Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 59 - Al-Hashr
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Hashr 59:1
Waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada baa xurma weyneeya oo hufa Allaah. Oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah
Verse 2 — Surah Al-Hashr 59:2
Isaga weeye (Alle) Kan ka saaray kuwaa gaaloobay ee ka mid ahaa Ehlu Kitaabka2(Yuhuuddii Banii Nadiir) guryahooda kulmintii hore. Ma aydaan moodeyn inay baxayaan, halka iyagu isku hubeyn inay qalcadahooda ka celinayaan Allaah. Wuxuuse Allaah uga yimid meel aysan marnaba filayn, oo ku tuuray argagax quluubtooda, sidaa awgeed waxay ku baabbi’iyeen guryahooda gacmahooda iyo gacmaha mu'miniinta, ee ku cibrad qaata kuwiinaan idinku indhaha lahow
Verse 3 — Surah Al-Hashr 59:3
Oo haddii aysan ahaan laheyn in Allaah uu u qoray guuritaanka, Wuxuu hubaal ku cadaabi lahaa adduunkan, oo aakhirada waxay leeyihiin cadaabta Naarta
Verse 4 — Surah Al-Hashr 59:4
Sidaas waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Allaah iyo Rasuulkiisa, oo mid kastoo colaadiya Allaah, haddaba hubaal Allaah way daran tahay ciqaabtiisu
Verse 5 — Surah Al-Hashr 59:5
Geed timreed kastoo aad goysaan ama aad ka tagtaan iyadoo ku taagan jirriddeeda, waa Idanka Ilaahay, iyo si uu u dufeeyo caasiyaasha
Verse 6 — Surah Al-Hashr 59:6
Oo wax kastoo Allaah uga soo ceshay Rasuulkiiisa xaggooda uma aydaan qaadin duullaan aad ku dagaal gasheen fardo aama rakuub midna3, laakiinse Allaah wuxuu ku sallidaa Rusushiisa cidduu doono. Oo Allaah wuxuu ku leeyahay wax walba dushood awood buuxda
Verse 7 — Surah Al-Hashr 59:7
Wax kastoo uu Allaah uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka4, waxaa leh Allaah, iyo waxaa iska leh Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka)5, iyo agoomaha, iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan) si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Oo wax kastoo uu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, oo wuxuu idinka ka reebo haddaba ka jooga, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. Hubaal, Allaah way Daran tahay Ciqaabtiisu
Verse 8 — Surah Al-Hashr 59:8
(Waxaa iska leh) saboolka ka soo haajiray guryahooda iyo maalkooda iyagoo raadinaya Fadli xagga Ilaahay ah iyo raallinimo(diisa)6. Oo u gargaaraya Allaah iyo Rasuulkiisa: kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha
Verse 9 — Surah Al-Hashr 59:9
Oo (sidoo kale waxaa saami ku leh) kuwii degaankoodaa ahaa daarta (Al-Madiina) oo (qaatay) Iimaanka ka hor (intaysan u soo hijroon walaalahood muhaajiriinta). Waxay jecel yihiin kuwa u soo haajiray xaggooda, oo uguma hayaan laabahooda wax baahi ah wax ka mid ah waxa (muhaajiriinta) la siiyey, waxayse ka hormariyaan (oo uga dooraan) iyaga nafahooda, inkastaba iyagu faqri ha hayee. Oo mid kastoo laga dhowro bakhaylnimada naftiisa, kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha
Verse 10 — Surah Al-Hashr 59:10
Oo kuwaa yimaada gadaashood, waxay yidhaahdaan: Rabbigayow, Noo dambi dhaaf innaga iyo kuwaa walaalahayaga ah ee nooga horreeyey Iimaanka, oo ha u gelin quluubtayada wax naceyb ah kuwa (xaqa) rumeysan. Rabbigayow! Waxaad tahay Adigu Turid Badane, Naxariis Badan
Verse 11 — Surah Al-Hashr 59:11
