Back to Languages

Somali - Chapter 73 - Al-Muzzammil

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Muzzammil 73:1

Midkanow iskuduuduubahayow maryaha

Verse 2 — Surah Al-Muzzammil 73:2

U kac (salaad) habeenka in yar maahee

Verse 3 — Surah Al-Muzzammil 73:3

Barkiis ama ka nusqaami in yar

Verse 4 — Surah Al-Muzzammil 73:4

Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka sida ku habboon in loo akhriyo

Verse 5 — Surah Al-Muzzammil 73:5

Hubaal Waxaanu kugu soo dejin doonnaa Hadal culus

Verse 6 — Surah Al-Muzzammil 73:6

Hubaal habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan oo aad u toosan odhaah ahaan

Verse 7 — Surah Al-Muzzammil 73:7

Hubaal waxaad leedahay inta maalinta ah howl aad u dheer

Verse 8 — Surah Al-Muzzammil 73:8

Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u go'doon go’doomid dhan

Verse 9 — Surah Al-Muzzammil 73:9

Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil

Verse 10 — Surah Al-Muzzammil 73:10

Oo u samir yeelo waxa ay yidhaahdaan, oo uga dheerow iyaga si qurxoon

Verse 11 — Surah Al-Muzzammil 73:11

Oo isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga),kuwa ladan ee nic- mada badan heysta, oo u sug in xoogaa ah

Verse 12 — Surah Al-Muzzammil 73:12

Hubaal Waxaa Xaggayaga ah silslado culus iyo dab ololaya

Verse 13 — Surah Al-Muzzammil 73:13

Iyo cunto lagu margado, iyo cadaab aad u xanuun badan

Verse 14 — Surah Al-Muzzammil 73:14

Maalinta marka dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, oo buuruhu ahaan (sida) bacaad la shubay

Verse 15 — Surah Al-Muzzammil 73:15

Hubaal Waxaanu idiin soo dirnay Rasuul, markhaati idinku ah, sida aan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon

Verse 16 — Surah Al-Muzzammil 73:16

Fircoon se wuu caasiyey Rasuulkii (loo diray Muuse c.s.), markaasaan qabannay qabasho aad u daran

Verse 17 — Surah Al-Muzzammil 73:17

Ee sidee baad isaga celin doontaan (cadaabka), haddii aad gaalowdaan, Maalin ka dhigi carruurta cirroole

Verse 18 — Surah Al-Muzzammil 73:18

Samada arrinkaa darti la dildillaaci doonto. Yaboohiisa waa mid abad fula’e

Verse 19 — Surah Al-Muzzammil 73:19

Hubaal tani wa waano, ee kii doonaa, ha u samaysto xagga Rabbigi jid (toosan)

Verse 20 — Surah Al-Muzzammil 73:20

Hubaal Rabbigaa waa og yahay inaad isku dhaafiso (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) barkiis ka mid ah, (marmarna) saddex meeloodoo meel ka mid ah, oo sidaa oo kale bay yeelaan qayb ka mida kuwa kula jira. Oo Allaah baa qaddara habeenka iyo maalinta. Wuxuu og yahay inaydaan kareyn inaad fashaan sidaas (habeenkii oo dhan), sidaa awgeed wuxuu idiinku soo noqday (si naxariis leh). Ee akhriya waxa idiin fudud oo Qur’aanka ka mid ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid ahaan doonaan kuwa buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Ilaahay; iyo kuwo kale oo u dirira Arrinka Ilaahay. Ee akhriya intii idiin fudud oo ka mid ah, oo hagaajiya salaadda oo bixiya Zakada, oo amaahsada Allaah Amaah wanaagsan. Oo waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli doontaan Allaah agtiisa; sidaas baa khayr badan oo ajar weyn. Oo weydiista Dambi dhaaf Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan