Back to Languages

Somali - Chapter 47 - Muhammad

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Muhammad 47:1

(Ma xagga) Kuwa xaqa diida oo ka weecda Jidka Ilaahay. Wuxuu ka dhigi acmaashooda waxaan raad lahayn

Verse 2 — Surah Muhammad 47:2

Oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo fala samaha, oo rumeysan waxa lagu soo dejiyey Muxammad oo ah Xaq ka yimid Rabbigood, wuu ka tiritiri xumahay faleen, oo hagaajin xaalkooda

Verse 3 — Surah Muhammad 47:3

Sidaas waxaa ugu wacan kuwaa xaqa diida waxay raacaan been aan jirin, halka kuwa rumeysan ay raacaan Xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaas buu Allaah ugu soo tusaale qaadaa dadka

Verse 4 — Surah Muhammad 47:4

Ee marka aad kula kulantaan dagaal kuwaa gaalada (ee duullaanka) ah ka garaaca luqumaha; jeer markaa aad ka adkaataan, markaa (qabta oo) ku adkeeya xarigga maxaabiis ahaan, oo intaa kaddib iska sii daaya axsaan fala5 ahaan ama ha is furtaan jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabadda la doorto). Waa sidaase, oo haddii Allaah doono, Isaga Naf ahantiisa baa hubaal ka cad goosan lahaa, laakiinse waa si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale6 Oo (ma xagga) kuwa lagu dilaa Jidka Ilaahay Marnaba ma lumin doono camalladooda

Verse 5 — Surah Muhammad 47:5

Waa uu hanuunin doonaa oo hagaajin xaalkooda

Verse 6 — Surah Muhammad 47:6

Oo ka yeeli inay galaan janno uu uga yeelay wax ay yaqaanaan

Verse 7 — Surah Muhammad 47:7

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Haddii aad u gargaartaan (arrinka) Ilaahay, Wuu idiin gargaari oo idiin sugi cagahiinna

Verse 8 — Surah Muhammad 47:8

Oo (ma xagga) kuwa xaqa diida, mudankood waa balo iyo baabba’a, oo Wuxuu ka yeeli camalladooda wax ba’ay

Verse 9 — Surah Muhammad 47:9

Waxaa sidaas ugu wacan waxay naceen waxa uu Allaah soo dejiyey, markaasuu ka yeelay acmaashooda waxaan waxba ka jirin

Verse 10 — Surah Muhammad 47:10

Ma waysan ku socdaalin arlada oo fiirin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Allaah baa ku keenay baabba7’ dhan oo gaaladu waxay la kulmi doonaan isla aayahaas oo kale

Verse 11 — Surah Muhammad 47:11

Sidaas waxaa ku wacan Allaah waa gargaaraha kuwa rumeysan, oo maxaa yeelay gaaladu uma sugnaan wax gargaare ah

Verse 12 — Surah Muhammad 47:12

Hubaal Allaah wuxuu ka yeeli kuwa rumeysan oo fala samaha inay galaan beero ay hoos qul-qulaan wabiyo, oo kuwa gaalada ahi way iska raaxeystaan oo wax u cunaan sida xoolahu wax u cunaan, oo Naartu waa hoygooda

Verse 13 — Surah Muhammad 47:13

Oo badanaa inta magaalo ka xoog ba- dan magaaladaada ku soo saartay, aan ha- laagnay,marka ma jirin wax u soo gargaara

Verse 14 — Surah Muhammad 47:14

Ma mid xujo cad ka haysta Rabbigi, baa la mid ah ku camalkiisa xun loo qurxiyey, oo raaca hawadooda

Verse 15 — Surah Muhammad 47:15

Tilmaanta Jannada loo ballan qaaday kuwa ka dhowrsada (xumaha) waa mid gudaheeda ay yihiin webiyo biyo ah oo aan isbeddelin8, iyo webiyo caano ah oo uusan dhadhankoodu marnaba doorsoomin, iyo webiyaal khamro ah oo u macaan kuwa cabba, iyo webiyaal malab ah la saafi yeelay; oo waxay ku leeyihiin gudaheeda midho nooc kasta iyo astur xagga Rabbigood, (kuwani) ma la mid baa kuwaa ku waaraya Naarta, oo laga waraabin biyo karaya markaas googaysa xiidmahooda

Verse 16 — Surah Muhammad 47:16

Oo waxaa jira kuwaa ka midka ah iyaga ee ku dhegaysta, jeer marka ay ka baxaan agtaada, waxay ku yidhaahdaan kuwaa la siiyey cilmiga9: Maxay ahayd waxa uu sheegayey goor dhoweyd? Kuwan waa kuwa Allaah daboolay quluubtooda, oo waxay raacaan waxa liita ay nafahoodu rabaan

Verse 17 — Surah Muhammad 47:17

Oo (ma xagga) Kuwa hanuunsan, wuxuu u kordhiyaa hanuun, oo uu ku galladeystaa khayr uu waafajiyo iyo shar uu ka fogeeyo

Verse 18 — Surah Muhammad 47:18

Ee ma waxay haddaba sugaan waxaan ahayn Saacadda inay ugu timaaddo kedo? Haatan dhab ahaan calaamooyinkeedii baa durbaba yimid, ee sidee bayse u waantoobi, markay saacaddu ku dul dhacdo

