Waxa la idinka xaaraameeyay waa waxaa (xoolahaa) u dhinta iskood (gowrac la’aan), iyo dhiig, iyo hilib doofaar, iyo waxa lagu xuso magac kale aan ahayn Allaah, iyo xoolaha lagu dilo ceego, iyo tan u dhimata jug, iyo tan u dhimata meel ka soo dhac, iyo tan u dhimata hirdin_ iyo waxa uu cuno dugaag2 _ waxa aad (awood u yeelataan inaad) gowracdaan mooyee (dhimashadooda ka hor), iyo waxa lagu hadiyeeyo (gowraco) sanammada korkooda, (waxaa kaloo reebban) inaad wax ku qaybsataan faal iyo qori tuur, kaasi waa fisiq. Maalintan bay gaaladu ka quusteen diintiinna, ee ha ka baqina, ee Aniga Keliya iga baqa. Maalintan3 baan idiin dhammeystiray diintiinna, oo idin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiinka raalli noqday Islaamka diin iyo hab dhaqan ahaan. Qofkii se ay ku dirqido gaajo daran (inuu cuno hilbahaa aan bannaaneyn), isagoo aan u dan laheyn u iilasho dambi, markaa hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan
Maalintan (dhammaan) waxyaalaha wanaagsan waa la idiin xalaaleeyey; oo cuntada kuwa la siiyey Kitaabka waa idiin xalaal, oo cuntadiinnu waa u xalaal iyaga. (oo waa idiin xalaal) dhowrsanooyinka ka mid ah mu’minaadka iyo dhowrsanooyinka ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiiin, markaad siisaan meherradooda idinkoo ku qaadanaya (guur) aan gaabsi ka dooneyn oo aan ka yeelanayn saaxiibbooyin qarsoodi ah. Oo qofkii beeniya Iimaanka, waxaa xaqiiq bura camalkiisa, oo Aakhirada wuxuu ka mid ahaan doonaa kuwa ku sugan khasaaraha
Hase yeeshee ka bixiddooda axdigoodii awgii waan nacladnay, oo aan ka dhignay quluubtooda adeyg; waxay ka duween ereyada (sharciga) meelahoodii, oo waxay dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah; oo waxaad ka arki doontaa mar walba khiyaano ku jirta xaggooda in yar oo ka mid ah maahee. ee iska cafi, oo iskaga jeeso. hubaal, Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha
Dadkaygiiyow! Gala arladaan daahirka ah ee Allaah idiin qoray, oo ha jeedinnina dhabarradiinna idinkoo dib u noqonaya, waayo markaas waxaad soo laaban idinkoo ku sugan khasaaro dhan
Waxay yidhaahdeen: Muusow! Hubaal waxaa jooga qolo xoog badan, oo ma gali doonno marnaba jeer ay ka baxaan; ee hadday ka baxaan markaas baanu hubaal gali doonnaa
Labo nin (Yuushac bin Nuun iyo Kaalib bin Yoofinaa) oo ka mid ah kuwa (Alle ka) cabsada oo uu Allaah u nicmeeyey waxay yidhaahdeen: Uga gala (cadowga) albaabka, oo markaad gashaanba idinkaa hubaal lib heli doona, oo Allaah isku halleeya, haddaad tihiin mu’miniin
Waxay yidhaahdeen: Muusow! Marnaba ma gali doonno weligayo inta ay ku jiraan. Ee taga adiga iyo Rabbigaa oo dagaal gala labadiinnu, hubaal innagu halkan baan iska fadhiisan doonnaa
Wuxuu yidhi: Haddaba iyadu (dhulkan daahirka ah) hubaal waxay ka xaaraansan tahay iyaga afartan sannadood, ay ku jaha wareeri doonaan dhulka. Ee ha u murugoon dadka caasiyiinta ah
Oo uga warran qisada labadii wiil ee Aadam oo xaq ah; Waa tii ay labaduba bixiyeen qurbaan ee laga aqbalay midkood (Haabiil, oo ahaa xoolaley isagoo la baxay xoolihiisii inta u fiican), oo aan laga aqbalin kii kale ( Qaabiil, oo ahaa beeralay isagoo la baxay zaracisii inta u xun). (Qaabiil) wuxuu (ku) yidhi (Haabiil): hubaal wallee Waan ku dilayaa. (Haabiil) wuxuu yidhi: Sideedaba wuxuu Allaah wax ka aqbalaa kuwa dhowrsoon ee u hoggaansan
