Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 69 - Al-Haqqah
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Haqqah 69:1
Xaqiida dhabta ah ee soo socota
Verse 2 — Surah Al-Haqqah 69:2
Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi
Verse 3 — Surah Al-Haqqah 69:3
Oo maxaad ka og tahay waxa ay xaqiiqdaa dhabta ahi tahay
Verse 4 — Surah Al-Haqqah 69:4
Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaamaha)
Verse 5 — Surah Al-Haqqah 69:5
Ma Thamuud, waxaa iyaga lagu halaagay cadaab Daran oo xad dhaaf ah
Verse 6 — Surah Al-Haqqah 69:6
Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl hugmeysa oo xoog badan
Verse 7 — Surah Al-Haqqah 69:7
Oo (Alle) uu ku salliday korkooda toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay
Verse 8 — Surah Al-Haqqah 69:8
Ee ma aragtaa wax ka haray
Verse 9 — Surah Al-Haqqah 69:9
Oo Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la daba geddiyey (qowmu Luud) waxay joogto ula yimaadeen gefaf
Verse 10 — Surah Al-Haqqah 69:10
Oo waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu ku ciqaabay ciqaab aad u daran
Verse 11 — Surah Al-Haqqah 69:11
Hubaal waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux) markay biyihii xad dhaafeen
Verse 12 — Surah Al-Haqqah 69:12
Si aan idiinkaga dhigno waano, oo u xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto
Verse 13 — Surah Al-Haqqah 69:13
Ee marka Buunka la afuufo afuufid keliya. (tan hore)
Verse 14 — Surah Al-Haqqah 69:14
Oo dhulka iyo buuraha laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah
Verse 15 — Surah Al-Haqqah 69:15
Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici
Verse 16 — Surah Al-Haqqah 69:16
Oo samada u kala dillaaci gaballo, marka Maalintaasi waxay iyadu ahaan mid daciif ah
Verse 17 — Surah Al-Haqqah 69:17
Oo malaa’igtu waxay ahaan agagaarkeeda, oo waxaa ku sidi doona Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah)
Verse 18 — Surah Al-Haqqah 69:18
Maalintaas waa la idiin soo bandhigi doonaa, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan doonta
Verse 19 — Surah Al-Haqqah 69:19
Ee ma xagga kan laga siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig wuxuu odhan doonaa: Hooyoo, akhriya Kitaabkeyga
Verse 20 — Surah Al-Haqqah 69:20
Hubaal anigu waan ogaa inaan la kulmi doono Xisaabteyda
Verse 21 — Surah Al-Haqqah 69:21
Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh
Verse 22 — Surah Al-Haqqah 69:22
Beer sare gudaheed ah
Verse 23 — Surah Al-Haqqah 69:23
Midhaheedu aad u dhow yihiin
Verse 24 — Surah Al-Haqqah 69:24
Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye
Verse 25 — Surah Al-Haqqah 69:25
Oo ma xagga kan laga siiyo Kitaabkiisa gacantiisa bidix wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen Kitaabkeyga
Verse 26 — Surah Al-Haqqah 69:26
Oo aan ogaadeen, waxa ay xisaabteyduba tahay
Verse 27 — Surah Al-Haqqah 69:27
Alla haddii taa iyada ahi (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga
Verse 28 — Surah Al-Haqqah 69:28
Maalkeygii waxba iima tarin
Verse 29 — Surah Al-Haqqah 69:29
Awooddeydii waa iga baabba’een
Verse 30 — Surah Al-Haqqah 69:30
Qabta isaga haddaba oo xidha
Verse 31 — Surah Al-Haqqah 69:31
Markaas ku tuura dabka ololoya
Verse 32 — Surah Al-Haqqah 69:32
Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood
Verse 33 — Surah Al-Haqqah 69:33
Hubaal ma uu rumeynsneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn
Verse 34 — Surah Al-Haqqah 69:34
Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka
Verse 35 — Surah Al-Haqqah 69:35
Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah
Verse 36 — Surah Al-Haqqah 69:36
ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee
Verse 37 — Surah Al-Haqqah 69:37
Aanay cidi cunin geflowyada Maahee
Verse 38 — Surah Al-Haqqah 69:38
Ee mayee, waxaan ku dhaartay waxa aad aragtaan
Verse 39 — Surah Al-Haqqah 69:39
Iyo wax aydaan aragba
Verse 40 — Surah Al-Haqqah 69:40
Hubaal waa hadal (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf leh
Verse 41 — Surah Al-Haqqah 69:41
Oo ma aha hadal gabyaa, yaraa inta aad rumeysaan
Verse 42 — Surah Al-Haqqah 69:42
ama hadal curraafle, yaraa inta aad waantowdaan
Verse 43 — Surah Al-Haqqah 69:43
Waa waxyi ka yimid xagga Rabbiga uunanka
Verse 44 — Surah Al-Haqqah 69:44
Oo haddii uu naga been sheegi lahaa
Verse 45 — Surah Al-Haqqah 69:45
Waxaan hubaal ku qaban laheyn gacanta Midig
Verse 46 — Surah Al-Haqqah 69:46
Markaas waxaan hubaal goyn laheyn halbowlaha
Verse 47 — Surah Al-Haqqah 69:47
Oo ma jiro axad idinka mid ahi oo naga celin lahaa isaga
Verse 48 — Surah Al-Haqqah 69:48
Oo xaqiiq waa u waano kuwaa ka dhowrsada xumaha
Verse 49 — Surah Al-Haqqah 69:49
Oo xaqiiq waan ognahay inay qaarkiin yihiin xaq diidayaal
Verse 50 — Surah Al-Haqqah 69:50
Oo xaqiiq waa u murugo iyo ciil gaalada
Verse 51 — Surah Al-Haqqah 69:51
Oo hubaal waa xaq dhab ah
Verse 52 — Surah Al-Haqqah 69:52
Ee huf oo xurmee Magaca Rabbigaa,Weynaha