Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 72 - Al-Jinn
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Jinn 72:1
Dheh: Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen (Dhambaalkan). Markaasay yidhaahdeen: hubaal waxaanu maqallay Qur'aan cajab leh
Verse 2 — Surah Al-Jinn 72:2
Wax ku toosinaya Jidka Toosan, markaasaan rumeynay, oo uma shariig yeeleyno axadna Rabbigyo
Verse 3 — Surah Al-Jinn 72:3
Oo waxaa sarreeya Sharafta iyo Haybadda Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas ama dhal midna
Verse 4 — Surah Al-Jinn 72:4
Oo waxay kuwa maan gaabka ahi3 ee dhexdeenna ah ka sheegaan waxyaalo xadgudub ah Allaah
Verse 5 — Surah Al-Jinn 72:5
Oo Waxaan innagu moodnay in aysan dadka iyo jinka ka been sheegin Allaah
Verse 6 — Surah Al-Jinn 72:6
Oo waxay rag ku jira insiga magan galeen rag ku jira jinka, markaasay u kordhiyeen dhib iyo culeys (dambi)
Verse 7 — Surah Al-Jinn 72:7
Oo waxay iyagu moodeen sida aad idinkuba mooddeen, inuusan Allaah soo bixineyn axadna
Verse 8 — Surah Al-Jinn 72:8
Oo waxaan innagu doonnay inaan gaarno samada, waxaanse la kulannay iyadoo laga buuxiyey ilaalooyin adag iyo danabyo
Verse 9 — Surah Al-Jinn 72:9
Oo waxaan ka fariisan jirnay halkaa rugag laga fariisto si aan u xadno maqalka, kiise (isku dayaa) inuu dhegaysto haatan wuxuu la kulmayaa danab sugaya
Verse 10 — Surah Al-Jinn 72:10
Oo ma ogin in shar lala maagay waxa jooga dhulka korkiisa, ama in Rabbigood la doonay hanuun
Verse 11 — Surah Al-Jinn 72:11
Oo waxaa naga mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo kaloo naga mid ah aan sidaas ahayn. waxaanu nahay kooxo raaca dariiqoooyin kala duwan
Verse 12 — Surah Al-Jinn 72:12
Oo waxaan ognahay inaan uga fakan karin (ciqaabka) Ilaahay dhulka, oo ugama fakan karno (ciqaabka) carar
Verse 13 — Surah Al-Jinn 72:13
Oo markaanu maqallay Hanuunka, waan rumaynay, oo mid kastoo rumeeya Rabbigi waa inuusan ka baqin khasaaro, ama inuu qabsado (dulli)
Verse 14 — Surah Al-Jinn 72:14
Oo waxaa naga mid ah kuwo hoggaansan (Muslimiin ah), oo qaarkayo waa kuwo (gaalo ah) ka leexda (Xaqa); ee mid kastoo u hoggaansan (Ilaahay), kuwaasi waxay raacaan jidka toosan
Verse 15 — Surah Al-Jinn 72:15
Oo ma xagga kuwa ka leexda (Xaqa), kuwaasu waa xaabada Naarta
Verse 16 — Surah Al-Jinn 72:16
Oo haddii ay hayn lahaayeen Jidka (toosan) waxaan hubaal ka waraabin laheyn biyo badan oo macaan
Verse 17 — Surah Al-Jinn 72:17
Si aan ugu imtixaanno. Oo mid kastoo ka jeesada Waanada Rabbigi, Wuxuu ka yeeli inuu galo cadaab sii kordheysa
Verse 18 — Surah Al-Jinn 72:18
Oo Masaajidyada waxaa leh Allaah, ee ha baryina axadna la jirka Alle
Verse 19 — Surah Al-Jinn 72:19
Oo waxay markuu addoonkaa Ilaahay istaagay isagoo baryaya, durbaba ka sameeyeen hareerahiisa is buurasho badan
Verse 20 — Surah Al-Jinn 72:20
Dheh: Waxaan uun baryayaa Rabbigay oo lama wadaajinayo axadna cibaadada
Verse 21 — Surah Al-Jinn 72:21
Dheh: Anigu idin ma hayo habow ama hanuun
Verse 22 — Surah Al-Jinn 72:22
Dheh: Cidina igama celin karto (Ciqaabka) Ilaahay (Haddii aan ku caasiyo), mana ka heli karo sokadi wax ciirsi iyo agab ah
Verse 23 — Surah Al-Jinn 72:23
(Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Allaah iyo Risaalooyinkiisa (towxiidka), oo mid kastoo caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, hubaal wuxuu mudan Naarta dabka ah, ay ku dhex waari doonaan weligood
Verse 24 — Surah Al-Jinn 72:24
Jeer markay arkaan waxa loogu gooddiyo, markaasay ogaan doonaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar
Verse 25 — Surah Al-Jinn 72:25
Dheh: Anigu ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay, ama in Rabbigay u yeeli doono waqti go’an
Verse 26 — Surah Al-Jinn 72:26
Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon, umana bandhigo ghaybkiisa axadna
Verse 27 — Surah Al-Jinn 72:27
Mid maahee uu Isagu u doorto Rasuul ahaan, markaa wuxuu hubaal u yeelaa ilaalo socota hortiisa iyo gadaashiisaba
Verse 28 — Surah Al-Jinn 72:28
Si uu u ogaado inay run ahaan gaarsiiyeen Farriimaha Rabbigood, oo waa koobaa waxa xaggooda jira, oo tira koobaa wax walba