Hubaal anigu waxaan rabaa inaad la gaddoonto dambiga aad iga gasho iyo dambigaagaba, markaas waxaad ka mid noqon doontaa ehlu Naarka, oo tani waa abaalka gar ma qaatayaasha
Markaasuu Allaah soo diray tuke fagaya dhulka si uu u tuso sidii uu u aasi lahaa maydka walaalki. Wuxuu yidhi: Hoogaye! Miyaan kari waayey inaan noqdo tukahaan oo kale oo aaso maydka walaalkay? Oo wuxuu ka mid noqday kuwa qoomammeeya
Ciqaabka kuwa la dagaallama Allaah iyo Rasuulkiisa6 ee ku dadaala inay ku falaan fasahaad arlada wax kale maahee waa uun in la dilo ama la daldalo ama loo gooyo gacmahooda iyo addimahooda is dhaaf7, ama la xabbiso. Tani waa dulli ku raaca adduunkan, oo Aakhirada waxay ku mudan doonaan Cadaab aad u Weyn
Hubaal, (ma xagga) kuwa xaqa diida xitaa hadday lahaan lahaayeen waxa jira arlada oo dhan iyo wax sidaa oo kale u badan oo wehliya si ay isaga furtaan cadaabta Maalinta Qiyaamaha lagama aqbali doono, oo waxay mudan doonaan Cadaab aad u xanuun Badan
Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah kuwa ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeysannahay, quluubtooduse aanay rumeysneyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa ah Yuhuudda, waa aad u dhageystayaal beenta_ dhageysanya dad kale aan kuu imaan8. Waxay ka duwaan ereyada meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan (xukunka ay rabaan), qaata, haddiise aan la idin siinin kan, markaa digtoonaada. oo ma xagga midka uu Allaah doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Ilaahay, kuwaasi weeye kuwa uusan Allaah doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay ku mudan doonaan adduunyada dulli, oo waxay ku mudan doonaan Aakhirada Cadaab aad u Weyn
Waa been dhageystayaal, xaaraan quutayaal. Sidaas awgeed hadday kuu yimaadaan, u kala garsoor ama iskaga jeeso, oo haddaad ka jeesato waxba kuma yeeli doonaan. Oo haddaad u garsoorto, ugu kala garsoor caddaalad dhexdooda. Hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa wax u garsoora si caddaalad ah
Oo sidee bay kaaga dhigtaan garsoor, oo waxay heystaan Towraadda oo uu ku yaal xukunkii Ilaahay (oo cad)?; haddana way ka jeestaan taasi ka ddib. Oo kuwani ma aha mu’miniin
Hubaal Waxaanu soo waxyoonnay Towraadda uu dhexdeeda ku sugnaa Hanuun iyo Nuur, oo ay Nabiyadii u hoggaansamay (Allaah) ugu kala garsooreen (arrimaha) kuwaasi ahaa Yuhuudda, sidaas bayna yeeleen Rabbi yaqaannadii iyo culumadii, kuwaasoo la saaray inay wax ka dhowraan Kitaabka Ilaahay, oo waxay ka ahaayeen markhaati. Haddaba ha ka baqina dadka ee iga baqa Aniga Keliya oo ha ku iibsannina Aayadahayga qiimo yar. Oo qofkii aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo dejiyey, kuwaasi weeye kuwa gaalada ah
Oo waxaanu u qornay: in Naf naf loo qaado9, ilna il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, Nabarradana waa in laysu dhaawac simo. Kiise sadaqeysta ( iska saamaxa oo ka tanaasula xaqiisa Ilaahay darti), waxaa loogu dhaafi dambigiisa. Oo qofkii aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah gar ma qaatayaasha
