Haddaba markay ku dhowaadaan (dhammaadka) muddadooda la qabtay5, dib ugu soo ceshada si wanaagsan oo gar ah ama u kala taga si wanaagsan oo gar ah. Oo u gashada markhaati (kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan) labo caddaalad leh oo idinka mid ah (muslimiin ah) oo u toosiya maragga Ilaahay darti. (Arrin)kaasi waa waano la siiyey mid kastoo rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa. Oo mid kastoo dhow- ra (xilka uu saaray) Allaah Wuxuu u yeeli jid uu kaga baxo (dhibaato kasta)
Oo (ma xagga) kuwaa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaylka, haddii aad ka shakidaan (xaylkooda), muddadooda loo qabtay waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin dhiigga caadada, Oo (ma xagga) kuwa uurka leh (haddii ay yihiin kuwa la furay ama nimankooda ka dhinteen muddadooda loo qabtay waa intay ka dhigaan (culeysyadooda oo ka dhalaan6). Oo mid kastoo dhowra (xilka uu saaray) Allaah wuxuu uga dhigi doonaa arrinkiisa wax aad u fudud
Dejiya iyaga meesha aad deggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, oo ha dhibina si aad u cidhiidhidaan. Oo haddii ay leeyihiin uur, masruufa intay ka dhigaan culeyskooda. markaas haddii ay idiin nuujiyaan (ilmaha), siiya gunnadooda, oo is fara dhexdeenna sama falka, oo haddii aad is khilaaftaan markaa mid kale ayaa u nuujin
Kan hodanka ahi wax ha ka bixiyo hodantinnimadiisa, oo mid kastoo ilaha ay wax ka soo galaan cidhiidhi yihiin, ha bixiyo wax ka mid ah waxa uu Allaah siiyey. Allaah ma saaro nafna culeys aan ahayn qaddar waxa uu siiyey ah. Allaah wuxuu keeni faraj iyo fudayd dhibaatada kaddib
Allaah waa Kan Isagu abuuray toddoba samood, oo arlada intaa oo kale ( ka abuuray8). Amarka wuxuu ahaan mid soo dega dhexdooda, si aad u ogaataan inuu Allaah wax walba Karo, iyo in Allaah dhab ahaan ku koobo wax walba ogaal