Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 74 - Al-Muddaththir
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Muddaththir 74:1
Midkani ku dadanow (dharka)
Verse 2 — Surah Al-Muddaththir 74:2
Kac oo dig
Verse 3 — Surah Al-Muddaththir 74:3
Oo Rabbigaa waa inaad weyneyso
Verse 4 — Surah Al-Muddaththir 74:4
Oo maryahaaga waa inaad daahiriso
Verse 5 — Surah Al-Muddaththir 74:5
Oo fadarada waa inaad ka fogaato
Verse 6 — Surah Al-Muddaththir 74:6
Oo wax ha u bixin si aad u hesho wax ka badan
Verse 7 — Surah Al-Muddaththir 74:7
Oo Rabbigaa dartiis , samir yeelo
Verse 8 — Surah Al-Muddaththir 74:8
Ee marka Buunka la afuufo
Verse 9 — Surah Al-Muddaththir 74:9
Taasi waxay ahaan Maalin aad u Daran
Verse 10 — Surah Al-Muddaththir 74:10
Gaalada aan u fududeyn
Verse 11 — Surah Al-Muddaththir 74:11
Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan)
Verse 12 — Surah Al-Muddaththir 74:12
Oo aan siiyey hanti aad u ballaaran
Verse 13 — Surah Al-Muddaththir 74:13
Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah
Verse 14 — Surah Al-Muddaththir 74:14
Oo aan u hagaajiyey arrinkiisa hagaag
Verse 15 — Surah Al-Muddaththir 74:15
Oo waliba wuxuu damcaa inaan u siyaadiyo
Verse 16 — Surah Al-Muddaththir 74:16
Ma jirto, hubaal wuxuu ka hor yimaadaa Aayadahayaga
Verse 17 — Surah Al-Muddaththir 74:17
Waxaan yeeli doonaa cadaab dhibaato leh inay qabsato
Verse 18 — Surah Al-Muddaththir 74:18
Hubaal waa uu fekaray, oo wax qoolay
Verse 19 — Surah Al-Muddaththir 74:19
Se nacaladi ha ku dhacdee! Sidee wax u qoolay
Verse 20 — Surah Al-Muddaththir 74:20
Mar kale, nacladi ha ku dhacdee, sidee wax u qoolay
Verse 21 — Surah Al-Muddaththir 74:21
Markaas waa uu fiirshay
Verse 22 — Surah Al-Muddaththir 74:22
Markaa wejiga kaduuday oo uruuriyey
Verse 23 — Surah Al-Muddaththir 74:23
Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay
Verse 24 — Surah Al-Muddaththir 74:24
Markaasuu yidhi: Kani wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale
Verse 25 — Surah Al-Muddaththir 74:25
Kanu ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi
Verse 26 — Surah Al-Muddaththir 74:26
Waxaan ku tuuri doonaa Saqaro (Naar)
Verse 27 — Surah Al-Muddaththir 74:27
Oo Maxaad ka og tahay waxa ay Saqaro tahay
Verse 28 — Surah Al-Muddaththir 74:28
Ma reebto waxna kamana tagto cidna
Verse 29 — Surah Al-Muddaththir 74:29
Waxay doorisaa jirka oo gubtaa
Verse 30 — Surah Al-Muddaththir 74:30
Waxaa kor jooga sagaal iyo toban
Verse 31 — Surah Al-Muddaththir 74:31
Oo kama aanu dhigin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, oo uma aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada,_si ay ehlu-Kitaabku u yaqiinsadaan, oo mu’miniintu u kororsadaan Iimaan_, oo aanay kuwaa la siiyey Kitaabka iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada u yidhaahdaan: Muxuu Allaah uga jeedaa tusaalahan? Sidaas buu Allaah u lumiyaa kii uu doono, oo u hanuuniyaa kii uu doono. Oo ma jir wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Oo (Naar) tani wax kale ma aha aan aheyn waano ku socota dadka
Verse 32 — Surah Al-Muddaththir 74:32
Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa
Verse 33 — Surah Al-Muddaththir 74:33
Iyo habeenka marka uu tago
Verse 34 — Surah Al-Muddaththir 74:34
Iyo waagu marka uu caddaado
Verse 35 — Surah Al-Muddaththir 74:35
Hubaal iyadu (Naarta) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn
Verse 36 — Surah Al-Muddaththir 74:36
Digniin ku socota dadkaa dhimanaya
Verse 37 — Surah Al-Muddaththir 74:37
Ku socota mid kastoo idinka mid ah ee doonaya inuu hormaro ama ku haro gadaal
Verse 38 — Surah Al-Muddaththir 74:38
Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay galabsato
Verse 39 — Surah Al-Muddaththir 74:39
Qolada midigta maahee
Verse 40 — Surah Al-Muddaththir 74:40
Beero gudaheed, waxay iska wareysan
Verse 41 — Surah Al-Muddaththir 74:41
Xaalka dambiilayaasha
Verse 42 — Surah Al-Muddaththir 74:42
Maxaa idin keenay Naarta Saqaro
Verse 43 — Surah Al-Muddaththir 74:43
Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada
Verse 44 — Surah Al-Muddaththir 74:44
Oo ma aannu quudin jirin miskiinka
Verse 45 — Surah Al-Muddaththir 74:45
Oo waxaanu gali jirnay waxyaalo been ahoo aan jirin la jirka kuwaa gala baadilka
Verse 46 — Surah Al-Muddaththir 74:46
Oo waxaan beenin jirnay Maalinta abaal marinta
Verse 47 — Surah Al-Muddaththir 74:47
Jeer ay noo timid geeridu
Verse 48 — Surah Al-Muddaththir 74:48
Marka shafeecada kuwa shafeeca waxba uma tari doonto
Verse 49 — Surah Al-Muddaththir 74:49
Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada
Verse 50 — Surah Al-Muddaththir 74:50
Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan
Verse 51 — Surah Al-Muddaththir 74:51
Ee ka soo cararay libaax
Verse 52 — Surah Al-Muddaththir 74:52
Bal, qof walba oo ka mid ahi iyaga wuxuu rabaa in la siiyo waraaqo fidsan
Verse 53 — Surah Al-Muddaththir 74:53
Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Ilaahay)
Verse 54 — Surah Al-Muddaththir 74:54
Mayee, hubaal waa waano
Verse 55 — Surah Al-Muddaththir 74:55
Ee mid kastoo raba ha ku waano qaato
Verse 56 — Surah Al-Muddaththir 74:56
Oo kama ay waano qaadan doonaan in Allaah doono maahee; waa Isaga Rabbiga, mudan inay aadmigu ka cabsadaan, oo mudan inuu Dambi Dhaafo