(Allaah) wuxuu yidhi: Maxaa kuu diiday oo sidaa awgeed aadan u sujuudin markaan ku amray?(Shaydaan) wuxuu yidhi: Aniga baa ka wanaaagsan, Waxaad iga abuurtay dab, halka aad isaga ka abuurtay dhoobo
Oo Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaguba beerta gudaheed, ee wax ka cuna meeshaad doontaan, hase u dhowaannina geedkan, haddii kale waxaad ka mid noqon kuwa gefay
Ha yeeshee shaydaanka baa fikrad xun u soo jeediyey, si uu ugu muujiyo waxa laga qariyey oo cowradooda ah; oo wuxuu yidhi: Idiinkama reebin Rabbigiin geedkan waxaan ahayn inaydaan noqon labo malag ama inaydaan ka mid noqon kuwa waadha
Waxay yidhaahdeen: Rabbiyow! Waxaan u gefnay nafahayaga. Ee haddaa- dan noo dambi dhaafin, oo aadan noo Naxariisan, waxaan hubaal ka mid noqon kuwa ku sugan khasaaraha dhabta ah
Ilma Aadamow! Yuusan shaydaanku idiin horseedin inaad ku dhacdaan fidno, sida uuba uga soo saaray labadiinnii waalid beerta, isagoo ka siibaya labadoodaba dharkooda, si uu u qaawiyo oo ugu soo bandhigo cowradooda. hubaal, wuxuu idinka arkaa isaga iyo qabiiladiisuba meel aydaan ka arki karin. Hubaal Waxaan Annagu uga dhignay shaydaammada xigaalo kuwa aan iimaanka lahayn
Oo marka ay falaan xumaan waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo falaya (waxa)kani, oo Allaah baa nagu amray. Dheh: Hubaal, Allaah ma amro anshax xumo. Ma waxaad ka sheegtaan Allaah waxaydaan cilmi u lahayn
Ilma Aadamow! Qaata (dharka) la isku qurxiyo waqti kasta oo salaad, oo cuna oo cabba, oo ha ku talax tagine, hubaal Isagu ma jecla kuwa wax ku talax taga
Ilma Aadamow! Hadday idiin yimaadaan Rusul idinka mid ah, oo idiin soo tebinaya Aayadahayga, ee qofkii iska jira xumaha oo u dhaqma si toosan, ma qabi doonaan wax cabsi ah, oo ma murugoon doonaan
Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadahiisa? Kuwaasi, qaybtooda loogu qoray Kitaabka (Qaddarka) way gaadhi doonanan, ilaa marka Rusushayadu ay u yimaadaan si ay u oofsadaan, waxay odhan doonaan: Meeye waxaad baryi jirteen Allaah sokadi?. Waxay odhanayaan: Waa ay naga dhumeen: oo waxay ku marag furi doonaan nafahooda inay ahaayeen gaalo
Hubaal, kuwa beeniya Aayadahayaga ee iska weyneeya, looma furi doono albaabbada samada, mana gali doonaan Jannada jeer ratigu maro daloolka irbadda. Oo sidaas baan u abaal marinnaa dambiilayaasha
Oo dhexdooda waxaa ahaan xijaab, oo meelaha sare waxaa ahaan doona rag ku garanaya cid kasta astaamahooda, oo waxay u dhawaaqi doonaan ehlu – Jannaha: Nabad korkiinna ha ahaato, waqtigaana iyagu weli ma ay gelin (Jannada), inkastoo damac ka hayo
Oo qoladii ku sugnaa Al Acraaf (meelaha sare) waxay u dhawaaqi doonaan rag ay ku garan doonaan astaamahooda iyagoo ku odhan: Waxba idiin ma ay tarin urursigiinnii maalku, iyo iska weyneyntiinnii (Xaqa)
Ma kuwani baa kuwii aad dhaar ku marteen, in aanu Allaah ku galladeysan doonin Naxariis dushooda? Gala Jannada, (ehlu acraafow) ma qabi doontaan cabsi, mana murugoon doontaan
