Back to Languages

Somali - Chapter 5 - Al-Maidah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Maidah 5:1

Mu’miniintoy! Oofiya ballamaha1 aad gashaan. Waxaa la idiin xalaaleeyey xoolaha nicmooleyda ah marka laga reebo waxa la idiinku yeedhin doono (halkan), idinkoo aan banneysaneyn xurmadda ugaarsiga marka aad xidhataan (Xajka ama Cumrada). hubaal, Allaah wuxuu xukumaa wuxuu doono

Verse 2 — Surah Al-Maidah 5:2

Mu’miniintoy! Ha banneysannina xurmadda calaamooyinka uu dhigay Allaah iyo bisha xurmadda leh midna, hana ( fara gelina) hadyiga, iyo xoolaha la luqan xidhay (ee qurbaanka ah) iyo dadka u socda Baydka Xurmadda leh (Kacbada), iyagoo doonaya Fadliga Rabbigood iyo Raalli gelintiisa. Oo markaad bogtaan howlaha (Xajka ama Cumrada), markaa ugaarsada (haddaad doontaan), oo yeysan naceybka dad idinka hor istaagay Masjidka xurmadda gaarka ahi leh idinku xambaarin inaad xad gudubtaan. Oo isugu kaalmeeya samaha iyo ka dhowrsiga (xumaha), oo ha isu kaalmeynina dambiga iyo duullaanka (gardarrada ah). Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Alle ciqaabtiisu way Daran tahay

Verse 3 — Surah Al-Maidah 5:3

Waxa la idinka xaaraameeyay waa waxaa (xoolahaa) u dhinta iskood (gowrac la’aan), iyo dhiig, iyo hilib doofaar, iyo waxa lagu xuso magac kale aan ahayn Allaah, iyo xoolaha lagu dilo ceego, iyo tan u dhimata jug, iyo tan u dhimata meel ka soo dhac, iyo tan u dhimata hirdin_ iyo waxa uu cuno dugaag2 _ waxa aad (awood u yeelataan inaad) gowracdaan mooyee (dhimashadooda ka hor), iyo waxa lagu hadiyeeyo (gowraco) sanammada korkooda, (waxaa kaloo reebban) inaad wax ku qaybsataan faal iyo qori tuur, kaasi waa fisiq. Maalintan bay gaaladu ka quusteen diintiinna, ee ha ka baqina, ee Aniga Keliya iga baqa. Maalintan3 baan idiin dhammeystiray diintiinna, oo idin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiinka raalli noqday Islaamka diin iyo hab dhaqan ahaan. Qofkii se ay ku dirqido gaajo daran (inuu cuno hilbahaa aan bannaaneyn), isagoo aan u dan laheyn u iilasho dambi, markaa hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan

Verse 4 — Surah Al-Maidah 5:4

Waxay ku weydiiyaan waxa loo xalaaleeyey. Dheh: Waxaa la idiin xalaaleeyey waxyaalaha wanaagsan iyo waxaad barteen dugaagga iyo shimbiraha wax dhaawaca idinkoo u laylinaya ugaarsiga – aad bartaan waxa uu idin baray Ilaahay -; ee cuna waxa ay idiin soo qabtaan, oo ku xusa Magaca Ilaahay korkooda, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah waa ku Dhakhsi Badan yahay xisaabta

Verse 5 — Surah Al-Maidah 5:5

Maalintan (dhammaan) waxyaalaha wanaagsan waa la idiin xalaaleeyey; oo cuntada kuwa la siiyey Kitaabka waa idiin xalaal, oo cuntadiinnu waa u xalaal iyaga. (oo waa idiin xalaal) dhowrsanooyinka ka mid ah mu’minaadka iyo dhowrsanooyinka ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiiin, markaad siisaan meherradooda idinkoo ku qaadanaya (guur) aan gaabsi ka dooneyn oo aan ka yeelanayn saaxiibbooyin qarsoodi ah. Oo qofkii beeniya Iimaanka, waxaa xaqiiq bura camalkiisa, oo Aakhirada wuxuu ka mid ahaan doonaa kuwa ku sugan khasaaraha

Verse 6 — Surah Al-Maidah 5:6

Mu’miniintoy! Markaad u kacdaan salaadda meyra wajiyaddiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, oo masaxa madaxyadiinna (oo meyra) lugahiinna ilaa canqawyada. Oo haddaad qasli qabtaan, markaa meyrta oo haddaad bugtaan ama safar tihiin ama midkiin ka yimaado kortag ama aad taabateen haweenka oo aydaan heli karin biyo, doonta carro daahir ah oo ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Ma rabo Allaah inuu idin kor dhigo wax dhib ah, laakiinse wuxuu rabaa inuu idin daahiriyo, iyo inuu idiin dhammeystiro Nicmaddiisa dushiinna; si aad u mahad naqdaan

Verse 7 — Surah Al-Maidah 5:7

Oo xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna iyo axdigiisa uu idiin ku guntay si adag, markaad tidhaahdeen: Waanu maqallay oo waanu adeecaynaa, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

Verse 8 — Surah Al-Maidah 5:8

Mu’miniintoy! Ahaada kuwo toosan oo u taagan Ilaahay Darti, markhaatiyo caadil ah oo yeysan naceybka dad kale idinku xambaarin inaydaan caddaalad sameyn. Caddaalad sameeya: sidaas baa u dhow dhowrsanaanta, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

Verse 9 — Surah Al-Maidah 5:9

Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwa rumeysan oo samaha fala, inay mudan doonaan dambi dhaaf iyo Ajar aad u weyn

Verse 10 — Surah Al-Maidah 5:10

(ma xagga) kuwase Xaqa diida oo beeniya Aayadahayaga, waa kuwan ehlu Naarka

Verse 11 — Surah Al-Maidah 5:11

Mu’miiniintoy! Xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna, waa tii ay qolo goosteen inay idiin soo fidshaan gacmahooda xaggiinna, wuuse idinka qabtay gacmahooda oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. oo Allaah ha isku hal- leeyaan mu’miniintu

