Back to Languages

Somali - Chapter 63 - Al-Munafiqun

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Munafiqun 63:1

Marka ay munaafiqiintu kuu yimaadaan waxay yidhaahdaan: Waxaanu markhaati ka nahay inaad tahay dhab ahaan Rasuulka Ilaahay2. oo Allaah waa Ogsoon yahay inaad tahay dhab ahaan Rasuulkiisa, oo Allaah wuxuu markhaati ka yahay inay munaafiqiintu yihiin beenaalayaal

Verse 2 — Surah Al-Munafiqun 63:2

Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaa- shaan. Oo sidaas uga weecdaan jidka Ilaahay. hubaal xumaan waa waxa ay falaan

Verse 3 — Surah Al-Munafiqun 63:3

(Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inta rumeeyaan (af ahaan), bay haddana (hoosta) ka gaaloobaan, markaas baa dabool la saaraa quluubtooda, sidaas awgeed wax ma fahmaan

Verse 4 — Surah Al-Munafiqun 63:4

Oo marka aad aragto iyaga, muuqaalka jirarkooda waa ku cajab gelin; oo haddii ay hadlaan, waxaad dhageysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey3 oo dhar la huwshay. Waxay moodaan dhawaaq walba in iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowga, ee ka digtoonow. Allaha baabbi’iyee! Xaggee looga iilay (xaqa)

Verse 5 — Surah Al-Munafiqun 63:5

Oo marka lagu yidhaahdo: Kaalaya, ha idiin dambi dhaaf dalbee Rasuulka Ilaahay waxay dib u jeediyaan madaxyadooda, oo arkeysaa iyagoo sii jeesanaya iyagoo isla weyn

Verse 6 — Surah Al-Munafiqun 63:6

Waa isugu mid iyaga haddii aad u dambi dhaaf dalabto iyo haddii aadan u dambi dhaaf dalbin. Marnaba Allaah uma dambi dhaafi doono. hubaal, Allaah ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha ah

Verse 7 — Surah Al-Munafiqun 63:7

Iyaga weeye kuwa yidhaahda: Wax ha ku bixinnana kuwa la jira Rasuulka Ilaahay, jeer ay ka kala yaacaan; Oo Allaah baa iska leh khasnadaha samooyinka iyo arlada, laakiinse munaafiqiintu ma fahansana

Verse 8 — Surah Al-Munafiqun 63:8

Waxay yidhaahdaan: Haddii aan u laabanno Madiina, kan gobta ahi (waxay ula jeedaan Cabdullaah bin abii Salool, madaxii munaafiqiinta) wuxuu hubaal ka saari doonaa halkaa kan gunta ahi (waxay ula jeedaan Nabi Muxammad, Rasuulul Laah). Allaah baa se iska leh guusha iyo Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, laakiinse munaafiqiintu ma ogsoona

Verse 9 — Surah Al-Munafiqun 63:9

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Yeysan maalkiinnu iyo carruurtiinnu idinka shuqlin Xusidda Ilaahay. Oo mid kastoo falaa sidaas, kuwaa weeye khasaaro qabayaasha

Verse 10 — Surah Al-Munafiqun 63:10

Oo bixiya wax ka mid ah waxa aanu idin siinnay, inta aysan geeridu u iman midkiin oo markaas odhan: Rabbiyow! Maxaad dib iigu dhigi weydey in yaroo muddo dhow ah, markaa waxaan la baxayaa sadaqo oo ka mid ahaanayaa dadka wanaagga fala

Verse 11 — Surah Al-Munafiqun 63:11

Oo Allaah dib uma dhigo naf marka ajasheed la gaaro. Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan