Back to Languages

Somali - Chapter 57 - Al-Hadid

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Hadid 57:1

Wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo arlada waxay xurmo weyneeyaan oo nazahaan Allaah, oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah

Verse 2 — Surah Al-Hadid 57:2

Isagaa iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, wuxuu bixiyaa nolol oo sababaa geeri; oo Isaga baa wax waliba Kara

Verse 3 — Surah Al-Hadid 57:3

Waa Isaga Kan hore iyo Kan dambe, iyo Kan ka sarreeya wax walba ee kor jira (samada) iyo Kan Dhowaanshaha Badan. Oo Ogsoon wax waliba

Verse 4 — Surah Al-Hadid 57:4

Isaga Weeye Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga. Wuxuu Og yahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa, iyo waxa ka soo dega cirka iyo waxa kor u fuula. Oo wuxuu idinla jiraa meel aad joogtaanba3. Oo Allaah Wuu Arkaa waxa aad fashaan

Verse 5 — Surah Al-Hadid 57:5

Isagaa leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada. Oo xagga Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan

Verse 6 — Surah Al-Hadid 57:6

Wuxuu sababaa Habeenka inuu dhex galo maalinta, oo sababaa maalinta inay dhex gasho habeenka, oo waa Ogsoon yahay wax kasta oo ku jira laabaha

Verse 7 — Surah Al-Hadid 57:7

Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa oo wax ka bixiya waxaa uu idiinka dhigay kuwa u hara4; waayo kuwaa idinka mid ah ee rumeeya oo wax bixiya waxay mudan doonaan Abaalgud aad u Weyn

Verse 8 — Surah Al-Hadid 57:8

Oo maxaad sabab u heysataan idinku oo aad la rumeyn weydeen Allaah, isagoo Rasuulku idiinku yeedho inaad rumeysaan Rabbigiin, oo dhab ahaan wuxuu idinla galay ballan, haddii aad tihiin mu’miniin

Verse 9 — Surah Al-Hadid 57:9

Isaga Weeye Kan ku soo dejiya Aayado cad addoonkiisa (Nabi Muxammad) si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. Oo hubaal, Allaah waa idiin Turid iyo Naxariis Badan yahay

Verse 10 — Surah Al-Hadid 57:10

Oo maxaad sabab u heysataan idinku oo wax ugu bixin weydeen Jidka Ilaahay? Oo Allaah baa leh dhaxalka samooyinka iyo arlada. Lama sinna kuwiinna idinka midka ah ee wax bixiyey ka hor guusha iyo furashada (Makkah) oo diriray, (kuwiinna idinka mid ahee sidaa falay waa' dambe). Kuwaasi (hore) baa ka sarreeya darajo ahaan kuwa wax bixiyey oo diriray markaa kaddib. oo Allaah wuxuu u yaboohay (abaalgud kan) u wanaagsan intaba. Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

Verse 11 — Surah Al-Hadid 57:11

Waa kuma kan amaahinaya Allaah amaah wanaagsan, markaas uu u labolaabo, oo wuxuu siin abaalgud aad u wanaagsan

Verse 12 — Surah Al-Hadid 57:12

Maalinta aad arki doontaan mu’mi- niinta iyo mu’minooyinka-- nuurkoodu socdo hortooda iyo midigtoodaba: ku bishaareysta Maanta Beero ay webiyadu hoos qul-qulaan, iyagoo ku waaraya dhexdeeda. taasi waa Liibaanta Weyn

Verse 13 — Surah Al-Hadid 57:13

Maalinta ay munaafiqiinta iyo munaa- fiqooyinka_ ku odhan doonaan mu’miniinta: Na suga! Oo noo oggolaada inaan wax ka qaadanno nuurkiinna. Waxaa la odhan: Dib ugu noqda gadaashiinna5. Markaas dalba nuur. Markaas baa xannib la yeeli doonaa dhexdooda, derbi leh albaab. Gudahiisa yahay naxariis, oo debedkiisa horti yahay cadaab

Verse 14 — Surah Al-Hadid 57:14

Way u dhawaaqi doonaan: Sow ma aanan aheyn la jirkiinna idinka? Waxay odhan: Haayoo, Laakiinse waxaad balayseen nafahiinna6, oo sugteen oo shakideen oo waxaa idin hoday hawooyin been ah jeer cadaabkii Allaah idinku gooddiyey yimid, isagoo kan hodidda iyo dhagarta badan (Shaydaan) idinka hoday xagga Allaah

Verse 15 — Surah Al-Hadid 57:15

Marka Maanta furasho la idinkama qaadan doono idinka (munaafiqiinta ah) iyo kuwaa gaaloobay midna. Hoygiinnu waa Naarta, iyada baa ah mudankiinna, oo halka ugu xun ah meel la ahaado

Verse 16 — Surah Al-Hadid 57:16

Ma wuusan waqtiga weli u iman kuwa (Xaqa) rumeysan inay quluubtoodu u khushuucaan Xuska Ilaahay iyo waxa loo soo dejiyey oo Xaqa ah? oo waa inay ahaanin sida kuwaa la siiyey Kitaabka awal hore, waqtigase ku dheeraaday oo sidaa darteed quluubtoodu qallaleen? Oo in badan oo ka mid ah waa caasiyaal

Verse 17 — Surah Al-Hadid 57:17

Ogaada inuu Allaah siiyo nolol arlada dhimashadeeda kaddib7. Dhab ahaan Waxaan idiin ka yeelnay wax cad Aayadaha bal inaad garataan

Verse 18 — Surah Al-Hadid 57:18

Hubaal (ma xagga) ragga wax sadaqaysta iyo haweenka wax sadaqaysta, iyo (kuwaa) amaahiya Allaah amaah wanaagsan, waa loo labo-laabi doonaa, oo waxay heli doonaan Abaal gud Wanaagsan

Verse 19 — Surah Al-Hadid 57:19

Oo (ma xagga) kuwa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa, Kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha8, oo shuhadada Rabbigood xaggiis, waxay ka heli doonaan abaalgudkooda iyo nuurkooda. Kuwase rumeysan diida oo beeniya Aayadahayaga, kuwani weeye ehlu Naarka

Verse 20 — Surah Al-Hadid 57:20

Ogaada inay nolosha adduunkan tahay oo keliya cayaar iyo dheeldheel iyo isqurxin iyo isu faan dhexdiinna ah iyo ku tartan badsiga maal iyo carruur, sida roobka soo saara naqa, oo bixiddiisu tahay mid farax gelisa tallaalayaasha beeraha; markaas qallasha oo aad aragto iyada oo isu beddeleysa huruud, markaas noqota xaabo burbur ah. oo Aakhirada (waxaa jira) cadaab daran iyo (sidoo kale) dambi dhaaf xagga Allaah ah iyo Raallinnima(diisa), oo Noloshan adduunku ma aha waxaan ahayn oo keliya sahay lagu dagmo

Verse 21 — Surah Al-Hadid 57:21

U degdega dambi dhaaf ah xagga Rabbigiin iyo beer ballaceedu yahay ballaca cirka iyo dhulka, waxaa loo diyaariyey kuwa reumysan Allaah iyo Rusushiisa. Kaasi waa Galladda Ilaahay uu siiyo cidduu doono, Oo Allaah waa Rabbiga leh Galladda Weyn

Verse 22 — Surah Al-Hadid 57:22

Ma jirto masiibo ku dhacda dhulka ama nafahiinna oo aan ku qornayn Kitaab9, ka hor inta aanu keenin ifka. hubaal, arrinkaasi waa wax u fudud Allaah

Verse 23 — Surah Al-Hadid 57:23

Si aydaan uga murugoon wixii arrin ah oo idin dhaafa, uguna aydaan farax taraarin wuxuu idin siiyo. Oo Allaah ma jecla mid kastoo isla weyn faan badan

Verse 24 — Surah Al-Hadid 57:24

Kuwaa ah bakhayllada_ oo amra bakhaylnimo dadka. Oo mid kastoo dhabarka jeediya, haddaba hubaal Allaah waa Isaga isku Filnaha Deeqtoon, la Ammaano

Verse 25 — Surah Al-Hadid 57:25

Dhab ahaan Waxaan la soo dirnay Rusushayada xujooyin cad cad, oo la soo dejinnay iyaga Kitaabka iyo Miisaanka, si ay dadku ugu wada dhaqmaan caddaalad. Oo waxaan soo dejinnay birta oo shiddo weyni ku jirto iyo manaafacaad dadka10, iyo in uu Allaah muujiyo kan u gargaara Isaga iyo Rusushiisa iyagoon arag. Hubaal, Allaah waa Xoog Badane, Adkaada

Verse 26 — Surah Al-Hadid 57:26

Oo xaqiiq Waxaanu soo dirnay Nuux iyo Ibraahiim, oo waxaan ka yeellay ubadkooda dhexdooda Nabinnimada iyo Kitaabka, marka waxaa ka mid ah kuwo hanuunsan, intooda badanse waa caasiyaal

Verse 27 — Surah Al-Hadid 57:27

Markaas baan waxaan ka yeellay Rusushayada inay qaadaan raadadkooda, oo Waxaan soo dirnay Ciise_wiilkii Maryam, oo waxaan siinnay Injiilka. Oo waxaan yeellay quluubta kuwii raacay isaga nuglaan iyo naxariis. Oo ( ma xagga) suufinnimada (adduun ka jeedsiga)11, iyagaa unkaday oo billowday, Annagu kuma aan waajibin iyaga, waxay uun u faleen doonidda raalli ahaanshaha IIaahay darteed, mase ayan ilaalin dowgii ay laheyd. Markaa baan waxaan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyey abaalgudkooda, intooda badanse waa caasiyaal

Verse 28 — Surah Al-Hadid 57:28

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. oo rumeeya Rasuulkiisa, Wuxuu idin siin labo saami oo Naxariistiisa ah, oo idin yeeli Nuur aad ugu socon (si toosan) oo idiin dambi dhaafi. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 29 — Surah Al-Hadid 57:29

Si ay ehlu-Kitaabku u ogaadaan inaysan iyagu hayn waxna ka mid ah Galladda Ilaahay, iyo in Gallad oo dhan ay ku jirto Gacanta Ilaahay12, wuxuu siiyaa cidduu doono. Oo Allaah waa Rabbiga leh Galladda Weyn