Verse 12 — Surah Al-Maidah 5:12

Oo xaqiiq Allaah wuxuu la galay axdi Ilmahii Israa'iil, oo waxaan ka soo saarnay dhexdooda labo iyo toban oday. Oo wuxuu Alle yidhi: Hubaal Anigu waa idin la jiraa: haddaad hagaajisaan salaadda, oo bixisaan Zakada oo aad rumeysaan Rusushayda; oo u gargaartaan, oo amaahsataan Allaah amaah wanaagsan. Waxaan hubaal idiin asturi doonaaa xumaatooyinkiina oo waxaan hubaal idin gelin doonaa Beero ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Qofkii se rumeysan diida intaas kaddib oo idinka mid ah, wuxuu xaqiiq ka lumaa Jidka Toosan

Verse 13 — Surah Al-Maidah 5:13

Hase yeeshee ka bixiddooda axdigoodii awgii waan nacladnay, oo aan ka dhignay quluubtooda adeyg; waxay ka duween ereyada (sharciga) meelahoodii, oo waxay dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah; oo waxaad ka arki doontaa mar walba khiyaano ku jirta xaggooda in yar oo ka mid ah maahee. ee iska cafi, oo iskaga jeeso. hubaal, Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha

Verse 14 — Surah Al-Maidah 5:14

Oo kuwa yidhaahda waxaanu nahay Nasaaro, Waxaan la galnay axdi, wayse dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah. Markaas baan ku tallaalnay cadaawad iyo isnac dhexdooda ah ilaa Maalinta Qiyaamaha, oo wuxuu Allaah u sheegi doonaa waxa ay samayeen

Verse 15 — Surah Al-Maidah 5:15

Ehlu Kitaabkow! Xaqiiq waxaa idiin yimid Rasuulkayaga (Nabi Muxammad) oo idiin caddeynaya wax badan oo ka mid ah waxa aad qariseen ee Kitaabka ka midka ah, oo iska dul maraya in badan. Xaqiiq waxaa haatan idiinka yimid xagga Ilaahay nuur iyo Kitaab caddaan ah

Verse 16 — Surah Al-Maidah 5:16

Oo uu Allaah kula hanuuniyo kan raaca Raalli ahaanshahiisa jidadka nabadda, oo kaga saaro mugdiyada xagga Nuurka Idankii, oo ku hanuunsha Jidka Toosan

Verse 17 — Surah Al-Maidah 5:17

Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Hubaal Allaah waa Masiixa ina Maryam. Dheh: Yaa haddaba wax ka tari kara Allaah hadduu doono inuu halaago Masiixa ina Maryam iyo hooyadi, iyo waxa ku sugan arlada oo dhan? oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba, Wuxuu abuuraa waxa uu doono. Oo Allaah wax walba wuu Karaa

Verse 18 — Surah Al-Maidah 5:18

Oo Yuhuudda iyo Nasaaradu waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay ilmahii Ilaahay iyo kuwa uu jecel yahay. Dheh: Muxuu haddaba idiinku cadaabaa dambiyadiinna awgeed?. Mayee, waxaad tihiin Aadmi ka mid ah waxa uu abuuray. Wuxuu u dambi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba, oo waa Xaggiisa meel noqodka dambe

Verse 19 — Surah Al-Maidah 5:19

Ehlu-Kitaabkow! Xaqiiq Rasuulkayaga baa idiin yimid isagoo idiin caddeynaya (Xaqa) hakasho kaddib (soo diristii) Rususha, si aydaan u odhan, Nooma imaan bishaareeye iyo dige midna. Ee xaqiiq waxaa haatan idiin yimid bishaareeye iyo digeba. Oo Allaah wax walba wuu Karaa

Verse 20 — Surah Al-Maidah 5:20

Oo waa tii uu Muuse ku yidhi dadkiisii: Dadkaygiiyow! Xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna, waa tii uu idinka soo dhex saaray Nabiyo dhexdiinna, oo idinka dhigay boqorro, oo idin siiyey waxaan la siin cid ka mid ah caalamka (waqtigiinnii)

Verse 21 — Surah Al-Maidah 5:21

Dadkaygiiyow! Gala arladaan daahirka ah ee Allaah idiin qoray, oo ha jeedinnina dhabarradiinna idinkoo dib u noqonaya, waayo markaas waxaad soo laaban idinkoo ku sugan khasaaro dhan

Verse 22 — Surah Al-Maidah 5:22

Waxay yidhaahdeen: Muusow! Hubaal waxaa jooga qolo xoog badan, oo ma gali doonno marnaba jeer ay ka baxaan; ee hadday ka baxaan markaas baanu hubaal gali doonnaa

Verse 23 — Surah Al-Maidah 5:23

Labo nin (Yuushac bin Nuun iyo Kaalib bin Yoofinaa) oo ka mid ah kuwa (Alle ka) cabsada oo uu Allaah u nicmeeyey waxay yidhaahdeen: Uga gala (cadowga) albaabka, oo markaad gashaanba idinkaa hubaal lib heli doona, oo Allaah isku halleeya, haddaad tihiin mu’miniin

Verse 24 — Surah Al-Maidah 5:24

Waxay yidhaahdeen: Muusow! Marnaba ma gali doonno weligayo inta ay ku jiraan. Ee taga adiga iyo Rabbigaa oo dagaal gala labadiinnu, hubaal innagu halkan baan iska fadhiisan doonnaa

Verse 25 — Surah Al-Maidah 5:25

(Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal Anigu ma hanto waxaan ahayn nafteyda iyo walaalkay (Haaruun), ee na kala saar innaga iyo dadka caasiyiinta ah

Verse 26 — Surah Al-Maidah 5:26

Wuxuu yidhi: Haddaba iyadu (dhulkan daahirka ah) hubaal waxay ka xaaraansan tahay iyaga afartan sannadood, ay ku jaha wareeri doonaan dhulka. Ee ha u murugoon dadka caasiyiinta ah