Ma waadan arag kuwaa munaafiqiinta ah? waxay ku yidhaahdaan kuwaa walaalahood ah ee gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka: Haddii la idin saaro, innaguna (sidoo kale) hubaal waa idin la bixi, oo ma jirto cidna aan idiin maqli doonno weligeed, oo haddii la idinla dagaalo, hubaal waan idiin soo hiillin;. Oo Allaah baa ka Marag ah inay yihiin beenalayaal
Verse 12 — Surah Al-Hashr 59:12
Hubaal, haddii kuwan la saaro, marnaba lama bixi doonaan, oo haddii lala daggaalamo, marnaba uma soo hiillin doonaan, oo haddii ay u soo hiilliyaan, waxay hubaal jeedin doonaan dhabarradooda, markaas looma gargaari doono
Verse 13 — Surah Al-Hashr 59:13
Idinka hubaal cabsida ay idiinku hayaan laabahooda baa ka daran tay ugu hayaan Allaah. Sidaas waxaa ugu wacan waa qolo aan wax garad ahayn
Verse 14 — Surah Al-Hashr 59:14
Idiinlama diriri doonaan qof ahaan, inay ku jiraan maahee magaalooyin dhufeysyo adag leh gudahood ama darbiyo gadaashood. Dagaalka dhexdooda ah baa daran. Waxaad moodeysaa inay yihiin kuwo wada jira, oo quluubtoodu waa qaybsan yihiin, arrinkaasi waxaa ugu wacan waa qolo aan kasmo lahayn
Verse 15 — Surah Al-Hashr 59:15
Sida kuwii iyaga wax yar ka horreeyey7 (Yuhuuddii reer Qaynuqaac). Waxay dha- dhamiyeen cidhib xumadii dhaqankooda, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan
Verse 16 — Surah Al-Hashr 59:16
Waa sida Shaydaanka, marka uu ku yi- dhaahdo aadmiga: Gaalow. Markase uu gaaloobo, wuxuu yidhaahdaa: Anigu hubaal bannaanka baan kaa ahay, anigu waxaan ka cabsadaa Alle, Rabbiga uunanka
Verse 17 — Surah Al-Hashr 59:17
Sidaa awgeed cidhibta labaduba waa inay labduba ahaan Naarta gudaheed, iyagoo ku dhex waaraya.Waa sidaas abaal marinta gar ma qaatayaasha
Verse 18 — Surah Al-Hashr 59:18
Kuwiinaan idinku rumeysanow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo naf walbaa ha eegto waxa ay u hormarsatay berritoole, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah waa u xog ogaal waxa aad fashaan
Verse 19 — Surah Al-Hashr 59:19
Oo ha ahaannina sida kuwa hilmaamay Allaah, isna markaas uu hilmaansiiyey nafahooda: kuwan weeye kuwa ah caasiyaasha
Verse 20 — Surah Al-Hashr 59:20
Ma sinna Ehlu-Naarka iyo Ehlu- Jannaha. Ehlu-Jannaha iyaga weeye kuwa ah liibaanayaasha
Verse 21 — Surah Al-Hashr 59:21
Haddii aan ku soo dejin laheyn Qur’aankan buur, waxaad hubaal arki lahayd isagoo soo dhacaya la dillaacaya cabsida Ilaahay darteed. Oo waxaan u soo qaadannaa mataalladan dadka bal inay fekeraan
Verse 22 — Surah Al-Hashr 59:22
Waa Allaah, oo uusan jirin ilaah kale (xaq lagu caabudo) Isaga maahee, Ogsoo-naha waxa aan muuqan iyo waxa muuq- daba. Waa Naxariistaha, Naxarisita Badan
Verse 23 — Surah Al-Hashr 59:23
Waa Allaah, oo uusan jirin Ilaah kale (Xaq ah) Isaga maahee, waa Boqorka, Daahirka8; Nabadgeliyaha, Ammaan bixiyaha9, Kor ka Ilaashaha uunankiisa, Adkaadaha, Kabaha (jababka, sandullee- yaha qooqanayaasha), Kan iska leh Wey- naan oo dhan, Xurmo oo idil waxaa iska leh oo Hufan Allaah wuu ka Sarreeya waxa ay dhig u yeelaan ee wax la wadaajiyaan
Verse 24 — Surah Al-Hashr 59:24
Waa Allaah, Abuuraha, uumaha wax waliba, sawiraha qaabsiiyaha ah. Isaga baa leh Magacyada aad u wanaagga ee quruxda badan. Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada baa Xurmo weyneeya oo Hufa, oo waa Adkaadaha sare, Xakiimka ah