Back to Languages

Somali - Chapter 67 - Al-Mulk

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Mulk 67:1

Waxaa khayr iyo barako badan Kan (Allaah) ay Gacantiisu ku jirto Boqortooyada, oo wax walbana Kara

Verse 2 — Surah Al-Mulk 67:2

Kan abuuray geeri iyo nolol, si uu idiin imtixaano bal kiinna camal wanaagsan. Oo waa Adkaadaha, Dambi Dhaafka Badan

Verse 3 — Surah Al-Mulk 67:3

Kan abuuray toddobada samooyin oo midba midka kale ka korreeya, ku arki mey- sid wax isdhaafsanaan ah abuurka (Ilaahay) Raxmaanka.Ee ku celi araggee: Miyaad ku arki kartaa wax nidaam darro ah

Verse 4 — Surah Al-Mulk 67:4

Misna ku celi aragga mar kale iyo mar kale, araggaagu adiga buu kugu soo laabanayaa isagoo wareersan oo daallan

Verse 5 — Surah Al-Mulk 67:5

Oo xaqiiq Waxaan ku qurxinnay samadan soke nalal, oo Waxaan ka dhignay gantaallo lagu gano shayaadiinta2, oo waxaanu u diyaarinnay cadaabta gubashada

Verse 6 — Surah Al-Mulk 67:6

Oo waxay leeyihiin kuwa ku gaalooba Rabbigood cadaabta Naarta, oo u xun meel la ahaado

Verse 7 — Surah Al-Mulk 67:7

Marka lagu tuuro gudaheeda, waxay ka maqli cartan daran, iyadoo karaysa

Verse 8 — Surah Al-Mulk 67:8

Waxay ku sigan inay la qaraxdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda su’aali: Ma wuusan idiin imaan dige

Verse 9 — Surah Al-Mulk 67:9

Waxay odhan: Haayoo xaqiiq waa noo yimid dige, waanse beeninnay oo nidhi: Allaah ma soo dejin wax (waxyi ah), waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow aad u weyn

Verse 10 — Surah Al-Mulk 67:10

Oo waxay odhan: Haddii aan wax maqli laheyn ama fekeri laheyn, kama aanu mid ahaaneyn ehlu Naarka

Verse 11 — Surah Al-Mulk 67:11

Marka waxay qiran dambigooda, ee ha fogaadaan3 qolada Naarta Hureysa

Verse 12 — Surah Al-Mulk 67:12

(Ma xagga) kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba) waxay hubaal leeyihiin Dambi Dhaaf iyo Ajar aad u Weyn

Verse 13 — Surah Al-Mulk 67:13

Oo qariya hadalkiinna ama muujiya, hubaal, Waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

Verse 14 — Surah Al-Mulk 67:14

Sow ma uu yaqaanno Kan abuuray4? Oo waa Isaga Roonaan Badanaha Ogsoon xitaa waxyaalaha aad u yar yar, ka War Haya (wax walba)

Verse 15 — Surah Al-Mulk 67:15

Isaga (Allaah) Weeye Kan idiinka dhigay dhulka hayin, ee ku socda aagag-giisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, oo Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu

Verse 16 — Surah Al-Mulk 67:16

Ma waxaad ka aamin tihiin in Kan (Alle) ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, mise eeg,oo markaas idin la dhaqdhaqaaqdo

Verse 17 — Surah Al-Mulk 67:17

Mise ma waxaad aamin ka tihiin in Kan (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu

Verse 18 — Surah Al-Mulk 67:18

Oo xaqiiq kuwii ka horreeyey baa bee- niyey (Xaqa),ee sidee aheyd inkaarteydu

Verse 19 — Surah Al-Mulk 67:19

Mawaysan arkayn shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya? Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn Raxmaanka (Allaah). hubaal, wax walba waa uu Arkaa

Verse 20 — Surah Al-Mulk 67:20

Ama waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Allaah) sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan

Verse 21 — Surah Al-Mulk 67:21

Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu Isagu (Alle) ceshado Risiqiisa? Bal, waxay ku adkeystaan kibir iyo didmo

Verse 22 — Surah Al-Mulk 67:22

Ma mid ku socda isagoo foorara wejigiisa baa hanuunsan, mise mid ugu socda si quman Jid Toosan

Verse 23 — Surah Al-Mulk 67:23

Dheh: Isaga weeye (Alle) Kan idin uumay, oo idiin yeelay dhegaha iyo indhaha iyo laabaha.Yaraa inta aad mahad naqdaan

Verse 24 — Surah Al-Mulk 67:24

Dheh: Isaga weeye (Alle) Kan idinku fidshay dhulka, oo Xaggiisa baa la idiin soo kulmin doonaa

Verse 25 — Surah Al-Mulk 67:25

Oo waxay yidhaahdaan: Goorma baa gooddigani la fulin haddii aad run sheegi

Verse 26 — Surah Al-Mulk 67:26

Dheh: Allaah baa Ogsoon (waqtiga ay ku beegan tahay) oo anigu waxaan ahay uun dige iska cad

Verse 27 — Surah Al-Mulk 67:27

Markayse arkaan iyadoo ku soo dhow, wejiyada kuwa Xaqa diida waxay ahaan kuwo ka xun, oo waxaa lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen

Verse 28 — Surah Al-Mulk 67:28

Dheh: Ma u fiirsateen haddii Allaah i halligo aniga iyo inta ila jirta, amaba noo naxariisto, bal yaa ka badbaaadin gaalada cadaab aad u xanuun badan

Verse 29 — Surah Al-Mulk 67:29

Dheh: Isagu waa Raxmaanka (Allaah), waanu rumeysanahay, oo isaga baan isku halleynaa. Marka waad ogaan doontaan waa kee kan ku sugan habow caddaan ah

Verse 30 — Surah Al-Mulk 67:30

Dheh: Ma u fiirsateen haddii ay biyihiin- nu dhulka ku guraan oo hoos ugu sii fogaa- daan,waa kee kan idiin keeni biyo socda