Verse 27 — Surah Al-Maidah 5:27

Oo uga warran qisada labadii wiil ee Aadam oo xaq ah; Waa tii ay labaduba bixiyeen qurbaan ee laga aqbalay midkood (Haabiil, oo ahaa xoolaley isagoo la baxay xoolihiisii inta u fiican), oo aan laga aqbalin kii kale ( Qaabiil, oo ahaa beeralay isagoo la baxay zaracisii inta u xun). (Qaabiil) wuxuu (ku) yidhi (Haabiil): hubaal wallee Waan ku dilayaa. (Haabiil) wuxuu yidhi: Sideedaba wuxuu Allaah wax ka aqbalaa kuwa dhowrsoon ee u hoggaansan

Verse 28 — Surah Al-Maidah 5:28

Haddaad iigu soo fidiso gacantaada xaggeyga inaad I disho, Anigu kuugu soo fidin maayo gacantayda xaggaaga inaan ku dilo, hubaal waxaan anigu ka cabsadaa Allaah, Rabbiga caalamka

Verse 29 — Surah Al-Maidah 5:29

Hubaal anigu waxaan rabaa inaad la gaddoonto dambiga aad iga gasho iyo dambigaagaba, markaas waxaad ka mid noqon doontaa ehlu Naarka, oo tani waa abaalka gar ma qaatayaasha

Verse 30 — Surah Al-Maidah 5:30

Markaas bay u sahashay naftiisii dilka walaalki; oo uu dilay4, oo wuxuu ka mid noqday kuwa ku jira khasaaraha cad

Verse 31 — Surah Al-Maidah 5:31

Markaasuu Allaah soo diray tuke fagaya dhulka si uu u tuso sidii uu u aasi lahaa maydka walaalki. Wuxuu yidhi: Hoogaye! Miyaan kari waayey inaan noqdo tukahaan oo kale oo aaso maydka walaalkay? Oo wuxuu ka mid noqday kuwa qoomammeeya

Verse 32 — Surah Al-Maidah 5:32

Sidaas darteed baan ugu waajibinnay Ilmahii Israa’iil in qofkii dila naf aan ( loo dileyn) naf (ay disahay) ama fasaadin arlada darteed_waa sida isagoo dilay dadka oo dhan. Oo qofkii nooleeya naf waa sida qof nooleeyey dadka oo dhan5. Oo xaqiiq Rusushayadii waxay ula yimaadeen xujooyin cad, haddana iyadoo taasi jirto bay taas ka dambow in badan oo iyaga ka mid ah xaqiiq ku falaan xadgudub arlada

Verse 33 — Surah Al-Maidah 5:33

Ciqaabka kuwa la dagaallama Allaah iyo Rasuulkiisa6 ee ku dadaala inay ku falaan fasahaad arlada wax kale maahee waa uun in la dilo ama la daldalo ama loo gooyo gacmahooda iyo addimahooda is dhaaf7, ama la xabbiso. Tani waa dulli ku raaca adduunkan, oo Aakhirada waxay ku mudan doonaan Cadaab aad u Weyn

Verse 34 — Surah Al-Maidah 5:34

Marka laga reebo kuwa toobad keena inta aydaan qaban ka hor, marka ogaada inuu Allaah yahay Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 35 — Surah Al-Maidah 5:35

Mu’miniintoy! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo u doonta xaggiisa dhowaansho, oo u halgama Jidkiisa Aad liibaantaane

Verse 36 — Surah Al-Maidah 5:36

Hubaal, (ma xagga) kuwa xaqa diida xitaa hadday lahaan lahaayeen waxa jira arlada oo dhan iyo wax sidaa oo kale u badan oo wehliya si ay isaga furtaan cadaabta Maalinta Qiyaamaha lagama aqbali doono, oo waxay mudan doonaan Cadaab aad u xanuun Badan

Verse 37 — Surah Al-Maidah 5:37

Waxay dooni inay ka soo baxaan Naarta, marnabase kama soo bixi doonaan halkaa, oo waxay mudan doonaan cadaab ma guuraan ah

Verse 38 — Surah Al-Maidah 5:38

Oo (ma xagga) tuugga iyo tuugadda gooya gacmahooda, ciqaab ahaan waxay galabsadeen awgii, waa ciqaab eed siin ah xagga Ilaahay. oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

Verse 39 — Surah Al-Maidah 5:39

Qofkii se toobad keena kaddib markuu gef galay ee hagaajiya (naftiisa), markaa hubaal, Allaah wuu u soo laaban doonaa (si naxariis leh). Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 40 — Surah Al-Maidah 5:40

Miyaadan ogeyn in Allaah leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Wuxuu cadaabaa qofkuu doono oo uu u dambi dhaafaa qofkuu doono.Oo Allaah wax walba wuu Karaa

Verse 41 — Surah Al-Maidah 5:41

Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah kuwa ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeysannahay, quluubtooduse aanay rumeysneyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa ah Yuhuudda, waa aad u dhageystayaal beenta_ dhageysanya dad kale aan kuu imaan8. Waxay ka duwaan ereyada meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan (xukunka ay rabaan), qaata, haddiise aan la idin siinin kan, markaa digtoonaada. oo ma xagga midka uu Allaah doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Ilaahay, kuwaasi weeye kuwa uusan Allaah doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay ku mudan doonaan adduunyada dulli, oo waxay ku mudan doonaan Aakhirada Cadaab aad u Weyn

Verse 42 — Surah Al-Maidah 5:42

Waa been dhageystayaal, xaaraan quutayaal. Sidaas awgeed hadday kuu yimaadaan, u kala garsoor ama iskaga jeeso, oo haddaad ka jeesato waxba kuma yeeli doonaan. Oo haddaad u garsoorto, ugu kala garsoor caddaalad dhexdooda. Hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa wax u garsoora si caddaalad ah

