Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 76 - Al-Insan
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Insan 76:1
Miyuunan soo marin Aadmigu waqti waayaha ka mid ah isagoo aan aheyn wax jira oo la sheego
Verse 2 — Surah Al-Insan 76:2
Hubaal Waxaanu ka abuurnay Aadmiga mani2- yaroo nool isku dhafanta, si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka
Verse 3 — Surah Al-Insan 76:3
Hubaal Waxaanu tusnay jidka, wuxuu noqon karaa mid mahad naqa, mise mid abaal dhac badan
Verse 4 — Surah Al-Insan 76:4
Hubaal Waxaanu u diyaarinnay gaalada silsilado, heegayaal iyo dab ololaya
Verse 5 — Surah Al-Insan 76:5
Hubaal kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi doonaan galaas (khamro xalaal) ah oo lagu dheehay Kaafuur
Verse 6 — Surah Al-Insan 76:6
Il ay ka cabbi doonaan addoomaha Ilaahay oo ay burqin doonaan burqin
Verse 7 — Surah Al-Insan 76:7
Waxay oofiyaan nidarradooda, oo ka cabsadaan Maalin sharkeedu aad u faafayo
Verse 8 — Surah Al-Insan 76:8
Oo waxay ugu deeqaan cunto jaceyl ay Isaga u qabaan darti miskiinka iyo agoonka iyo maxbuuska
Verse 9 — Surah Al-Insan 76:9
(iyagoo laabta ka leh) Waxaan uu idiin quudinnaa Ilaahay Darti. idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna
Verse 10 — Surah Al-Insan 76:10
Hubaal Waxaanu ka cabsannaa Rab- bigayo (Allaah) Maalin lala il darnaan dhibaatooyin aad u badan
Verse 11 — Surah Al-Insan 76:11
Markaa Allaah wuxuu ka samata bixin sharka Maalintaas, oo siin nuur iyo farxad
Verse 12 — Surah Al-Insan 76:12
Oo ku abaal marin sabarkoodii dartiis Janno iyo xariir
Verse 13 — Surah Al-Insan 76:13
Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, kuma arki doonaan dhexdeeda kuleylka qorraxda iyo qabow badan midna
Verse 14 — Surah Al-Insan 76:14
Oo waxaa wax u dhow (ahaan doona) Hoosaskeeda, oo midhaheeda waxaa laga yeeli kuwo aad ugu dhow oo si sahal ah loo gaaro
Verse 15 — Surah Al-Insan 76:15
Oo waxaa lagula dhex wareegi weelal qalin ah iyo koobab quraarado ah
Verse 16 — Surah Al-Insan 76:16
quraarado saafi ah laga sameeyey qalin, waxay u qiyaaseen iyaga qiyaas aad ah
Verse 17 — Surah Al-Insan 76:17
Oo waxaa laga waraabin galaas (khamro xalaal ah) lagu dheehay Sanjabiil
Verse 18 — Surah Al-Insan 76:18
Il halkaa ku taal, la yidhaahdo Salsabiil
Verse 19 — Surah Al-Insan 76:19
Oo waxaa ku wareegaaleysan si ay ugu adeegaan wiilal da’ yar ah aan gaboobin. marka aad aragto, waxaad moodi luul la firdhiyey
Verse 20 — Surah Al-Insan 76:20
Oo marka aad aragto halkaa (Jannada), waxaad arki barwaaqo iyo boqortooyo aad u weyn
Verse 21 — Surah Al-Insan 76:21
Dharkoodu waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adag. Oo waxa lagu qurxin jin-jimo qalin ah oo Rabbigood wuxuu ka waraabin sharaab daahir ah
Verse 22 — Surah Al-Insan 76:22
Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, oo dadaalkiinnii waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin
Verse 23 — Surah Al-Insan 76:23
Hubaal! Annaga Naf ahaanteenna baa kuu soo waxyoonnay Qur’aaanka (Nabi Muxammadow) annagoo u soo waxyoonayna si qaybo ah
Verse 24 — Surah Al-Insan 76:24
Ee sug si samir leh Xukunka Rabbigaa, oo ha adeecin dambiile iyo abaal darne midkoodna ka mid ah iyaga
Verse 25 — Surah Al-Insan 76:25
Oo xus Magaca Rabbigaa subax iyo galabba
Verse 26 — Surah Al-Insan 76:26
Oo qaybo ka mid ah habeenka u sujuud, oo xurmo weynee oo huf in dheer oo habeenka ka mid ah
Verse 27 — Surah Al-Insan 76:27
Hubaal! Kuwakani waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, oo waxay mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin)Maalin culus
Verse 28 — Surah Al-Insan 76:28
Annagaa abuurnay iyaga, oo adkaynnay seedahooda, oo haddii aan doonno Waxaan ku beddeli karnaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan
Verse 29 — Surah Al-Insan 76:29
Hubaal tani waa waano, ee mid kastoo doonaa, ha u samaysto jid xagga Rabbigi
Verse 30 — Surah Al-Insan 76:30
Oo wax ma doontaan, in Allaah doono maahee, hubaal! Allaah waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah
Verse 31 — Surah Al-Insan 76:31
Wuxuu ka yeelaa kii uu doono inuu geliyo Naxariistiisa, oo daalimiinta (mushrikiinta,gaalada,dambiilayaasha,iwm) Wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan