibay Qawlka (Cadaabka) ummado tegay hortood oo jin iyo inisiba leh. Hubaal! Waa iyaga khasaaro qabayaal

Verse 19 — Surah Al-Ahqaf 46:19

Oo dhammaantood waxay leeyihiin derejooyin waafaqsan waxa ay faleen, iyo si uu ugu oofiyo si dhan camalladooda iyagoo aan lagu gardarroon doonin

Verse 20 — Surah Al-Ahqaf 46:20

Oo Maalinta marka kuwa xaqa diida loo soo bandhigi doona Naarta: Waxaad wanaaggiinnii ku soo dhammeysateen noloshii adduunka dhexdeeda oo ku raaxaysateen in muddo ah, marka maanta waxaa la idinku abaal marin cadaab silic badan, wixii aad isku weyneyn jirteen arlada gudaheeda xaq darro, iyo caasiyoobiddiinna darteed

Verse 21 — Surah Al-Ahqaf 46:21

Oo xus Caad walaalkood9, marka uu ugu digey qolodiisii Al-Axqaaf (Buur ciideedda) oo dhab ahaan digayaal baa la soo diray hortiis isaga iyo gadaashiiba (isagoo leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah; hubaal waxaan anigu idiinka cabsi qabaa Cadaab Maalin aad u murugo Weyn

Verse 22 — Surah Al-Ahqaf 46:22

Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso ilaahyadayada? Ee bal soo daa waxa aad noogu gooddiso, haddii aad ka mid tahay run sheegyada

Verse 23 — Surah Al-Ahqaf 46:23

Wuxuu yidhi: Cilmigu waa uun Xagga Allaah, oo waxaan idin soo gaarsiiyaa fartiinta la ila soo diray, Laakiinse waxaan arkaa inaad tihiin qolo aan garasho lahayn

Verse 24 — Surah Al-Ahqaf 46:24

Saa markay arkeen isagoo sidii daruur hogal ah ka muuqda samada ku soo aaddan togaggooda, waxay yidhaahdeen: waa daruur roob noo keeni doonta. Ma jirto’ee waa wixii aad doonteen in la soo dedejiyo10. Waa dabeyl aad u xoog weyn ay ku jirto cadaab xanuun badan

Verse 25 — Surah Al-Ahqaf 46:25

Oo ku baabbi’ineysa wax walba Amarka Rabbigeed; markaas bay waxay noqdeen kuwo aan la arkeyn guryahoodii ma’ahee. Sidaas oo kale baan u jaazeynaa qoloda Dambiilayaasha ah

Verse 26 — Surah Al-Ahqaf 46:26

Oo dhab ahaan Waxaan u suurta gelinnay wax aanaan idiin suurta galin, oo waxaan u yeellay dhego iyo indho iyo laabo, waxbase uma tarin dhegahoodii, iyo indhahoodii iyo laabahoodii waayo waxay diideen Aayadaha Ilaahay, oo waxa ay ku jees-jeeseen baa ku dhacay oo koobay

Verse 27 — Surah Al-Ahqaf 46:27

Oo dhab ahaan Waxaan horay u hallignay wixii hareerihiinna ahaa ee magaalooyin, oo waxaan ugu celcelinnay Aayadaha (digniinaha) bal inay (ka) soo noqdaan (gaalnimada iyo dambiyada)

Verse 28 — Surah Al-Ahqaf 46:28

Ee maxay haddaba ugu soo gargaari waayeen kuwii ay ka dhigteen ilaahyo11 ay barbar dhigaan Allaah si ay ugu soo dhoweeyaan Isaga? Mayee’ way ka dhumeen iyagii, oo kaasi waa beentoodii iyo waxa ay been abuuran jireen

Verse 29 — Surah Al-Ahqaf 46:29

Oo waa tii aan u soo weecinnay xaggaaga koox jin ah oo dhegaystay Qur’aanka, ee markay yimaadeen halkaasi, waxay yidhaahdeen: Aamusa. markaasaa markii la dhammeeyey waxay dib ugu laabteen tolkoodii iyagoo u digaya

Verse 30 — Surah Al-Ahqaf 46:30

Waxay yidhaahdeen: Tolkayagow! Waxaan maqallay Kitaab la soo dejiyey Muuse kaddib, oo xaqiijinaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Ilaahay ah), oo wax ku hanuuninaya Xaqa iyo Jid Toosan

Verse 31 — Surah Al-Ahqaf 46:31

Tolkanagow! Raaca daaciga Ilaahay12 oo aamina, Wuxuu (Alle) idiin dhaafi den- biyadiinna, oo idinka badbaadin cadaab xanuun badan

Verse 32 — Surah Al-Ahqaf 46:32

Oo mid kastoo aan raacin daaciga Ilaahay, kuma baxsan doono dhulka, oo ma jiro wax u gargaari doona (Allaah) sokadi. Kuwani waxay ku sugan yihiin habow cad

Verse 33 — Surah Al-Ahqaf 46:33

Ma waysan u fiirsan in Allaah ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo aan ku daalin abuuristooda uu awoodo inuu nooleeyo meytida? Haayoo, hubaal waa Kan wax walba Kara

Verse 34 — Surah Al-Ahqaf 46:34

Oo Maalinta loo soo bandhigi doono kuwa xaqa diida Naarta (waxaa lagu odhan): Waxakani sow ma aha Xaq? Waxay odhan: Haah Waa nagu Rabbigeene. Wuxuu odhan: Haddaba dhadhamiya Cadaabta, gaalnimadiinnii darteed

Verse 35 — Surah Al-Ahqaf 46:35

Ee samir yeelo sidii ay Rushushii sugnaanta iyo go’aanka adag lahaa u samir yeesheen13, oo ha doondoonin in loo soo dedejiyo iyaga (cadaabkooda). Maalinta ay arki waxa loo yaboohay waxay ahaan sida ayan (ku) negaan (adduunka) waxaan ahayn saacad ka mid ah maalin; waa gaarsiin cad ee ma waxaa la rogaa waxaan aheyn dadka caasiyiinta ah