Verse 43 — Surah Al-Maidah 5:43

Oo sidee bay kaaga dhigtaan garsoor, oo waxay heystaan Towraadda oo uu ku yaal xukunkii Ilaahay (oo cad)?; haddana way ka jeestaan taasi ka ddib. Oo kuwani ma aha mu’miniin

Verse 44 — Surah Al-Maidah 5:44

Hubaal Waxaanu soo waxyoonnay Towraadda uu dhexdeeda ku sugnaa Hanuun iyo Nuur, oo ay Nabiyadii u hoggaansamay (Allaah) ugu kala garsooreen (arrimaha) kuwaasi ahaa Yuhuudda, sidaas bayna yeeleen Rabbi yaqaannadii iyo culumadii, kuwaasoo la saaray inay wax ka dhowraan Kitaabka Ilaahay, oo waxay ka ahaayeen markhaati. Haddaba ha ka baqina dadka ee iga baqa Aniga Keliya oo ha ku iibsannina Aayadahayga qiimo yar. Oo qofkii aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo dejiyey, kuwaasi weeye kuwa gaalada ah

Verse 45 — Surah Al-Maidah 5:45

Oo waxaanu u qornay: in Naf naf loo qaado9, ilna il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, Nabarradana waa in laysu dhaawac simo. Kiise sadaqeysta ( iska saamaxa oo ka tanaasula xaqiisa Ilaahay darti), waxaa loogu dhaafi dambigiisa. Oo qofkii aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah gar ma qaatayaasha

Verse 46 — Surah Al-Maidah 5:46

Oo waxaan raacsiinnay raadkoodii Ciise ina Maryam, oo xaqiijanaya wixii hortiisa ahaa ee Towraadda; oo Waxaanu siinnay Injiilka uu ku sugnaa Hanuun iyo Nuur oo xaqiijinaya wixii hortiis ahaa ee Towraadda, oo hanuun iyo waano u ah kuwa iska jira (xumaha)

Verse 47 — Surah Al-Maidah 5:47

Ee ehlu Injiilka wax ha ku xukumaan waxa Allaah ku soo waxyooday gudahiisa10. Oo qofkii se aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo waxyooday, kuwaas weeye kuwa caasiyiinta ah

Verse 48 — Surah Al-Maidah 5:48

Oo Waxaan kuu soo waxyoonnay Kitaabka oo Xaq ah isagoo xaqiijinaya wixii ka horreeyey oo Kitaab ah oo isla markaa markhaati iyo ilaaliye u ah. Ee ku kala xukun dhexdooda waxa uu Allaah soo waxyooday, oo ha raacin waxa (liita) ay nafahoodu rabaan adigoo ka leexanaya waxa kuu yimid oo Xaq ah. Mid walbaa oo idin ka mid ah, waxaan u yeellay xeer iyo dhabbo. Oo hadduu Allaah doono, wuxuu idin ka dhigi lahaa (dhammaantiin) ummad keliya, laakiinse waa si uu idiinku imtixaano waxa uu idin siiyey; ee u tartama samaha. Waa Xagga Allaah meel noqodkiinna dhammaantiin; markaasuu idiin sheegi doonaa waxaad isku khilaafteen

Verse 49 — Surah Al-Maidah 5:49

Oo waa inaad ku kala xukunto dhexdooda waxa uu Allaah soo waxyooday, oo ha raacin waxa (liita) ay nafahoodu rabaan, oo ka digtoonoow inay kaa jeediyaan qaar ka mid ah waxa uu Allaah kuu soo waxyooday. Haddiise ay jeesadaan, markaa ogow inuu Allaah rabo inuu ku ciqaabo dambiyadooda qaarkood. Oo hubaal, in badan oo dadka ka mid ahi waa caasiyaal

Verse 50 — Surah Al-Maidah 5:50

Oo ma xukunkii (waqtigii) jaahiliyadda baa waxa ay rabaan? Oo kumaa se uga xukun wanaagsan Allaah dad yaqiinsan

Verse 51 — Surah Al-Maidah 5:51

Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina Yuhuudda iyo Nasaarada xulufo, iyagaa qaarkoodba xulufo u ah qaarka kale, oo qofkii idinka mid ah ee ka dhigta xulufo, haddaba hubaal wuxuu ka mid yahay iyaga. Hubaal, Allaah ma hanuuniyo dadkaa ah gar ma qaatayaasha

Verse 52 — Surah Al-Maidah 5:52

Waxaadse arki doontaa kuwa uu quluubtooda ka jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) oo u degdegaya xaggooda, iyagoo leh: Waanu baqaynaa si ayan noogu dhicin dhibaato (socota). Waxaase laga yaabaa in Allaah keeno guul ama ciqaab Xaggiisa ah oo markaas waxay noqon doonaan kuwo waxa ay ku qarsanayeen nafahooda ka qoommameeya

Verse 53 — Surah Al-Maidah 5:53

Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waxay odhan doonaan: Ma kuwan baa kuwii ku dhaartay Allaah dhaarahooda tan ugu culus inay hubaal idinka idin la jireen? Acmaashooda way buri doonaan, marka waxay noqon doonaan kuwo ku sugan khasaara muuqata

Verse 54 — Surah Al-Maidah 5:54

Mu’miniintoy! Qofkii idinka mid ah ee ka noqda diintiisa, haddaba wuxuu Allaah keeni doonaa dad, uu jecel yahay, iyaguna jecel, u nugul mu’miniinta, ku ad-adag gaalada, u halgama Jidka Ilaahay, oo aan ka cabsan canaanta canaante. Kani waa Fadliga Ilaahay, Wuxuu siiyaa qofkuu doono. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon

Verse 55 — Surah Al-Maidah 5:55

Sideedaba Gacalkiinnu Waa Allaah, iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeysan, _ kuwa hagaajiya salaadda, oo bixiya Zakada iyagoo rukuucsan (u hoggaansan Alle)

Verse 56 — Surah Al-Maidah 5:56

Oo qofkii gacal ka dhigta Allaah iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeysan, haddaba hubaal xisbiga Ilaahay waa iyaga kuwa lib heli doona

Verse 57 — Surah Al-Maidah 5:57

Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina kuwa ka dhigta diintiinna jeesjees iyo ciyaar ee ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, iyo gaaladaba (mushrikiinta) xulufo; oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, haddaad tihiin mu’miniin

Verse 58 — Surah Al-Maidah 5:58

Oo markaad u addintaan salaadda, waxay ka dhigtaan jees jees iyo cayaar. Arrinkani waxaa ugu wacan waa dad aan waxba fahmin

Verse 59 — Surah Al-Maidah 5:59

Dheh: Ehlu-Kitaabkow! Ma waxaad nagu eedeysaan waxaan ahayn inaan rumeysannahay Allaah, iyo waxa naloo soo waxyooday iyo wixii la soo waxyooday awal hore, iyo inaad badankiin idinku tihiin caasiyaal

Verse 60 — Surah Al-Maidah 5:60

Dheh: Ma idiin sheegaa (waxa) ka meeqaan liita kani abaal marin ahaan xagga Allaah, (waxaa ka meeqaan liita) kan uu Allaah nacladay oo u cadhooday, oo uu ka dhigay daayeerro iyo doofaarro, iyo kan caabuday Shaydaanka; kuwan baa u liita meeqaan ahaan oo aad iyo aad uga lunsan Jidka Toosan

Verse 61 — Surah Al-Maidah 5:61

Oo markay idiin yimaadaan waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; iyagoo xaqiiq la soo gala iimaan darro, oo xaqiiq la baxa. Oo Allaah wuu ogsoon yahay waxa ay qarsadeen

Verse 62 — Surah Al-Maidah 5:62

Oo waxaad arki doontaa in badan oo ka mid ah oo kula tartamaya midkoodba kan kale u degdegidda dambiga iyo xad gudubka, iyo cunistooda waxa xaq darrada lagu kasbado.xumaa xaqiiq waxa ay falaan

Verse 63 — Surah Al-Maidah 5:63

Maxay uga reebi waayeen Rabbi yaqaannada iyo culimadu hadalkooda dambiga ah iyo cuniddooda waxa xaqdarrada lagu kasbado. Oo xumaa xaqiiq waxa ay sameeyaan

Verse 64 — Surah Al-Maidah 5:64

Oo Yuhuuddu waxay yidhaahdaan: Gacanta Ilaahay way xidhan tahay! Gacmahoodu baa la xidhi oo waxaa loo nacladaa waxa ay ku hadlaan dartii. Mayee, Labadiisa Gacmood way fidsan yihiin. Wuxuu wax u baxshaa sida uu doono. Oo hubaal waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa wuxuu u kordhiyaa kuwo badan oo ka mid ah xadgudub iyo gaalnimo. Oo Waxaan dhignay cadaawad iyo isnac dhexdooda ilaa Maalinta Qiyaamaha; Mar kasta oo ay huriyaan dab dagaal, Allaah baa damiya; oo waxay ku dadaalaan inay ku fidiyaan fasahaad arlada. Oo Allaah ma jecla kuwa fasahaad falayaasha ah

Verse 65 — Surah Al-Maidah 5:65

Oo hadday ehlu-Kitaabku rumeeyaan oo ay iska ilaaliyaan (xume) waxaan hubaal u asturi lahayn xumaatooyinkooda oo waxaan hubaal ka yeeli laheyn inay galaan beero barwaaqo ah

Verse 66 — Surah Al-Maidah 5:66

Oo hadday oogaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxaa looga soo waxyooday xagga Rabbigood (Qur’aanka), waxay hubaal ka cuni lahaayeen (risiq) korkooda iyo cagahooda hoostooda. Waxaa ka mid ah ummad qaadda jid dhexdhexaad ah, in badanse oo ka mid ah waxaa xun waxa ay falaan

Verse 67 — Surah Al-Maidah 5:67

Rasuulkow! Gaarsii waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa. Oo haddii aadan falin, haddaba ma aadan gaarsiin Risaaladiisa. Oo Allaah baa kaa ilaalin dadka. Hubaal, Allaah ma hanuuniyo dadka gaalada ah

Verse 68 — Surah Al-Maidah 5:68

Dheh: Ehlu-kitaabkow! Ma raacdaan waxba wax ku ool ah jeer aad oogtaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxa la idiinka soo waxyooday xagga Rabbigiin (Qur’aanka); oo hubaal waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa wuxuu ka yeeli in badan oo ka mid ah inay kororsadaan xadgudub iyo gaalnimo. Ee ha u murugoon dadkaa gaalada ah

Verse 69 — Surah Al-Maidah 5:69

Hubaal, Kuwa rumeysan, iyo kuwa heysta Yuhuudiyadda iyo Saabbi’iinta iyo Nasaarada, _ qofkii rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa, oo sama fala, ma qabi doonaan cabsi, mana murugoon doonaan

Verse 70 — Surah Al-Maidah 5:70

Xaqiiq Waxaan la galnay Axdi Ilmahii Israa’iil oo Waxaan u dirnay Rusul. Mar kasta uu ula yimaado Rasuul wax aanay nafahoodu dooneyn, qaar (ka mid ah) way beeniyeen, oo qaar way dileen

Verse 71 — Surah Al-Maidah 5:71

Oo waxay moodeen inaysan jireyn wax Fidna ah, markaasay noqdeen kuwo indha la’ oo dhega la’, haddana Allaah wuu u soo laabtay si naxariis leh, ha yeeshee in badan oo ka mid ahi waxay noqdeen kuwo indha la’ oo dhega la’. Oo Allaah wuu arkaa waxa ay falaan

Verse 72 — Surah Al-Maidah 5:72

Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Hubaal Allaah, waa Masiixa ina Maryam; oo Masiixa wuxuu yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Caabuda Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiin. Hubaal, qofkii wax la wadaajiya (cibaadada) Allaah, markaa wuxuu Allaah ka xaaraantinimeeyey Jannada, oo hoygiisu waa Naarta. Oo halkaa ma lahaan doonaan gar ma qaatayaasha wax u soo gargaara

Verse 73 — Surah Al-Maidah 5:73

Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Hubaal Allaah, waa saddexeenka seddexda. Mase jiro Ilaah aan ahayn Allaah Keliya. Oo hadday ka hari waayaan waxa ay leeyihiin, Cadaab xanuun badan baa ku dhici doona kuwa iyaga ka mid ah ee Xaqa diida

Verse 74 — Surah Al-Maidah 5:74

Mawaysan haddaba u soo laabaneyn Allaah oo weydiisanayn Dambi Dhaafkiisa? Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 75 — Surah Al-Maidah 5:75

Oo Masiixa ina Maryam, ma ahayn waxaan ahayn Rasuul; xaqiiq waxaa tagey hortiis Rusul badan. Oo hooyadi waxay ahayd run badan; waxay labaduba cuni jireen cuntada. Eeg sida aan ugu caddeyno Aayadaha, misna eeg sida loo iilo

Verse 76 — Surah Al-Maidah 5:76

Dheh: Ma waxaad caabuddaan Allaah ka sokow wax aan idiin hanan karin dhib iyo dheef midna? Oo Allaah waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

Verse 77 — Surah Al-Maidah 5:77

Dheh: Ehlu-Kitaabkow! Ha ku xad dhaafina camalkiinna xaq darro, oo ha raacina rabitaannada liita ee dad hore u habaabay, oo in badan habaabiyey, oo ka habaabay Jidka Toosan

Verse 78 — Surah Al-Maidah 5:78

Kuwii xaqa diiday ee ka midka ahaa Ilmahii Is’raaiil waxaa lagu nacladay carrabka Daawuud iyo Ciise ina Maryam. Waxaa arrinkani ugu wacnaa inay caasi-yeen darteed oo xadugudub sameyn jireen

Verse 79 — Surah Al-Maidah 5:79

Iskama ay reebi jirin waxyaalaha xun ee ay falaan. Oo xumaa xaqiiq waxaa ay faleen

Verse 80 — Surah Al-Maidah 5:80

Waxaad arki doontaa in badan oo ka mid ah oo ka dhiganaya xulufo gaalada. Xumaa xaqiiq waxa ay nafahooda u hormariyeen oo ah inuu Allaah u cadhooday, oo cadaabtay ku waari doonaan weligood

Verse 81 — Surah Al-Maidah 5:81

Oo hadday yihiin kuwo rumeysan Allaah, iyo Nabiga iyo waxa loo soo waxyooday, kama ay dhigteen xulufo, laa- kiinse in badan oo ka mid ah waa fallaago

Verse 82 — Surah Al-Maidah 5:82

Xaqiiq waxaad heli doontaa kuwa uga cadaawad qaad badan mu’miniinta inay yihiin Yuhuudda iyo kuwaa ah mushrikiinta, oo waxaad xaqiiq heli doontaa kuwa ugu gacalo dhow mu’miniinta inay yihiin kuwa yidhaahda: Waxaanu nahay Nasaaro. Waxaa arrinkani ugu wacan inay ka mid yihiin qaysas iyo ruhbaan, iyo inaysan iskibrin darteed

Verse 83 — Surah Al-Maidah 5:83

Oo markay maqlaan waxa loo soo waxyooday Rasuulka, waxaad arki doontaa indhahooda oo ay ka qubanayso ilmadu Xaqa ay garteen awgii. Waxay yidhaahdaan: Rabbiyow! Waanu rumeysannahaye; ee nagu qor la jirka kuwa ka marag kaca (Xaqa)

Verse 84 — Surah Al-Maidah 5:84

Oo Maxaan (sabab) u heysannaa inaan rumeyn Allaah iyo waxa noo yimid ee Xaqa ah, innagoo dhab u rabno inuu Rabbigeen na geliyo (Jannada) la jirka dadka wanaag- san (Nabi Muxammad iyo asxaabtiisa)

Verse 85 — Surah Al-Maidah 5:85

Markaas buu Allaah ku abaal mariyey waxa ay yidhaahdeen awgeed beero ay wabiyadu hoos qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya. Oo kani waa abaalka sama falayaasha

Verse 86 — Surah Al-Maidah 5:86

Kuwase rumeysan diida oo beeniya Aayadahayaga, kuwakani waa ehlu Naarka

Verse 87 — Surah Al-Maidah 5:87

Mu’miniintoy! Ha xarrimina Waxyaalaha wanaagsan uu Allaah idiin banneeyey, oo ha xad gudbina, Hubaal, Allaah ma jecla kuwa xadgudba

Verse 88 — Surah Al-Maidah 5:88

Oo cuna wax ka mid ah xalaasha wanaagsan uu Allaah idin siiyey, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, ee ah Kan aad rumeysan tihiin

Verse 89 — Surah Al-Maidah 5:89

Allaah idiin ma qabto waxa aydaan dan ka lahayn ee aad isaga dhaarataan (ujeeddo la’aan), laakiinse wuxuu idiin qaban (jabinta) dhaarahiinna aad si kas ah u gashaan. Haddaba kafaaragudkeedu waa quudin toban qof oo miskiin ah (aad siisaan) kan u fiican waxa aad ku quudisaan reerihiinna ama u arrad tirkooda, ama xoreyn addoon. Qofkiise aan heli karin waa inuu soomo seddex maalmood (oo xidhiidh ah). Kani waa kafaara gudka dhaarihiinna marka aad dhaarataan. Oo ilaashada dhaarihiinna. Sidaas buu Allaah idiinka dhigaa caddaan Aayadihiisa si aad u mahad naqdaan

Verse 90 — Surah Al-Maidah 5:90

Mu’miniintoy! Sideedaba Khamrada iyo qamaarka iyo (u wax u hibeynta) sanammada iyo faalku11 waa qurun camal shaydaan ah ee ka fogaada aad liibaataane

