Miyaanay u fiirsan inta aan hallignay hortood facyo, aan ku awood siinnay dhulka si aanaan idiinku awood siin? Oo waxaanu uga soo shubnay daruuraha (roob) mahiigaan ah, oo waxaan u yeelnay webiyo socda hoostooda, waanse hallignay dambiyadoodii dartood, oo aan soo bixinnay iyaga kaddib fac kale
Oo haddaan kugu soo dejinno qoraal ku yaal waraaq, markaas ay ku taabtaan gacmahooda, hubaal gaalada waxay odhan lahaayeen: kanu ma aha waxaan aheyn sixir iska cad
Dheh: Ma waxaan yeeshaa xafide aan aheyn Allaah, abuuraha samooyinka iyo arlada? Ee wax quudiya ee aan Isaga la quudin. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). oo waa inaydaan ka mid noqon mushrikiinta
Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) sida ay u gartaan carruurtooda. (Ma xagga) kuwa khasaari doona nafahooda (Aakhirada), ma rumeysan doonaan
Oo Maalinta aan soo wada kulmin doonno iyagoo dhan, markaas baan ku odhan doonnaa kuwii la wadaajiyey (Allaah) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay wehliyaan Isaga)
Oo waxaa ka mid ah kuwo ku dhegaysta, oo waxaan yeellay quluubtooda daboollo si ayan u fahmin, iyo culeys dhegahooda; oo xitaa hadday arkaan calaamo kasta ma rumayn doonaan, heer markay kuu yimaadaan way uun kula doodaan, waxay kuwa rumeysan diida yidhaahdaan: Kani ma aha waxaan ahayn sheeko-xariirtii kuwii hore
Bal, waxay hore u qarsadeen baa u muuqan doono, oo haddii dib loo celin lahaa, waxay hubaal ku noqon lahaayeen wixii laga reebay. Oo hubaal waa beenalayaal xaqiiqdii
Oo haddaad arki lahayd marka la hor joojiyo Rabbigood. Wuxuu odhan doonaa: Soo ma aha kani Xaq? Waxay odhan doonaan: Haah, Rabbiyow. Wuxuu odhan doonaa: Haddaba dhadhamiya cadaabta gaalnimadiinnii darteed
Oo ma aha noloshan adduunka waxaan aheyn cayaar iyo madaddaalo. Oo xaqiiq Daarta Aakhiro baa u khayr badan kuwa iska jira (xumaha), ee miyaydan haddaba garowsaneyn
Waxaan ognahay xaqiiq inay waxa ay sheegaan runtii ku murugo geliso: Mase aha hubaal adiga waxa ay beeninayaan, laakiinse gar ma qaatayaashu waa Aayadaha Ilaahay waxay dafirayaan
Oo xaqiiq Rusul kaa horreeyey adiga baa la beeniyey, wayse ku samreen beenintaa iyo dhibkii loo geysanayey ilaa uu u yimid Gargaarkayaga, oo ma jiraan wax beddeli kara kelmedaha Ilaahay. Oo xaqiiq waxaa haatan ku soo gaaray in ka mid ah xaaladdii Rususha
Oo ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duusha labadeeda baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka1, markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin doonaa
Dheh: Bal ii sheega haddii Cadaabta Ilaahay ay idiin timaaddo ama Saacaddu idiin timaaddo, ma cid kale aan Allaah ahayn ayaad baryi doontaan haddaad tihiin run sheegayaal
Oo xaqiiq Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen). Markaas baan ku qabannay faqri ba'an iyo cudurro baas bal inay soo dabcaan
Markiise ay dan u gali waayeen waxa lagu waaniyey, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, ilaa markay ku farxeen waxa la siiyey, waan qabannay si kedis ah, mise waxayba ku sugan yihiin quus daran
Oo uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyaal iyo digayaal, ee qofkii rumeeya oo sama fala, kuwaas ma qabi doonaan cabsi, mana murugoon doonaan
