Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 71 - Nuh
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Nuh 71:1
Hubaal Waxaanu u soo dirnay Nuux dadkiisii (Annagoo leh): U dig dadkaaga inta aysan u iman cadaab xanuun badan
Verse 2 — Surah Nuh 71:2
Wuxuu yidhi: Dadkaygiiyow! Hubaal waxaan anigu idiin ahay dige cad
Verse 3 — Surah Nuh 71:3
Inaad caabudddaan Allaah, oo aad dhowrtaan (xilka uu idin saaray), oo anigana i adeeca
Verse 4 — Surah Nuh 71:4
Wuxuu idiin dhaafi wax ka mid ah dambiyadiinna, oo idiin dib dhigi ilaa muddo magacaaban. hubaal, muddada Alle gooyey marka ay timaaddo lama dib dhigo, waase haddii aad og tihiin
Verse 5 — Surah Nuh 71:5
Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan anigu ugu baaqay (Towxiidka) dadkeygii habeen iyo maalinba
Verse 6 — Surah Nuh 71:6
Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo
Verse 7 — Surah Nuh 71:7
Oo mar kastoo aan u baaqo si aad ugu dambi dhaafto, waxay dhex geliyaan farahooda dhegahooda2, oo isku dadaan maryahooda, oo madax adaygaan oo waxaa ka buuxsama kibir iyo san taag
Verse 8 — Surah Nuh 71:8
Haddana hubaal waxaan ugu baaqay (Towxiidka) si cod kore ah
Verse 9 — Surah Nuh 71:9
Haddana hubaal waxaan ula hadlay iyaga si guud , oo waxaan ula hadlay iyaga si gaar ah (sir iyo saaqba)
Verse 10 — Surah Nuh 71:10
Markaas waxaan idhi: Ka barya dambi dhaaf Rabbigiin; hubaal waa Dambi Dhaaf Badane’e
Verse 11 — Surah Nuh 71:11
Wuxuu u soo diri doonaa dushiinna daruur idiin shubeysa roob darar ah
Verse 12 — Surah Nuh 71:12
Oo idinku deeqi maal iyo awlaad, oo idiin yeeli beero, oo idiin yeeli webiyaal
Verse 13 — Surah Nuh 71:13
Maxaa idinku dhacay aydaan uga cabsoon Weynida Ilaahay
Verse 14 — Surah Nuh 71:14
Oo dhab ahaan wuxuu idin abuuray idinkoo soo maray heerar (kala duwan)
Verse 15 — Surah Nuh 71:15
Mawaydan arag sida Allaah u abuuray toddobada samo ee kala korreeya
Verse 16 — Surah Nuh 71:16
Oo yeelay dayaxa dhexdiis nuur, oo ka yeelay qorraxda nal
Verse 17 — Surah Nuh 71:17
Oo Allaah Wuxuu idinka soo bixiyey dhulka bixitaan
Verse 18 — Surah Nuh 71:18
Markaas idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxsiis (Cusub)
Verse 19 — Surah Nuh 71:19
Oo Allaah Wuxuu idiinka yeelay dhulka gogol fidsan
Verse 20 — Surah Nuh 71:20
Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waasic ah
Verse 21 — Surah Nuh 71:21
Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waa ii caasiyeen, oo raaceen mid isagu maalkiisu iyo awlaaddiisu aysan u kordhin waxaan aheyn khasaaro
Verse 22 — Surah Nuh 71:22
Oo waxay qooleen shirqool aad u weyn
Verse 23 — Surah Nuh 71:23
Oo waxay yidhaahdeen: Sinnaba ha uga tegina ilaahyadiinna, hana ka tegina Wadd ama Suwaac ama Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar
Verse 24 — Surah Nuh 71:24
Oo xaqiiq waxay lumiyeen in badan, oo ha u kordhin gar ma qaatayaasha waxaan aheyn habow
Verse 25 — Surah Nuh 71:25
Gefafkoodii dartood baa loo qarqiyey, markaas laga yeelay inay galaan Naar, marka ma helin cid u soo gargaarta Allaah sokadi
Verse 26 — Surah Nuh 71:26
Oo Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ha kaga tegin dhulka korkiisa axad deggan oo ka mid ah gaalada
Verse 27 — Surah Nuh 71:27
Waayo hubaal haddii aad deyso iyaga, waxay dhumin addoomahaaga, oo ma dhali doonaan waxaan aheyn faajir, abaal dhac badan
Verse 28 — Surah Nuh 71:28
Rabbiyow! Ii Dambi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Oo ha u kordhin daalimiinta (mushrikiinta, gaalada, iwm,) waxaan aheyn burbur iyo baabba’a