Verse 91 — Surah Al-Maidah 5:91

Shaydaan wuxuu uun rabaa inuu idinku dhex dhigo colaad iyo isnac khamrada iyo qamaarka, oo idinka jeediyo xusidda Ilaahay iyo salaadda, haddaba miyaadan iska deyn doonin

Verse 92 — Surah Al-Maidah 5:92

Oo adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka oo digtoonaada. Haddiise aad dhabarka jeedisaan, haddaba ogaada waxaa uun saaran Rasuulkayaga Gaarsiin Cad

Verse 93 — Surah Al-Maidah 5:93

Kuwa rumeysan oo samaha fala ma jiro wax eed ahi oo ku saaran waxa ay cunaan, markay xume iska jiraan oo gutaan (xilka saaran), oo rumeeyaan oo sama falaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo gutaan (xilka saaran) oo rumeeyaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo sama falaan. Oo Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha

Verse 94 — Surah Al-Maidah 5:94

Mu’miniintoy! Wuxuu Allaah hubaal idinku imtixaani doonaa wuxuun (la xidhiidha) ugaadha oo ay gaari karaan gacmihiinna iyo warmihiinnu, si uu Allaah u muujiyo kan ka cabsada isagoo aan cidi arkeyn. Qofkii se xadgudba intaa kaddib, wuxuu mudan doonaa cadaab xanuun badan

Verse 95 — Surah Al-Maidah 5:95

Mu’miniintoy! Ha dilina ugaadha12 idinkoo xidhan (Xaj ama Cumro), oo qofkii idinka mid ah oo u dila ula kac (ugaadh isagoo xidh7an Xaj ama Cumro), ganaaxiisu waa xoolo nicmooley ah oo u dhigma waxa uu dilay oo sida ay u xukumaan ah labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ahi hadyi la keenayo Kacbada, ama kafaara gud quudin dad masaakiin ah ama dhigankeed oo soon ah, si uu u dhadhamiyo culeyska (natiijada) falkiisa, Allaah wuu idinka cafiyey wixii tegay, oo qofkii u noqdaa (dambigaa) mar kale, Allaah wuu ka aar gudan doonaa. Oo Allaah waa Adkaade, Aar goosi leh

Verse 96 — Surah Al-Maidah 5:96

Waxaa la idiin banneeyey ugaadha badda aad ugaarsataan iyo cunnadeedaba_ sahay aad leedihiin idinka iyo kuwa socdaalka ah, waxaase la idinka reebay ugaadha barriga aad ugaarsataan inta aad xidhan tihiin (Xaj ama Cumro) oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah ee ah Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin doono

Verse 97 — Surah Al-Maidah 5:97

Allaah wuxuu u yeelay Kacbada Beydka Xurmadda leh daryeel dadka awgi iyo bisha xurmadda leh iyo hadyiga iyo xoolaha qurbaanka ee calaamadeysan, tani waa si aad u ogaataan in Allaah og yahay waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada, iyo in Allaah Og yahay wax walba

Verse 98 — Surah Al-Maidah 5:98

Ogaada in Allaah Ciqaabkiisu Daran yahay, iyo in Allaah Dambi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay

Verse 99 — Surah Al-Maidah 5:99

Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn gaarsiinta (dhambaalka). Oo Allaah wuu Ogyahay waxa aad muujisaan iyo waxa aad qarisaanba

Verse 100 — Surah Al-Maidah 5:100

Dheh: Ma sinna waxa xun iyo waxa fiican, walow aad la yaabto badnaanta waxa xun. ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah wax garadkow aad liibaantaane

Verse 101 — Surah Al-Maidah 5:101

Mu’miniintoy! Ha ka keenina su’aalo waxyaalo haddii la idiin caddeeyo aad ku dhibtoon kartaan. Haddiise aad ka keentaan su’aalo marka Qur'aanka la soo waxyoonayo waa la idiin caddeyn. Allaah waa idinka cafiyaa tani, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan

Verse 102 — Surah Al-Maidah 5:102

Dad idinka horreeyey baa dhabtii keenay su’aalahaa oo kale, markaasay noqdeen kuwo rumeysan waaya

Verse 103 — Surah Al-Maidah 5:103

Ma uusan amrin Allaah (yeelashada) Baxiirah (xoolo caanahooda sanamyada loo bixiyo) ama Saa’ ibah (xoolo sanamyada dartood loo sii daayo) ama Wasiilah (xoolo sanamyada lagu sadaqeysto) ama Xaam (riti sanamyada loo daayo) laakiinse gaaladu waxay ka been sheegaan Allaah, badankooduna ma laha garasho

Verse 104 — Surah Al-Maidah 5:104

Oo marka lagu yidhaahdo: U kaalaya waxa uu Allaah soo waxyooday iyo xagga Rasuulka. Waxay yidhaahdaan: Waxaa nagu filan waxaan ka hellay aabbayaashayo, oo ma xitaa haddii aysan aabbayaashood wax ogeyn oo aanay hanuunsanayn

Verse 105 — Surah Al-Maidah 5:105

Mu’miniintoy! Wuxuu xil idinka saaran yahay nafahiinna. Wax dhib ah idinkama soo gaari karaan ciddii lunta markaad idinku hanuunsan tihiin. Waa xagga Ilaahay meel noqodkiinna dhammaantiin, markaasuu idiin sheegi doonaa waxaad fasheen

Verse 106 — Surah Al-Maidah 5:106

Mu’miniintoy! Marag gashada dhexdiinna markay geeridu ku soo dhowaato midkiin, marka uu dardaarmayo, labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ah ama labo kale oo qeyrkiin ahba, haddaad socdaal ku tihiin arlada oo ay musiibada mowdku idin hesho. Labada (marag) waa inaad joojisaan salaadda (Casar) kaddib, markaa haddaad ka shakidaan13, waa inay labaduba ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya): Innagu ku qaadan meyno wax dheef adduun ah arrintani, qaraababa ha ahaadee, oo ma qarin doonno Maragga Ilaahay, (haddii kale markaa) xaqiiq waxaanu ka mid ahaaneynaa dambiilayaasha

