Isaga weeye (Alle) Kan ka soo saaray ummiyiinta2 dega (Makkah) dhexdood, Rasuul ka mid ah, kaasoo u akhriya Aayadahiisa, oo daahiriya, oo bara Kitaabka iyo Xikmadda, inkastoo horay u ahaayeen kuwo dhab ahaan ku sugan habow caddaan ah
Mataalka kuwaa lagu aaminay oo la saa- ray (xilka) Towraadda, markaas aan ku camal falin oo gabay qaadista (xilkaa)3, waa sida dameer sida kutub4 culus (aanse waxba ka fahmin). Xumaa tusaalaha qoloda beeniya Aayadaha Ilaahay. Oo Allaah ma hanuuniyo qoloda gar ma qaatayaasha ah
Waxaad ku dhahdaa: (Ma xagga) dhimashada aad ka carartaan, (arrin)kaasi hubaal waad la kulmi doontaan, markaas baa dib la idiinku soo celin doonaa xagga Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, oo Wuxuu idiin sheegi waxaad camal fali jirteen
Markase ay dhammaato salaadda, ku kala faafa arlada, oo wax ka dalba Deeqda Ilaahay (aada qaraabo salaan, booqda qof buka, fasha camallo san), oo xusa Ilaahay in badan aad liibaantaane
Oo marka ay arkaan wax ganac ah ama madaddaalo waxay u kala yaacaan xaggeeda, oo kaa tagaan adigoo taagan. Dheh: Waxa Allaah uu heysto baa ka khayr badan madaddaallo oo (ka khayr badan) ganac kasta. Oo Allaah waa Kan u wanaagsan inta wax irsaaqda