Kuwa ka dhigta diintooda madaddaalo iyo cayaar oo noloshan adduunku ay hoddo. Marka maanta waan hilmaami doonnaa sida ay u hilmaameen la kulankooda Maalintooda tani iyo sida ay Aayadahayaga u beenin jireen
Ma waxay sugaan waxaan aheyn go’aankiisu? Maalinta marka go’aankiisu uu yimaado, kuwii hore u hilmaamay waxay odhan doonaan: Xaqiiq Rususha Rabbigayo waxay keeneen xaq, ee ma leennahay wax shafeecayaal ah oo noo shafeeca qaada? Ama dib mana loo celin doonaa si aanu u falno (camallo) aan ahayn oo ka duwan wixii aan falnay? Xaqiiq waxay khasaareen nafahooda, oo waxaa ay been abuurteen way ka dhumeen
Oo ha ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, oo barya idinkoo baqdin iyo rajoba qaba, hubaal, Naxariista Ilaahay waxay u dhowdahay sama falayaasha
Oo Isaga weeye Kan soo dira dabaylaha bishaaro ahaan ka horreeya Naxariistiisa (roobka) jeer markay soo qaadaan daruur culus, waxaan u kaxeynaa korka dhul dhintay, kolkaas baan ku hoorinnaa biyo, markaas baan ku soo saarnaa miro nooc walba. Sidaas oo kale baan u soo saari doonnaa maytida, bal inaad xusuusataan
Waa la yaabe! Ma waxaad la cajabtaan inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin uu soo faray nin idinka mid ahi, si uu idiinku digo oo aad isaga jirtaan (xumaha), iyo in bal la idiin naxariisto
Markaas baan waxaan ku badbaadinnay isaga iyo intii la jirtayba naxariis ka ahaatay xaggayaga, oo waxa aanu cidhib tirnay kuwii beeniyey Aayadahayaga, oo ma ba ay aheyn mu’miniin
Waxay xildhibaannadii kuwaa isla weynaa ee ka mid ahaa dadkiisii ku yidhaahdeen kuwii loo arkay daciif, _ ee ahaa kuwoodii rumeeyey dhexooda: Ma waxaad ogtihiin in Saalix laga soo diray xagga Rabbigi? Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waxa lala soo diray waanu rumeysannahay
Oo hadday jirto koox idinka mid ah oo rumeysan waxa la ila soo diray iyo koox kale aan rumeysneyn, haddaba samir yeesha ilaa inta uu Allaah na kala xukumo dhexdeenna, oo Isagaa u wanaagsan inta wax xukunta
Xildhibaannadii, kuwii isla weynaa ee ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: Waxaanu hubaal kaaga saari doonnaa debedda Shucaybow iyo (sidoo kale) kuwa rumeysan la jirkaa magaaladayada ama waa inaad u soo noqotaan diintayada. Wuxuu yidhi: Waa la yaabe! Ma xataa haddaanu dooneyn
Xaqiiq waxaan ka been sheegnay Allaah haddaan u soo noqonno diintiinna, kaddib markuu Allaah naga badbaadiyey. Oo naguma habboono inaan u noqonno, inuu Allaah, Rabbigayo, doono ma’ahee. Rabbigayo wuxuu ku koobay wax walba Cilmigiisa. Allaah baan ku kalsoonnahay; Rabbiyow! Nagu kala xukun innaga iyo dadkayaga xaq, oo Adiga baa u wanaagsan inta wax kala xukunta
Oo ma jirto magaalo aan u soo dirnay Nabi oo aanaan ku qaban dadkeeda (markay caasiyoobeen) faqri daran iyo cudurro, bal inay soo nuglaadaan oo na baryaan
Waa la yaabe! Ma waxay dareemaan inay ka yihiin aamin Tabta Ilaahay, cidise ma dareento inay ka yihiin aamin Tabta Ilaahay aan aheyn dadka ku sugan khasaarada dhabta ah