Ee ehlu Injiilka wax ha ku xukumaan waxa Allaah ku soo waxyooday gudahiisa10. Oo qofkii se aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo waxyooday, kuwaas weeye kuwa caasiyiinta ah
Oo waa inaad ku kala xukunto dhexdooda waxa uu Allaah soo waxyooday, oo ha raacin waxa (liita) ay nafahoodu rabaan, oo ka digtoonoow inay kaa jeediyaan qaar ka mid ah waxa uu Allaah kuu soo waxyooday. Haddiise ay jeesadaan, markaa ogow inuu Allaah rabo inuu ku ciqaabo dambiyadooda qaarkood. Oo hubaal, in badan oo dadka ka mid ahi waa caasiyaal
Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina Yuhuudda iyo Nasaarada xulufo, iyagaa qaarkoodba xulufo u ah qaarka kale, oo qofkii idinka mid ah ee ka dhigta xulufo, haddaba hubaal wuxuu ka mid yahay iyaga. Hubaal, Allaah ma hanuuniyo dadkaa ah gar ma qaatayaasha
Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waxay odhan doonaan: Ma kuwan baa kuwii ku dhaartay Allaah dhaarahooda tan ugu culus inay hubaal idinka idin la jireen? Acmaashooda way buri doonaan, marka waxay noqon doonaan kuwo ku sugan khasaara muuqata
Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina kuwa ka dhigta diintiinna jeesjees iyo ciyaar ee ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, iyo gaaladaba (mushrikiinta) xulufo; oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, haddaad tihiin mu’miniin
Dheh: Ehlu-Kitaabkow! Ma waxaad nagu eedeysaan waxaan ahayn inaan rumeysannahay Allaah, iyo waxa naloo soo waxyooday iyo wixii la soo waxyooday awal hore, iyo inaad badankiin idinku tihiin caasiyaal
Oo waxaad arki doontaa in badan oo ka mid ah oo kula tartamaya midkoodba kan kale u degdegidda dambiga iyo xad gudubka, iyo cunistooda waxa xaq darrada lagu kasbado.xumaa xaqiiq waxa ay falaan
Dheh: Ehlu-kitaabkow! Ma raacdaan waxba wax ku ool ah jeer aad oogtaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxa la idiinka soo waxyooday xagga Rabbigiin (Qur’aanka); oo hubaal waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa wuxuu ka yeeli in badan oo ka mid ah inay kororsadaan xadgudub iyo gaalnimo. Ee ha u murugoon dadkaa gaalada ah
Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Hubaal Allaah, waa saddexeenka seddexda. Mase jiro Ilaah aan ahayn Allaah Keliya. Oo hadday ka hari waayaan waxa ay leeyihiin, Cadaab xanuun badan baa ku dhici doona kuwa iyaga ka mid ah ee Xaqa diida
Dheh: Ehlu-Kitaabkow! Ha ku xad dhaafina camalkiinna xaq darro, oo ha raacina rabitaannada liita ee dad hore u habaabay, oo in badan habaabiyey, oo ka habaabay Jidka Toosan
Waxaad arki doontaa in badan oo ka mid ah oo ka dhiganaya xulufo gaalada. Xumaa xaqiiq waxa ay nafahooda u hormariyeen oo ah inuu Allaah u cadhooday, oo cadaabtay ku waari doonaan weligood
Oo markay maqlaan waxa loo soo waxyooday Rasuulka, waxaad arki doontaa indhahooda oo ay ka qubanayso ilmadu Xaqa ay garteen awgii. Waxay yidhaahdaan: Rabbiyow! Waanu rumeysannahaye; ee nagu qor la jirka kuwa ka marag kaca (Xaqa)