Verse 19 — Surah Muhammad 47:19

Ee aqoon san u lahow inuusan jirin Ilaah aan aheyn Allaah, oo u weydiiso astur damigaaga iyo (dambiga) mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Oo Allaah wuu Ogsoon yahay socsocodkiinna iyo negaantiinnaba

Verse 20 — Surah Muhammad 47:20

Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waxay yidhaahdaan: Maxaa Suurad loo soo dejin waayey? Markase la soo dejiyo Suurad cad yahay amarkeedu oo dagaal gal lagu xuso10, waxaad aragtaa kuwa uu qalbigoodu ku jiro cudur (nifaaq) oo kugu soo fiiriya fiiro ruux sakaraatul mowd hayo oo kale. Ee belo ha ku dhacdo haddaba

Verse 21 — Surah Muhammad 47:21

Daacadnimo iyo horaarsan (baa la gudbooneyd). Markase arrinka la go’aamiyo markaa haddii ay ku sugnaadaan u run sheegidda Allaah baa hubaal u khayr roonaan lahayd

Verse 22 — Surah Muhammad 47:22

Mase haddii aad qabataan11 xil, malaha waxaad fasahaadin lahaydeen arlada, oo aad goyn lahaydeen xidhiidhka qaraabadiinna

Verse 23 — Surah Muhammad 47:23

Kuwaasi weeye kuwa uu Allaah nacladay, markaasuu ka yeelay dhego la’aan oo cameeyey indhahooda

Verse 24 — Surah Muhammad 47:24

Ee mawaysan haddaba u dhug yeelan Qur’aanka mise qufulaa ku xidhan quluubtooda

Verse 25 — Surah Muhammad 47:25

Hubaal, (ma xagga) kuwa jeediya dhabarradooda kaddib marka hanuunka u caddaaday, shaydaan baa uga yeela arrin sahlan , oo rajo geliya

Verse 26 — Surah Muhammad 47:26

Sidaasi waxaa ugu wacan waxay ku yidhaahdaan kuwa naca waxa Allaah soo waxyooday12: Waxaynu idinku adeeci doonnaa qaar ka mid ah arrinka; Oo Allaah wuu Ogsoon yahay sirahooda

Verse 27 — Surah Muhammad 47:27

Sidee bayse ahaan, marka ay malaa’ig- tu qaadayso nafahooda iyagoo garaacaya wejiyadooda iyo dhabarradooda

Verse 28 — Surah Muhammad 47:28

Sidaasi waxaa ugu wacan waxay raacaan waxa Allaah ka cadheysiiya, oo nacaan waxa raalli geliya. Markaasuu buriyey acmaashooda

Verse 29 — Surah Muhammad 47:29

Mise ma waxay kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur moodaan inuusan Allaah soo saari doonin xumaanta laabaha kaga jira

Verse 30 — Surah Muhammad 47:30

Oo haddii aan doonno, waan ku tusi laheyn iyaga, oo waxaad hubaal ku garan lahayd astaamahooda; oo hubaal waxaad ku garan kartaa hadalkooda leexsan. Oo Allaah wuu Og yahay camalladiinna

Verse 31 — Surah Muhammad 47:31

Oo hubaal waanu idin imtixaani jeer aan muujinno kuwa idinka mid ah ee aad ugu dadaala(Arrinka Ilaahay) iyo samrayaa- sha, oo waanu muujin arrimahiinna

Verse 32 — Surah Muhammad 47:32

Hubaal kuwa gaalooba oo ka weecda jidka Ilaahay oo khilaafa Rasuulka, kaddib marka uu u caddaaday hanuunka, waxna ma yeeli karaan Allaah, wuuna burin doonaa acmaashooda

Verse 33 — Surah Muhammad 47:33

Kuwiinna idinku rumeysanow! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka oo ha burinnina acmaashiinna

Verse 34 — Surah Muhammad 47:34

Hubaal kuwa gaalooba oo ka weecda Jidka Ilaahay kaddibna dhinta iyagoo gaalo ah, Allaah sinnaba uguma dambi dhaafo

Verse 35 — Surah Muhammad 47:35

Ee ha tabar darraanina, si aad markaas heshiis u dalabtaan, oo idinkaa iska leh gacanta sare, oo Allaah baa idin la jira, oo marnabana ma nusqaamin doono acmaashiinna

Verse 36 — Surah Muhammad 47:36

Nolosha adduunkan wax kale ma’ahee waa ciyaar iyo madaddaalo, oo haddii aad (Xaqa) rumeysaan, oo aad iska jirtaan (xumaha), Wuxuu idin siin abaalkiinna, oo idinma weydiisan doono maalkiinna

Verse 37 — Surah Muhammad 47:37

Haddii uu idin weydiisan lahaa oo idinku adkeeyo waa bakhayli laheydeen lexejecli darteed, oo wuxuu debedda u soo saari lahaa xumahiinna

Verse 38 — Surah Muhammad 47:38

Eega! Waa idinka kuwa loogu yeedho inaad wax ku bixisaan Arrinka Ilaahay, waxaase idinku jira kuwo ah bakhayllo, oo mid kastoo bakhayl ah wuxuu uun ka bakhaylayaa naftiisa. Oo Allaah waa Iskufilan Deeqtoon, oo idinkaa ah sabool u baahan (Isaga). Oo haddii aad jeesataan Wuxuu keeni halkiinna qolo kale, markaas ma noqon doonaan kuwo idinkoo kale ah