Ma waysan u caddaanin kuwaa dhaxla dhulka oo uga haray dadkeedii (hore) oo lahaa, in haddaan doonno, aan u ciqaabi laheyn dambiyadooda? oo waxaanu yeelnaa shaabbad daahda quluubtooda sidaa darteed wax ma maqlaan
Waxaan anigu mudanahay inaan ka sheegin Allaah waxaan ahayn Xaq. Waxaan idiinka la imid xaqiiq Xujo Cad xagga Rabbigiin. Ee igu dar ha ila tageene ilmaha Israa’iil
Fircoon wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyneysaan ka hor inta aan idiin idmin? Hubaal, arrinkani waa shirqool aad ku soo dhigteen si qarsoodi ah magaalada si aad uga saartaan dadkeeda, waadse ogaan doontaan
Oo nagu ma heysatid waxaan ahayn inaan rumeynay Calaamooyinka Rabbigayo markay noo yimaadeen! Rabbiyow! Nagu shub samir oo na oofso innagoo kuu hoggaansan Muslimiin ahaan
Markay se samaan u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Innagaa leh tani. Oo haddii (xaalad) xun ku dhacdo, waxay baaseystaan Muuse iyo kuwa la jira. Hubaal nasiibkooda waxaa haya Allaah oo keliya, laakiinse badankoodu ma ogsoona
Oo waxaan ka yeelnay dadkii loo arkay kuwo tabar daran inay dhaxlaan gobollada bari ee dhulka iyo kuwa galbeedba ee aan barakaynay1. Oo Kelmadda wanaagsan ee Rabbigaa waa lagu oofiyey Ilmahii Israa’iil, sabarkooda awgi iyo u dul qaadashadooda (dhibaatooyinka). Oo Waxaanu baabbi'nnay waxay Fircoon iyo dadkiisii sameeyeen iyo waxay dhismooyin taageenba
Oo waxaan ka yeelnay Ilmaha Israa’iil inay ka tillaabbaan (si nabad ah) badda, markaasay waxay ku yimaadeen dad dul yuurarsan sanammadooda (oo caabudaya). Waxay yidhahadeen: Muusow! Noo yeel ilaah innagana sida ay iyaguba u leeyihiin ilaahyo. Wuxuu yidhi: Hubaal waxaad idinku tihiin dad ay ku jirto jaahilnimo
Wuxuu yidhi: Muusow! Hubaal Waxaan kaa doortay dadka (si aad u qaaddo) Farriimaheyga aan kuula soo diray iyo hadalkeyga ee qaado waxa aan ku siiyey oo ka mid ahow kuwa mahad naqa
Oo markuu Muuse ku soo noqday dadkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaar-san buu yidhi: Xumaa waxa aad fasheen kaddib (tagisteydii). Ma waxaad ka degdegsasteen amarka Rabbigiiin? Oo wuxuu tuuray looxyada, oo soo qabtay madaxa walaalki isagoo u soo jiidaya xaggiisa. (Haaruun) wuxuu yidhi: Ina hooyadayow! Hubaal dadkani waxay ii arkeen daciif, oo waa I dili gaareen, ee ha igu farax gelin cadowga, oo ha igala mid dhigin dadka gar ma qaatayaasha ah
Oo wuxuu ka soo doortay Muuse dadkiisii toddobaatan nin ballankayaga dartiis, markuuse qabtay dhul gariir daran, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaad doonto, Waxaad rogi laheyd iyaga awal hore iyo anigaba; ma waxaad noo rogeysaa waxa kuwa maan gaabka ah ee nagu jira ay faleen? Wax kale maahee waa oo keliya jarribaaddaada ee aad ku habaabiso qofkaad doonto, uguna sugtid hanuunsanaanta qofkaad doonto. Adigaa ah Gargaarahayaga, ee noo dambi dhaaf oo noo naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta dambi dhaafta
Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba. Hubaal waan kuu soo noqonnay. Wuxuu yidhi: (Ma xagga) Cadaabtayda waxaan ku ridi doonaa kaan doono, oo Naxariistaydu waxay koobtaa wax kasta, marka waxaan u qori doonaa (gaar ahaan) kuwa iska ilaaliya (xumaha) ee qaata hufnaanta (Islaamka); ee iyagu ah kuwa Aayadahayaga rumeysan
Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga Ummiga ah oo ay ka helayaan isagoo ku qoran agtooda Tawraadda iyo Injiilka_ kaasoo amra wanaagga oo ka reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan oo ka xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa5. Ee (ma xagga) kuwa rumeeya ee sharfa, ee u gargaara ee raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwan kuwa liibaanayaasha ah
Waxayse kuwoodii ka midka ahaa ee gefka falay ku beddeleen hadal ka duwan midkii lagu yidhi7. Markaas baan kaga soo dejinnay cirka cadaab gefefkii ay galeen awgeed
Oo markay qolo ka mid ahi tidhi: Maxaad u waanineysaan qolo uu Allaah halligi doono, ama ku cadaabi doono cadaab daran? Waxay yidhaahdeen: Waa si aan eed naloogu raacan Rabbigiin horti, iyo bal inay ka joogaan (xumaha)
Haddaba markii ayan dan u gelin waxa lagu waaniyey, Waxaan badbaadinnay kuwii reebayey xumaanta, oo waxaan ku dhignay kuwii gefka falay cadaab daran caasinta ay galeen awgi
Oo markaan gilgilnay buurtii dushooda sidii isagoo harayn dallad oo kale, oo waxay moodeen inuu ku soo kor dhacayo. (Waxaanu ku nidhi): Ku qaata waxaanu idin siiinnay (Towraadda) si sugnaan leh, oo ku camal fala waxa ku yaal si aad uga dhowrsataan (xumaha)
Oo Allaah baa iska leh Magacyada wanaagga badan. Ee ku barya, oo iskaga taga kuwa leexsha ee ku xadguba xurmadda Magacyadiisa9. Waa laga abaal marin doonaa, waxay faleen
Miyaanay u fiirsan boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo wax kastoo uu Allaah abuuray, iyo in laga yaabo in muddadoodu soo dhowaatay, ee hadalkee bay haddaba rumaynayaan kani kaddib
Dheh: Ma lihi awood aan wax ku taro ama ku waxyeelleeyo naftayda waxa Allaah doono ma’ahee. Oo haddaan ogaan lahaa cimi Ghaybka, waxaan badsan lahaa khayrka, oo wax xume ah ima taabteen. Anigu waxaan ahay oo keliya u dige iyo u bishaareeye dad rumeysan
Isaga weeye Kan idinka abuuray naf keliya oo isla (caynkaa) ka yeelay lammaanahiisa, si uu u weheshado. Oo markuu ku hagoogto bay qaaddaa uur yar, oo halkaas ka sii waddo, markase ay cuslaato, waxay labaduba baryaan Allaah, Rabbigood, (oo ay yidhaahdaan): Haddii aad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu hubaal ka mid noqon doonnaa kuwa mahad naqa
Ma waxay leeyihiin cago ay ku socdaan? Mise waxay leeyihiin gacmo ay wax ku qabsadaan? Mise waxay leeyihiin indho ay wax ku arkaan? Mise waxay leeyihiin dhego ay wax ku maqlaan? Dheh, U yeerta shurakadiinna oo ii tab dhigta, oo ha i siinnina wax nafis ah
Oo haddaad ula iman weydo calaamo waxay yidhaahdaan: Maxaad u been abuuran weydey? Dheh: Waxaan anigu sideedaba raacaa waxa uun la iiga waxyoodo xagga Rabbigay. Kuwakani wa caddeymo ka yimid Rabbigiin, oo u ah hanuun iyo naxariis dad rumaysan