Dheh: Idinkuma dhaho waxaan hayaa khasnadaha Ilaahay, mana ogi waxa aan muuqan ee qarsoon oo idinkuma dhaho waxaan anigu ahay malag. Ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo. Dheh: Kan idhaha la’ iyo kan wax arka miyey siman yihiin? Miyeydaan haddaba fakarayn
Sidaas baan isugu jarribnaa (dadka) qaarkoodba qaar kale inay yidhaahdaan: Ma kuwaan baa kuwa Allaah uu ku mannaystay (fadliga) dhexdeenna? Miyaanu Allaah ahayn Kan Ogsoon kuwa mahad naqa
Dheh: Waxaa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baridaan Allaah sokadi. Dheh: Ma raaco rabitaannadiinna liita, waayo (haddii aan sidaas yeelo), xaqiiq waan lumi lahaa markaas, oo kama mid ahaadeen kuwa hanuunsan
Oo markaad aragto kuwaa gala warar been ah ay ka sheegaan Aayadahayaga iyagoo ku jeesjeesaya, ka dheerow, jeer ay u galaan war kale. Oo hadduu shaydaan ku hilmaansiiyo, haddaba ha la fadhiisan xusuus ka dambow dadkaa geflowyada ah
Oo iskaga tag kuwa ka dhigta diintooda cayaar iyo madaddaallo, oo ay hodday nolosha adduunkan, oo ku waaniya (Qur’aanka) si aan nafi loogu halligin waxay kasabtay, ma lahaan doonto Allaah sokadi wax sokeeye ah iyo shafeeco midna, oo hadday isku furato madax furasho kasta aan laga aqbali doonin. Waa kuwan kuwa loo halaagi doono waxa ay kasbadeen awgeed, waxaa lagu abaal marin doonaa sharaab biyo kulul oo karaya iyo cadaab xanuun badan gaalnimadooda darteed
Oo markuu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Ma kan baa ugu weyn?. Markiise ay dhacday, wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Anigu waxaan barii ka ahay waxa aad Allaah u shariig yeeshaan
Oo dadkiisii baa la dooday; oo wuxuu yidhi: Ma waxaad igala doodeysaan arrinka Ilaahay? isagoo xaqiiq I hanuuniyey; oo anigu ma ka cabsi qabo sinnaba waxa aad la wadaajisaan cibaadada Isaga (ma jiraan wax ay i yeeli karaan) wuuxu Rabbigay doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobaa wax walba Cilmigiisa. Ma waydaan haddaba waansamayn
Oo sidee baan uga cabsadaa waxa aad la wadaajisan cibaadada (iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna), halka aydaan idinku cabsi ka qabin inaad la wadaajiseen Allaah cibaadada cid kale uusan idiinku soo dejinin wax xujo ah. Ee kee baa haddaba labada qolo isku huba inay ku sugnaan amni, haddii aad ogtihiin
Oo tani waxay aheyd xujadayada aan ka siinnay Ibraahiim dadkiisii. Waxaan kor u qaadnaa darajooyin ciddaan doonno. Hubaal, Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon
Kani waa hanuunka Ilaahay uu ku hanuuniyo qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Oo hadday la wadaajin lahaayeen cibaadada cid kale,waxaa hubaal ka buri lahaa wixii ay camal san faleen
Kuwaanu waa kuwa aan siinnay Kitaabka, iyo Xikmadda iyo Nabinnimada. Marka hadday kuwani rumeysan waayaan, waxaan xaqiiq u xil saarnay dad aan Xaqa diidin
Kuwani weeye kuwa uu Allaah hanuuniyey, ee raac hanuunkooda. Dheh: Idinkuma weydiisto kani (Qur’aanka) wax abaalgud ah. Wax kalena ma aha ee waa waano ku socota uunanka
Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah, ama yidhaahda: Waa la ii waxyooday isagoo aan loo waxyoon waxba, iyo kan yidhaahda: Waxaan soo waxyoon karaa wax la mid ah waxa uu Allaah soo waxyooday? Oo haddaad arki lahayd marka ay gar ma qaatayaasha ku sugan yihiin sakaraadka mowdka, iyagoo malaa’igtu ay soo fidinayaan markaa gacmahooda (iyagoo ku leh): Soo saara nafahiinna! Maanta waxaa la idinku abaal marin doonaa cadaabta dulleynta wixii aad Allaah ka sheegi jirteen darteed oo hadal xaq darro ah. Oo waxaad aheydeen kuwo Aayadahiisa iska weyneeya
