Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 77 - Al-Mursalat
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Mursalat 77:1
Waa igu dabeylaha la isaga soo daba diro joogto (danaha aadmiga) awgi
Verse 2 — Surah Al-Mursalat 77:2
Waa igu dabaylaha sida daran u kaca
Verse 3 — Surah Al-Mursalat 77:3
Ee u kaxeeya daruuraha meelahooda looga tala galay
Verse 4 — Surah Al-Mursalat 77:4
Kuwa kala saara (Xaqa iyo baadilka) kala saarid dhan
Verse 5 — Surah Al-Mursalat 77:5
Misna waa igu malaa’igta keena Waxyiga
Verse 6 — Surah Al-Mursalat 77:6
Si loo caddeeyo (Xaqa), ama loo digo
Verse 7 — Surah Al-Mursalat 77:7
Hubaal, waxa la idiinku gooddiyo waa wax dhacaya
Verse 8 — Surah Al-Mursalat 77:8
Ee marka xiddiguhu beelaan nuurkooda
Verse 9 — Surah Al-Mursalat 77:9
Oo marka samada u kala dhambalmanto gaballo
Verse 10 — Surah Al-Mursalat 77:10
Oo marka buuraha la firdhiyo boor sidi
Verse 11 — Surah Al-Mursalat 77:11
Oo marka Rususha loo soo kulmiyo waqtigii loo qabtay
Verse 12 — Surah Al-Mursalat 77:12
Maalintee baa muddadaa loo qabtay
Verse 13 — Surah Al-Mursalat 77:13
Maalinta kala baxa
Verse 14 — Surah Al-Mursalat 77:14
Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay Maalinta kala baxu tahay
Verse 15 — Surah Al-Mursalat 77:15
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
Verse 16 — Surah Al-Mursalat 77:16
Miyaanaan halaagin facyadii hore
Verse 17 — Surah Al-Mursalat 77:17
Misna waxaan raacin doonnaa kuwa (facyada) dambe
Verse 18 — Surah Al-Mursalat 77:18
Sidaas oo kale baan u galnaa denbiilayaasha
Verse 19 — Surah Al-Mursalat 77:19
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
Verse 20 — Surah Al-Mursalat 77:20
Miyaanaan idinka abuurin biyo liita
Verse 21 — Surah Al-Mursalat 77:21
Markaas yeelin meel aamin ah gudaheed (riximka)
Verse 22 — Surah Al-Mursalat 77:22
Ilaa muddo go’an
Verse 23 — Surah Al-Mursalat 77:23
Sidaa baan wax u qaddarnay oo Annagaa u fiican kuwo wax qaddara
Verse 24 — Surah Al-Mursalat 77:24
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
Verse 25 — Surah Al-Mursalat 77:25
Miyaanaan ka dhigin dhulka mid qaada oo ku filan
Verse 26 — Surah Al-Mursalat 77:26
Kuwa nool iyo kuwa mowtanba
Verse 27 — Surah Al-Mursalat 77:27
oo ka yeelin dhulka dhexdiisa buuro sugan oo dhaadheer, oo aan idinka waraabinin biyo macaan
Verse 28 — Surah Al-Mursalat 77:28
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
Verse 29 — Surah Al-Mursalat 77:29
Aada waxaad beenin jirteen
Verse 30 — Surah Al-Mursalat 77:30
Aada hoos (qiiqa Naarta ah) oo seddex laamood leh
Verse 31 — Surah Al-Mursalat 77:31
Oo aan harsi laheyn, waxnana ka tareyn ololka dabka
Verse 32 — Surah Al-Mursalat 77:32
Hubaal Waxay (Naartu) tuurtaa dhimbilo daran oo daaro oo kale ah
Verse 33 — Surah Al-Mursalat 77:33
Aad mooddo awr aydin ah
Verse 34 — Surah Al-Mursalat 77:34
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
Verse 35 — Surah Al-Mursalat 77:35
Kanu waa Maalin aysan hadli doonin
Verse 36 — Surah Al-Mursalat 77:36
Oo aan idan la siin doonin si ay u cudurdaartaan
Verse 37 — Surah Al-Mursalat 77:37
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
Verse 38 — Surah Al-Mursalat 77:38
Kani waa Maalinta kala Baxa. Waa idin soo kulminnay idinka iyo kuwii horreeyeyba
Verse 39 — Surah Al-Mursalat 77:39
Ee haddii aad tab degtaan, haddaba tab dega Aniga lidkay
Verse 40 — Surah Al-Mursalat 77:40
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
Verse 41 — Surah Al-Mursalat 77:41
Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan hoosas iyo ilo
Verse 42 — Surah Al-Mursalat 77:42
Iyo midho_waxay doonaan ah
Verse 43 — Surah Al-Mursalat 77:43
Cuna oo cabba si raaxo leh waa waxaad camalsan fali jirteen darteed
Verse 44 — Surah Al-Mursalat 77:44
Sidaas oo kale baan u abaal marinnaa sama falayaasha
Verse 45 — Surah Al-Mursalat 77:45
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
Verse 46 — Surah Al-Mursalat 77:46
Cuna oo raaxeysta in yar. Hubaal, waxaad tihiin denbiilayaal
Verse 47 — Surah Al-Mursalat 77:47
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
Verse 48 — Surah Al-Mursalat 77:48
Oo marka lagu yidhaahdo: Rukuuca ma ay rukuucaan
Verse 49 — Surah Al-Mursalat 77:49
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
Verse 50 — Surah Al-Mursalat 77:50
Ee warkee bay kan kaddib iyagu rumeyn doonaan