Back to Languages

Somali - Chapter 60 - Al-Mumtahanah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Mumtahanah 60:1

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha ka dhigannina cadowgeyga iyo cadowgiinnaba gacallo2, ma waxaad u muujinaysaan jaceyl xaggooda, iyagoo dafira waxa idiin yimid oo Xaqa ah. u saaraya debedda Rasuulka iyo idinkaba inaad rumeyseen Allaah, Rabbigiin darteed? haddii aad soo baxdaan idinkoo u jihaadaya Jidkeyga oo dalbaya Raallinimadeyda, ma waxaad u muujinaysaan jaceyl xaggooda? Oo anigu waan Ogsoonahay waxa aad qarisaan iyo waxa aad muujisaanba; Oo mid kastoo idinka mid ah oo sidan fala, wuxuu dhab ahaan ka lumay Jidka Toosan

Verse 2 — Surah Al-Mumtahanah 60:2

Haddii ay idin helaan, waxay idiin ahaan cadowyo, oo idin kula soo fidin gacma- hooda iyo carrabyadoodaba xumaan, oo waxay aad u jecel yihiin oo rabaan inaad gaalowdaan

Verse 3 — Surah Al-Mumtahanah 60:3

Qaraabadiinna waxba idiinma tari doonaan iyo waliba carruurtiiina Maalinta Qiyaamaha. Wuu idin kala xukumi. Oo Allaah wuu Arkaa waxa aad fashaan

Verse 4 — Surah Al-Mumtahanah 60:4

Dhab ahaan waxaa idiinku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray3, markay ku yidhaahdeen dadkoodii: Waxaan innagu bannaanka ka nahay idinka iyo wax kasta oo aad caabuddaan Allaah sokadi, waxaanu caddeyn inaan bannaanka idinka nahay, oo cadaawd iyo naceyb baa ka muudqday dhexdeenna innaga iyo idinka abad ah jeer aad rumaysaan Allaah keliya-- marka laga reebo qowlkii Ibraahiim ku yidhi aabbihi: Waxaaan xaqiiq kuu baryayaa dambi dhaaf Alle4, umase lihi wax awood ah aan wax uun kaaga qabto Allaah horti. Rabbigayow! Adigaynu isku kaa halleynaa, oo Xaggaaga u soo laaban- naa, oo waa Xaggaagaa noqodka dambe

Verse 5 — Surah Al-Mumtahanah 60:5

Rabbiyow! Ha nooga dhigin fidno gaalada, oo noo dambi dhaaf, Rabbigayow! Hubaal waa Adiga Adkaadaha sare, Xakiimka ah

Verse 6 — Surah Al-Mumtahanah 60:6

Xaqiiq waxaa idiinku sugan iyaga ku dayasho wanaagsan, _uu raaco mid kastoo ka cabsada Allaah iyo Maalinta dambeysa. Oo mid kastoo dhabarka jeediya, haddaba hubaal Allaah waa Isku Filnaha Deeqtoon, la Ammaano

Verse 7 — Surah Al-Mumtahanah 60:7

Waa intaasoo Allaah yeelo gacaltooyo dhexdiinna idinka iyo kuwa aad qabtaan inay yihiin cadowyadiinna ee ka midka ah. Oo Allaah wax walba waa Karaa5. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 8 — Surah Al-Mumtahanah 60:8

Allaah idinkama reebayo xagga kuwa aan idinkula diririn arrinka diinta oo aan idiinka soo saarin debedda guryihiinna inaad u muujisaan naxariis oo ula dhaqantaan si caddaalad ah. hubaal Allaah waa jecel yahay kuwa u dhaqma sida caddaalada ah eex la’aan

Verse 9 — Surah Al-Mumtahanah 60:9

Allaah wuxuu uun idinka reebayaa xagga kuwa idinkula diriray diinta darteed oo idinka soo saaray guryihiinna, oo ku taageeray (kuwa kale) soo saariddiinna inaad ka dhigataan saaxiibbo. Oo mid kastoo ka dhigta kuwaas saaxiibbo, waa kuwaas kuwa ah gar ma qaatayaasha

Verse 10 — Surah Al-Mumtahanah 60:10

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka ay haween mu’minooyin ah idiin yimaadaan iyagoo haajiroooyin ah, markaa imtixaana iyaga; Allaah baa aad u ogsoon iimaankooda; markaa haddii aad ogaataan inay yihiin mu’minooyin dhab ah, ha u celinnana gaalada, uma aha (dumarkani) xalaal iyaga, oo uma aha (nimanka gaalada ah) xalaal iyaga oo siiya meherradooda. Oo ma jiro wax eed ah oo korkiinna ah inaad guursataan marka aad siisaan meherradooda, oo ha u haysannina haweenka gaalada (mushrikiinta) ah afooyin ahaan, oo weydiista (in la idiin soo celiyo) wixii aad bixiseen (Meher ahaan) oo iyaguna (gaalada) ha weydiistaan in dib loogu soo celiyo wixii ay bixiyeen (meher ahaan). Kaasu waa xukunka Ilaahay, Isaga baa idin kala xukumi. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

Verse 11 — Surah Al-Mumtahanah 60:11

Oo haddii ay wax ka mid ahi afooyin- kiinna idinka aadaan xagga gaalada, markaas dowrkiinna yimaado, siiya kuwii ay afooyinkoodu tageen (oo gaalada ka aadeen) wax le’eg oo u dhigma wixii ay bixiyeen (oo meher ah6). Oo ka cabsada Allaah ee ah Kan aad rumaysan tihiin

Verse 12 — Surah Al-Mumtahanah 60:12

Nabiyoow! Marka ay dumar mu’minooyin ah kuu yimaadaan si ay kuula galaan ballan inaysan u shariiik yeeli doonin waxba la jirka Allaah, inaysan wax xadi doonin, oo zineysan doonin, oo aysan dili doonin carruurtooda, oo la iman doonin masabbid ay iyagu naf ahaantoodu ku been abuurteen gacmahooda iyo addimadooda7, oo kugu diidi doonin wixii wanaag ah aad amarto, markaa aqbal ballankooda, oo uga bari Allaah inuu u dambi dhaafo. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan

Verse 13 — Surah Al-Mumtahanah 60:13

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha ka dhigannina gacallo qolo qaba Cadho Ilaahay. Dhab ahaan waxay quus ka qabaan Aakhirada, sida ayba gaaladu uga quus qabaan kuwaa ku jira qubuuraha