Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 75 - Al-Qiyamah
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Qiyamah 75:1
Mayee, waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha
Verse 2 — Surah Al-Qiyamah 75:2
Oo mayee, waxaan ku dhaartay nafta is eedda
Verse 3 — Surah Al-Qiyamah 75:3
Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu keeni doonin lafahiisa
Verse 4 — Surah Al-Qiyamah 75:4
Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan
Verse 5 — Surah Al-Qiyamah 75:5
Bal! Aadmiga wuxuu rabaa inuu beeniyo waxa ka horreeya (ee sugaya)
Verse 6 — Surah Al-Qiyamah 75:6
Wuxuu weydiiyaa: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha
Verse 7 — Surah Al-Qiyamah 75:7
Ee marka araggu wareero
Verse 8 — Surah Al-Qiyamah 75:8
Oo dayaxu madoobaado
Verse 9 — Surah Al-Qiyamah 75:9
Oo qorraxda iyo dayaxa la isu keeno
Verse 10 — Surah Al-Qiyamah 75:10
Aadmigu wuxuu Maalintaaas odhan: Xaggee loo cararaa
Verse 11 — Surah Al-Qiyamah 75:11
May! Ma jiro agab (meel la magan galo)
Verse 12 — Surah Al-Qiyamah 75:12
Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah
Verse 13 — Surah Al-Qiyamah 75:13
Aadmiga Maalintaas waxaa loo sheegi wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday
Verse 14 — Surah Al-Qiyamah 75:14
Bal! Aadmigu wuxuu ku ahaan doonaa markhaati naftiisa lidkeed
Verse 15 — Surah Al-Qiyamah 75:15
Inkastoo uu keeno cudurdaarradiisa
Verse 16 — Surah Al-Qiyamah 75:16
Ha ku dhaqaajin carrabkaaga si aad ugu degdegto (akhrintiisa)
Verse 17 — Surah Al-Qiyamah 75:17
Hubaal waa xil Annaga na (saaran) inaan ku ururino laabtaada oo kuu akhrino
Verse 18 — Surah Al-Qiyamah 75:18
Ee marka aan akhrinno raac akhriskiisa
Verse 19 — Surah Al-Qiyamah 75:19
Markaas Annagga bayna na saaran tahay caddeyntiisu
Verse 20 — Surah Al-Qiyamah 75:20
Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa
Verse 21 — Surah Al-Qiyamah 75:21
Oo dayacdaan Aakhirada
Verse 22 — Surah Al-Qiyamah 75:22
Wejiyo qaar Maalintaas waxay ahaan doonaan kuwo ifaya oo nuur leh
Verse 23 — Surah Al-Qiyamah 75:23
Iyagoo eegaya xagga Rabbigood
Verse 24 — Surah Al-Qiyamah 75:24
Oo Wejiyo (kale), Maalintaas waxay ahaan doonaan kuwo kuduudsan
Verse 25 — Surah Al-Qiyamah 75:25
Waxay hubtaa in laga yeeli doono inay ku dhacdo belaayo aad iyo aad u weyn
Verse 26 — Surah Al-Qiyamah 75:26
Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (iyadoo sii baxeysa)
Verse 27 — Surah Al-Qiyamah 75:27
Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi
Verse 28 — Surah Al-Qiyamah 75:28
Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda
Verse 29 — Surah Al-Qiyamah 75:29
Oo sakaraadkii loo geeyo sakaraad
Verse 30 — Surah Al-Qiyamah 75:30
Waa xagga Rabbigaa Maalintas halka laysu wadaaa
Verse 31 — Surah Al-Qiyamah 75:31
Marka ma uu rumeyn (Xaqa) mana tukan
Verse 32 — Surah Al-Qiyamah 75:32
Laakiinse wuu beeniyey (Xaqa) oo dhabarka jeediyey
Verse 33 — Surah Al-Qiyamah 75:33
Markaas wuxuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh
Verse 34 — Surah Al-Qiyamah 75:34
Dhowaa hooggaagu oo dhowaa
Verse 35 — Surah Al-Qiyamah 75:35
Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa
Verse 36 — Surah Al-Qiyamah 75:36
Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi doono bilaash (ujeeddo la'aan)
Verse 37 — Surah Al-Qiyamah 75:37
Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo
Verse 38 — Surah Al-Qiyamah 75:38
Markaas uu noqday xinjir, uu abuuray oo qaab wanaagsan u yeelay
Verse 39 — Surah Al-Qiyamah 75:39
Oo ka dhigay labo nooc, lab iyo dheddig
Verse 40 — Surah Al-Qiyamah 75:40
Miyuusan Kaasi (Allaah) awoodin inuu soo nooleeyo maytida