Verse 107 — Surah Al-Maidah 5:107

Markaa haddii la ogaado inay labaduba galeen dambi, labo kale baa meeshood joogsan ( oo la dhaarin), ka mid ah kuwaa xaq ku sheeganaya, labada u xiga qaraabo ahaan. Markaa waa inay labadaa ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya) wallee maraggayaga baa ka xaqsan maraggooda, mana xadgudbin, (haddii aan xadgudubno) waxaanu hubaal markaa ka mid ahaaneynaa geflowyada

Verse 108 — Surah Al-Maidah 5:108

Tan baa wanaagsan si ay ula yimaadaan maragga wejigiisa runta ah, ama waxay ka cabsan in dhaaraha (kale) la qaato14 dhaarahooda kaddib. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo wax maqla. Oo Allaah ma hanuuniyo dadkaa caasiyaasha ah

Verse 109 — Surah Al-Maidah 5:109

Maalinta uu Allaah wada kulmin doono Rususha oo ku odhan doono: Maxaa la idiinku jawaabay? Waxay odhan doonaan: ma aynu ogin, Adigaa hubaal ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon

Verse 110 — Surah Al-Maidah 5:110

Marka Allaah odhan doono: Ciise ina Maryamow! Xusuuso Nicmaddeyda aan ku dul mannaystay adiga iyo hooyadaaba, markaan kugu xoojiyey Ruuxa Daahirka (Jabriil), waxaad la hadashay dadka adigoo caydin dhashay ah iyo adigoo garmadoobe ah; oo waa tii aan ku baray Qoraalka iyo Xikmadda iyo Tawraadda iyo Injiilka; oo waa tii aad ka soo goosatay dhoobada, wax u eg shimbir aniga Idankay, oo markaas afuufaysay, markaasna ay noqonaysay shimbir Idankay, oo waxaad bogsiisay indhoolaha iyo baraslaha si Idankayga ah, oo waa tii aad ku soo saartay meytida si Idankeyga ah, oo waa tii aan kaa celiyey Ilmahii Israa’iil kolkaad ula timid Xujooyin cad, ha yeeshee kuwii rumeysan diiday ee ka midka ahaa yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir iska cad

Verse 111 — Surah Al-Maidah 5:111

Oo waa tii aan u waxyooday xertaadii (anigoo ku leh): I rumeeya Aniga iyo Rasuulkaygaba, waxay yidhaahdeen: Waanu rumeysannahay oo marag ka how inaanu nahay Muslimiin

Verse 112 — Surah Al-Maidah 5:112

Waa tii xertii yidhaahdeen: Ciise ina Maryamow! Ma oggolaan Rabbigaa inuu nooga soo dejiyo xeero cunto ah samada? Wuxuu yidhi: Ilaahay ka cabsada, haddii aad tihiin mu’miniin

Verse 113 — Surah Al-Maidah 5:113

Waxay yidhaahdeen: Waxaan rabnaa inaan wax ka cunno, oo ay ku degaan quluubtayada, oo aan ogaanno inaad xaqiiq run noo sheegeyso, oo ka ahaanno markhaatiyo arrinkaa

Verse 114 — Surah Al-Maidah 5:114

Ciise ina Maryam wuxuu yidhi: Allahayow! Rabbigayow! Nooga soo deji xeero cunto ah samada, oo u noqota ciid kaayaga hore iyo kaayaga dambaba iyo calaamo xaggaaga ah; oo na sii risiq, Adigaa u wanaagsan inta wax arsaaqda'e

Verse 115 — Surah Al-Maidah 5:115

Allaah wuxuu yidhi: Hubaal Waan idinku soo dejin, ee qofkii idinka mid ah ee gaalooba taasi kaddib, waxaan cadaabi doonaa cadaab aan cadaabi doonin iyadoo kale axad ka mid ah ummadaha

Verse 116 — Surah Al-Maidah 5:116

Oo marka Allaah odhan doono: Ciise ina Maryamow! Ma adigaa ku yidhi dadka: Iga dhigta Aniga iyo hooyaday labo ilaah Allaah ka sokow? Wuxuu odhan doonaa: Xurmo oo dhan Adigaa leh! Igama suurta gasho inaan idhaahdo wax aan xaq u lahayn. Haddaan odhan lahaa, xaqiiq waad ogaan laheyd. Waxaad Og tahay waxa ku jira nafteyda, Aniguse ma ogi waxa ku jira Naftaada. Hubaal Adiga ayaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon ee aan muuqan

Verse 117 — Surah Al-Maidah 5:117

Kuma aan odhan waxaan ahayn waxa aad i amartay oo ah: Caabuda Allaah Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiinba, Waxaan anigu markhaati ka ahaa intii aan la joogay, markaad se i oofsatay, Adiga baa dhuganayey dhugasho dhan oo joogto ah, oo Adigaa Marag ka ah wax walba

Verse 118 — Surah Al-Maidah 5:118

Haddaad cadaabeyso, haddaba hubaal waa addoommahaaga, oo haddaad u dambi dhaafeyso, hubaal, Adiga baa ah Adkaadaha , Xakiimka ah

Verse 119 — Surah Al-Maidah 5:119

Allaah wuxuu oran doonaa: Tanu waa Maalinta ay runtoodu wax u tari doonto runlowyada, waxay mudan doonaan Beero ay hoostoodu webiyadu qulqulaan_iyagoo ku dhex waaraya weligood. Allaah baa aad uga raalli ah, iyaguna aad bay uga raalli yihiin. Tan weeye liibaanta aad u weyn

Verse 120 — Surah Al-Maidah 5:120

Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa gudahooda ahba, oo Allaah wax kasta ( uu doono) wuu Karaa