Oo Isaga weeye Kan ka soo shuba biyo daruurta, oo aan ku soo saarno dhir nooc kasta leh, markaasaan waxaan ka soo saarnaa cagaar, kaasoo aan ka soo saarno sabuul ku karooran (dhegtiisa). Oo waxaan ka soo saarnaa geed timireedka iyo khaylkeeda cobollo timir ah oo hoos u soo lusha, dhowna oo aan fogeyn iyo beero ah canab, iyo saytuun iyo rummaan, oo (nooc ahaan) isu eg, ha yeeshee kala duwan (midab iyo dhadhan ahaan). U fiirsada mirihiisa markuu miro dhalo iyo bisaylkiisa. Hubaal waxaa arrinkani ugu jira xaqiiq calaamooyin dad iimaan leh
Xaqiiq waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa, naftiisay dan u tahay, oo qofkii ka indho la'aada isagay u daran tahay, oo anigu ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah
Oo waxay ku dhaartaan Allaah tan ugu culus dhaarahooda, in hadday u timaaddo calaamo ay hubaal rumaynayaan6. Dheh: Calaamooyinka sideedaba waxay uun la jiraan oo haya Allaah, oo maxaa idin ogeysiinaya markay (calaamo) u timaaddo inayan rumayn doonin
Oo waliba haddaan u soo diri laheyn malaa’ig (u sidda dhambaalkan), oo meytidu ay (ka)la hadli lahaayeen (arrinkani), oo aan ku soo kulmin laheyn wax walba oo dhan hortooda, ma ay rumeyn lahayn, in maahee Allaah doono, laakiinse badankoodu waa ka jaahiliin
Oo sidaas baan waxaan ugu yeelnay Nabi walbaa cadow_shayaadiinta ku jira dadka iyo jinkaba, oo qaarkoodba u waxyoonayo qaar kale hadal (been ah oo) la qurxiyey ay (ku) hodaan. Oo Rabbigaa hadduu doono, ma ay fali lahayn, ee iskaga tag iyaga iyo waxa ay been abuuranba
Ma waxaan haddaba ka doonaa garsoor cidaan ahayn Allaah, isagoo ah Kan idiin soo waxyooday Kitaabka ee la caddeeyey. Oo kuwa aan (horay u) siinnay Kitaabka waxay ogsoon yihiin in looga soo waxyooday xagga Rabbigaa si xaq ah. Sidaas darteed ha ka mid noqon kuwa ka shakiya
Ma mid ahaa meyd markaas aan noolaynay, oo aan u yeelnay Nuur oo uu ku dhex socdo dadka, baa la mid ah mid ku sugan mugdiyo uusan ka soo bixi karin? Sidaas baa loogu qurxiyey gaalada waxay falaan
Dheh: Dadkaygiyow! Camal fala intii karaankiinna ah, Aniguna sidoo kale waan camal falanayaa, waadse ogaan doontaan dhowaan keennee lahaan doona cidhibta (wanaagsan) daarta (Aakhiro). Hubaal gar ma qaatayaasha ma guulyesan doonaan
Oo waxay qayb u dhigaan Allaah8, ka mid ah waxa uu abuuray ee beero iyo xoolo ah, oo yidhaahdaan: Kan waxaa iska leh Allaah - sidaas bay ku andacoodaan-, oo kan waxaa iska leh sanamyadayada la wadaaga cibaadada. Marka waxa ay leeyihiin sanaymayadooda ma gaaraan Allaah, waxase (qayb ahaan loo dhigay) Allaah wuxuu gaaraa sanaymyadooda! Alla Xumaa waxa ay xukumaan
Oo sidaas bay (ilaahyadooda beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada (ilaahay) ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda, si ay u halligaan oo uga khaldaan diintooda. Oo hadduu Allaah doono, ma ay fali lahayn, ee isu dhaaf iyaga iyo waxa ay been abuuraanba
Oo waxay yidhaahdaan: Kuwani waa xoolo iyo beer reebban, aysan wax ka cuni doonin ciddaan doonno maahee – sidaas bay ku andacoodaan - iyo xoolo la xarrimay dhabarradooda iyo xoolo aan lagu xusin Magaca Ilaahay - iyagoo ku been abuuranaya. Waa uu ka abaal marin doonaa waxa ay been abuurteen darteed