Markaas buu Allaah ku abaal mariyey waxa ay yidhaahdeen awgeed beero ay wabiyadu hoos qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya. Oo kani waa abaalka sama falayaasha
Allaah idiin ma qabto waxa aydaan dan ka lahayn ee aad isaga dhaarataan (ujeeddo la’aan), laakiinse wuxuu idiin qaban (jabinta) dhaarahiinna aad si kas ah u gashaan. Haddaba kafaaragudkeedu waa quudin toban qof oo miskiin ah (aad siisaan) kan u fiican waxa aad ku quudisaan reerihiinna ama u arrad tirkooda, ama xoreyn addoon. Qofkiise aan heli karin waa inuu soomo seddex maalmood (oo xidhiidh ah). Kani waa kafaara gudka dhaarihiinna marka aad dhaarataan. Oo ilaashada dhaarihiinna. Sidaas buu Allaah idiinka dhigaa caddaan Aayadihiisa si aad u mahad naqdaan
Mu’miniintoy! Wuxuu Allaah hubaal idinku imtixaani doonaa wuxuun (la xidhiidha) ugaadha oo ay gaari karaan gacmihiinna iyo warmihiinnu, si uu Allaah u muujiyo kan ka cabsada isagoo aan cidi arkeyn. Qofkii se xadgudba intaa kaddib, wuxuu mudan doonaa cadaab xanuun badan
Mu’miniintoy! Ha ka keenina su’aalo waxyaalo haddii la idiin caddeeyo aad ku dhibtoon kartaan. Haddiise aad ka keentaan su’aalo marka Qur'aanka la soo waxyoonayo waa la idiin caddeyn. Allaah waa idinka cafiyaa tani, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan
Ma uusan amrin Allaah (yeelashada) Baxiirah (xoolo caanahooda sanamyada loo bixiyo) ama Saa’ ibah (xoolo sanamyada dartood loo sii daayo) ama Wasiilah (xoolo sanamyada lagu sadaqeysto) ama Xaam (riti sanamyada loo daayo) laakiinse gaaladu waxay ka been sheegaan Allaah, badankooduna ma laha garasho
Oo marka lagu yidhaahdo: U kaalaya waxa uu Allaah soo waxyooday iyo xagga Rasuulka. Waxay yidhaahdaan: Waxaa nagu filan waxaan ka hellay aabbayaashayo, oo ma xitaa haddii aysan aabbayaashood wax ogeyn oo aanay hanuunsanayn
Tan baa wanaagsan si ay ula yimaadaan maragga wejigiisa runta ah, ama waxay ka cabsan in dhaaraha (kale) la qaato14 dhaarahooda kaddib. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo wax maqla. Oo Allaah ma hanuuniyo dadkaa caasiyaasha ah
Oo waa tii aan u waxyooday xertaadii (anigoo ku leh): I rumeeya Aniga iyo Rasuulkaygaba, waxay yidhaahdeen: Waanu rumeysannahay oo marag ka how inaanu nahay Muslimiin
Waxay yidhaahdeen: Waxaan rabnaa inaan wax ka cunno, oo ay ku degaan quluubtayada, oo aan ogaanno inaad xaqiiq run noo sheegeyso, oo ka ahaanno markhaatiyo arrinkaa
Oo marka Allaah odhan doono: Ciise ina Maryamow! Ma adigaa ku yidhi dadka: Iga dhigta Aniga iyo hooyaday labo ilaah Allaah ka sokow? Wuxuu odhan doonaa: Xurmo oo dhan Adigaa leh! Igama suurta gasho inaan idhaahdo wax aan xaq u lahayn. Haddaan odhan lahaa, xaqiiq waad ogaan laheyd. Waxaad Og tahay waxa ku jira nafteyda, Aniguse ma ogi waxa ku jira Naftaada. Hubaal Adiga ayaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon ee aan muuqan
Allaah wuxuu oran doonaa: Tanu waa Maalinta ay runtoodu wax u tari doonto runlowyada, waxay mudan doonaan Beero ay hoostoodu webiyadu qulqulaan_iyagoo ku dhex waaraya weligood. Allaah baa aad uga raalli ah, iyaguna aad bay uga raalli yihiin. Tan weeye liibaanta aad u weyn