Waxaa khasaara dhab ah ku sugan run ahaan kuwa u dila carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan9, oo xaaraameeya waxa Allaah uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Allaah. Xaqiiq way lumeen, oo ma aha kuwo hanuunsan
Iyo labo geel ah iyo labo lo’ ah. Dheh: Ma wuxuu xaaraameeyey labada labka ah mise labada dheddig; mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Mise goob joog baad ahaydeen marka uu Allaah idin amray arrinkani? Ee yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah, si uu dadka u lumiyo cilmi la’aan? Hubaal Allaah ma hanuuniyo dadka gar ma qaatayaasha ah
Dheh: Kuma hayo waxa la ii waxyooday wax ka xaaraan ah cunaa inuu cuno inuu yahay maahee neef iski u dhintay (gowrac la’aan) ama dhiig horay u soo butaacay (gowrac darti iyo wax la mid ah), ama hilib doofaar waayo taasi xaqiiq waa fadaro, ama taasi ah caasiyoobid, wax kale aan aheyn (Magaca) Allaah lagu xusay dusheeda, qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanay rabitaan ka aheyn, oo aan xad gudbeyn, haddaba hubaal, Rabbigaa waa Dambi Dhaafid Badane, Naxariis Badan
Oo kuwaa heysta diinta Yuhuudi- yadda waxaan ka xarrimnay (neef) kasta oo ciddi leh10, xagga lo'da iyo adhiga waxaan ka xarrimnay buruurtooda wax Maahee ku dhegay dhabarradooda ama xiidmahooda ama ku dheehmay laf. Sidaas waxay ahayd ciqaab aan ku abaal marinnay gefkoodii dartiis, oo Waxaan hubaal nahay run sheegayaal
Kuwaa ah mushrikiinta waxay odhan doonaan: Hadduu Allaah doono, ma aanu u shariig yeelneyn (waxba Isaga) innaga iyo aabbayaasheenba, oo ma aan ka xarrimneen (nafahayaga) waxba (uu Allaah banneeyey). Sidaas oo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay jeer ay ka dhadhamiyeen Ciqaabtayada. Dheh: Ma heysaan wax cilmi ah oo aad noo soo saareysaan? Waxaad uun raacdaan wax iska male awaal ah, oo waxaad uun sheegtaan beeno
Dheh: Keena markhaatiyadiinna ka marag kacaya in Allaah xaaraameeyey kani. Ee hadday ka marag kacaan, ha la marag kicin. Oo ha raacin rabitaannada liita kuwaa beeniya Aayadahayaga, iyo kuwaa aan rumeysaneyn Aakhirada, oo iyagu Rabbigood wax la sima oo dhig u yeela
Misna, Waxaan siinnay Muuse kitaabka (Towraadda), si aan ugu iltirno (Galladayada) korkiisa kan sama falay, kaasoo ka yeelaya caddaan wax waliba oo hanuun iyo Naxariis ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan
Ama aydaan u odhan: Haddii Kitaab naloo soo waxyoon lahaa, waxaan hubaal ahaan kuwo ka hanuunsan iyaga. Haatan xaqiiq waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin, iyo hanuun iyo naxariis. Ee yaa ka gef badan mid beeniya Aayadaha Ilaahay oo ka jeesada xaggooda? Waxaan ku abaal marin doonnaa kuwa ka jeesta Aayadahayaga cadaab xun, ka jeesigooda (Aayadahaa) darteed
Ma waxay haddaba sugi waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu, ama Rabbigaa yimaado, ama qaar ka mid ah calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan. Maalinta ay qaar ka mid ah Calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan, wax uma taro naf iimaankeedu iyadoo aan horay u rumeyn, ama aan ku kasban iimaankeeda khayr. Dheh: Suga idinku, innaguna (sidoo kale) waan sugaynaa
Qofkii la yimaada camal san, wuxuu mudan toban laabkeed wax la mid ah, oo qofkii la yimaada camal xun, waxaa lagu abaal marin mid la mid ah, iyagoo aan lagu gardarroon doonin